Wararka aan ka helayno Deegaanka Ceel-baraf ayaa sheegaya in goor dhow dagaal rogaal celis ah mar kale dib uga qarxay Deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Sh/dhexe.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Maxkamadaha Islaamka garabka taabacsan Dowlada KMG iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxa uuna daba socdaa dagaal saakay aroortii hore ka dhacay Deegaano ka tirsan Deegaanka Ceel-baraf.
Labada dhinac ayaa isku adeegsanayaan hubka waa wayn iyo kan fudud, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, xaalada Deegaanka Ceel-baraf iyo Deegaanada ku dhow dhowna si aad ah ayay u kacsan tahay.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo wali socda una muuqda mid sii xoogaysanaya, hase yeeshee goob joogayaal ayaa sheegay in ay jiraan qasaare nafeed soogaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah, balse dhab ahaan lama xaqiijin karo.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in labada dhinac ay soo kala gaarayaan gurmadyo aad u xoogan, isgaarsiinta Degaankaasina tahay mid aan wanaagsanayn.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dowladda Somalia Yuusuf Dhuumaal oo laxaqiijiyay in uu ku dhaawacmay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho.
Dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Dowladdda KMG Somalia. Jariirada Sharqal Awsat ayaa shaaca ka qaaday in si qarsoodi ah ay ku heshay war sheegaya in dagaaladii Muqdisho uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidanka Xoogga General Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal oo dhawaan loo dhiibay xilka ciidanka xoogga.
Asharqal Awsat ayaa sheegtay in Dowlada Somalia ay ka qarisay Warbaahinta maxaliga ah dhaawaca Dhuulmaal si ay uga fogaato Niyad jab ku yimaad Ciidanka Dowlada oo dagaalo kula jira Xoogaga Islaamiyiinta ah.
Mas'uul katirsan Dowlada oo Magaciisa qariyay ayaa Sharqal Awsat u xaqiijiyay in Dhuumaal dhaawac aan sidaas u weynayn uu qabo islamarkaana lagu baxnaaninayo Cisbitaal aan la sheegin halka uu kuyaal.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dhuumaal uu ku dhaawacmay Dagaallo fool ka fool ah oo Muqdisho ka dhacay halka Warar kale ay sheegayaan in uu ku dhaawacmay madaafiic hoobiyaal ah oo dhanka Madaxtooyada loo tuuray.
Warkan ay baahisay Asharqal Awsat wuxuu intaas ku darayaa in Xarakada Al Shabaab ay magaalada Muqdisho ka qaybisay Cajalado Muuqaal ah oo ay dadka ugu sheegayso in ay kusoo biiraan iyada.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay Dowlada Federaalka Somalia laga dilay saraakiil muhiim u ahaa ciidankeeda sida Cumar Xaashi Aadan Wasiirkii Amniga Qaranka iyo Cali Saciid oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir.
Mas`uul ka tirsan xisbul islaam iyo ciidankiisa oo ay alshaab ka soo Saar Magaalada jilib
Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ay amar ku siiyeen Sheekh Axmed Max’ed Islaan(Axmed Madoobe) in uu ka baxo degmadaasi, iyadoona uu kaso dhaqaajiyay isaga iyo ciidamo uu hogaaminayo.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe oo kamid ah saraakisha Xisbul Islaam isla markaana markii Sheekh Sharif la doortay kasoo baxay xabsi guri uu kaga jiray Itoobiya uu hadda kusoo wajahan yahay gudaha magaalada Kismaayo ee uu ka taliyo Maamulka Islaamiga ah.
Si dhab ah looma oga waxa keenay in Xoogaga Al-Shabab ay Jilib kasoo saaraan Masuulkaasi, hayeeshe waxaa la ogaa in muddooyin bilo ka hor uu jahwareer ka abuuray gudaha Kismaayo isla markaana uu isku dayay isagoo xabsi laga so daayay kolkaasi in uu qabto xilka ugu sareeya maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo ay ku mideysan yihiin Al-Shabaab iyo Kaambooni iyo Caanoole oo hadda isu badalay Xisbul Islaam.
Sheekh Axmed Madoobe iyo hal gaari Tikniko ah oo uu wato waxay ka yimaadeen magaalada Muqdisho halkaasi oo ay dhawaan kusoo qul qulayeen xoogag Islaami ah markii ay halkaasi dagaallo lixaad leh kula galeen dawladda KMG ah ee Somaliya
Mdaxweeyn Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo ku Wajahan Dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sii jeeda magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga sida ay xaqiijinayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya aqalka Madaxtooyada.
Madaxweynaha dowladda Faderaalka ayaa kaga qeybgalaya dalkaasi Talyaaniga wada xaajoodyo ay xaalada Soomaaliya ka yeelan doonaan dalal badan oo isku baheystay kooxda la baxday Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor aaditaankiisa magaalada Rooma wuxuu ka sheegay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya in ay Soomaaliya joogaan unugyo ka mid Al-Qaacida, isagoo sheegay in ay uhayaan cadaymo cad-cad oo arimahaasi ku aadan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ka codsan doona dalalka ku bahoobay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah in gacan laga siiyo dowladiisa, sidii ay uhelilahayd ciidan ku filan iyo dhaqaale ay ku maarayso xaalada dalka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay Aduunka la kaashadaan ladagaalanka Argagixisada Caalamiga ah, waa sida uu hadalka udhigaye.
Mr. Shariif ayaa beeniyey in ay dowladiisu gashay dambiyo dagaal, mudadii uu joogay Xaafiiska Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya, markii ay Hay'adaha Xuquuqda Aadanuhu ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay geystay gabood-falyo dagaal oo ka dhacay dalka Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee dalka Talyaaniga ayaa ku soo beegmaya xili mucaaradyada xooga badan ee ka soo horjeeda ay wacad ku mareen in ay afka ciida udari doonaan xukuumadiisa oo ay ka ceyrin doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Lama garan karo waxyaabaha uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya kala kulmi doono magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, waxaana shirkaasi hadalo ka jeedin doona xubno badan oo ka tirsan dalalka xubnaha ka ah Ururka la baxay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Dagaaladii Shalay Kadhacay Kadi Daganaasho laga dareemaya Tuulada Mahadaay ee Gobalka shabeelada Dhexe.
Xaalada Degmada Mahadaay iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa saaka degan, kadib markii dagaalo shalay ka dhaceen, waxaana wali Degmada gacanta ku haaya Xoogaga Xisbul Islaam oo kaashanaya kuwa Alshabaab.
Xoogagan oo xalay dib ugu soo laabtay Degmada Mahadaay, ayaa saaka wadin wax dhaq dhaqaaq ah, waxaana jawiga Magaalada uu yahay mid si caadi ah ugu socda dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo saaka aanu la xiriirnay ayaa sheegay in aanu jirin cabsi iyo wal wal ay qabaan, waxaana uu cadeeyay in Xoogagii shalay ka baxay degmadaas ee weerarka qaaday ay dib u soo laabteen.
Sarkaal u hadlay Xoogagan Islaamiyiinta ayaa sheegay inay guulo ka soo hoyeen dagaalka oo ay weerar ku qaadeen kooxo waday abaabul dagaal, waxaana la sheegay in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay soo noqsadeen, kaasoo dhowr habeen ka hor weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo lagu soo qaaday Degmada Mahadaay loogaga qabsaday.
Ciidamada Maxkamadaha ee laga saaray dhowana Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka, iyagoona dhankooda sheegay inay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana qasaare gaarsiiyay.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Sheekh Adan Jilibeey oo ka mid ahaa Maxkamadaha Islaamka Magaalada Balad-weyne oo shaaciyey in uu gebi ahaan iska casilay xilkiisa..........
Masuul Katirsan Maxkamadaha Islaamka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Sheekh Aadan Jilibay ayaa shaaca ka qaaday in si iskiis ah uu xiliisii isaga casilay.
Sheekh Aadan Jilibay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilka uu ka hayay Magaalada Balad-weyne isaga tagay, waxa uuna Carabka ku dhuftay in markiisii hore uu ahaa Shaqsi Ganacsade ah, haddana dib ugu laabtay howlihiisii Ganacsiga caadiga ahaa.
Wuxuuna yiraahday ma jirto jirto caga jugleyn la ii soo jeediyey si aan xilka uga tago, laakiin si iskey ah ayaan u og’aan saday xil iska qaadis in aan isku sameeyo..markii hore waxaan ahaa Shaqsi ku soo caan baxay Ganacsi haddana dib ayaan ugu laabtay howlaheygii Ganacsiga caadiga ahaa” ayuu yiri Adan Jilibey.
Sikastaba haa ahaatee is casilaada Mas-uulkan katirsan Maxkamadaha Islaamka Magaalada Balad-weyne ayaa imaanaysa xili ay xiisad kacsanaan ah ka jirto gudaha Magaaladaasi.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Sheekh Xasan Dahir oo diiday inuu Alshabaab ku wareejiyo Hubkii Indha Cadde.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Asmara, ahna Hogaamiyaha ruuxiga ee Xisbul Islaam ayaa ku gacan seyray in Hubkii uu dhowaan uu u dhiibtay Yuusuf Indha Cadde inuu ku wareejiyo Ururka Alshabaab.
Sida ay sheegayaan wararka waxaa fashil ku yimid kulan dhex maray Saraakiisha Alshabaab iyo Sheekh Xasan Dahir, oo looga hadlayay arrinta dagaalada iyo sidii mowqif isku mid uga qaadan lahaayeen.
Kulan albaabada u xirnaa oo ahaa mid aan la shaacin ayaa la sheegay in lagu kala tagay markii la isku qabtay Hubka Yuusuf Indha cadde oo haatan si rasmi ah gacanta ugu jira Sheekh Xasan Dahir, waxaana Saraakiisha Alshabaab ka dalbadeen in marka hore uu Indha Cadde cadeeyo mowqifkiisa, isla markaana Hubkiisa lagu soo daro gacanta Mujaahidiinta, si ay qeyb uga noqdaan waxa lagula dagaalamayo Cadawga.
Qodobo horu dhac ah oo Kulankaas ka soo baxay ayaa haatan waxay natiijadiisa u muuqataa mid bur bur ku dhow, waxaana haatan soconaya dadaalo kale oo dib lagu soo nooleynayo kulan mar kale dhex mara Ururka Alshabaab iyo Sheekh Xasan Dahir.
Sheekh Xasan Turki oo ah saaxibka Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa la sheegay inuu bilaabay in arrinta muranka ka taagan inuu soo fara geliyo, isagoo doonaya in Xasan Dahir uu ku qanciyo in Hubka uu soo dhiibo.
Labadan nin oo lagu sheego inay yihiin Aabayaasha Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa dhex maray kulan qaas ah oo ay labadooda ku keli ahaayeen, kaasoo ilaa iyo iminka aan wax war ah ka soo bixin.
Shalay ayay aheyd markii Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde uu si cad u sheegay in Hubkiisa uu ku amaaneystay nin walaalo ah, kaas oo uu qariyay magaciisa, hase yeeshee, dad badan ayaa horay ka fahmay hadalkaas, kuwaasoo u gartay inuu yahay Sheekh Xasan Dahir, maadaama ay isku beel hoose yihiin
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada...............
Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo dagaalada ay haatan yihiin kuwo ka yar sidii xalay iyo waabarigii saaka, waxaana aagaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo aan sidaa u buurneyn.
Warar aan la xaqiijin oo ah kuwo isa soo taraya ayaa kuwooda ugu badan waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobo ay horay u joogeen Kooxaha Mucaaradka, gaar ahaan Xoogaga Xisbul Islaam.
Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda, kuwaasoo ay ka garab dagaalamayaan Ciidamadii Milateriga Dowladii hore ee lagu soo tababaray Ethiopia, kuwaasoo saaka dagaalka ku soo biiray.
Sidoo kale warar kale oo iyana hada na soo gaaraya ayaa sheeaya in Xoogaga Alshabaab oo dagaaladaas qeyb ka ah iyana ay la wareegeen Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho oo dagaalka xoogiisa ka socday labadii maalmood ee u dambeysay.
Inkastoo aanay haatan dagaal xoogan ka socon magaalada Muqdisho, waxaana xilligan oo saacada Muqdisho tahay 12-ka duhurnimo ay xaalada u muuqataa mid yara xasilooney, laakiin meelaha wali Ciidamada isku hor fadhiyaan ayaa rasaas teel teel laga maqlayaa, waxaase dhici karta in labada dhinac uu wax walba ka dhex bilowday saacado gudahood.
Ilaa iyo hada Labada dhinac ee dirirti u dhaxeysa ayaa guulo aan badneyn kala sheeganaya, iyadoona dagaalku yahay mid kolba meel u guur guuraya, mana jirto cid wali ku kala adkaatay, marka loo eego in labada dhinac ay marba meel isku racdeystaan
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Ururka Alshabaab oo qabuuro ku burburiyay waqooyiga Magaalada Kismaayo...............
Ciidamo daacad u ah kooxda Islaamiga ah ee Alshabaab ayaa waxaa y ilaa 10 qabuuro ku bur buriyeen deegaanka Kamsuuma 90 KM dhinaca waqooyi kaga toosan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Sarkaal u hadlay ururka Alshaabaab ayaa sheegay inqabuuraha ay ku bur buriyeen deegaanka Kamsuuma ee jubada hoose ay ahaayeen kuwa lidi ku ah arimaha diinta islaamka isagoona sheegay inay doonayaan inay ka suuliyaan dhamaan qabuuraha la siyaarto degaanadaasi.
Waa markii seddexaad ee ururka Al shabaab o qabuuro ku bur buriyeen degaanada hoos yimaada gobolka jubada hoose oo ay kooxaha islaamiyiinta ah ay gacanta ku hayaan walow mar sii horeysay afhayeen Al shabaab uu u sheegay saxaafada inaysan ururkooda shaqo ku laheyn bur burinta qabuurahaasi.
Talaabooyinkan ay qabuuraha ku bur burinayaan Al shabaab ayaa waxaa ka hor yimid dad badan oo soomaali ah oo ku tilmaamay inay yihiin wax islaamnimada ka baxsan in qabuuro la bur biriyo waxaana ay talaabooyinkani ka careeysiiyeen waadada loo yaqaano suufida kuwaasoo ay sababtay inay is hubiyeen si ay dagaal u la galaan kooxda Al shabaab
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Khilaafka u Dhexeeya Xasan Dahir Aweys Iyo Indhacade Oo Sii Xoogeysanaya.............
Sida laga soo xiganayo warar lagu kalsoonaan karo, waxaa uu fashil ku yimid isku dayo la doonayay in lagu kulan-siiyo Hogaamiyaha ugu weyn ee Mucaaradka Islaamiyiinta Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo labaduba ka soo jeeda beesha Cayr. Isku daygan oo ahaa mid la doonayay in la isugu keeno labadan nin oo xilligan u dhaxeeya dagaal qabow ayaa la sheegay inay wadeen xubno dhowr ah oo uu ka mid yahay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ahaa Ganacsade taageeri jiray Midowgii Maxkamadaha Islaamka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Xubno ka soo jeeda Beesha Cayr ay sidoo kale qorshahan gees ka wadeen, Inkastoo Sheekh Xasan Dahir oo xilligan baalasha uga jira Dr. Cumar Iimaan uu ku gacan seyray inuu la kulmo Indha Cadde. Indha Cadde ayaa si hoose hormuud ugu ahaa garab ka tirsan Xisbul Islaam oo ku kala qeybsamay dagaaladii labadii maalmood ee bishii Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana uu markaas kadib ku dhaqaaqay inuu meesha ka saaro Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ah nin ay aad isugu dhow yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys
Laakiin Tallaabada Indha Cadde ku dhaqaaqay ayaa noqotay mid uu ku waayay saaxibtinimadii iyo walaalnimadii Xasan Dahir oo mar kaliya weeraray siyaasada Indha Cadde, taasoo Saxaafada uu ugu dhaleecayay inuu yahay qof mar walba bur burriya waxa uu dhiso, uuna yahay qof is bed-beddel badan oo mar kasta ku dadaala inuu fashiliyo wax uu markii hore dhismahooda isaga uu door ku lahaa, waxaa uu ku sheegay nin aan Diinta baran oo ku dhaqaaqay waxyaabo diinta fashil ku keenay.
Khilaafka Labada ayaa sii fogaaday markii Sheekh Xasan Dahir uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana ku fikir noqday Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, taasoo keentay in Yuusuf Indha Cadde hor istaago isu soo bax lagu qaban lahaa Garoonka Stadium Muqdisho oo uu halkaas kula hadli lahaa shacabka Muqdisho Sheekh Xasan Dahir, waxaana Sheekhu markii dambe uu dadka reer Muqdisho kala hadlay fagaare ku yaal Degmada Wardhiigley.
Ugu dambeyntii hogaamiyeyaasha isku beesha ka soo wada jeeda ayaa sidoo kale waxay ku kala aragti duwan yihiin taageerida Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif, waxaana Mr Indha Cadde oo dhowaan la hadlay Warbaahinta uu cod dheer ku sheegay inuu difaacayo Dowladda, isla markaana uu ciidan u noqonayo hadii ay qaadato Shareecada Islaamka, halka Sheekh Aweys uu sii adkeeyay mucaaradnimada uu kala soo horjeedo Dowladda, isagoo diiday wada hadal toos ah oo uu la galo Dowladda.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
C/raxmaan Janaqow "Mowqifka Alshabaab waa iska cad yahay waa dad isu heysta inay keligood Islaam yihiin, dadka Gaalo ayay u yihiin.............
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) ayaa si kulul uga hadlay mowqifka Kooxda Alshabaab ay ka qaadatay Go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoona ku eedeeyay Alshabaab in aysan wax mabda' laheyn.
Isagoo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wax yar kadib markii Afhayeenka Maamulka Islaamiga Kismaayo uu qaadacay go'aankii Baarlamaanka ayuu sheegay in mowqifka Alshabaab uu iska cad yahay, isagoona ku tilmaamay Shabaab kuwa iyagu moodaya inay keligood Islaam yihiin.
"Mowqifka Alshabaab waa iska cad yahay waa dad isu heysta inay keligood Islaam yihiin, dadka kale waa u Gaalo, marka nimankaas wax aan isugu nimaano meesha kumaba jirto"ayuu yiri Sheekh Janaqow oo si adag u difaacay go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Shareecada Islaamka ay tahay naseexo, waxaana uu sheegay in Diinta tahay diin nabad iyo bad baado leh, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay diintooda ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray kooxo diinlaawayaal ah.
Kooxda Mayalka adag ee Alshabaab oo ah Kooxda ugu tunka weyn Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa gacanta ku haaya Gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyagoona si cad uga soo horjeestay Go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka, waxaana go'aankaas ku sheegeen mid lagi qiyaameynayo shacabka Soomaaliyed.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Ciidamada Badda Faransiiska oo gacanta ku soo dhigay 11 burcad badeed ah soomaali ah......
Ciidamada Badda Faransiiska ayaa laba laabay howl galka ka dhanka ah Kooxaha Burcad badeedka, waxaana xalay ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 11 Burcad badeed ah, kuwaasoo ku guda jira falal afduub Maraakiib ah.
Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganeysay Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Faransiiska, Kooxaha Burcad badeedka oo watay dooni loogu magac daray hooyadii burcad badeedka ayaa lagu soo qabtay meel 120 Mile u jirta Dekeda Mombasa ee Dalka Kenya.
Warka ayaa intaa ku daraya in Kooxahan burcad badeedka laga soo qabtay meel u dhow Magaalada ay maamulaan Kooxaha Islaamiyiinta ee Kismaayo, waxaana taasi ay ka dambeysay markii Islaamiyiinta ay taageereen howl galkooda.
Sarkaal u hadlay Hey'adda Badmareenada Caalamka ayaa sheegay in isku dayga kooxaha burcad badeedka uu ahaa iyagoo doonayay inay qafaashaan Markab xamuul ah oo marayay biyaha u dhow Xeebta Mombasa, waxaana taasi la sheegay inuu u soo gurmaday Markab nooca wax bur buriya ah oo leeyahay Faransiiska.
11-ka burcad badeedka ayaa lagu hayaa Markabka dagaal oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, waxaana howl galka Faransiiska uu noqonayaa kii labaad oo todobaadkii labaad ay ku qaadaan kooxahaas, waxaana todobaadkii hore dhamaadkiisa ay ku soo furtaan dooni dalxiis ah oo laga heystay, taasoo ay ku dileen labo burcad badeed ah saddexna ay gacanta ku dhigeen.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Howshaan ciidamada amaanka mamulka Maxkamadaha islaamka ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magalada.....
Howshaan ciidamada amaanka mamulka Maxkamadaha islaamka ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magalada jowhar iyo degeenka Buurane ayaa waxa ay gacanya kusoo dhigeen ilaa iyo 3 ruux oo looga tuhun qabo in ay ka mid yhiin kooxo hubeeysan oo xalay weera dad ay ku dhinteen ku qaday gaari marayeey agagraka deegaanka Xaansholeey oo qiyastii 16km u jirta magalada jowhar ee Gobolkaasi Hilowle Ciise oo ka mid ah sarakiisha amaanka Maamulka maxkmadaha islamka ee gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa sheegay in labada ruux ee ay soo qabteen lagu wado baaritaano ku adaan In falkaasi ay ku lug lahayeen iyo in kale
Waxase intaasi ku daray in ay sii wadi donaan howgala lagu daba joogo kooxaha falalka amaan xumida ka wada wadada siku xirta gobolada dhexe ee dalka Soomaliya iyo magalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeeysa magalada jowhar iyo b/weyn oo mallmahii ugu danbeey kooxo hubeeysa falal burcadnimma ah ay ka geeysanayeen
Howgal dadka lagu soo qabqbatay aya waxa yimid ka dib markii kooxo burcad ah ay wadada ugaleen baabuurkan oo niiciisu ahaa Waaraad kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen
Rasasta ayaa waxa ay sababtay in Labada qofood ee ku dhintaan oo kala ahaa mid ka mid ah darawaladii gaariga iyo canug yar oo ka mid ahaa rakaabkii gaarigasi sarnaa Gaariga la rasaaseeyey oo waday badeeco kala duwan iyo dad rakaab ah ayaa ka yimid caasimda Muqdisho waxaana uu kusii jeeday pudland. Sidoo kalan waxa laxaqiijiyeey in xalay ill sadax baabuur ah halkasi lagu baartay
Falalkaan ayaa ah kuwo ay ka nasteen dadka safarka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Gobollada dhexe kadib markii ay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameeyeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee Somalia waxaane howlgaladaan soo dhaweeyay dadka ku dhaqan Gobolda dhexe ee soomaaliya iyagoo tilmaamay in uu wax wayn kabadali doono howlaha burcada. Ibrahim Muxumed Geedi Baashaal9@hotmail.com Camaloow Online B/weyne
Sheekh Xasan Dahir oo lagu casuumayay Dalka Qadar, xilli Madaxweyne Shariif uu ku sugan yahay.
Amiirka dalka Qadar ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Hogaamiye Mucaaradka Sheekh Xasan Dahir Aweys oo fadhigiisa yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Casuumaada Sheekh Xasan Dahir ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu gaaray Magaalada Doxa, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Carbeed ee maanta ka furmaya.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Dowladda Qadar ay dooneyso inay dhex dhexaadiso Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir oo lagu sheego inuu asal u ahaa aas aasida Islaamiyiinta Soomaaliya.
Inkastoo Wadaadkan mayalka adag aanu shaacin inuu aqbalay casuumadaas iyo in kale, ayaa hadana waxaa jira wada hadalo hoose oo ay la leeyihiin Hogaamiyeyaal carbeed sida Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhowaan booqday Magaalada Asmara, isla markaana la sheegay inay is arkeen Sheekh Xasan Dahir.
Amiirka Dowladda Qadar ayaa sheegay inay wadaan gogol nabadeed oo ay u dhigayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhinacyada ka soo horjeeda, iyadoo dhowaan Dowladda Qadar wafdi u soo dirtay Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ahaa Gudiga Culimada Islaamka.
Dawladaha Qadar, Liibiya iyo Sudan ayaa waxay u ballan qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay dhex dhexaadin doonaan Dowladiisa iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana laga war sugayaa hadba sida uu Sheekh Xasan Daahir Aweys uga jawaabo casuumaddaasi uu u fidiyay Amiirka dalka Qadar.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
biyo la’aan sababtay in ay dhintaan dadka iyo dunyada ku dhaqan qeybo badan oo ka tirsan Gobalada Dalka.
Biya la’aan aad u saraysa ayaa laga soo sheegayaa qeybo badan oo ka mid koonfurta iyo brtamaha dalka Soomaaliya ka dib abaaro iyo biyo yari is biirsatay.
Wararka laga helayo deegaanada hoostaga Jubada dhexe ayaa tibaaxaya in halkaas ay ka jirto biyo la’aan baahsan oo saamaysay dad iyo dunyo waxaana jira in halkaas ay dadka bilaabeen in ay isaga cararaan.
Gobalada dhexe ayaa iyana xaalad biyo la’aan iyo gaajo baahsan laga soo sheegayaa waxaana jira in dadka ku dhaqan tuulooyin hoostaga Gobalka hiraan ay qaar kood bilaabeen in ay haraad iyo raashin la’aan u dhintaan.
Sidoo kale biyo la’aantaan ayaa waxaa dadka u sii raaca abaaro sababay in xoolaha ay xiligaan u dhintaan dadka iyo xoolaha waxaana jira qaylo dhaan ay jeedinayaan wax garadka dadka reer miyiga ah.
Abaaraha iyo biya la’aanta ayaa xiligan ka saraysa bilihii la soo dhaafay, iyadoo Hay’adaha gar gaarka aysan wax muuqda ka qaban waxaana laga cabsi qabaa hadii dadkaas aysan helin kaalmo ay xaaladaha sidan ka siidari karaan.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Urur kale oo islaami ah oo soo dhaweeyay Go'aankii golaha wasiirada ay ku garen in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka.......
Ururka Al islaax oo ka mid ururada islaamiga ah ee aan hubeysneyn ee ka dhisan dalka Soomaliya ayaa si buuxda u taageeray go'aankii golaha wasiirada ee dowlada midnimada qaran ay ku sheegeen in dalka lagu dhaqi doono shareecada islaamka.
Afhayeen u hadlay ururka Al islaax oo lagu magaaco cabdiraxmaan baadiyow ayaa saxaafada u sheegay inay si buuxda ururkiisa u soo dhaweeyeen go'aankii golaha wasiirada ee dowlada soomaliya oo go'aan ku gaaray in sharreecada ay dalka ku maamulaan.
afhayeenku waxa uu sheegay ka dib markii kulan ay ku yeesheen magaalada Niarobi ee dalka Kenya ay muddo kaga munaaqashoonayeen arimaha u danbeeyay ee soomaliya ayaa waxa ay islama garteen inay taageereen xukuumada soomaliya mar hadii ay xukuumadu sheegtay in shareecada islaamka dalka ay ku xukumeyso.
Waxa uu sheekh badiyow sheegay in ay haboon tahay in la taageero dowlada madaama xalka umada uu ku jiro in la isku xukumo shareecada islaamka taasna dalka looga saari karo dhibaatada uu ku jiray mudada 20ka sanno ku dhow oo dagaalo ay dad aad u tiro badani ku dhinteen.
Ururka al islaax ayaa waxa uu ka mid yahay ururarada Islaamiga ah ee aan hubeyneyn ee ka howlgala gudaha dalka Soomaliya iyagoo gacan ka geysta arimaha dhisida masaajido iskuulo, lakiinse waxa uu ururkani dhowr jeer ka hadalay arimaha siyaasad ee soomaliya iyagoona hore u cadeeyay inay taageersan yihiin dolwada soomaliya
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Madaxweyne Shariif oo Cusbitaalka ku booqday Askartii Brundi ee Muqdisho ku soo dhaawacmay.......
Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee SoomaaliyaKMG ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku booqday Cussbitaal ku yaala Magaalada Nairobi qaar ka mid ah askartii dalka Brundi ee dhawaan ku soo dhaawacmay qarax ismiidaamiin ahaa oo lagula beegsaday xarunta Ciidamadaas ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Shariif oo ay la socdeen qaar ka mid ah Xubnaha Wafdigiisa ayaa si niyad sami ku jirta u gacan qaaday mid mid askartaas dhaawac ah ee weli lagu daaweynayo Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi. In kastoo Madaxweynaha hadal badan halkaas ka jeedin haddana waxaa uu muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkaas lala beegsaday askarta Brundi oo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Askartan ayaa waxay ku soo dhaawacmeen Weerar Ismiidaamiin ahaa oo Xoogaga Alshabaab ka dambeeyen kaas oo dhacay bishii aynu soo dhaafnay.
Labo Wiil oo ka mid ah Alshabaab ayaa waxay gudaha u galeen xarunta Jamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho halkaas oo Ciidamada Brundi fariisan u ahaa, waxayna dileen dhowr iyo toban oo askarta Brundi ah.
Madaxweynaha isagoo Salaamayay askarta ayaa waxaa dhinaca taagnaa oo Madaxweynaha la socday Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Midowga Afrika.
Booqashada Madaxweynaha ku booqday Isbitaalka Magaalada Nairobi ayaa waxay qeyb ka tahay socdaalka uu saacadaha soo socda ku tagi doono dalka Brundi halkaas oo uu kula soo kulmi doono Madaxda dalkaas isagoo Tacsiyayn doona dhibkii soo gaaray askarta Brundi.
C/casiis Golf googooye16@hotmail.com
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com
Saraakiisha Alshabaab ee ku sugan Gedo oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin dhibaatooyinka ay Ciidamada Kenya ka wadaan xuduuda.
Saraakiisha Ururka Alshabaab ee ka gacanta ku haaya Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda uu la wadaago Gobolka Gedo, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka waday howl galo ay ku qab qabanayeen dadka soomaalida ee isaga kala goosha xuduuda labada dhinac.
Bare Maxamed Faarax oo loo yaqaan Barre Qooje kana mid ah Saraakiisha Alshabaab ayaa isagoo ku sugan Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa uu sheegay in aanay loo dulqaadan doonin dhibaatooyinka ay xuduuda ka wadaan Ciidamada Kenya, kaas oo ay kula kacayaan dadka soomaalida.
Sarkaalkan ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee la soo dhoobay xuduuda ay uga digayaan dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka soomaalida, isagoona ugu baaqay inay ka waantoobaan.
Digniintan ka soo baxay Alshabaab ayaa ku soo aadeysa, xilli dhowaan Ciidamo Kenyan ah oo la soo dhigay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabeen howlo ay ku qab qabayaan dhalinyarada iyo dadka kale ee u sii talaabaya gudaha dalka Kenya.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webmester@camaloow.com

Kafiiri wararkii Hore Halkan
Video waxaa ka eegtaa halkan Dhegeeyso _Sh, Abuu Zubeyr

|