Ka dhageeyso   BBC
11:00-11:10
14:00-15:00
18:00-18:30

 

 

  Somali  Links D

 

 

 

 

   Somali  Links s

 

    

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Inka badan 11-qof oo ku geeriyootay shil gaari oo kadhacay gobolka Sh/dhexe.
 
Inka badan 11-qof oo rakaab ah ayaa ku geeriyootay 18-qofna waa ku dhaawacmeen shil gaari oo kadhacay inta u dhexeysa deegaanka Xaanshooley iyo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Gaariga xamuul ah oo ay la socdeen dad fara badan ayaa rogmaday, waxaana markaasi halkaasi kadhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ee magaalada Jowhar ayaa ku baxay goobta uu gaarigu ku rogmay, waxaana ay gurmad u sameeyeen dadkuu ku waxyeeloobay shilka gaari.

Dhaawacyada inka badan18-qof ayaa la gaarsiiyeey isbitaalka magaalada Jowhar halkaas oo ay buuxdhaafiyeen dadweynaha magaalada jowhar oo u soo gurmay dadka shilka wax ku noqday.

Gaariga rogmaday ayaa siday tan ka badan kii loogu tala galay, waxaana la sheegay inuu ku rogmaday waddo aad u burbursan oo gaadiid fara badan ay horey ugu rogmadeen.

Si kastaba ha ahaatee khasaaraha ka dhashay shilka gaari ayaa wararku qaar ay sheegayaan inay intaas kabadan karaan oo ay jiraan dad ku hoos jira gaariga rogmaday.
 
 
 
 
 
 
  • Munaasabad Xarigga looga jaray dhismo cusub oo ay ku shaqeyn doonto Shirkada Xawaaladda Amaana Online oo lagu qabtay Beledweyne

 

 


Khamiis, July 24, 2008(HOL): Munaasbada oo ay ka soo qeyb-galay inta badan shirkada Xawaaladaha ka howl-gala Gobalka Hiiraan, qeybaha Ururada Bulshada rayidka iyo xubno ka tirsan duubabka dhaqanka ayaa markii ugu horeysay Xariga looga jaray dhismo cusub oo ay ku shaqeyn doonto Shirkada Xawaalada Amaana Online oo ka mid ah Shirkadaha ka howl-gala Gobalka Hiiraan.
 
Maareeyaha Shirkada C/shakuur Cali oo ka hadlay Munaasabada iyo warbixin kooban waxaa uu ka siiyay ka soo qeyb galayaasha marxaladihii kala duwanaa  oo ay soo martay shirkada mutadii ay jirtay isaga oo xusay in marba heer la soo maray ilaa markii danbe ay gaarto shirkadu in ay lacagaha ku bixiso Online ama wax yar 3 daqiiqo oo uu qofku ku heli karo lacagta loo soo diro.
 
Sidoo kale C/shakuur waxaa uu tilmaamay in xitaa hadii ay suurta gal tahay dhinacooda ay ku howlan yihiin in laga sii fududeeyo shirkada marka laga hadlayo dhinaca Xawaalada halka hada ay taagan tahay taasoo qeyb ka ah adeega Bulshada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan la filayo in sharkadu howlaheeda intaa ka sii balaariso.
 
Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb-galay Munaasabada oo iyaguna halkaa ka soo jeediyay hadalo kooban ayaa ka warbixiyay doorka shirkada ee ku aadan dhinaca Xawaalada kuwaasoo sheegay in Shirkadu ka mid ah shirkadaha faca weyn ee ka howl-gala gudaha dalka Soomaaliya.
 
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa dhinacayadii ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay howlihii ay qabatay shirkada mutadii 8-da sano aheyd oo ay ka howl-galaysay Gobalka, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay marka laga soo tago dhinaca Xawilaada gurmadyadii ay ka qeyb-qaadatay xiliyadii ay jireen abaaraha iyo Fatahaadihii soo maray Gobalka, waxaana uu ku dhiira galiyay in ay sii balaariyaan howlaha ay hada hayaan si dadku uga wada faa'ideysto adeega ay umadda u qebaneyso.
 
Waxaana ugu danbeytii xariga si wada jir ah uga jiray Dhismaha cusub Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad oo sheegay in wixii hada ka danbeeya Xaruta cusub furan tahay laguna shaqeyn karo.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka howl-gala shirkado ka shaqeeya arimaha la xiriira Xawilaada, lakiin marka dhinaca kale laga eego la oran karo kaalin muhiim ah ayeey kaga jiraan arimaha samafalka marka ay jiraan dhibaatooyinka dabiicaga.

 

 


 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

 

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Aosman@camaloow.com

     Camaloow.com