Welcome            To       Camaloow    Online
      

 

 

Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo xalay Gacanta ku dhigey Haweeney dishay Ninkeeda Deegaanka Burjaan oo ka tirsan Deegaanada hoos taga Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Sh/hoose.  

  

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Burjaan oo ka tirsan Deegaanada hoos taga Degmada Wanla-weyne ayaa sheegaya in Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku dhigeen Haweeney Ninkeeda ka taqlustay.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haweeneydaasi iyo Ninkii qabay muddooyinka u dhaxeeyey muran aad u xoogan oo dhinaca Noloshooda ahaa, taasoo in badan oo ay soo kala dhex galeen Odayaasha iyo Waxgaradka ay ka soo kala jeedaan labadasi qofood, hase yeeshee ay xal ka gari waayeen.

 

Dood dheer iyo muran saacado badan socday ayaa xalay waxa uu dhex maray Haweeneydaasi iyo Ninkeeda oo ka dalbatay in uu furo hase yeeshee uu taa ka diiday.

Haweeneyd iyo Ninkeeda oo Murankooda xalay sii xoogaysay ayaa waxa uu sababay aaqirkii in uu gacan ka hadal gaaro, waxayna haweeneydii u adeegsatay dilka Ninkeeda Faas ay madaxa kala dhacday.

Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xabsiga u taxaabay Haweeneydaasi dilka u geystay ninkeedii qabay, laakiin waxaa dhacdadan Anfariir iyo layaab ku noqotay dadka la jaarka ahaa haweeneydaasi.

 

Haweeneydan ayaa hadda ku xiran Saldhiga Degmada Wanla-weyne ee Gobolka Sh/hoose, mana ahan dhacdadii ugu horaysay oo haweeney si bareer ah u disho Ninkeeda, kadib dood iyo muran soo kala dhex galo Lamaanayaashaasi nolol wadaaga ahaa.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Balad-xaawo: Maamul Cusub oo islaami ah oo looga dhawaaqay Degmada Balad-xaawo iyo Maamulkii hore oo gaashaanka u daruuray arrintaasi.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamul cusub oo islaami ah looga dhawaaqay Degmadaasi, xili uu halkaasi ka jiray maamul islaami ah.

Arrintan ayaa timid kadib kullamo iyo wadatashiyo ay qaateen Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo ayaa lagu soo saaray wareegto cusub oo loogu dhawaaqay maamul Cusub oo islaami ah Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Ilaa 7-xubnoo ayaa loo magacaabay Degmada Balad-xaawo iyadoo guddoomiyena looga dhigay Sheekh Aadan Maxamad Barre {Sheekh Aadan Nuur}, iyo mas’uuliyiin kale oo kala shaqeyn doonaan qeybaha Degmadaasi.

Haddaba markii ay soo ifbaxday in maamul Cusub loo dhisay Degmada Balad-xaawo ayaa waxaa warkaasi gaashaanka u daruuray Guddoomiyaha Degmada Balad-xaawo Axmed Maxamad Barkuus, waxa uuna xusay in wali uu yahay maamulka degmadaasi ee islaamiga ah.

“Ragga sheegayana in ay maamul cusub u dhiseen iyo kuwa loo magacaabay intaba waxa ay wadaan waa hiwaayad, maamulka saxda ah ee Degmada Balad-xaawo waa aniga” ayuu yiri Axmed Barkuus oo saxaafada la hadlayay isagoo ku sugan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Hadalkan ayaa imaanaya xili dhawaan mas’uuliyiinta Maamulka islaamiga Gobolka Gedo ay maamul Cusub oo islaami ah u dhiseen Degmada Balad-xaawo xili maamul hore uu halkaasi ka jiray.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Aqligii Hawiye::  Xaalada  Magaalada  Muqdisho  Oo Degan Iyo Cabsi Laga Qabo In Ay Isku Dhacaan Kooxihii Dirirtu Dhexmartey.

Waxaa saaka deganaansho ka jiraan degmooyin ay shalay ku dagaalameen ciidamada dawlada soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda, degmooyinka ay ka jiraan degananshu waxa ka mid ah Degmadda Hodan, Karaan,Waaberi,halkaasi oo shalay ay fooda isku dareen ciidamadda dawlada iyo kooxaha mucaaradka. Dagaalkaasi ayaa qasaare nafeed oo badan soo gaarsiyey labada garab ee dirirtu dhexmartey iyadoo sidoo kale qasaare nafeed oo badani soo gaarey dad rayid ah.

Shalay meelihii ay sida weyn ugu dagalaameen ayaa ahayd Degmadda Hodan, Karaan, Waaberi halkaas oo ay kooxahaasi isku fara sareen iyagoo isugu adeegsanayey hubka noocyadiisa kala gedisan,balse saaka goobahasi ayaa u muuqda kuwo degan walow ay halkaasi ka jiran cabsi badani taasi oo sababtey in ay dadka shacabka ahi ka barakacaan guryahoodi. Sidoo kale waxaa goobahaasi ku sugan kooxihii dirirtu dhexmartey kuwaasi oo helaya gurmadyo aan kala go,lahayn.

Saaka aroortii hore waxaa indhahagu qabanayeen dad fara ku tiris ah oo ka barakacaya degmooyinka Hodan,Waberi,karaan kuwaasi oo u kala jihaystey daafaha magaalada muqdisho halkaasi oo ay rajaynayaan in ay ku helaan nabad si ay uga badbaadaan dagaalada ka socda halkaasi. Dagaaladan ka socda muqdisho ayaa sababey geerida dad shacab ah kuwaasi oo aanay jiran wax ay galabsadeen. Marka la eego qasaarihii ka dhacay dagaalkii shalay waxa la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen dadka badan 90 ruux kuwaasi intooda badani yihin kooxihii dagalamayey inkastoo ay ku jiraan dad badan oo shacab ahi, iyada oo dhaawacana uu kor uu dhaafey 160 ruux.

Ugu dambeyntii waxaa buux dhaafey cusbitaalada magaalada mqudisho kuwaasi oo ay buux dhaafiyeen dhawacyadda la soo gaarsiinayo,iyadoo dhawacyada qaarkood ay ku geeriyoden cusbitaladda dhexdooda. Saaka ma jiraan wax dagaalo ah walow laga cabsi qabo dagaalo hor leh oo qarxa. Ma jiraan cid isku daydey in ay kala dhexgasho labadaasi kooxood xillikastana waxa la sadaalin karaa dagaalo ka qarxa muqdisho

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

R/Wasaarihii hore Soomaaliya Nuur Cadde oo loo magacaabay Safiirka u fadhiya Magaalada Roma ee Cariga  Talyaaniga.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay diblomaasi u qaabilsan Dowladda Soomaaliya dalka Talyaaniga iyo Safiirka u fadhiya Magaalada Roma, kadib kulan dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlesconi ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ka aqbashay in Safiirnimada Ra'iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde.

Nuur Cadde oo ah rug cadaa ayaa door muhiim ah ka soo qaatay dadaalada dib u heshiisiinta, isagoona kaalin weyn ku lahaa is badalkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, iyo ka saaridii Ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya, kadib markii uu si weyn uga qeyb qaatay shirkii Jabuuti.

Waxaa uu sheegay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid in Nuur Cadde oo ahaa Ra’iisul wasaarihii ka horeeyay isaga oo hawshiisa si rasmi ah uu uga bilaabi doono caasimadda dalka Talyaaniga, isla markaana lagala soo xiriiri doono wixii arrimaha Soomaaliya iyo Talyaaniga quseeya sida uu yiri.

Tallaabada Nuur Cadde loogu magacaabay Safiirnimada dalka Talyaaniga ayaa ka dambeysay kadib markii uu dhowaan sheegay inuu yahay Oday Soomaaliyed, isla markaana aanu ka fariisan doonin Siyaasada Soomaaliya, waxaana taa bedelkeed ay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha ugu gartay in Nuur Cadde oo Talyaaniga horay wax ugu soo bartay in safiir laga dhigo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Xarakada Al-Shabaab oo baaq ugu jeedisay Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga in ay dalka isaga baxaan.

 Ururka  Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa ugu baaqday mar kale Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho in ay dalka isaga baxaan iyagoona sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku bartilmaameedsadaan ciidankaasi.

Sheekh Cali Dheere oo ah Masuulka  Al-Shabaab   ayaa shir saxaafadeed uu shalay qabtay kusoo qaaday weeraro ay ku qaadeen Ciidamada AMISOM isagoona adkeeyay sidaasi oo ay tahay inay ku baaqayaan dalka in ay isaga baxaan.

Waxaa uu sheegay Sheekh Cali Dheere in ay u jeedinayaan askarta ku sugan Muqdisho ee AMISOM baaq ah in aysan naftooda ku halakeeyn dhibaatada Somaliya isla markaana aysan xanuunka dareemin masuuliyintoda ku sugan magaalooyinka Aduunka.

Sida lasheegaya Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu ku goodiyay in ay marsiin doonaan Ciidamada AMISOM dhabihii ay mareen Ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay inay isku diin ahaayeen ayna kuwa danbe dalka xoog kaga baxeen markii looga adkaaday dagaaladii adkaa ee Muqdisho ka dhacay.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Ururka    Alshabaab   oo    ku    eedeysay    Cumar    Xaashi   inuu   ka abaabulaayo    dagaalo    G/Dhexe...........

Sheekh Cali Maxamed Xuseen Oo ah wakiilka Alshabaab ee G/Banaadir ayaa ku eedeeyay Dowladda inay abaabul dagaal ka wado G/Dhexe, isagoona cadeeyay inay dooneyso inay dib u howl geliso Maleeshiyaad beeleedyo iyo Hogaamiye Kooxeedyadii hore ee dalka laga saaray.



Wakiilka Alshabaab ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Cumar Xaashi Aadan inuu abaabul dagaal iyo hurin colaado ka wado G/Hiiraan, waxaana uu cadeeyay inuu abaabulkaasi hada ka wado Hiiraan.

Eedayntaan ka soo yeeray Alshabaab ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamo uu horkacayoCumar Xaashi ay ka soo tallaabeen xadka Ethiopia, iyagoona kaabiga ku soo haaya Magaalada B/weyn ee xarunta G/Hiiraan.

Islamrkaasina aysoo galbinayaan qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyadii G/hiiraan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Maamulka Kismaayo  oo  Canbaareeyay   hadaladii   kasooyeeray  IGAD  oo ahaa   xayiraada   dekadooda   lagu   soo    rogay.

Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaalada Dekedda leh ee Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose ee Koofurta Wadanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xayiraadda la sheegay in lagu soo rogayo Dekadda Magaalada Kismaayo.
 
Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay waxaa ay soo saareen go'aan ah in la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo meel-marinta arrintaasna ay ka codsadeen Qaramada Midoobay.
 
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in ay tallaabadan u qaadeen sidii ay u go'doomin lahaayeen Ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaameen in uu caqabad ku noqday Xukuumadda Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
 
Cali Mahdi oo ah Maareeyaha Dekedda Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uusan waxba u dhimi doonin hadalka ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD 20kii bishan.
 
Waxaana uu ku tilmaamay in go'aankaas uu yahay  mid lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysatay muddo 20 sano ah ee ay dowlad la'aanta ka jirtay Wadanka Soomaaliya.
 
Hadalka mas'uulkan ayaa ku soo beegmaya xilli Urur goboleedka IGAD uu soo saaray  xayiraado lagu soo rogayo dekedaha iyo garoomada ay maamulaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo xayiraaddaasna uu Urur Goboleedka IGAD ku sheegay mid looga hortegayo in ay Soomaaliya soo galaan dagaalyahanno shisheeye ah, sidoo kalena hub sharci darro ah lagu soo geliyo Soomaaliya.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Ciidamada Ethiopia: oo  loo ogolaaday in saldhig Kadhigtaa Buurta jata Kundisho iyo  Odayaasha hawiye oo  Hurdo kasoo baraa............

Waa yaabe xageey ku maqnaayeen? Odayaasha isku magacaabay Beelaha Hawiye oo maalmihii u dambeeyay ay shaashada cabsi uga maqnaayeen ayaa hada la soo baraarugay soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, iyagoona maalmihii la soo dhaafay uu nalka ka dansanaa, kadib markii laga dhaga fareystay baaqyadoodii iyo qeyla dhaantoodii ku aadanaa dagaalada Muqdisho.

Odayaasha Hawiye oo iskumagacaabo Maxamed Xasan Xaad   oo Saxaafada Muqdisho la hadlayay Una Hadli Jiray Jifada uu kadhashay, ayaa mar kale muujiyay dhibaatada ka dhalan karta soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia oo uu sheegay inay horay dhibaatooyin u geysteen,  Isagoo  ku raaxeysanaayay barakaca ay barakicinayeen beeshiisa  Shacabka Muqdisho, waxaana uu cadeeyay in ay dhici karto cadaw ka weyn Ethiopia inay dalka soo galaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka isku duubnaado raacaana Xizbul Islaamkana hortagaan ayagoo iskuduuban  oo wadajir ah  Ciidamada Ethioyaanka ah.

Kuwa Isku sheegi jiray Odayaasha Hawiye oo la xusuusto meeshii shalay aas aaskooda ka bilowday ayaan jirin cid dooratay, marka laga reebo qeyla dhaantii ay shacabka ka soo yeeri jirta ee ahaa xasuuqii ay geysan jireen Ciidamadii Ethiopianka, ayna badaleen  kuwa hada jira inay xasuuqaan shacabka una badalee Bililiqadii wax looyaqaano Qaniimeysi.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Dagaalkii Muqdisho oo iisubadal Qaab beeleed   iyo  KMG  oo  ku  soo  aruurtay    Deegaanada Waqooyiga  Muqdisho oo  kaliya ah  iyo   Mucaaradka   oo   ku   sii  siqaya..........

Kuwa ku  digaalamaya  Magaalada Muqdisho ay saaka tahay mid degan, hadana cabsida ugu badan ayaa ah in dagaalo hor leh ka sii qarxaan meelaha haatan la isku hor fadhiyo.

Xoogaga Mucaaradka ee is baheysanaya ayaa haatan la soo wareegay inta badan Magaalada Muqdisho, waxaana saddex meel labo meel ay haatan tahay mid gacanta ugu jirta, kadib markii dagaalo qaatay muddo shan bilood ay kula soo wareegeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku soo aruurtay deegaanada waqooyiga kaliya, halkaasoo ay difaacaneyso waxaana ay muujineysaa dhiiranaan ah in aan Magaalada inteeda kale gacanta ka bixin.

Xoogaga Mucaaradka oo dagaalkan kaga faa'ideysanaya inay ku sii dhul ballaartaan, ayaa wararka sheegayaan in ay ku darsadaan Magaalada inta hartay oo ah qeybta ay Dowladda ku sugan tahay.

Ciidamada Dowladda ayaa difaacyo waa weyn ka galay, meelo ay ka mid yihiin, Isgoyska Siinaay, Xararyaale, Fagax, Jamhuuriya, Sanca, Suuq Bacaad iyo meelo kale.

Kooxaha Mucaaradka ayaa gacanta ku haaya inta badan Koonfurta, waxaana ay dagaalada ku qabsadeen saldhigyo waa weyn sida Isbartiibada, Xaruntii Xisbiga, Gaashaandhiga iyo Guulwadayaasha, halkaasoo ay horay u joogeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda.

Laakiin saadaasha dagaaladan laga bixiyo ayaa waxay tahay mid mugdi sii gelineysa nolosha dadka Muqdisho, oo horay ula daalaa dhacayay dagaaladii 18-ka sano, waxaana shakiga laga qabo haatan uu yahay mid loo fasiro inuu qaab beeleed isu rogay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dagaal xoogan oo hada ka socda Wadada Warshadaha  iyo xili ay Dowladu Mushaar u qeeybisay Ciidanka.........

Dagaal xoogan oo la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhow ka qarxay Wadada Warshadaha, wax yar kadib markii Sarkaal ka tirsan Alshabaab uu ka bad baaday weerar isku day dil ahaa oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee Jidka sodonka.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan oo watay Gaari ayaa waxaa weerar Hubeysan ku qaaday Kooxo Hubeysan, waxaana is rasaaseyn dhex martay Ilaalada uu watay Sarkaalkaas ka tirsan Ururka Alshabaab iyo Kooxihii weerarka soo qaaday ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Sarkaalka la weeraray oo magaciisa lagu soo gaabiyay Qoslaaye ayay wararku sheegayaan in la damacsanaa in weerar lagu qaarijiyo, hase ahaatee uu ka bad baaday.

Xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa falkaas kadib ay soo buux dhaafiyeen Jidka sodonka, halkaasoo durba laga dareemay saan saan dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana mar kaliya is rasaaseyn laga maqlay Jidka Warshadaha oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Muqaawamada, dagaalka ka socda Wadada Warshadaha ayaa warar qaar ahi sheegayaan inuu u dhaxeeyo Xoogaga Maxkamadaha ee Dowladda raacsan iyo Ururka Alshabaab oo maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay xurguf xoogan.

Ma cada qasaaraha uu geysanayo dagaalka dhex maraya Ururka Alshabaab iyo Maxkamadaha Islaamka, waxaana dagaalkan oo ka dhashay weerarka lagu qaaday Sarkaalka ka tirsan Alshabaab uu ku soo aadayaa xilli maalin ka hor uu isku day dil uu ka bad baaday Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabayay Cabdi Dheere, kaasoo dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dowladda Sudan oo shaaca ka qaaday in Dowladda Somalia lacag cusub u sameyn doonto..........

Dowladda Sudan ayaa shaacisay in ay Dowladda Soomaaliya u sameyn doonaan lacag cusub oo soomaaliya yeelato, kadib markii uu dhowaan gaaray Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulan ay magaalada Khartoum ku yeesheen 29-kii April wasiirka maaliyadda ee Sudan, Dr. Cawad Axmed Jaaz, iyo dhiggiisa Somalia, Sharif Xasan Sheikh Aadan, ayay isku af-garteen in Sudan ay Somalia gacan ka siiso soo daabacashada lacag cusub, sida ay kusoo warrantay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Sudan.

Dr. Jaaz ayaa sheegay in Sudan ay dowladda Somalia ka caawineyso wax alla iyo wixii ku saabsan horumarinta xagga hey'adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in Sudan ay dib usoo nooleyn doonto xiriirkii ganacsi ee u dhaxeeyey labada dal.

Sharif Xasan Sheikh Aadan ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay u baahan tahay taageerada dalka Sudan, Wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto tallaabo walba oo lagu hormarinayo hannaanka dhaqaale ee dowladdiisa.

Somaliya ma laha Lacag rasmi ah waxaa kaliya hadda dalka ka shaqeeya Lacag Kun Shillin ah oo in ka badan 30 jeer ganacsato soo daabaceen, lacagta ugu badan oo Ganacsiga ku socdana waa Dollarka Mareykanka

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Talooyinkii Madaxweynaha Suudaan & Iclaanka  Dagaalka   kasocdo Magaalada Muqdisho  iyo B/weyn........ 

Waxaa faahfaahin dheeraad ah ka soobaxayaan sababihii ku dhaliyay Madaxa Mucaaradka Xoogaga Islaamiyiinta Hubeysan Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu magaalada Muqdisho, ku yimaado safar deg deg ah taasoo la sheegay inuu ku dhaliyay Madaxweynaha Dalka Suudaan Gen. Cumar Xasan Al-Bashiir, kadib markii muddo 9 maalmood ah uu wada hadalo kula qaatay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

 Xogtaan ayaa tilmaamaysa in Gen. CumarXasan Al-Bashiir khilaafaadkii isaga iyo Sheekh Xasan Al-Turaabi dhex maray ay shacbiga Suudaan la safteen xukuumadda, wuxuuna xasuusiyay in Sheekh Turaabi uu xili ahaa wadaadka ugu awooda badan dalka oo dhan, laakin nasiib darro, wuxuu lumiyay kalsoonidii shacbiga Suudaan, iyagoo uu dhowaan sheegay in Gen. Al-Bashiir uu iska xaadiriyo Maxkamada Hage, taasoo aad uga carysiisay dhamaan shacbiga Suudaan waxeyna hadda ciidamada amaanka ay ka ilaaliyaan shacbiga Sh. Xasan Al-turaabi.

Madaxweynaha Suudaan ayaa intaasi raaciyay inuu kalsooni ku qabo Madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Sahriif Sheekh Axmed, wuxuuna  uu kula taliyay Madaxa Mucaaradka Muqdisho 3 qodob oo kala ah.- Inuu ka qeyb qaato mideynta & Dib u heshiisiinta Xoogaga Islaamiyiinta hubeysan ee aragtida ku kala tagay, la tashiyana la sameeyo dhinacyadaasi oo uu ku dadaalo sidii uu isugu soo dhoweyn lahaa. Kana fogaado inuu dhinac la safto iyo inuu iclaamiyo colaad sokeeye oo ay dhibaato ka soo gaari karto Shacbiga Muqdisho.

 Xiligaan Awooda xoogan ee ka jirta Soomaaliya waa xoog Howlaha uu Magaalada ka qabanayana waxaa ugu horreysa, Nabadeynta, Mideynta Mujaahiddiinta, Iyo Baajinta Dagaal dhex mara Mujaahiddiinta Soomaaliyeed' ayuu yiri xog-ogaalkaas. Nasiib daro, Sheekh Xasan Daahir wuxuu markii uu yimid Muqdisho ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed iney dulqaataan oo samraan nasriguna uu dhow yahay,

 Wuxuuna iclaamiyay dagaal, kaasoo shalay kaliya ay ku dhinteen 18 qof oo isku jira Caruur, Haween & waayeel, 35 kale waxaa ka soo gaaray dhaawacyo isugu jira kuwo fudud & kuwo Culus,iyadoo hadda ay Bulshada Soomaaliyeed isweydiinayaan in Nasriga uu ku baaqay Wadaadka iney tahay in la daadiyo Dhiiga Bulshada Muqdisho si xukunka dalka loo gaaro.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

War deg deg ah: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo goor dhow ka soo degay magaalada Muqdsiho..........

Gudoomiyaha isbaheysiga garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyarada ee Number 50 ee gobolka shabeelaha hoose halkaasoo uu kaga sii gudbayo magaalada Muqdisho iyagoo booqasho aan hore loo shaacin ku so gaaray Soomaliya.

Wafdi wadaadka ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ka kooban yihiin 7 xubnood iydaoo aan la ogeyn ujeedada socdaalkooda waxaan wafdiga haatan loo gelibinayaa gudaha magaalada Muqdisho.

Amaanka garoonka ayaa aad loo adkeeyay ka hor intuusan ka soo degin Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo wafdigiisa, waxaana socdaalkiisani ay ku soo begmeesaa xilli laga cabsi qabo in dagaalo ay ka qarxaan gudaha magaalada Muqdisho.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Isbar baryaaca   Siyaasada    Somalia   Oday    dhaqameed,    Madaxweyne,
Raisul  wasaare,     Aqoonyahan...............

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada Somaliyeed meel walba oo ay joogaan.Waxaa wax lala yaaba ah Siyaasada Somaliya taas oo ah had iyo jeer mid aan daganeyn oo aadan garan kareyn halka ay ka socoto iyo Halka ay ku socoto.Taa waxaa dheer oo Layaab igu noqotay Odayaasha Dhaqanka oo ka dheereeyay hooshoodii.
Waxaad arkeysaa baryahan danbe odayaashii oo ka dheereeyay dowlada, waxaa la garan la,yahay in dalka uu madaxweyne ka yahay Gudoomiyaha beelaha hawiye Mudane Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenkiisa Mudane Ahmed diiriye.Aduunka waxaa qaliil ah amaba aysan jirin in dowlad jirto lala gorgortamo oday dhaqameed,maxaa yeelay waxaa dhacday maalmihii ugu danbeeyay FBI-da Mareykanka in ay si hoose ula shaqeynayeen odayaasha dhaqanka beelaha hawiye si loo sii daayo Captainkii mareykanka ahaa lagu heystay biyaha somaliya.

Waxaa ka jira dalka Dowlad somaliyeed wax walba oo shaqo ku leh Siyaasada Dibada in lagala hadlo oday dhaqameed waa Qalad.Waa in loo soo maraa Wadada saxda ah oo ah in lagala xariiro arimahaasi dowlada dalka ka taliso.Dowlada somaliyeed uu madaxweyne ka yahay Sheikh shariif Sheih Ahmed waa in ay ka fiirsataa waxyaabo badan oo fashilin kara Dowladiisa oo ay kamid yihiin siyaasadaan aan laheyn meel loogu xariiro oo uu qof walba falanqeynayo Haaba ugu darnaadeen Odayaasha dhaqanka beelaha hawiye.

Waa In ay dowlada soo saartaa rules ku aadan wax ka qabashada isbar baryaaca xaga siyaasada oo uu qof walba gartaa hooshiisa iyo waxyaaba uu ka hadli karo iyo waxyaabaha uusan ka hadli Karin.Illaa taas la helo Dowlada somaliyeed ka bixi meyso is dhexyaac iyo is qab qabsi aan dhamaad laheyn.

Waxan usoo jeedinayaa odayaasha dhaqanka beelaha hawiye in ay ka shaqeeyaan Nabadeynta magaalada moqdisho.Hoowshaasi oo ah mid ay Gabeen oo laga rabay in ay mar hore ayba qabtaan

Maxamed Mohamud Adam
00919840339027
India 
Camaloow  Online

 

Musalsal ka baxay Telefishinada Af-Soomaaliga, sababayna in la furo in ka badan 50-Haween Soomaaliyeed ah oo dhammaatay..........

Telefishanka Af-Soomaaliga ku hadla ee lagu magacaabo Horn caple waxaa boqolkii habeen ee lasoo dhaafay ka socotay sheeko musalsal ah oo lagu magacaabo BERBERA, waxaana qisada sheekadaasi musalsalka ah ay la xiriirtaa arrimaha qoyska, gaar ahaan Jacaylka, dhibaatooyinka soo wajaha lamaanayaasha, waalidka lamaanayaasha iyo guud ahaan caqabadaha ka hor imaad kara.

Sheekada BARBARA ayaa Telefishanka HORNCAPLE ka bixi jirtay 24-kii saacba laba jeer  gaar ahaan subaxdii 3-da saac iyo habeenkii saacadu markay tahay 1-saac, iyadoo daawashada sheekadaasi ay si aad ah u daawadaan Haweenka iyo caruurta.

Musalsalka sheekada Barbara, waxaa lagu sameeyay dalka Mexico, hase yeeshee waxaa lagu tarjumay afka Soomaaliga, taasi oo sababtay in malaayiin haween Soomaaliyeed iyo caruurba ay si weyn u soo jiidatay daawashadeeda.

Labada xilli ee Telefishanka HornCaple uu sii daayo sheekada Musalsalka ah oo ku soo beegmaya
wakhtiyada adag ee hooyada looga baahan yahay inay qabato howlaha lagama maarmaanka u ah qoyska, iyadoo marka la gaaro xilliga sheekada la soo deynayo ay hooyooyin badan oo Soomaaliyeed waxay dayaceen agaasinka guriga, waxaana mudadii ay socotay sheekada Barbar ka dhacday xaafadaha magaalada Muqdisho shilal noocyo kala duwan ah.

Waxaa ka mid ah shilalka dhacay ka dhacay qoysas dhowr ah dhaawacyo soo gaaray caruur midkii ugu da’ weynaa uu gaarayo 2-sano jir,kaddib markii hooyadii dhashay ay isaga dhaqaaqday iyadoon ogeynna iska xaadirisay Telefishanka oo markaasi ay soo galeysay sheekada Barbara.

Magaalada Muqdisho oo kaliya ma aha meelaha ay saameynta ku yeelatay sheekada Barbara ee uu soo tabinayay Telefishanka Horn Caple, waxaana ka mid ah gobolada dalka qaarkood, hase yeeshee inkasta oo haatan dadku aanay awoodin in cid kasta ay gurigeeda dhigato Telefishan, ayaa taasi waxay sababtay in halkii cid ee Telefishan heysata ay u daawasho tagaan qoysaska degan xaafadda oo dhan.

Inkasta oo aan halkan lagu soo koobi Karin inay wax badan uga hallaabaan hooyooyin badan, ayaa hadana waxaa xaaladii uga sii daray markii ay isku dhaceen lamaanihii ay u dhaxayeen, kaddib markii ay gaashaanka ku dhufteen dalabyo uga yimid oo ku saabsan inay degenaansho iyo mas’uuliyadda guriga iyo caruurta ilaaliyaan, waxaana boqolkii habeen ee ay sheekadaasi socotay darted isu furay in ka badan 50-Haween ah, waxayna sheekadani noqotay midii ugu xiisaha badneyd ee abid ay la socdaan qoysaska Soomaaliyeed.

Telefishanka Horn Caple ayaa markii ay dhammaatay sheekada Barbara,waxa uu hadana bilaabay sheeko cusub oo la magac baxday NUURA, hase yeeshee musalsalkan cusub ayaa isagu aad uga duwan tii hore, waxaana sheekada ay la xiriirtaa Jacaylka iyo Lacagta, inkasta oo aan la ogeyn in sheekadani cusub ay iyana saameyn ugu yeelan doonto kumanyaal qoys ayna ku kala tagaan oo is furaan qoysas ka badan kuwii hore.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Maxaa ka jira heshiisiinta ay Dowlada Suudaan  dhaxdigeyso Sheekh    Xassan  Daahir iyo Sheekh   Shariif.............

Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya mid ka mid ah kooxaha mucaaradka majaraha adag ayaa booqasho ku tagay Magaalada Khartoum ee dalka Sudan sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Booqashada Wadaadkan mayalka adag ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Sudan horay u casuuntay, iyadoona markii uu tagay Khartoum Caasimada Sudan Wada hadal uu la yeeshay Mas'uuliyiin dalkaas.

Dowladda Sudan waxay qorsheyneyaa Wada xaajood toos ah oo dhex mara Sheekh Xasan Dahir iyo Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, taasoo ka dambeysay markii Madaxweynaha Sudan dhowaan booqday Magaalada Asmara, Sheekh Shariifna uu tagay Sudan.


Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir ammaankiisa aad loo adkeeyay, isla markaana ay suura gal tahay inuu furmo wajiga hore wada hadal aan toos aheyn oo dhex mara Dowladda iyo Sheekh xasan, taas oo ay Dowladda Sudan ugu gar qaadeyso.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysay masuuliyiinta ka tirsan dawladda Sudan oo kulan la qaatay Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegtay in Sheekha loo soo jeediyay inuu ku biiro dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo nin ay saaxiibo isku dhow ahaayeen ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuse Sheekh Aweys sheegay inaanu jirin naceyb gooni ah oo uu isagu u qabo Sheekh Shariif balse uu ku dhaliilayo inuu qiyaano ku sameeyay oo uu ka talo baxay iyaga.

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale u jeedisay Sheekh Xasan Dahir inuusan qasaarin fursadan qaaliga ah waxayna kula taliyeen inuu wax la qaybsado Dowladda cusub ee Soomaaliya kana qayb qaato dadaalada loogu jiro nabad ku soo dabaalidda iyo xasilinta dalka Soomaaliya.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo labo dhinac ah ayaa ku sugan Magaalada Khartoum kaasoo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Sheekh C/raxmaan Janaqow iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa.

Socdaalka Sheekh Aweys ku joogo Sudan ayaa waxay fududeyneysaa inuu ku soo laabto dalka Soomaaliya oo horay warar la isla dhex marayay ay sheegayeen in Sheekhu ku go'doonsan yahay Dalka Eritrea oo aanay u ogoleyn inuu ku laabto Soomaaliya.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Cumar Xaashi :   Waan garaneynaa   guryahooda iyo cida ay    yihiin, waan heysanaa Bastoolado, hadii iyagu ay heystaan qaraxyana waan fulin karnaa.............

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ku goodiyay inay tallaabo deg deg ah ka qaadi doonaan kooxihii shalay ka dambeeyay isku daygii lagu dili lahaa wasiirka Arrimaha Gudaha isagoona sheegay inay wax ka badaleen qorshahoodii hore ee ammaanka Caasimada Muqdisho.

Col. Cumar Xaashi ayaa sheegay in la garanayo kooxaha ka dambeeyay qaraxii shalay, isagoona sheegay in hada iyo wixii ka dambeeyay aanay u dulqaadan doono, waxaana uu sheegay inay digniin kama dambeys u jeedinayaan kooxaha falkaas ka dambeeya.

"Hadaan shalay dhaheynay walaalayaal, oo dulqaadanaynay maanta uma dul qaadan doono, waan garanaynaa cida ay yihiin guryaha ay joogaan, balse waxaan u jeedineynaa digniin"ayuu yiri Col. Cumar Xaashi oo u muuqday mid aad uga careysanaa isku daygii dil oo lala damacsanaa Sheekh C/qaadir Cali Cumar Amiirkii Muqaawamada.

Isagoo la hadlayay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Col. Cumar Xaashi in kuwa qaraxyada fuliya iyo kuwa soo diray ay garanayaan, waxaana uu tibaaxay in hadii ay Bastoolad iyo qori heystaan ay iyaguna heystaan Magaaladana la isla joogo.


"Waa la ogyahay guryaha ay ku jiraan dadka ay yihiin waxay soo galeen magaalada Muqdisho iyagoo cararaya hadana waxay ku soo laabteen markii Ethiopianka la saaray hada waxay billaabeen in ay qarxiyaan dadkii Mujaahidiinta ahaa oo uu ugu waynaa C/qaadir Cali Cumar marka waa dibiga qal weyshu ha ku quus qaadatee mana sugayno taas waana ka nadiifinaynaa dalka, shacabkana waxaan ugu baaqeynaa in ay ka saaraan godadka ay ku jiraan"ayuu si kulul u yiri Col. Cumar Xaashi.

Cumar Xaashi ayaa sheegay in hada iyo wixii ka dambeeya ay dhamaatay in ay Dowladdu iska fiirsato ficilada nuucaasi ah isla markaana ay si deg deg ay tallaabo kaga qaadi doonaan waxaana uu carabka ku dhuftay in qarax loo gaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha uu soo dedejiyay baahida loo qabo in xaalada ammaanka ee caasimada la xaqiijiyo wuxuuna intaasi ku daray in dalku leeyahay hal Dowlad.

"Adeer waan garanaynaa guryahooda cida ay yihiin meel walba oo ay joogaan waan haysanaa Bastoolado, hadii iyagu ay haystaan qaraxyana waan fulin karnaa Tallaabo ayaana ka qaadaynaa dadka xalaaleysanaya dhiiga shacabka Soomaaliyeed"ayuu ku goodiyay Cumar Xaashi oo muujinayay inay iyaguba qeyb ka ahaayeen kacdoonkii ka dhacay dalka.

Hadalkan kulul ee ka soo baxay Wasiirka Amniga qaran, ayaa ka dambeeyay weerar qarax Miino ahaa oo la doonayay in lagu dilo wasiirka arrimaha gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar kaasoo shalay ay ku dhinteen labo ka mid ah howlwadeenadii wasiirka.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Kooxo Burcad badeed Soomaali ah oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay Wadanka Gariiga.......

Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ayaa xeebaha Soomaaliya ka afduubtay Markab laga leeyahay dalka Gariiga, sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Dibeda Gariiga.

Afduubka Kooxaha Burcad badeedka ee maraakiibta shisheeye oo mudooyinkii u dambeeyay hoos u sii dhacayay ayaa afduubkan cusub ee loo geystay Markabkan waxaa uu noqonayaa mid waji gabax ku ah Maraakiibta dagaal ee baacsanaya Kooxaha Burcad badeedka xargaha jabsatay.

Markabkan oo ah nuuca Xamuul laguna magacaabo Titan ayaa waxaa ay masuuliyiinta dowlada Gariiga ay sheegeen in kooxaha burcad badeeda ay u sii kexeysteen dhanka Xeebaha Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegtay in Markabkan oo siday qalab ay ka mid yihiin biro, ayaa lag soo qafaashay xilli uu marayay Badda Black Sea isagoo ku sii wajahanaa dhanka Wadanka Koonfur Kuuriya

Afduubka markabkan laga leeyahay wadanka Gariiga ayaa waxaa ay muujineysa kororka afduubka laga soo bilaaabo sanadkii 2007 taasi oo ka dhigeysa 200% sida ay sheegeen gudiga caalamiga ah ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Markabkan cusub ee laga qafaashay xeebaha u dhow ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Xeebaha Soomaaliya ay gaaf wareegayaan Maraakiibta dagaalka ee ka socda Wadamada Gaashaanbuurta NATO, kuwaasoo baacsanaya Kooxaha burcad badeedka ah.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Qaraxyo     sababay    dhaawaca    askarta    AMISOM   ayaa   saaka   aroortii   ka   dhacay Muqdisho.............

Qaraxyo aad u xoogan ayaa saaka xili hore waxa u ka dhacay wadada aada garoonka diyaradaha ee Aadan Cade kaas oo lala eegayanayay Ciidamada  AMISOM oo halkaas marayay. 

Wararka ka imaanaya km-4 ayaa sheegaya in ay qaraxyada ay ahaayeen labo qarax kuwaas oo is xig xiga isla markaana ah kuwa laga hago meelaha fog fog iyadoo AMISOM ay ku mashquulsanaayeen baaritaano.  

 

Waxyeelada ka soo gaartay Ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa in ay gaareyso dhaawac askarta AMISOM oo ilaa sadex ah kuwaas oo  loola cararay goob caafimaad.

  

Caadada Ciidamada AMISOM ay ka dhaxashay ciidamadii itoobiya oo ahaa marka uu qarax qabso in ay furaan rasaas ayaa qayb ka qayb ka ahayd waxyaabaha saaka ka dhacay wadadaasi.

 

Aroor kasta ayaa Ciidamada AMISOM waxa ay ku dheelmadaan garoonka wadada aada si ay uga sameyaan miino baaris waloow ay dhawaanahaan ay yareyd waxyeelada ka soo gaari jirtay dhinaca qaraxyada.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Banaanbax weyn oo saaka ka dhacaya Muqdisho oo lagu diidan yahay go`aanka maxkamadda Hague ee lagu soo xirayo Madaxweyne Albashiir.
Banaanbax aad u balaaran oo ay ka soo qeybgalayaan ardayda gobolka Banaadir, waalidiinta caruurtooda wax ka barata dalka Suudaan iyo dad weyne aad u fara badan ayaa saaka ka dhacaya Caasimadda Muqdisho , iyadoo banaanbaxaasi ujeedkiisu yahay sidii loo taageeri lahaa Madaxweynaha dalka Suudaan General Cumar xasan Albashiir , loogana soo horjeesan lahaa kuwa ku baaqaya in la soo xiro .

Waxaa lagu wadaa banaanbaxaan inay ka soo qeybgalaan mas`uuliyiin, culimo udiin , aqoonyahano iyo dadyow kale , iyadoo lagu muujin doono sida loo diidan yahay baaqa Maxkamada dembiyadda dagaalka ee dalka Holland , taasoo dooneysa in la soo xiro Madaxweynaha dalka Suudaan , waxaana arrinkaasi ay ku sheegayaan dadka Soomaalida inay tahay qorshe lagu majaxaabinayo dowladda Suudaan , meelna looga dhacayo sharafkeeda .

Dalka Suudaan sanad kasta waxaa safaaradda Suudaan ay ku leedahay Muqdisho ay u geysaa Magaalada khartuum 300 arday Soomaaliyeed waxbarasho jaamacadeed oo ay ku dhiganayaan si lacag laaan ah , iyadoo xitaa ardaydaasi xitaa laga saacidayo hooyga, cunnada iyo caafimaadka .

Waxaa wax ku barta dalka suudaan kumanaan arday Soomaaliyeed oo Suudaan ay u tahay dalkooda labaad , kadib Soomaaliya .

W/diyaariyay : Ali Abdi Ali Suheifa
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr