Taliyihii Ciidamada Booliska Cali Saciid oo ku nafwaayay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.
Taliyihi Ciidamada Booliska Gobolka Gobolka Banaadir General Cali Siciid Sheekh Xasan ayaa ku nafwaayay dagaallo lixaad leh oo saaka ka qarxay qeybo kamid ah degmada Hodon, iyadoona dagaaladaasi ay hadda u muuqdaan kuwo xooga qaboobay.
Geerida Janaraal Siciid ayaa waxaa xaqiijiyay saraakiil katirsan Ciidamada Booliska kuwaasi oo sheegay in dhaawac kuso gaaray dagaalka uu ugu geeriyooday Cusbitaalka Madiina iyagoona ka gaabsaday faah faahin dheeraad ah.
Ciidamada dawladda KMG ah ayaa saaka weerar kusoo qaaday fariisimayaal ay xoogaga Islaamiga ah ku lahaayeen degmada Hodon,
Iyadona halkaasi uu ka qarxay dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Waxaa wararku ay sheegayaan in hadda xaaladu degan tahay isla markaana ay u muuqdaan dagaalladu kuwa ka qaboobay sidi hore ee saaka ay ku billowdeen, mana la sheegi karo hadii ay sii laba kacleyn doonaan.
Ahlu Sunna Wal-jameeca oo jawaab kulul ka bixisay Qabuuro bur burin ka socotay maalintii 10-aad Gobolka Gedo, wacadna ku mareen in ay ficil sameyn doonaan.
Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa jawaab kulul ka bixiyeen howlgal Qabuuro Bur burin ah oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ka wadaan maalintii 10-aad Gobolka Gedo.
Afhayeenka dariiqada Ahlu Sunna Wal-jameeca Degmada Baardheere Sheekh C/laahi {Al-qaadi} oo warbaahinta la hadla ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falka bur burinta Qabuurayaasha ku yaala Gobolka Gedo
Afhayeenka waxa uu sheegay in bur burinta Qabuurayaashaasi ay yihiin qandaraas ay soo qaateen xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyey Afhayeenka in ay doonayaan sidii ay ku nabaad guurin lahaayeen Dhulka dadka noolna ku barakacin lahayaeen, hase yeeshee ay ka hortagi doonaan.
Waa qandaraas qaatayaal lacago ku soo qaateen in ay qabuurayaasha faagaan oo ay gataan lafaca Culumada iyo dadka magaca ku lahaa Dariiqada Ahlu sunna wal-jameeca” ayuu yiri Sheekh C/laahi {Al-qaadi}.
Afhayeenka waxa uu xusay in ay dhawaan samayn doonaan fal ficil ah oo ay kaga hortagi doonaan bur burinta Qabuurayaasha ee laga wado Gobolka Gedo, sida uu yiri.
Hadalkan ka soo yeeray Dariiqada Ahlu sunna wal-jameeca ayaa ku soo beegmaya xili maalintii 10-aad howlgalo bur burin Qabuuro ay ka socdaan Masaajid weyn oo ku yaala gudaha Degmada Baardheere, xarakada Mujaahidiinta Al-shabaabna ay sheegeen in Qabuurayaashi ay yihiin la dagaalanka Shirkiga, ilaa ay ka suuliyana ay sii wadi doonaan howlgaladaasi.
Waxaa jira Barakac cusub ayaa saaka ka bilowday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis, kadib markii dagaaladii maalmahan ay ku soo fideen saameyn ballaarana ku yeesheeen.
Dadka fara ku tiriska ee sugan xaafadaha Yaaqshiid ayaa bilaabay inay isaga baxsadaan xaaladaha ka taagan Degmadaas ee dagaalada ka oogan, waxaana dadka ka qaxaya ah kuwo markii hore ku dhabar adeegayay guryahooda, balse markii sheekada xumaatay ay ku qasabtay inay isaga baxaan.
Sidoo kale qeybo ka tirsan Degmada Kaaraan oo iyana dagaalka saameeyay ayaa waxaa ka soconaya barakac kii ugu ballaarnaa, waxaana tani ay ka dambeysay, kadib markii shalay dagaal xoogan uu ka dhacay Xaafada Jamhuuriya ee Degmadaas.
Waxaa kaloo saaka iyana barakac ka socdaa Xaafado ka tirsan Degmada Shibis oo ay cabsi ka jirto in dagaalka ku soo siqo, waxaana dadka baxsanaya oo isugu jira haween iyo caruur ay sheegeen inay guryahooda isaga cararaan, inta aanay dagaalka ku soo dhowaanin.
Goobaha ganacsiga ee ku teedsan Wadada Wadnaha ayaa iyana waxaa ka bilowday alaab rarasho ay wadaan ganacsatada, waxaana Isgoyska Sanca oo ah mid ganacsi xowli ka jiray saaka laga dareemay cidlo aad u baahsan iyo ganacsatada mehradaha ku leh oo alaabahooda ka daad gureysanayay.
Xaafadaha sida weyn barakaca uga socda ayaa waxaa ka mid ah Arjantiin, Jamhuuriya, Suuq Bacaad , SII SII iyo Tookiyada yaaqshiid, waxaana dadka ay kuu sheegayaan in aanay garaneyn xilligan meel ay maciinsadaan, oo aan ka aheyn duleedyada Magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee Xaalada Degmada Yaaqshiid oo saaka ah mid degan, ayaa hadana degenaanshahaas aheyn mid la isku haleyn karo, waxaana wali is hor fadhiya dhinacyadii dagaalamayay, oo daqiiqad kasta ay suura gal tahay inay dirirtu ka dhex bilaabato.
Madaxweynaha Dalka Libiya Col. Mucaamir Al-Qadaafi ayaa taageeray falalka afduubka Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida ku qafaashaan maraakiibta, isagoona tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci ah.
Isagoo ka hadlay Col. Qadaafir Kulanka wadamada ku bahoobay Saaxil iyo Saxafaraha oo ka furmay Magaalada Sabratha ee dalka Lbiya ayuu waxaa uu difaacay afduubyada loo geysto Maraakiibta shisheeye ee isticmaala xeebaha Soomaaliya.
Col. Qadaafi ayaa sabab uga dhigay afduubka Maraakiibta ixtiraam la'aan ku aadan biyaha Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xadgudbaan Maraakiibta, si sharci darana lagu kaluumeysto.
Madaxweynaha Libiya waxaa uu falalka Burcad badeeda ku tilmaamay kuwo sharci ah oo lagu difaacayo kheyraadka Badda Soomaaliya oo ay boobka ku hayaan buu yiri wadamo shisheeye oo uu farta ku goday kuwa reer galbeedla sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay Qadaafi in dhowaan uu uu gudbin doono Qaramada Midoobey hindise ku aadan falalka burcad badeednimada, taasoo uu ku saleyn doono in burcad badeednimada ay ka dhalatay ixtiraam la'aan iyo xad gudub lagula kaco Biyaha Soomaaliya iyo Kheyraadka ku jira.
Hey'ad Caalami ah ayaa dhowaan sheegtay in inta badan kooxaha wax afduubta ay ka soo askumeen kaluumeysato ka jilaaban jirtay Xeebaha, taasoo markii dambe keenay inay isu badalaan burcad badeedk, kadib markii Maraakiibta shisheeye ay ka bur buriyeen shabaagtii ay wax ku afduuban jireen doomahoodiina ay jiireen.
Waa Hogaamiyihii u horeeyay ee ka tirsan dalalka Carbeed oo taageera falalka kooxaha burcad badeedka kula kacaan afduubka Maraakiibta, iyadoona xilligan indhaha Beesha Caalamka uu mar kaliya u soo jiheystay afduubyada Maraakiibta loogu geysto xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed, taasoo keentay in Maraakiib dagaal oo ka socda dalal dhowr ah ay ka howl galaan biyaha Soomaaliya, si ay kaga hortagaan Burcad badeedka xargaha goosatay.
Ahlu-Sunah Waljamaac oo duulaan kusoo eh Ceelbuur iyo Maxaas, Ethiopiana Hub soo siisay.............
Gobolka G/gaduud wararka nooga imaanaya ayaa waxaay sheegayaan in ay la wareegeen Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa sheegaya in Dhamaan Gobalka Gagaduud ee Degmada Ceelbuur.
Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa dagaalo adag kula jira Xoogaga Alshabaab, iyagoo horay uga soo itaal roonaaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka, kadib dagaalo soo bilowday dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.
Xogta ay heleen Camaloow.com ayaa lagu sheegayaa in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay saanad milateri uga timid deegaano ka mid ah Caabudwaaq iyo Balanbale, halkaasoo u dhow deegaanada ismaamulka Ethiopia, waxaana la sheegay in saanado milateri ay soo gaareen, kaasoo uga yimid dhinaca Itobiya .
Madaxda Ahlu Sunah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe Sheekh C/risaaq Al-Ashcari ayaa sheegay in howl galkooda uu yahay gabo gabo, isla markaana gobolka oo dhan ay ka sifeyn doonaan Kooxda Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu sheegay in horay ay ula soo wareegeen Deegaanada Wabxo, Dari iyo Dac, waxaana uu tilmaamay in haatan ay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur oo ah degmada kaliya ee u hartay Alshabaab, marka laga reebo Degmada Ceeldheer oo ay ku sugan yihiin qaar ka tirsan Xoogaga Mucaaradka ah.
Xitaa Labadan dhinac ayaa horay ugu dagaalamay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaasoo ahaa kii ugu xooganaa ee halkaas ka dhaca.
Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa hada gacanta ku haaya Xaruntii Gobolka G/gaduud ee Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo deegaano kale, waxaana Culumaa'udiinkan oo horay aan u hubeysneyn ayaa sida muuqata waxay haatan taageero milateri ka helaan Cadawga somalia.
Warar Xog-Ogaal ah oo sheegayaa Sifadii uu ku Cararay Indhacade iyo Xasan Daahir Qodobadii Laduldhigay.
Warar xog-ogaal ah oo aynu helney shir ay xalay isugu yimaadeen dagal-oogayaasha diimeed ee colaadda ka wada Soomaaliya Xasan Daahir, Xasan Turki, Abuu Mansuur Axmed Godane iyo Cumar IImaan ayaa sheegaya in fashil iyo is faham waa uu ku dhamaadey
Wararka ayaa sheegaya Shirka oo ay ku hungoobeen Xasan Daahir iyo iyo Cumar Iimaan ayaa waxa kasoo baxay wax aysan hore u filayn markii Xasan Turki iyo wakiil ka socdey Mukhtaar Robow ay sheegeen inay gacanta ku hayaan gobollada Jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool ee la weydiiyey Xasan Daahir iyo Cumar Iimaan waxa ay haystaan ee ay doonayaan inay dad ku darsadaan. Wakiilkii Mukhtaar Roobow shirka uga qayb galay ayaa weydiiyey
Xasan Daahir 'maliishiyadeyda ayaa Xamar ka dagaalamaysa war ma ahan annakaba ciidan waa naga joogaa ee halkeed xukuntaa Xasanoow?.
Waxaa si cad loogu sheegey inay ku wareejiyan Hubkooda Al-Shabaab ama Maamulka Jubbooyinka. Warkaas ayaa la sheegey inuu aad uga caroodey Aweys uuna warbixintii gaarsiiyey Indha-Cadde oo markiiba Aad ugu baqsanaa in ay xoog kagaqaataan hubkiisa, Wuxuuna goaansaday in nafkaraadiyo Dowlada. Shirkii ayaa la sheegey inuu sidaas ku burburey oo lagu kala tegey.
Guuxa Diyaarada AC-130 oo dadka reer Muqdisho caawa ka seexan la' yihiin, iyadoo joog hoose ku duuleysa..........
Diyaaradda AC-130 fiidnimada ayaa caawa bilawday in ay joog hoose iyadoo ku duulaysa ay dul wareegto Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradu ay jahwareer ku riday dadka Magaalada oo habeenadan ka jiifan dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda, kuwa Maxkamadaha oo wada socda iyo Shabaabka iyo Xisbul Islaam oo hal dhinaca ah.
Wariye jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu leeyahay Diyaaraddu 6 tii daqiiqo 2 jeer ayay dul maraysaa Hawada Magaalada,mararka qaarna Diyaaradu waxaad moodaa in ay hoos u soo dhawaanayso.
Magaalada Muqdisho ayaa Maalmahan waxaa ka socday dagaal saf ballaaran ah oo kooxo Islaamiyiin hubeysan oo Somali ah balse ay ka barbar dagaalamayaan dagaalyahano shisheeye oo markii ugu horeysay iyadoo aan qaris lahayn lagu arkay xaafadaha Magaalada iyo Ciidamada daacada u ah Dowladda KMG ah.
Ciidamo Ethiopian oo gudaha u soo galay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, dadna ka qab qabtay.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa shalay gelinkii gudaha u soo galay deegaano ka tirsanGobolka Hiiraan, halkaasoo la soo sheegayo howl gallo ay ka sameeyeen ku qab qabteen dad dhowr ah.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada B/weyn oo xarun u ah Gobolka Hiiraan ayaa waxay tilmaamayaan in Ciidamada Ethiopianka oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo kuwa gaashaaman, waxaana ay ka yimaadeen dhanka Feer Feer ee ismaamulka soomaalida Ethiopia.
Deegaanada lagu arkay Ciidamada Ethiopianka ayaa la sheegay inay kala yihiin Deefow, Cagaarey iyo Cali Ganey oo hoos yimaada gobolka Hiiraan, waxaana ay Ciidamada ay deegaanadaas ka qab qabteen dad u badan xoolo dhaqato.
Lama oga sababta ka dambeysa soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia oo bilowgii sanadkan ka baxay guud ahaan dalka, kadib markii ay dagaalo kala kulmayeen kooxo kacdoon wadayaal ah mudadii labada sano ee ay ku sugaanaayeen qeybo ka tirsan dalka.
Maamulka ka jira Gobolka Hiiraan iyo Dowladda KMG ayaa wali ka hadal soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia ee qeybo ka tirsan gudaha Soomaaliya, iyadoo ay Ciidamada Ethiopia ay caado u aheyd sanadihii u dambeeyay soo gelitaanka dhulka Soomaaliyed, maadaama Dowlad dhexe oo awood leh aanay dalka ka jirin.
Xiisad iyo dhiilo colaadeed ayaa ka taagan Magaalada Galkacyo, kadib markii shalay gelinkii lagu dilay Ganacsade caan ka ah Magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in dilka Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xirsi Nuur uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaanay Magaalada, isla markaana dilkiisa ay dad badani ka caroodeen.
Dilka Ganacsadahan oo ka dhacay K/Galkacyo ayaa wali waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan, waxaana Kooxaha dilka u geystay ninkan la sheegay inay ka kaxeysteen gudaha Magaalada, dabadeedna ay ku dileen Duleedka Magaalada.
Ehelada ninka la dilay ayaa sheegay in si bareer ah loo dilay, inkastoo aysan jirin cid ay ku eedeeyeen, hadana waxaa Maamulka K/Galkacyo uu sheegay inay soo qaban doonaan kooxihii ka dambeeyay.
Dilka Ganacsadahan loo geystay ayaa xiisad ka abuurtay K/Galkacyo, waxaana socda dadaalo kala duwan oo loogu jiro sidii loo xakameyn lahaa Xiisada oo ay wadaan ehelada uu ka soo jeeday ganacsadaha la dilay.
Maamulka Maxkamadaha ee G/Sh/Dhexe oo heshiis rasmi ah la galay Hey'adaha Deeqaha bixiya, kadib markii ay shalay soo gaareen Magaalada....................
Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa heshiis rasmi ah la galay Hey'adaha deeqaha bixiya, kadib markii ay shalay soo gaareen Magaalada Jowhar Wafdi ka koobnaa wakiil ka socday qaar ka mid ah Dalalka deeqaha bixiya iyo Hey'adda UNOCHA.
Wafdiga ka socday Hey'adaha deeqaha bixiya ayaa ujeedada ugu weyn ee ay u tageen Magaalada Jowhar waxaa lagu sheegay u kuur gelida mashruucyo kala duwan iyo kaalmooyin bani'aadanimo oo ay Hey'adaha sama falka ka hirgeliyeen Gobolka.
Sida ay sheegayaan wariyeyaasha ku sugan Magaalada Jowhar Wakiilada ka socda Hey'adahan ayaa sidoo kale u soo gaaray Magaalada Jowhar xalinta khilaafaad u dhaxeeya Hey'adaha sama falka iyo Maamulka Gobolka, iyadoona uu is afgarad dhex maray labada dhinac.
Xubno uu horkacayay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee G/Sh/Dhexe C/llaahi Macalin Biis ayaa ugu dambeyn kulan saacado qaatay la yeeshay Wafdiga ka socday dalalka deeqaha bixiya iyo Hey'adda UNOCHA, iyadoona heshiis ka kooban qaabka wada shaqeyneyd ee Hey'adaha sama falku iyo Maamulka Gobolka kala saxiixday.
Heshiiskan ayaa ahaa mid horay u dhex maray Maamulkii la riday ee ka jiray Gobolka Shabellaha Dhexe sanadkii 2005-tii, waxaana uu ahaa mid dib loogu cusbooneysiinayay Heshiiska oo ahaa mid ay horay u wada galeen Maamulkii Maxamed Dheere ee ka talinayay Gobolka iyo Hey'adaha Sama falka.
Wafdigan ka socday Dalalka deeqaha bixiya waxaa horkaceysay Haweeney lagu magacaabo Mss Kitty, kuwaasoo booqday xerooyin dad lagu barakacay oo ay Hey'adda UNICEF kaalmooyin gaarsiiyay iyo Cusbitaalka guud ee Magaalada Jowhar, iyadoona wafdiga ay isugu jireen Wakiilo ka socday Dalalka Holand, Ireland, Spain iyo Norway.
Maamulka Maxkamadaha ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa horay u sheegay inay sugayaan ammaanka hey'adaha sama falka, iyagoona ka codsaday inay ka howl galaan Gobolka, oo mudooyinkii u dambeeyay ay hey'aduhu ka shaqeyntooda ay gaabis ku aheyd.
Dowladii uu madaxda ka ahaa Cabdulaahi yuusuf ayaa markii ay soo gashay dalka waxa lagu bilaabay ugaarsi laga dilay dad badan oo ka mid ahaa iyadoo dhowr maalin ka dib la maqlayay waxa la dilay nin ka tirsan dowlada TFG_da.
Markii ay meesha ka baxaday Dowladii uu madaxweyaha ka ahaa Mr.yuusuf ayaa waxa dalka loo soo dhisay Dowlada uu madaxda ka yahay shariif sheekh axmed iyo saraakil badan oo maxakiimta ah oo ku biiray nadaamkaasi.
Hada waxa muuqata in ninkasta oo ka mid ah dowlada ha kayimaado maxaakiimta ama meel kale ayaa waxa meel u taala in madaxa looga dhufto bistoolad sidii nidaamkii Tfg-da lagu jahwareeriyay.
Arinta dilalka ah ayaa waxa aan si toos ah loo ogeyn cida ka danbeysa mana jirto cid wali si toos ah u sheegatay in ay ka danbeeyaan dilalka lagula kacayo dad bulshada muhiim ah.
Sidoo kale waxa si aad ah loogu wareersan yahay goorta dilka uu ku bilaawday rag ka tirsanaa nidaamkii looga soo horjeeday ciidamada itoobiya kuwaas oo xal u arkay in ay ka mid noqdaan dowlada in ay naftoodii ku waayayaan.
waxaa kalo jirta in wasiirka arimaha gudaha ee dowladan C/qaadir cali Cumar uu ahaa sarkaal xaga Muqaawamada waxa la isku dayay in lagu dilo weerar qarax lakiin waa uu ka badbaaday.
Ugu danbayntii waxaa jira dad wali sheegaya in ay ku jiraan liis dad la doonayo in la khaarajiyo sababo xaga nabad qaadasho ay ku dhawaaqeen darteen kuwaas oo maalmahaan qeylo dhaaantooda ka socoto in lagu maqan yahay sidii loo dili lahaa.
Ururka Alshabaab oo sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta Magaalada Muqdisho heyb ahaan iyo deegaan ahaan...............
Ururka Alshabaab ayaa jawaabo kulul ka bixiyay hadalo maalmihii u dambeeyay ka soo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo ay ku sheegeen in Magaalada Muqdisho ay dagaalo ka wadaan dad aan u dhalan oo Goboladooda ay nabad doon yihiin.
Ninka Alshabaab ugu qeybsan Arrimaha Siyaasada iyo Gobolada Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta Magaalada Muqdisho heyb ahaan iyo deegaan ahaan, isagoona sheegay in Magaalada ay tahay magaalo ay wada degan yihiin dad Muslimiin ah sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa sidoo kale ka digay dagaalo ay qorsheyneyso Dowladda KMG inay ku qaado xoogaga ka soo horjeeda, waxaana uu sheegay in Dowladda ay faafineyso waxa uu ugu yeeray dimoqraadiyad.
"Qolooyinkaan Dowladda sheeganaya, waxay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Mujaahidiinta, maxaa yeelay waxay bilaabeen inay dacaayado naga fidiyaan"ayuu yiri Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo xalay shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho.
Mas'uulkan ayaa si kulul u cambaareeyay socdaalkii Senatorka ka tirsan Congress-ka Mareykanka ku yimaaday Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inay wax laga xumaado tahay in walaal lagu tilmaamo nin gaal ah, isagoona sheegay in Mareykanka uu doonayo inuu Dowladda ku dhiira geliyo faafinta dimoqraadiyada sida uu hadalka u dhigay.
"Magaalada Muqdisho waxaa wada degan dad Muslimiin ah, marka laga reebo Murtadiin iyo gaalada sida Ugandeska iyo Burundeska, cid si gaar ah u sheegan karta ma jirto"ayuu yiri Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo si adag u difaacay joogitaanka Caasimada qolooyinka lagu sheegay inay u dhalan.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray Ururka Alshabaab ayaa ah kii ugu kululaa ee ay soo saaraan, isla markaana ay ku cadeeyaan mowqifkooda, iyagoona sheegtay Weeraradii lagu duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli uu ka dhoofayay Senator Mareykan ah.
Madfac habow ah oo goor dhoweyd ku dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan........
Ilaa lix qof ayaa ku dhaawacantay Madfac habow ah oo saaka ku dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan, kaasoo aan la ogeyn halka uu ka yimid, waxaana mar kaliya kala cararay dadkii ku sugnaa qeybo ka mid ah Degmada Hodan.
Sida ay sheegayaan wararka Madfacan habowga oo ahaa Hoobiya ayaa ku dhacay agagaarka Xero Ruush ee degmada Hodan, waxaana ku dhaawacantay lix qof oo uu ku jiray canug yar iyo haweeney, inta kalena ay ahaayeen Rag.
Gawaarida gurmadka deg dega ee loo yaqaan Ambalaaska ayaa durba gurmad u fidiyay dadkaas oo qaarkood dhaawacooda ahaa mid aad u liita, waxaana lala cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xilliga Madfacu ku habsanayay agagaarka Xero Ruushka ee Degmada Hodan ayaanu jirin wax isku dhac ama iska hor imaad oo socda, inkastoo maalinimadii shalay iska hor imaad kooban uu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Hodan, gaar ahaan Kulyadii hore ee Jaalle Siyaad, halkaasoo fariisin u ah Ciidamada AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee Madaafiicda habowga ah ee ku dhacaya Xaafadaha Degmada Hodan ayaa ah mid dadka sii gelisa dareen cabsiyadeed, xilli dadka ay rajo ka qabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
War deg deg ah: Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo goor dhow lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho......
Mid ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ballaaran ayaa goor dhow lagu dhaawacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku weerareen agagaarka Hoygiisa.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Caamir Maxamed Shakeeti ayaa daawaciisa loola cararay Cusbitaalka Keysaney, iyadoona kooxihii weerarka la beegsaday ay cagta wax ka dayeen.
Goobta lagu dhaawacay Xildhibaanka oo ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa halkaas ka bilaabay baaritaano, inkastoo aanay u suura galin inay soo qabtaan kooxihii weeraray xildhibaanka.
Mudahanan ayaa noqonaya mudanihii u horeeyay ee la weeraro tan iyo markii la soo dhisay Dowlad wadaag ay ku mideysan yihiin Dowladdii TFG-da iyo Mucaaradkii Isbaheysiga Dib u Xoreynta, waxaana horay u jiray ilaa saddex xildhibaano oo dilal qorsheysan lagu dilay xilligii Baarlamaanka uu fariisinka ku lahaa Magaalada Baydhabo.
Kooxo Hubeysan oo xalay weerar qorsheysan ku qaaday fariisin Xoogaga Alshabaab ku lahaayeen Degmada Baardheere.
Kooxo Hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisin ay Ururka Alshabaab ku lahayaeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan
Kooxahan weerarka qaaday ayaa sida la sheegay ahaa kuwo taabacsan Culumaa'udiinka Ahlu Sunnah Waljamaacah, iyadoona weeraray labo goobood oo ay ku sugnaayeen Xoogaga Alshabaab gudaha Degmada Baardheere.
Fariisimaha lagu weeraray Ciidamada Alshabaab ayaa waxaa ka mid ah Buundada Degmada Baardheere iyo agagaarka Masaajidka Awoow oo ay ku sugnaayeen Shabaabku.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in weerarkaas uu geliyay khal khal iyo cabsi, iyagoo sheegay in weerarkaas labada dhinac ay isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sarkaal u hadlay Ururka Alshabaab oo la yiraahdo Faarah Xiish ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska caabiyeen, isla markaana ay goobtii laga soo weeraray ay ka haleen qoryo, waxaana uu tilmaamay in dhiig badan uu ku yiil dhulka sida uu sheegay.
Lama oga ilaa iyo hada cid wax ku noqotay iska hor imaadkan oo ah kii u horeeyay ee lagu soo hujuumo Ururka Alshabaab oo ka mid yahay garabyada Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya, wuxuuna weerarkan muujinayaa in gacan saddexaad ay Ururka Alshabaab kula loolameyso Gobolka Gedo.
Dhowr todobaad ka hor ayay aheyd markii Dagaalo uu ku dhex maray Duleedka iyo gudaha Baardheere Xoogaga Alshabaab iyo Kooxo taabacsan Culumaa'udinka Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana dagaalkaas uu yimid kadib markii Alshabaab is hortaageen Xus ay Culimada ku maamuusayeen dhalshada Nabdi Muxumad (NNKH).
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Madaxweyne Shariif oo hadda ku sugan Nairobi uga sii socdaali doona maalinta beri dalka Liibiya si uu ula kulmo Col. Qadaafi.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu u kicitimo dalka Liibiya Caasimadiisa Tiripoli si uu halkaasi ugula kulmo Hogaamiyaha dalka Liibiya Col. Mucamar Muxamed Alqadaafi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya .
Col. Qadaafi oo ah xilligan Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa ayaa laga filayaa inuu ku dhawaaqo inta uu kulanka uu la leeyahay Shariif Sheekh Axmed inuu ku dhawaaqo yabooh lacageed oo lagu taageerayo hanaanka dib u heshiisiineed ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay wado.
wararka ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Madaxweyne Shariif oo muddo laba cisho ah socdaal ku joogi doona Magaalada Tiripoli uu uga sii gudbi doono dalka Suudaan Caasimadiisa Khartuum , halkaasoo uu kula balansan yahay Madaxweynaha dalka Suudaan Gen. Cumar Xasan Albashiir oo ay ka wada hadli doonaan xaaladaha iminka ka soo cusboonaaday Maxkamadda Dambiyadda dagaalka ee Heigue , iyadoo la ogsoon yahay in Madaxweyne Shariif dhambaal qoraal ah uu laba todobaad ka hor gaarsiiyay Safaaradda Suudaan ee Muqdisho uu ku sheegay inuu taageersan yahay Madaxweynaha iyo Shacbiga Suudaan , wuxuuna ku booriyay dadka reer Suudaan inay muujiyaan midnimo si ay uga hortagaan go'aankaasi cadaawada xambaarsan , una guntadaan samatabixinta dalkooda iyo dadkooda.
Booqashooyinka Madaxweyne Shariif uu ku kala bixin doono dalalka Liibiya iyo Suudaan kolka ay soo afmeermaan ayaa waxaa la qorsheeyay in Madaxweynaha uu kolkii ugu horeeyay dhamaadka bishan ka qeybgalo kulan madaxeedka carbeed ee ka furmaya dhowaan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar .
shalay ayey aheyd markii ay u soo dhamaatay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed socdaal 10 maalmood qaatay oo uu ku kala bixiyay wadamada kenya , Burundi , Uganda iyo Ruwanda , waxaana uu shalay ku soo laabtay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya .
ilo wareed ayaa waxay sheegayaan in xalay kulan gaar ah Madaxweynaha uu kula qaatay Magaalada Nairobi Safiirka Mareykanka uga wakiil ah dalka kenya Michael Ranberg oo uu Sheekh shariif u bandhigay baahida dowladiisa ay uga baahan tahay Mareykanka ee ku aadan dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Michael Ranberg ayaa dhankiisa Sheekh Shariif iyo Dowlada uu hogaaminaya ka dalbaday inay dadaal dheeraad ah u galaan sidii Dowladda KMG ah loogu soo dabaali lahaa Kooxo ka soo horjeeda nidaamkiisa gaar ahaan kuwa Qunyar socodka ah waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sidoo kale sheegay in dhankooda diyaar la yihiin taageero dhan walba oo u fidiyaan Dowladda KMG ah ee cusub, basle ma aanu carabaabin waxa ay taageeradaasi noqoneyso.
W/diyaariyay : Ali Abdi Ali "Suheifa" asuheifa@hotmail.com Mogadishu-Somalia
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Wararkii u dambeeyay Dagaalo mar kale saaka dib uga qarxay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur.
Dagaal ayaa saaka mar kale saaka dib uga qarxay deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo shalay ilaa xalay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Suufiyada ee Ahlu Sunah Waljamaacah.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo daba jooga dagaaladii dhowaan Gobolka G/gaduud ku dhexmaray labadaas dhinac ayaan faah faahin rasmi ah laga heyn, inkastoo dagaalka uu markii hore ka dhacay Tuulo u dhow Ceelbuur oo lagu magacaabo Wabxo.
Dagaalada saaka dib uga bilwoday tuulooyin ku dhow dhow Ceelbuur ayaa la sheegay inay geysteen dhimashada ugu yaraan 10 ruux oos ida la rumeysan yahay ay ku jiraan dhinacyadii dagaalada.
Waxaa xadidan wararka laga heli karo dagaalada, maadaama qadka isgaarsiinta uu yahay mid aad u xun, waxaana Saraakiil u hadashay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ay sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Kooxda Alshabaab.
Dagaalka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya Deegaanada Goboka G/gaduud, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalo kale ay ka sii qarxaan deegaano hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka ku dhow dhow.
Horay ayay labadan dhinac dagaalo ugu dhex mareen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kaasoo aaqirkii shabaabka looga itaal roonaaday lagana wareegay gacan ku heynta labadaas degmo.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com

Kafiiri wararkii Hore Halkan
Video waxaa ka eegtaa halkan Dhegeeyso _Sh, Abuu Zubeyr

|