Welcome            To       Camaloow    Online
      

 

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo oo Wacad ku maray in ay weerari doonaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in ay weeraro laga argagaxo ku qaadi doonaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

C/qani Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay  in ay weerari doonaan Dalalka Dariska ee Itoobiya iyo Kenya, una dhigi doonaan cashar aan horay loo arag sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu Carabka ku dhuftay in Dalka Itoobiya ay si gaar ah u bar tilmaameedsan doonaan Weerarada ugu horeeyana ku qaadi doonaan dalkaasi, isagoo intaasi raaciyey in mujaahidiinta ay guulo gaareen xiligana ay tahay waqtigii ay weerarada ku qaadi lahaayeen meelaha Cadowga Ilaahay iyo midka ummada soomaaliyeed ku sugan yihiin sida uu yiri.

 

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku baraarugaan sidii ay u weerari lahaayeen cadowga Ummada Soomaaliyeed iyo Midka Alle oo aysan gacmaha ka laaban.

"Waa cadow si gardaro ah dalkeena ugu soo duuleen umadeenii baabi'iyeen, marka waa in aan inagana weerarnaa oo aan guryahooda ugu tagnaa taasna waa in ay kaalin ka qataan Shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo C/qani Maxamad Yuusuf.

Hadalkan ayaa ah midkii ugu horeeyey oo ka soo baxa mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo, isla markaana ku shaaciyaan in ay weeraro aan gambasho lahayn ku qaadayaan Dalalka dariska ee Kenya iyo Itoobiya.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

Dagaalo goos goos ah oo maantay ka socda qeybo ka mid ah Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho..................   

Dagaalo goos goos ah ayaa saakay waxa ay ka socdaan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kadib daganaasho shalay jirtay Deegaanadaasi.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa dagaalo goos goos ah ku dhex marayaa Ciidamada dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda oo wali isku hor fadhiyaan deegaankaasi.

Dagaalka goos gooska ah ee saakay ka dhacay Degmada Kaaraan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen laba ruux oo rayid ah, kadib markii ay haleeshay rasaasta wiiftada labada dhinc.

Sidoo kale Isgosyka Afarta Jardiino ayaa laga maqlayaa Rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan Dhinacyada Dowlada iyo xoogaga ka soo horjeeda oo isku horfadhiyaan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha soo kala gaaray saakay dhinacyada Dowlada KMG iyo xoogaga ka soo horjeeda oo rasaas iyo madaafiic goos goos ah isku adeegsanayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay ahayd meel aad u dagan, marka loo eego maalmihii la soo dhaafay, waxaana saakay wadooyinka qaar ka shaqeynaya gaadiidka BL-ka, waxaana suuragal ah in waqti kasta dagaalka uu sii xoogaysto.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

 

Muqdisho: Dagaal Culus oo goor dhow ka qarxay Degmada Karaan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaal culus ayaa la sheegayaa in xiligan uu ka socdo Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa madaafiicda culus iyo kuwa fudud ayaa si aad ah looga maqlayaa deegaano ka fog fog degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada dowlada KMG iyo Xarakatul Al-Shabaabul oo garab sanayaan Ururka Xizbul Islaam.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkani oo goorta dhow qarxay, walina waa mid socda.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 


Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo noqday qofkii u horeeyay ee Viiso Talyaani loogu dhufta Baasaboorka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa noqday qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo Viiso Talyaani loogu dhifta Baasaboorka, kadib markii ay shalay si toos u howl gashay Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Roma.

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale noqday qofkii u horeeyay ee laga diiwaan geliyay Safaarada cusub ee Soomaaliya Magalaada Roma ayaa sheegay inuu si weyn uga faraxsan yahay inuu dib u soo noolaado xiriirka aas aasiga
ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo uu dhinac fadhiyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo hada ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Magaalada Roma ayaa labadaba si wada u sheegay in talaabadaasi ay tahay mid horumar leh iyo guul u soo hoyatay dalka Soomaaliya iyo kan Talyaaniga oo wadaaga xiriir soo jireen ah.

Arrintaan ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyey dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Talyaaniga kuwaas oo u badan dad dalkaasi ku galay sharci darro, waxaase u fududaan doonta sidii baasaboorkooda loogu fududeyn lahaa Viisaha.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ah mid hididiilo gelineysa dadka soomaaliyed oo qaarkood naftooda ku biimeyn jireen bada si ay u tagaan dalalka yurub, waxaase arritan cusub ay u sahleysaa inay si fudud ku tagaan Talyaaniga, hadii Baasaboorkooda u helaan Viiso dal ku gal ah oo loogu dhifto.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee (Somali Contact Group) iyo dalal kale ayaa haatan u dadaal ugu jira sidii ay dib ugu howl gelin lahaayeen safaaradihii ay lahaan jireen Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi ay ka dhalatay kulan maalin ka hor ugu soo gabagaboobay kooxdaasi magaalada Roma.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

Ilo Xogogaal  ah   ayaa  sheegaya   in  Sheekh Xasan  Dahir Aweys  uu   dhaawac yahay .

Inkastoo Hadalhaaynta la-isla dhaxmaraya in  inuu dhaawac yahay Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa hadana shakiga ugu badan ah in warkaas uu jiro, marka la eego aragtida guud ee dadka Muqdisho.

Dhinacyadii ku dagaalamayay Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud  markay  isku khilaafeen dhaawacii Xasan Dahir , ayaa hadana raadka warkaas ku aadan uu yahay mid xaqiiqda u badinaya oo dadka qaarkiis ay sheegayaan in aanu wali hadal Sheekh Xasan Dahir.

Hogaamiyayaashu  u kala hadlay Ururka Xisbul Islaam oo lagu kala magacaabo Xasan Mahdi oo ku sugan Muqdisho iyo Muuse Caraale oo ku sugan Wabxo ayaa labaduba waxay si wada jir u beeniyeen warkaas ku aadan dhaawaca Wadaadka mayalka adag Xasan Dahir Aweys.

Laakiin aragtida iyo dareenka dadka Muqdisho ayaa ah mid aan si dhab ah loo wajihi karin, waxaana ay yihiin kuwo si kala duwan isla dhex maraya warkaas oo xoogiisa ay shalay soo baxeen.Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah Afhayeen shalay u hadlay oo lagu magacaabo Shariif Cali Axmed waxaa uu ku adkeystay inay dhaawaceen Xasan Dahir oo uu sheegay inuu hogaaminayay Xoogagii dagaalka ku soo qaaday.

Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in dhaawaciisa uu yaalo Degmada Ceelbuur, Isbitaal ay leedahay Bisha Cas lagu daaweynayo.

Marka laga soo tago hadalada iyo sheegashada labadan urur diimeedyo ayaanu jirin mid ka madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara dhaawaca Sheekh Aweys, balse warka kale ee duul duulaya ayaa waxaa uu yahay in wali aan war iyo wacalba laga heyn Sheekh Xasan Dahir laftiisa.

Wararka oo iska soo daba dhacayay ayaa kuwooda ugu xooga badan sheegayaan in Sheekh Xasan Dahir uu maalmo ka hor ka tagay Magaalada Muqdisho isaga iyo ciidamo fara badan, laakiin war kale ayaa iyana tibaaxaya in Sheekh Xasan aanu Muqdisho meelna uga bixin.

Sheekh Xasan Dahir waa mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta, waxaa uu ahaa Colneyl waxaana uu ka tirsanaa ciidamadii hore ee Milateriga, waa nin ad adag oo da'diisu lagu sheegay dhowr iyo lixdan jir, balse muuqaalkiisa markii dhan laga eego uma muuqda, waxaa lagu eedeeyaa inuu xiriir dhow iyo mid soke la leeyahay Ururka Alqaacida, waxaana uu horay Mareykanka ugu daray Liiska waxa uu ugu yeeray  wax ay ku tilmaameen reelgalbeedka AG.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

Dagaal  la iisu adeegsanaya Hubka noocyadiisa kala duwan  oo Hada kasocdo  Isgoyska Siinaay.

Warar haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaal aad u culus oo la iksu adeegsanayo uu haatan ka socdo isgoyska siinaay iydaoona rasaasta kala dwuan ee la isku adeegsanayo ay saameyn ku yeeelatay xaafadaha boondheere iyo qeybo ka mid ah suuq bacaad.

Dagaalkan ayaa aha amid saaka si goos goos ah ku socday lakiin dagaalka xoogiisa ayaa bilowday galabnimadii maanta iyadoona labada kooxoodba ay yihiin kuwa is ku adeegsanayo rasaas kala duwan.

Qasaaraha dagaalka ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn iyadoo uu geystay qasaare naf iyo maalba isugu jira, mana jirto koox ka madaxb banaan dagaalakni oo isku dayaysaa inay xabad qaboojiso.

Bishan kaliya ayaa dagaaladaa muqdsiho ka dhacay waxaa ku nafwaaye ilaa 20 oo ruux iyadoo dad intaasi ka badan ay dhaawacyo ka soo gaareen in ku dhow kumaanan ay ka barakaceen guryahooda kuwasoo ku dacdareysan daafaha magaalada Muqdisho.


Dhanka kale kooxaha ka soo horjeeda dowlada ayaa weerar madaafiic ku qaaday xarunta madatooyada iyadoo uu halkaasi ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

Xoogaga    Xisbul   Islaam   oo    xalay  faarujiyay fariisin ay in muddo ah ku lahaayeen   Saldhiga  Galbeed............

Xoogag taabacsan Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG ayaa xalay saqdii dhexe faarujiyay Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, halkaasoo ay in muddo ah fariisin ku lahaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka bixitaanka saldhigaas ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Dowladda ay soo buux dhaafiyeen xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley, iyadoona sababta ka bixitaankooda lagu sheegay arrimo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay Ciidamada Dowladda ka wadaan xaafado ka tirsan Degmadaas.

Ciidamada Dowladda ee soo buux dhaafiyay Xaafado ka tirsan Degmada Dharkeenley ayaa isugu jira kuwii hore iyo kuwo dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda oo la keenay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la doonayo inay ka qeyb qaataan sugida ammaanka Caasimada.

Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamadan ay damacsan yihiin inay fariisimo ka dhigtaan Saldhiga Galbeed oo muddo bilooyin ah ka maqnaa gacanta Dowladda, waxaana la ogeyn sida xaalku noqon karo, mar hadii ay Xoogagii ku sugnaa ay isaga baxeen.

Xoogagan oo ah kuwa Jabhatul Islaam, balse markii dambe ku midoobey iyaga iyo xoog kale Urur la magac baxay Xisbul Islaam ayaa horay Degmada Dharkeenley dagaalo kula galay Ciidamada Dowladda iyo kuwo taabacsan Maamulada Degmooyinka Dharkeenley iyo Wada Jir ee deriska ah, waxaana ay dhowr jeer ooh ore la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Galbeed oo ay fariisin u aheyd Ciidamo Boolis ah.

Dadka ku dhaqan Degmada Dharkeenley ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay ku yeelan karto dhaq dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo xaafadaha Degmadaas, iyadoona Xoogagii faarujiyay Saldhiga Galbeed ay ku sugan yihiin Deegaanka Kaxda oo ah deegaano ay ku barakaceen qoysas fara badan.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

Bililaqo loo Badalay Qaniimo Magaalada Jowhar ayaa Bililaqo Kasocotaa Ilaa Shali ooy Geeysanayaan Xoogaga  Al-shabaab.

Shacabka ku dhaqan xarunta gobolka sh/dhexe ee Jowhar ayaa ku tilmaamay wax laga naxo iyo sumcad darro in xarumihii haydaha samafalka ee gobolka sh/dhexe ay bililaqo u geystaan koox sheeganaysa inay shareecada islaamka ku dhaqayso dalka,

Qaar kamid ah aqoonyahanka iyo dhalinyarada magaalada Jowhar oo la soo xiriiray Jowhar.com ayaa waxa ay sheegeen in ay codsi gaar ah u dirayaan madaxda sar sare ee xarakada Alshabaab codsigaasna uu ku wajahan yahay in laga daayo bililaqada xarumaha hayadaha gargaarka gaar ahaan kuwa qaramada midoobay iyo MSF(spain)

Dadka codsiga jeedinaya ayaa waxa ay sheegeen in muddo dheer dalka soomaaliya ay ka dhacayeen dagaalo sokeeye gobolka sh,dhexena uu soo maray dagaallo faro badan oo isugu jira ku qabaaillo ay ku dagaalameen iyo kuwo kale oo ay maamullo ay isaga hor yimaadeen, hase yeeshee arrintan haatan socota ma ahan mid soomartay magaalada Jowhar.

Haddaba waa maxay ururka alshabaab oo gacan ku haaya inta badan ee dalka soomaaliya uu sidan uga gelayaa shacabka reer Jowhar?

Codsigan ayaa dadka soo gaarsiiyey shabakada Jowhar.com waxay ugu dambayntii xusuusiyeen xarakada alshabaab in reer Jowhar ay yihiin dad beeralay ah oo aysan dooneynin in dhibaato la soo gaarsiiyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaara Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in galabta ilaa caawa ay gudaha xarunta Hey'adda UNICEF ku jiraan xoogag ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo bililaqo iyo boob ka wado, waxaana ay jirdil u geysteen shaqaalihii xafiiska iyo ilaaladii.

Calankii Hey'adda ayay dhulka u dhigeen, shaqaalihii ayay dibada u soo saareen, mid ka mid ah gaadiidkooda dagaal ayaa gudaha xarunta ku sugan, ciidamo fara badan ayaa baaris iyo boob ku haaya, ciidamadan waxay yihiin kuwo cusub oo manta soo gaaray magaalada, kuwaasoo boobkooda u cuskaday inay xaq tahay in waxa ay ugu yeereen qaniimo ka geysteen xarunta hey'adda maadaama xoolo gaalo leedahay ay tahay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Saraakiisha Alshabaab ay qirteen in maalin ka hor ay xoogagooda gacma gacmeys u geysteen xarumaha hey'adaha lana soo celin doono wixii la qaatay, laakinse arrinkan ayaa ah mid dadka ay aad uga fajaceen, iyadoona boob iyo bililaqo hor leh loo geystay.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webmester@camaloow.com

 

Sheekh Xasan Turki iyo Boqolaal Ciidamo uu horkacayo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi Al-Turki  oo ah Wadaad caanka ah  oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta iyo Boqolaal Ciidamo uu wato ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maalintii shalay, sida ay sheegeen warar lagu kalsoonaan karo.

Sheekh Xasan Turki oo ah nin aad ugu xeel dheereeya qidada dagaalka ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb qaato dagaalo la doonayo in lagu wiiqo awooda Dowladda KMG oo haatan ku soo koobantay kobo cayiman, wararka ayaa intaa ku daraya in Sheekh Xasan Turki oo hogaamiya Muckaskarka Raaskambooni uu qeyb ka yahay gurmadyo fara badan oo Alshabaab uga yimid Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Xasan Turki  Fikirka dagaal ee uu wato  ayaa ah in aanu dagaalka joogsan oo fursada la heysto laga faa'ideysto, isagoona sheegay in haatan Mujaahidiinta ay wax yar uga dhiman yihiin Muqdisho inteeda kale,Sheekh Xasan Turki oo horay xubin uga ahaa Alshabaab ayaa kulan dhowaan oo uu kula qaatay Madaxda Alshabaab deegaanada howdka waxay iskula gartaan inay dib u midoobaan.

waxaay sheegayaan Wararka qaar in Xoogaga Islaamiyiinta ee soo galay Magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyay ay kor u dhaafayaan ilaa 2000 oo ciidan, kuwaasoo la doonayo inay kaga qeyb qaataan qabsashada xarumaha Dowladda.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webwester@camaloow.com

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in aanay dalka marna ka baxeyn Ciidamada AMISOM................

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa ku cel celiyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM aanay marnaba dalka ka baxeyn.

Isagoo la hadlayay Telefisihinka dalka Masar ee lagu magacaabo Niel ayaa sheegay inaysan marnaba suurto gal aheyn ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya iyadoo aan wali la dhameystirin dadaalada dib u heshiisiinta, haddii ay taasi dhacdana macnaheedu tahay in fowdo dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka dhawaajiyay in wadada kaliya ee xalka lagu heli karo ay tahay in dhibaatada dalka Soomaaliya marka hore Beesha Caalamka gacan ka geysato si buu yiri ay cagaheeda isugu istaago.

Waxaa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada AMISOM aanay aheyn mid caqabad ku ah shacabka, isagoona soo qaatay howlaha gar gaar ee ay shacabka u qabanayaan sida Cusbitaalada ay ku leeyihiin Xarumahooda oo adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah loogu sameeyay dadka sida uu yiri.

Mar uu ka hadlayay mowqifka Maraykanka ee Dowladdiisa ayuu sheegay in mowqifka Washington uu yahay mid aad u wanaagsan oo danaynaya in xasilooni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo in la dhamaystiro wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna intaasi ku daray in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay rajaynayaan in dhibaatada Soomaaliya ay waqtiyada ugu dhow ay soo gaba gaboobi doonto.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor imaanaya baaq uu jeediyay jimcihii Wadaadka ugu weyn ee Mucaaradka Dowladdiisa Sheekh Xasan Dahir Aweys, kaasoo uu sheegay in dalka ay ka baxaan Ciidamada AMISOM, isagoo sheegay inay yihiin AMISOM sidii Bakteeriyada oo kale oo nabada ku horgudban.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webwester@camaloow.com

 

Gudoomiyaha   Degmada Hodan oo  saaka ka bad baaday  qarax  miino lagu qaarijin lahaa.............

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdi Dhabarey ayaa saaka ka bad baaday qarax miino lagu qaarijin lahaa, xilli uu la socday gaari uu saarnaa oo marayay Saldhiga Degmada Waabari.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa oo ahaa mid dhulka hoos tiisa la geliyay, lagana hago meelaha fog fog ayaa qaraxday wax yar kadib markii uu Gaariga uu Gudoomiyaha saarnaa ka gudbay halkii ay ku aasneyd.

Qaraxaas ayaa sababay dhaawaca ilaa afar ruux oo rayid ahaa, kuwaasoo hareeraha halka ay miinada ku aasneyd marayay, halka qaarkood ku lahaa goobo ganacsi.

Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Gen. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal ayaa xaqiijiyay qaraxa lala eegtay Gudoomiyaha Degmada Hodan isagoona tilmaamay in qaraxa ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana uu sheegay inuu ka bad baaday Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Dhabarey ayaa ka mid ah Gudoomiyeyaasha fara ku tiriska ah ee ka haray Maamulkii Maxamed Dheere, iyadoo horay falal kala duwan lagu qaarijiyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Degmada Wada Jir Axmed Daaci lala eegtay qarax miino, taasoo dhaawac culus oo ka soo gaaray loogu qaaday dalka Uganda, kadib markii dhaawaciisa waxba laga qaban waayay.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.com                                                                                         webwester@camaloow.com

 

Dhib Kama   jiro Kismaayo:   Sheekh  Max'ed   Dul-yadeyn   oo kamid ah Saraakiisha Raas Kambooni    ayaa    adkeeyay...............

Saraakiil katirsan xoogaga Islaamiga aha ee qeybta ka ah maamulka Islaamiga ah ee ka dhisan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa wax aan weyneyn ku tilmaamay khilaaf dhanka maamulka ah oo mudooyinkii u danbeeyay kasoo baxayay Kismaayo.

Sheekh Max'ed Dul-yadeyn oo kamid ah saraakiisha Raas Kambooni ayaa adkeeyay in xoogaga Islaamiga ah aysan ku kala duwaneyn wax aragti dhanka caqiidada iyo manhajka balse ay jirto kala duwanaanshiyo dhanka maamulka ah.

Waxaa muujiyay in khilaafkaasi uusan aheyn sidi ay warbaahinta qaar u buun buunisay balse ay yihin waxyaabo yar yar oo aan sidaasi u weyneyn lagana yaabo in ay iska dhamaadaan waqtiyada dhaw.

Sidoo kale Sheekh C/Rashiid Abu Yunus oo kamid ah maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa dhankisa xaqiijiyay hadii khilaaf dhanka aragtida ah uu ka dhexeeyo xoogaga Islaamiga ah in aysan lamid aheyn kooxihi baadilka ku heshiiyay ee ay wax waliba kitaabka Quraanka u bandhigayaan kuna dhameynayan.

Waxaa uu wadaadkaasi intaasi ku daray in hadda ay jiraan dadaalo meel wanaagsan maraya oo ku aadan dhameynta kala duwanaanshiyahaasi,waxana ay reer Kismaayo dareensan yihiin hadii Islaamiyiintu ay isku qabsadaan gacan ku heynta magaalada in ay dib usii gali doonaan waqtiyadii boobka iyo dhaca.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.                                                                                                                     comwebwester@camaloow.com

 

Xoogaga ka tirsan Xisbul Islaam oo xalay Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii Yuusuf Dabageed ee Gobolka Hiiraan ka afduubtay B/weyn.

Xoogag ka tirsan Xisbul Islaam ayaa habeenimadii xalay Hoy uu ka deganaa Magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan kala baxay Sarkaal ka tirsanaa Maamulkii Yuusuf Dabageed ee Gobolka Hiiraan, iyadoona falkaas ay dadka deegaanka ku tilmaameen mid afduub ah.

Sida ay sheegayaan warka Mid ka mid ah Xaafadaha Degmada B/weyn ayaa la sheegay inay kala baxeen Gudoomiyihiin Maxkamada Gobolka Hiiraan Sheekh Cismaan Barre Xoogag taabacsan Xisbul Islaam, iyadoona aan la ogeyn halka lala aaday.

Warar qaar ayaa sheegaya in sababaha Mas'uulkan horay uga tirsanaan jiray Maamulkii Gobolka Hiiraan loogala baxay gurigiisa ay tahay dacwad loo heysto, inkastoo uu mar hore ka fariistay Siyaasada, isla markaana iska casilay howlihii uu ka hayay Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal u hadlay Xoogaga Xisbul Islaam oo ku sugan Magaalada B/weyn ayaa beeniyay warkaas sheegaya in la afduubtay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Gobolka Hiiraan ee Maamulkii TFG-da, waxaana uu sheegay in si caadi ah loo waday oo uu Sarkaal ka tirsan Jabha Islaamiya uu soo dacweeyay sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada B/weyn ayaa waxaa ku sugan Xoogag Islaamiyiin iyadoona inta badan Howl galada ay wada sameeyaan ay yihiin kuwo aan isku ujeedo aheyn oo dhinac walba ay iskeed isaga howl gasho.

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.                                                                                                                     comwebwester@camaloow.com

 

Xassan Daahir waa u badbaado Dowladda Madaxweyne Shariif..........

Sheikh Xassan Daahir waxa ay in badan isla soo shaqeeyeen Madaxweyne Sheikh Shariif oo ay ahaayeen laba nin oo waqti iyo waayaba soo wada qaatay guul iyo guuldaraba soo wada maray waxaana la aaminsan yahay in uu safka hore kaga jiro ragga la oran karo qeyb weyn ayay ka qaateen soo caanbixinta madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.


Markii la doortay Madaxweynaha Bishii Janaayo durba waxa uu ku dhawaaqay sida uu uga soo horjeedo, taasna waxa ay mugdi gelisay qeybaha Soomaaliyeed oo niyad xumi ka muujiyay guul uu gaaro Madaxweyne Shariif oo uusan ka dhinac shaqeyneyn Xassan Daahir

Haatan waxa uu ka soo tagay Asmara oo dad badan aaminsanaayeen inuu xabsi guri kaga jiray wuxuuna joogaa magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan, Suudaan waxay dhowaan sheegtay iney waddo heshiisiinta Dowladda iyo Mucaaradka,waxaana loo aaneyna sababta uu Suudaan u joogo lakulanka madaxweyne Shariif ka dib marka uu ka soo laabto Magaalada Dooxa.
 

Fitnada Soomaaliya meel markii laga soo dejiyo dad bey cuqdad ku abuurtaa waxaana ka mid ah in website-yada qaar ay durba faafiyaan halkii laga soo dhoweyn lahaa oo shacabka looga farxi lahaa in Sheikh Xassan taageeradiisa Dowladda, ay guul u tahay Madaxweyne Shariif in waxyeelo loo gesyto Sumacdiisa, oo lagu tilmaamo nin hantida shacabka boob ku hayay labaatan sano, islamarkaana ay sharci darra ahayd inuu ka baxsado Ereterea, marka qofka sidaa u hadlaya oo waliba isku sheegaya inuu yahay machad cilmi baaris maxay tahay wadada uu jeclaan lahaa ma in Shiikhu uu mucaarad sii ahaado kuna sii dhex jiro Eretrea?.

Xassan daahir aniga waxaan is oran karaa waa nin si weyn ay ugu baahan tahay Dowladda Soomaaliya, oo ay la soo derseen caqabado ku aadan dib u yagleelidda ciidamo qaran ayna ka soo horjeesteen Islaamiyiin careysan oo wacad ku maray iney la dagaalamayaan, marka haddiise Xassan meesha yimaado oo uu ku dhawaaqo in Dowladda ay tahay mid Soomaaliyeed lalana shaqeeyo waxaa dhici karta in si weyn taageerayaashiisa oo dhan ay uga qeyb galaan hergelinta Dowladda iyo iney cagta mariyaan kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah.


Bashiir Cabdulaahi Raage
khartuum
bashkas@live.com

Camaloow  Online                                                                                                                                       Gureey006@hotmail.                                                                                                                     comwebwester@camaloow.com

 

Deganaansho ayaa ku soo laabatay goobihii ay shalay dagaalada ka dhaceen ee magaalada Muqdisho.

Waxaa caadi haatan ku soo laabatay dagaaladii maalintii shalay aheyd ka dhacay qeybo ka mid ah degmada yaaqshiid ee magaalada Muqdisho iyadoo saaka halkaasi laga dareemayo deganaansho walow aysan jirin cid si rasmi ah u kala dhex gashay kooxaha dagaalamayay labadii maalmood ee u danbeysay.

Dagaalakii shalay oo geystay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay ilaa 6 ruux halka in ka badan 30 ruux ay dhaawacyo kala gedisan ka soo gaareen kuwasoo haatan lagu dabiibayo cusbitalada magaalada muqdisho.

Dagaalkii ka soconayay labadii maalmood ee u danbeysay degmada yaaqshiid ayaa waxa uu ahaa mid u dhaxeeyay kooxaha islaamiyiinta ah kuwasoo kala taabacsan xisbul islaam iyo dowlada soomaliya, inkastoo labada dhinacba aysan si rasmi ah uga hadlin arimaha dagaalkan soo cusboonaaday.

Garab ka mid ah dagaalkan ayaa waxaa hogaaminaya Cabdulaahi macalin oo ka tirsan maxkmaadaha taageersan dowlada Islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ka howl galayay magalada Jowhar, iyo garab kale oo taageersan Abuukar cumar cadaan lakiin sheegtay inay ka tirsan yihiin ururka Xisbul Islaam.

Shacabka degmada yaaqshiid oo iyagu mar dhow guryahooda ku soo laabtay ka dib markii ciidamada Itoobiyaanka ay halkaasi isaga baxeen ayaa haatan waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan dagaaladan soo cusboonaaday taasoo ay dhalin karo hadii aan wax laga qaban in dad badan ay guryahooda dib uga cararaan.

Dowlada soomaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadi doonto talaabooyin lagu sugayo amaanka magaalada muqdisho lakiinse lama oga xilliga ay bilaaban doonto howlgal kaasi ay ku sheegen inay wax ka qabanayaan amaanka caasimada soomaliya

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

War deg deg ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar oo ku dhaawac qarax Miino lala eegtay isagoo lugeynayay............

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo lagula eegtay agagaarka Suuqa Bakaaraha, xilli uu lugeynayay.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Wasiirka ayaa waxaa sheegeen in wasiirka uu qaraxaasi ka soo gaaray Dhaawac fudud oo bawdada ah ,halka uu ku geeriyooday Xogheyntiisa.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa durba gashay jawi kacsanaan ah, kadib markii qarax lala eegtay mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Muqaawamada Soomaaliya ee xubin ka ah Dowladda Midnimada qaran.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay qaraxaas, sidoo kale Wasiirka wax war ah kama soo saarin qaraxaas lala eegtay.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Is   rasaaseey   kadhacday maanta magaalada baladweyn ee Hobalka Hiiraan...........

Maanta Barqadakii ayaa waxa si lama filaan ahi ay rasaas uga dhex qaraxday qaar ka mid ah xiidanka MMI iyo nin dabley ah oo hubeysan oo dhexmarayay bartamaha magaalda Beledweyne xilli ay dadku halkaas si aad ah ugu badnaayeen. Ninka oo ay ciidamadu horyba u raadinayeen, laguna eedeeyaynayay inuu qaatay qori nooca BKM-ka loo yaqaano ah, ayaa waxay arkeen isagoo magaalada dhexsocda, markii ay damceen inay joojiyaana uu tacshiirad huwiyay, dabada lagalay goob ganacsioo weyn uuna leeyahay nin ay hayb ahaan isu xigeen.

Ma jiraan wax dhimasho ah ilaa iyo hadda, balse waxa jirta dhaawac soo gaaray nin kamid ahaa cidianka MMI iyo dhaawac isagana soo gaaray ninkii ay doonayeen inay xoogga ku qabtaan.

Rasaasta oo lagamaqlayay meel walba oo magaalada ka mid ah, isla markaana gilgishay guud ahaan habsami u socodka howlaha ganacsiga oo ay haydna xilli uu dadku aad u mashquulsanaa,ayaa waxanan jirin wax khasaare ah oo kale oo halkaas ka soo gaaray dadweynaha dhimahso iyo dhaawac midna.

Ugu dambeyntii, markii uu muddo ssaacad ku dhow ku jiray ninkii la raadinayay dhaawacna ahaa ayaa waxa soo galay arrinta oo qaboojiyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, oo gaari u keenay kana qaaday halkii uu ku jiray oo ahayd goobta gancasi.

Ma cadda inay damiin ku wadeen ninkaas iyo inkale, balse labadii ninba waxa loo qaaday Isbitaalka weynee magaaalda Beledweyne oo labadoodiiba haatan lagu daweynayo.
Aden h Bashir
Beledweyne
adanuu68@yahoo.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ciidamadii Dowlada ee ku sugnaa Ceel-barde oo u soo baxsaday dhanka alshabab.

Wararka laga helayo Degmada Ceel-barde aya sheegaya in Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowlada oo dhawaan dagaal la galay alshabab in ay usoo goosteen dhinaca alshababka sida la xaqiijiyay.

Ilaa 45-askari iyo gawaaridii ay wateen ayaa waxa ay isku soo dhiibeen alshabab iyagoona ka yimid dhinacaa iyo Ceel-barde.

Ciidamada soo goostay ayaa inta aysan soo gaarin Magaalada waxa ay xiriiro kala duwan la soo sameeyeen madaxda ururka alshabab si ay ugu gar garaan marka ay soo baxsadaan,waxaana u suuro gashay in la ogalaaday in ay soo galaan gudaha magalada Xudur.

Baxsashada Ciidamada ka tirsanaa Dowlada ayaa waxa ay waji gabax ku tahay koox ka tirsan Dowlada oo dhawaanaha gaaf wareegayay Ceel-barde kuwaas oo horey looga eryay gobalada Bay iyo Bakool. 

Warkaan ayaa waxa uu imaanaya xili uu dhawan uu dagaal dhexmaray alshabab iyo Ciidamada is aruursaday iyo mid ka tirsan hogaamiyasha Ciidamada maleeshiyada oo shaaciayay in ay wadaan is abaabul Ciidan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Wararkii u dambeeyay Dagaalo mar kale saaka dib uga qarxay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur.
Dagaal ayaa saaka mar kale saaka dib uga qarxay deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo shalay ilaa xalay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Suufiyada ee Ahlu Sunah Waljamaacah.

Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo daba jooga dagaaladii dhowaan Gobolka G/gaduud ku dhexmaray labadaas dhinac ayaan faah faahin rasmi ah laga heyn, inkastoo dagaalka uu markii hore ka dhacay Tuulo u dhow Ceelbuur oo lagu magacaabo Wabxo.

Dagaalada saaka dib uga bilwoday tuulooyin ku dhow dhow Ceelbuur ayaa la sheegay inay geysteen dhimashada ugu yaraan 10 ruux oos ida la rumeysan yahay ay ku jiraan dhinacyadii dagaalada.

Waxaa xadidan wararka laga heli karo dagaalada, maadaama qadka isgaarsiinta uu yahay mid aad u xun, waxaana Saraakiil u hadashay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ay sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Kooxda Alshabaab.

Dagaalka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya Deegaanada Goboka G/gaduud, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalo kale ay ka sii qarxaan deegaano hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Horay ayay labadan dhinac dagaalo ugu dhex mareen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kaasoo aaqirkii shabaabka looga itaal roonaaday lagana wareegay gacan ku heynta labadaas degmo.

 Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr