|
Taliska Ciidanka AMISOM oo sheegay in dhawaan lasoo dhamaystiri doono Ciidamadii ay horay ubalan qaadeen Wadamada Africa.
Taliska Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in loo baahanyahay ciidan badan oo ka socdo wadamada Qaaradda Africa si ay u sugaan Amaanka magaalada Muqdisho.
Mayjar General Ba-Hoku Afhayeenka Ciidanka AMISOM oo socdaal ku joogo magaalada London wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay ku guulaysteen ilaalita meelaha Muhiimka ah oo ay dowladu ka joogto magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan katirsan Ciidankja AMISOM ayaa wado socdaallo uu ku bixinayo wadamada qaarada Yurub si AMISOM loogu helo dhaqaale ku filan oo ay kusii joogi karto magaalada Muqdisho oo ay dagaallo culus ka socdaan.
Mr. Ba-Hoku ayaa beeniyay in Ciidankoodu ay si ulakac ah u duqeeyaan xaafadaha ay deganyihiin dadka Rayidka ah magaalada Muqdisho isagoona sheegay in arrinkaas ay buun buuniyaan kooxaha Mucaaradka ah.
Ba-Hoku oo Waraysi siiyay Idaacadda BBC-da ayuu ugu baaqay wadamada Africa ee horay ubalan qaaday in Somalia ay usoo diraan 8-kun oo Askari si ay uga qayb qaabtaan howlaha Nabad ilaalinta Somalia.
Mar wax laga weydiiyay dalabka dowlada Somalia ay dalbatay Ciidan dheeri ah ayuu ku jawaabay "waxaan u malaynayaa in Dalabka Dowladu uu yahay soo dhamaystirida Ciidankii ay Africa horay ubalan qaaday ma ahan ciidan kale waa 8-dii kun ee kal hore loo balan qaaday Somalia" ayuu yiri Ba-Hoku.
Ciidamada Tirada yar ee ka socdo AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa Weeraro fool ka fool ah iyo qaraxyo kala kulmo Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalada kacdoonka ah kula jiro Dowladda KMG Somalia
Maxaa ka saaray Khadka Shabakadii caanka aheeyd ee Shabelle net???
Shabadaka shabelle.net ayaa dantay ka dib dilkii wariyaashii shabakadaa, shabakadan waxaa ay saldhig u aheed Madaxweyn Cabdi Khaasim.
Shabelle ayaa aheyd mid ka qeyb qaadatay taageeridii Cabdi Khaasim, sidoo kale markii uu xukunka la wareegay Cabdulahi Yusuf Shabelle waxey aheyd mid xigsatay muqaawamada iyo Qabiilada Hawiyaha.
Bixidii Itoobiya iyo Cabdulahi Yusuf waxaa ka dhashay tartan xukundoon oo diin hugsan, kaa soo noqday mid an marnaba la heyn dhinac ay saxaafadu ku fasiri karaan arimha socdo.
Jahwareerkaa ayaa keentay dhaawax iyo dhimasho oo gaartay saxaafada Soomaaliya, Shabelle.net ma ahan ugu dambeeyo oo aan xasuusano.
N Diin Ismacil Mogadishu.
Dhinacyada Gulufka Colaadeed ka wada koofuurta Somalia oo Hadalo isdhaafsaday iyagoo kukala sugan goobo kaladuwan.
Maamulka Islaamiga ee gobolada Jubbooyinka ayaa ka wada qeybo ka mid ah gobolada Gedo iyo Jubbooyinka dadaalo dadka deegaanadaasi ay ku wargalinayaan in ay ka hortagaan wax ay ugu yeereen duulaamo ku soo wajahan deegaanada ay gacanta ku hayaan Maamuladaasi.
Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub, isagoo ii waramayay ayaa waxaa uu ii sheegay in hadda uu ku suganyahay Gobolka Gedo, halkaasoo uu u tagay inuu la tashiyo la soo sameeyo Maamulada kale ee ka jira gobolkaasi Gedo.
"waxaad ogtihiin oo aad ka warqabtaan, anaga waxaa nagu wajahan dagaal caalami ah,qolooyinka gaalada ee badda fa-fadhiya ma la dagaalamayaan waxay ku sheegeen Burcad badeed ee dagaalkoodu waa mid ku aadan Muslimiinta Soomaaliya" ayuu yiri afhayeenka Maamulka Kismaayo.
wuxuu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay abaabuleyso dagaalo iyo Maleeshiyaadkii Maamulkii hore dowladda KMG ah ee ka arimin jiray gobolada ay Islaamiyiintu gacanta ku hayaan.
Dhanka kale C/Fitaax Geesey oo ahaa guddoomiyihii Maamulkii dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa isagoo kusugan Doolow, shaaca ka qaaday in hadalada ka soo baxay Maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed oo sida la xasuusto buu yiri muddo la caburinayay.
Hadaladan iska soo horjeeda ee ka soo baxay dhinacyada uu u dhaxeeyo gulufka colaadeed ayaa ku soo beegmaya xili xiisado, dagaal laga dareemayo qaar ka mid ah gobolada dalka kadib markii dhinacyadaani ay warbaahinta isku dhaafsadeen Hadalo kul-kulul.
c/raxman bashiir hiiraanweyn online muqdisho
Ciidamada Dowladda KMG ayaa goor dhow la wareegay gacan ku heynta Saldhiga Yaaqshiid, kadib markii saaka weerar xoogan ay ku qaadeen, iyadoona dagaalka xoogiisa uu iminka ka socdo Xaafadaha ku dhow Saldhiga.
Dagaalka oo ah mid aad u xoog badan ayaa labada dhinac waxay is weydaarsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka deegaanka ee halkaas ku dhaqan ay yihiin kuwa beerka dhulka ku haaya, madaxa kari la' inay kor u soo qaadaan.
Lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka, hase yeeshee waxaa la arkayay gawaarida gurmadka dega dega, oo sii galaya Xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid, iyadoona ay adag tahay wali in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee uu dagaalka geysanayo.
Dagaalkan ka socda Degmada Yaaqshiid oo markiisii horeba salka ku haayay gacan ku heynta Saldhigaas, oo tiro dhowr jeer ooh ore ay marba dhinac ay la wareegeen, ayaa waxaa uu yahay mid ay loolan xoogan ugu dhaxeeyo Labada dhinac.
Ciidamada Dowladda KMG ayaa ku sii fiday qeybo ka hor leh oo ka tirsan Jidka 30-ka, halkaasoo ay horay u joogeen Xoogaga Mucaaradka, waxaana la ogeyn sida ay xaalada ku dambeyn doonto.
Sidoo kale xiisad ayaa ka taagan goobaha kale ee ay Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Mucaaradka isku hor fadhiyaan, sida Wadada Wadnaha, nawaaxiga Isgoyska Siinaay, Afarta Jardiino iyo Isgoyska Florenca halkaasoo shalay dagaalo xoogan ay ka dhaceen.
Maamulka Islaamiga ee hoos taga Ururka Alshabaab ayaa soo saaray wareegto uu ku mamnucayo in dadka iyo gaadiidka ay isla raacaan Gaadiidka, iyagoona faray in loo hogaansamo awaamiirta Maamulka.
Maamulka Kismaayo ayaa sheegay in aan la arkin Karin Ragga iyo Dumarka oo isla raacaya gaadiidka, isla markaana kursi wada jir ah ku fadhiisanaya, waxaana uu sheegay in cidii lagu arko tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Amarkan oo ka soo baxay Gudiga Wadooyinka Maamulka ayaa sheegay in si loo ilaaliyo asluubta iyo anshaxa isla markaana la waafajiyo sida shareecada Islaamka qabto ayay ku sheegeen inay xaaraan tahay Ragga iyo Dumarka ee aan isku banaaneyn inay meel wada jir ah wada fariistaan.
Gaadiidka ka shaqeeya Gobolada dalka ayaa si gaar ah loo faray amarkan inay qaataan, waxaana lagu wargeliyay darwalada gaadiidka inay u hogaansamaan amarkan oo ay si wanaagsan u dhaqan geliyaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Maamulka Islaamiga waxaa uu waday amaro ku aadan hirgelinta shareecada Islaamka, taasoo lagu kala xadeynayo Ragga iyo Dumarka, waxaana uu horay u soo saaray go'aano ay ka mid yihiin in aanay Dumarka qaadan Karin dharka qafiifka, ayna xirtaan Xijaabka, sidoo kale Ragga ayaa la faray in aanay goobaha dadka ku badan yahay ku cabaan sigaarka iyo qaadka, ayna iska xaadiraan Masaajidada waqtiyada salaada, iyadoo la xirayo goobaha ganacsiga.
Xoogag ka tirsan Xisbul Islaam ayaa xalay weerar gaadmo ah lagu dilay Degmada Mahadaay oo ay gacanta ku hayaan, kadib markii ay soo weerareen Ciidamadii maxkamadaha Islaamka ee dhowaan lagala wareegay Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa waxaa xigay iska hor imaad fool ka fool ah oo dhex martay Ciidamadii maxkamadaha ee weerarka soo qaaday iyo kuwii Xisbul Islaam, waxaana weerarkaas lagu dilay afar ka tirsan Xoogaga Xisbul Islaam.
Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamadii Maxkamadaha ee soo qaaday weerarka uu ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyadoona dabadeed ay la baxsadeen mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka oo ay ka qabsadeen Xoogaga Xisbul Islaam.
Sidoo kale weerarkaas oo ahaa mid xalay saqdii dhexe gil gilay Degmada Mahadaay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in Xoogaga Xisbul islaam oo howl galo ka sameeyay Degmada ay markii dambe nin ka soo baxay salaadii Subaxa ku dileen Degmada Mahadaay, kaasoo ahaa nin rayid ah oo ay ugu shakiyeen inuu ka mid ahaa kooxihii weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Xisbul Islaam ee gacanta ku heysa Degmada Mahadaay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkan, waxaana saaka xaalada Degmadaas tahay mid degan, inkastoo uu hakad ku jiro isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Dagaalkii uguweeynaa oo hada bilowday Inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino...........
Dagaalkii xoogan oo ayaa daqiiqado ka hor ka bilowday inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaa iyo Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid, iska hor imaadkan ayay wararku sheegayaan inuu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Mucaaradka ee ka soo horjeeda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Iska hor imaadka oo la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid daba jooga dagaaladii 5-tii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa hada u eg mid aad u xoogan, hase yeeshee waxaa dhici karta inuu sii kululaado, hadii labada dhinac midkood uu ku soo siqo aagaga ay isku hor fadhiyaan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalka uu sii fido, iska hor imaadkan hada ka qarxay Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino ayaa meesha ka saaraya waan waan iyo dadaalo maalmahan laga dhex waday dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan ilaa iyo hada heshiis xabad joojin gaarin.
Kooxda Mucaaradka ayaa ah kuwo isku ballaarinaya Magaalada Muqdisho inteeda kale, waxaana haatan Dowladda KMG u muuqataa mid kaliya ku soo koobantay Deegaanada kulaala Waqooyiga Muqdisho oo ay difaacaneyso
Isbitaalada Lageeyo Dadka Bukaanka ah ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in ay buux dhaafiyeen dad rayid u badan oo ku soo waxyeeloobay duqeyn iyo dagaalo ku dhexmaray magalaada Muqdisho Xoogagga Muqaawamada ee alshabab iyo maxakamadaha islaamka.
Galinkii banbe ee shalay ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay dhiilo Colaadeed ka dib markii isku day dil uu ka bad baaday sarkaal ka tirsan alshabab, wixii ka danbeyay xiligaa Muqdisho waxa ay ahayd meel laga dareemayo saan saan dagaal iyo in qolo waliba ay dirsatay gurmad dagaal.
Hosbitaalka Madiina oo ah Midka Ugu weeyn magaalada Muqdisho ayaa waxa la geeyay bukaano ku soo dhaawacmay dirirtii u dhaxeysay alshabab iyo Maxakamadaha iyadoo ay takhaatirtu sheegayaan in ay jirto dad dhaawacyadoodu uu culus yahay, colaada shalay bilaabatay ayaa waxa ay dhibaato u geysatay dad shicib ah oo ka madax banaan xoogagga dagalamay waxana la sheegay in tiradooda ay ghareyso ilaa 50-ruux ooqaba dhawacyo kala duwan.
Ugu danbayntiina lama oga sida xaal uu ku danbayndoono iyadoo wali aan si toos ah loo kala dhex galin marka laga reebo hadalo iyo baaqyo loo marinayo xoogagga hardamaya qalabka warbaahinta gudaha dalka soomaaliya
Markii ugu horeysay tan iyo intii xoogaga Al-shabaab ay lawareegeen gacan ku haynta gobalada Bay iyo bakool ayaa waxaa xalay ciidamada Xarakada ay ku guulaysteen in guri ku yaala xaafada Horseet oo khamriga lagu sameeyo ay ku haleen cadad khamri ah oo cadadooda aan laqiyaasin.
Waxaana la sheegay in guriga loogu galay dadka degan iyaga oo dabka ay u saaranyihiin digsiyi oo ay ku karsanayeen khamrida iyo waxyaabo kale oo maandooriya ah.
Taliyaha ciidamada xoogaga Al-shabaab ee maamulka islaamiga ee ka arimiya gobalada Bay iyo Bakool oo xasaafada gudaha magaalada kula hadlay ayaa waxaa uu ka warbixiyey howlgalka ciidamadu ay sameeyeen, sheekh Xasan Cabdunuur Deerow ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamadooda ay ku guulaysteen in ay gudaha ugalaan warshad lasheegay in khariga laga sameeyo iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya ,warshadaasi oo loola jeedo guri kamid ah guriyaha ku yaala xaafada horseet ee magaalada baydhabo.
Waxaana uu intaasi ku daray sheekh xasan in sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen haweeneydii waxyaabaha maanka dooriya guriga ku sameyneysay islamarkaasina ay kagadaneysey dadka isticmaala maandooriyaha, hase yeeshee ciidamada ayaa waxaa xabsiga ay dhigeen xalay sedax kamid ah dadkii guriga ku jiray oo haweeneydii sameynaysey ay ku jirto sida uu saxaadafa u sheegay taliyaha sheekh xasan deerow.
Sikastaba ha`ahaatee, waxaana taliyaha ciidamada uu uga baaqey in ay siiwadaan howlgalada noocani oo kale ah isagoona uga digay dadka arimahani isticmaala in ay kawaan toowaan hadii kalena uu sheegay in talaabo cad ah qaadi doonaan cidii lagu arko.
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com webwester@camaloow.com
War kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda shaqaalaha Labo Markab oo Masar laga leeyahay kuwaas oo burcad badeed Soomaaliyed ku haystaan xeebaha Maamul goboleedka Puntland.
Labada Markab ee Masaarida ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa kalluunka ka ugaarsada Badaha, waxayna ka soo dhaqaaqeen biyo goboleedka Masar, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar waxay tiri Labadaas Markab ma haysanin fasax ay kaga soo kalluumeysan karaan biyaha Somaliya.
Maraakiibtaas ayaa hadda lagu haystaa xeebta Laasqori ee Maamul Goboleedka Puntland, wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Maraakiibtaas ayaa sheegaya in kooxda Soomaalida ee Maraakiibta haysata dalbadeen 5 Milyan oo Dollarka Mareykanka.
Dalabkaas burcad Badeeda ilaa iyo hadda Masaarida si cad ugama jawaabin, laakiin Wasaaradda arrimaha Dibadda Masar waxay leedahay waxaa socda wadahadal u dhaxeeya burcad Badeeda iyo Shirkadda Maraakiibtaas.
Warar sheegaya in Sheekh Xasan Dahir loo diiday inuu ka qudbeeyo Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho...............
Warar lagu kalsoon karo ayaa sheegaya in Wadaadka Islaamiga ah Sheekh Xasan Dahir Aweys oo qorshihiisa saaka ahaa inuu shacabka reer Muqdisho kala hadlo Fagaaraha Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa iminka la sheegayaa in loo diiday inuu halkaas ka qudbeeyo.
Sida qorshuhu ahaa, isla markaana ay shalay shaaca uga qaadeen Xisbul Islaam ayaa ahaa in Sheekh Xasan Dahir maanta ka hadlo munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyo Isbartiibada sida uu cadeeyay Dr. Cumar Iimaan Abuubakar.
Laakiin isku daygaas ayaa baaqday kadib markii la sheegay in la diiday in halkaas uu kala hadlo shacabka, maadaama ay ku sugan yihiin Kooxo kale oo aan Wadaadka ku feker aheyn.
Wariyeyaasha Muqdisho oo markii hore lagu wargeliyay inay Sheekhu ka hadlayo Fagaaraha Isbartiibada ama Garoonka Muqdisho Stadium ayaa haatan ku jahwareersan, waxaana xalay qaar ka mid ah Idaacadaha laga sii daayay ogeysiis ku aadanaa in isu soo bax lagu qabanayo Garoonka Muqdisho Stadium oo uu Sheekh Aweys ka qudbeyn doono.
Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo marti sooraya Sheekh Xasan Dahir ayaa waabarigii saaka sheegay in isu soo bax lagu qabanayo Barxada weyn ee Wardhiigley, halkaasoo Sheekh Xasan Dahir Aweys ka hadli doono.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo saaka isku sii diyaarinaya inay tagaan Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium ayaa mar kaliya ka war helay in isu soo baxa uu ka hadli lahaa Sheekh Xasan Dahir loo weeciyay Barxada weyn ee Degmada Wardhiigley, halkaasoo aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
War deg deg ah: Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo goor dhoweyd lagu dilay Agagaarka Warshada Biyaha Caafi.........
War goor dhoweyd na soo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka lagu dilay isaga iyo Ilaaladiisa agagaarka Warshada Biyaha Caafi, kadib markii gaari uu watay oo ahaa Roneyd uu rasaaseeyay gaari kale oo ay wateen Kooxo Hubeysan.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Kariye, waxaana la sheegay inuu ahaa Sarkaalka heysta Saldhiga Degmada Hodan oo ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamka.
Wararka ayaa intaa ku daraya Kooxaha Hubeysan ay gaarigiisa la eegteen rasaas xoogan, taasoo keentay in isaga iyo Ilaaladiisa ay ku geeriyoodaan, waxaana gaariga uu gudaha u galay Guri ku dhowaa Wadada Warshadaha, taasoo keentay geerida Haweeneyd deganeyd guriga.
Ilaa iyo hada wax war kama soo bixin Maxkamadaha Islaamka, waxaana sidoo kale la sheegi karin kooxaha ka dambeeyay dilkaas, hase ahaatee dilkan ayaa imaanaya kadib markii shalay isla Wadada Warshadaha lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dagaalo iyo duqeymo is bar bar socday oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho....
Dagaalo xoogan oo bar bar socday duqeymo ayaa xalay si weyn u gil gilay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoona dagaaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Dagaalka oo ahaa mid socday muddo saacad ah ayaa ka dhacay Wadada dheer ee Maka Al-mukarama, Xaafada Taleex iyo Isgoyska KM4 halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana weerar ku soo qaaday Kooxo Hubeysan.
Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay 8 kalena wey ku dhaawacantay kadib markii ay dadkaas ugu tageen xaafadahooda madaafiicdii la si dhaafsanayay, waxaana inta badan madaafiicdu ku dhaceen xaafado ka tirsan degmada Hodan.
Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe abaaro 2-dii habeenimo, xilligaas weerar fool ka fool ah ay Kooxaha Hubeysan ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugan inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka ilaa KM4.
Hugunka Madaafiicda kala duwan oo ay adeegsanayeen Ciidamada AMISOM ayaa ahaa mid Magaalada oo idil gil gilay, waxaana dadka Muqdisho xalay u aheyd habeen murug leh, iyagoona dib u soo xusuustay dagaaladii cuslaa ee Muqdisho ku dhex mari jiray Xoogaga kacdoonka iyo Ciidamadii Ethiopianka.
Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha kala gaaray dhinacyadii xalay dagaalku dhex maray, sidoo kale ma jirto ilaa iyo hada koox sheegatay mas'uuliyada weerarkaas, hase yeeshee dagaalkan ayaa ah mid ka hor imaanaya go'aankii Culumaa'udiinka ee ahaa in aan la qaadin wax dagaal ah.
Dalxiis:::: Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahemd oo goor dhow u duulay dalka Qadar si uu ugu qeyb galo kulanka carbeed.........
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada Soomaliya sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay goor dhow ka duuleen geroonka diyaaradaha ee Aaadan cadde International Airport iyagoo ku sii jeeda dalka Qatar halkaasoo uu ka furmay kulanka wadamada carabta.
Amaanka garoonka ayaa ad loo adkeeyay sababo la xiriira sugida amaanka madaxweynaha dowlada midnimada qraan Sheekh shariif sheekh axmed iyadoo ay halkaasi ka sii sagootiyeen xubno ka tirsan loabada gole ee dowlada federalka soomaliya.
Waxaana amaanka garoonka sugayay ciidamada Midowga afrika ee loo yaqaano AMISOM iyo ciidamada dowlada soomaliya kuwaasoo lagu arkayay inay isku wareejiyeen isgoyska KM 4 oo halkaasi rasaas laga maqlayay.
Kulanka uu ka qeyb galayo madaxweynaha Soomaliya ee ururka carabta ayaa waxaa lagu sooq aadaya arimo ay ka mid tahay madaxweynaha sudan oo maxkamada aduunka ay u jartay warqad lagu soo xirayo iyo arimaha falastiiniyiinta iyo arimaha soomaliya.
Madaxweynaha soomaliya ayaa dalka joogay mudoo labo maalmood ah, isagoo kulan la qaatay golaha wasiirada ee uu hogaamiyo Ra'isal wasaare Cabdi rashiid Sharma'arke, waxaana sidoo kale shir jar'aaid uu sjhalay ku qabtay xarunta madaxtooyada uu ugu baaqay ururka al qaacida inay fara gelinta ka daayaan arimaha soomaliya
War deg deg ah: Xubno ka tirsan Xisbul Islaam oo ku dhawaaqay inay xilkii Gudoomiyenimo ka qaadeen Dr. Cumar Iimaan....
Xubno ka tirsan Isbaheysiga Xisbul Islaam garabka Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa maanta ku dhawaaqay inay xilkii Gudoomiyenimo ee Ururka Xisbul Islaam ka qaadeen Dr. Cumar Iimaan Abuubakar
Xil ka qaadistan ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa Yuusuf Indha Cadde oo horay ugu khilaafay dagaalkii ay qaadeen Xisbul Islaam, isla markaana maalmahan culeys kala duwan uga imaanayay beesha uu ka soo jeeda.
Gudoomiyaha Xisbul Islaam ayaa waxaa loo magacaabay Sheekh Maxamed Xasan Cameey, iyadoona lagu eedeeyay Gudoomiyihii hore Dr. Cumar Iimaan inuu jebiyay sharcigii u yaalay Xisbul Islaam
Xubnaha Xisbul Islaam oo shir jaraa'id ku qabtay Warshadii hore ee Baastada ayaa sheegay inay go'aansadeen inay xilka ka qaadaan Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, iyagoona qodobo dhowr ah ka soo saaray xil ka qaadistiisa iyo xaalada dalka.
Qodobada ay soo saareen Xisbul Islaam waxaa ka mid ah:
1. Markii ay caddaatay in uu jabiyey heshiiskii lagu dhisay Xisbiga kaa soo ahaa in la yahay hal Xisbi, uuna ku dhaqmay wax khilaafsan heshiiskii.
2 .Xisbiga oo galay dagaal aanu amrin Mas’uulka Xisbiga, waxna uu ka qaban waayay
3.Isagoo diiday go’aankii iyo bayaankii shirweynihii culumada Soomaaliyeed, xubnaha kalena ku qancin waayay si waafaqsan shareecada Islaamka.
4. Sidoo kale waxaa guddoomiyha cusub ee xisbul Islaam lagu dhawaaqay inuu noqdo Sheekh Maxamed Xasan Cameeey.
Sidoo kale waxaa jira qodobo kale oo ay soo saareen Xisbul Islaam oo kala ah.
1. in Xisbigooda uu taageersanyahay Bayaankii Culumaa udiinka Soomaaliyeed ay soo saareen.
2. in waddanka lagu xukumo Shareecada Islaamka wax kalana aan loo baahneyn.
3. in ay baxaan ciidamada Shisheeye ee hada Dalka ku sugan kuwo kalena aan la keenin, waayo looma baahna.
4. in Ethiopia si buuxda waddanka ay uga baxdo dibna aysan ugu soo laaban.
5. in Soomaalida arrimaheeda ka tashato sidii horay loogu aqoon jiray.
6. kooxda Jabuuti waa in ay fuliyaan Go’aankii Culimada oo ahaa in ciidamda Ajnabiga ah ee dalka jooga mudadii 4-bilood aheyd oo ay qabteen kuwo kalena aan la keenin.
Ururka Xisbul Islaam oo ay ku bahoobeen qaar ka mid ah Xoogaga ka dagaalama Soomaaliya ayaa kal hore isku khilaafay dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo uu ururkaas qeyb ka ahaa, waxaana Xisbigu haatan u noqday mid labo garab u kala jabay, bacdamaa Gudoomiyihii Ururkaas Cumar Iimaan uu heysto taageerada xubnaha Xisbul Islaam.
Yuusuf Indha Cadde ayaa dhowaan sheegay inuu iska casilay xilka Taliyaha Ciidamada Isbaheysiga Xisbul Islaam, waxaana tan iyo wixii markaas ka dambeeyay uu Xisbigu noqday mid labo garab u kala jaba, isla markaana si weyn isugu khilaafa xaaladaha dalka.
Tani ay ah mid horseedi karta inuu bur bur ku yimaado dhismaha Xisbul Islaam oo ay horay ugu midoobeen kooxaha Muqaawamada ee kala ah Jabha Islaamiyah, Raaskambooni, Maxkamadaha garabka Asmara, iyo Mucaskarka Caanoole.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war oo ka soo baxay Gudoomiyaha xilka laga qaaday Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, waxaana laga war dhowrayaa sida uu jawaab uga bixiyay Dr. Cumar
Camaloow Online Gureey006@hotmail.com webwester@camaloow.com
Wararkii u dambeeyay Dagaalo mar kale saaka dib uga qarxay Deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur.
Dagaal ayaa saaka mar kale saaka dib uga qarxay deegaano ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka G/gaduud, halkaasoo shalay ilaa xalay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyaad taabacsan Culumaa'udiinka Suufiyada ee Ahlu Sunah Waljamaacah.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan oo daba jooga dagaaladii dhowaan Gobolka G/gaduud ku dhexmaray labadaas dhinac ayaan faah faahin rasmi ah laga heyn, inkastoo dagaalka uu markii hore ka dhacay Tuulo u dhow Ceelbuur oo lagu magacaabo Wabxo.
Dagaalada saaka dib uga bilwoday tuulooyin ku dhow dhow Ceelbuur ayaa la sheegay inay geysteen dhimashada ugu yaraan 10 ruux oos ida la rumeysan yahay ay ku jiraan dhinacyadii dagaalada.
Waxaa xadidan wararka laga heli karo dagaalada, maadaama qadka isgaarsiinta uu yahay mid aad u xun, waxaana Saraakiil u hadashay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah ay sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Kooxda Alshabaab.
Dagaalka ayaa u muuqda mid ku sii fidaya Deegaanada Goboka G/gaduud, waxaana cabsi laga qabaa in dagaalo kale ay ka sii qarxaan deegaano hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka bilowday Degmada Ceelbuur iyo tuulooyinka ku dhow dhow.
Horay ayay labadan dhinac dagaalo ugu dhex mareen Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, kaasoo aaqirkii shabaabka looga itaal roonaaday lagana wareegay gacan ku heynta labadaas degmo.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com

Kafiiri wararkii Hore Halkan
Video waxaa ka eegtaa halkan Dhegeeyso _Sh, Abuu Zubeyr

|