Welkome   To   Camaloow   Online
      

 

Dagaalo Baaxad leh  oo ay  bar  bar  socdaan  Duqeymo  oo  saakay  dib  uga qarxay Degmada Karaan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay dagaalo goos goos ah oo ay bar bar socdaan duqeymo dib uga qarxeen Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.


 

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlada KMG iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo garab sanayaan ururka Xizbul Islaam, oo mudooyinkan dagaalo culus ku dhex maraya Caasimada Magaalada Muqdisho.


 

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Degmada Kaaraan iyo Suuqa Degmadaasi, waxayna dagaalka labada dhinac u adeegsadeen rasaas culus iyo hubka waa way nee duqeynta ah.


 

Si kasta oo ay ahaato dagaalkan ayaa dhinac socda Duqeyn labada dhinac ay is weydaarsanayaan waxayna gesyteen qasaare soo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamayay, hase yeeshee lama xaqiijin karo inta ay la egyihiin qasaarahaasi.

Camaloow  Online                                                                                                                                          Gureey006@hotmail.com                                                                                            webmester@camaloow.com

 

Isbaaradii   Bada  Somaliya oo   xal keentay:  Dowlada Soomaaliya oo 20 sanno ka dib yeelaneysa ciidamada Badda kuwasoo dhawaan howl geli doona...............

Ilaa iyo tiro ku dhow 500 dhalinyaro soomaaliyeed ah ayaa tababar uga bilowday Magaalada muqdisho kuwasoo loo tababarayo sidii ay u noqon lahaayeen ciidamada badda ee Soomaaliya, waxaana tababarkan uu uga furmay dekeada duwoqday ee waqootiga magaalada Muqdisho.

Wararkale ayaa sheegaya in Ay kooxaha  dhigan doonaa Isbaaro Xaga cirka ah Si ay  u helaan hanaan dib loogu soo nooleeyn doona dowlada somalia, Ciidamada badda ayaa tababarkooda ka dib la hubeyn doonaa islamarkaana waxa ay u howl geli doonaan sidii ay wax kaga qabna lahaayeen burcad badeeda iyo maaraakiibta jaaniibta ah ee ka jalaabta kheyraadka badeena sida uu sheegay Admiral Faarax Cumar Axmed oo ah taliyaha cusub ee ciidamada Badda ee Soomaliya.

Arintan ayaa soo baxday ka dib kulumo is daba joog ah oo ay qaateen dalal badan oo aduunka ka tirsan oo wax yeelo ka soo gaartay burcad badeeda Soomaliya iyagoo isla gartay in la dhiso ciidamada badda ee Soomaaliya kuwasoo wax ka qaban kara inay sugaan amaanka xeebaha.


Qorshe lagu doonayo in lagu dhiso ilaa 5 kun oo ciidamada badda si ay ula areegaan dhamaanka amaanka xeebaha Soomaliya, tasoo faraha ka baxday ka dib bur burkii dowladii kacaanka Soomaliyeed. Talaabadan ayaa lagu tilmaami karaa mid horumar ah iyadoo dowlada midnimada qaran ay iksu dayayso inay dib u soo celiso heykalkii amaan ee ay laheyd soomaliya iyadoo sidoo kalena wado qorshe ay ku dooneyso inay kaga adkaato kooxaha ka soo horjeeda ee heysta meelo badan oo ka tirsan koonfurta soomaliya.

Qorshaha lagu dhisayo ciidamada badda ayaa la sheegay inay qarashkooda biixnayaan dalal badan oo ka tirsanaa dalalkii kulumada ku lahaa wadamada masar iyo malaysia iyadoo hay'ada ilaalinta badaha aduunka ee fadhigeedu yahay Kuala Lumpur ay aad u soo dhaweysay talaabadan kuna sheegatya inay wax ka qaban karto burcad badeeda soomaliya ka dilaacday.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xukun dil ah ku riday Labo ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inay xukun dil ku riday Labo ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar, kadib markii lagu eedeeyay inay galeen dambiyo isugu jira kufsi iyo jirdil ay ka geysteen gudaha Xabsiga.

Xubin ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Sheekh Maxamuud Maxamed ayaa saxaafada ugu warbixiyay dambiyada ay raggaas ku muteysteen in la dilo.

"Maxkamada Gobolka Banaadir waxay dil toogasho ku xukuntray labo nin oo lagu kala magacaabo labo nin oo lagu kala magacaabo Qaasim Nuuradiin Cumar oo intaan la xirin ka hor si bareer ah u dilay Xasan Maxamed Shariif, isagoo haddana ka qayb qaatay dil gudaha xabsiga dhexdiisa loogu gaystay nin lagu magacaabo Cabdi Geesey Axmed"ayuu yiri Sheekh Maxamuud Maxamed oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Degmada Yaaqshiid, ahna xubin ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ninka kale ee dilka lagu xukumay lagu magacaabo Ibraahim Jiinow Guure kaasoo xabsiga dhexdiisa ku kufsaday nin kale oo uu liwaad sameeyay isagoo horay u soo guursaday, waxayna maxkamaddu ku xukuntay in marka hore lagu dhufto boqol garbaash oo tacsiir ah kaddibna la qisaaso iyado loo cuskanayo aayadaha Qur’aanka Kariimka.

Maxkamada ayaan shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ay fulineyso xukunka dilka ah, iyadoona sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay fulineyso, waana markii u horeysay ee Maxkamada Gobolka Banaadir ku rido labo eedeysane xukun dil ah tan iyo markii la soo dhisay dhamaadkii Bishii Janaayo Dowlad wadaag uu Madaxweyne ka yahay Hogaamiyihii Mucaaradka Shariif Sheekh Axmed.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Dowladda Somalia : Waanu   isku   filanahay     Mucaaradkana   Waanu    ka   saareenaa  Magaalada Muqdisho  waan   haysanaa  saanad   nagu filan............

Dowladda  Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanay xilligan u baahneyn kaalmo milateri oo caalami ah, iyadoona sheegtay inay isaga aado Xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalada kula jira.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in aanay Dowladdiisa u baahneyn kaalmo milateri ah oo ay ka hesho dalalka dibeda, isagoona cadeeyay inay ku filan tahay inay iska difaacdo xoogagga Mucaaradka oo u hanqal taagaya inay bur burriyaan oo ay afgambiyaan Dowladda sharciga ah ee caalamka laga wada aqoonsan yahay.

Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa tilmaamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay ku filan yihiin dagaallada ay kula jiraan xoogaga ka soo horjeeda Dowladda oo uu sheegay inay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo dano gurracan ka leh dalka Soomaaliya kuwaasoo taageero militari u fidiya xoogagga mucaaradka si ay u af gambiyaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in hadafka Dowladda uu yahay in marka hore ay wax ku xaliso wada hadal iyo dib u heshiisiin waxaana uu intaas ku daray in hadii ay taasi suurto gal noqon weyso oo uu xaalku dagaal noqdo ay Dowladda awood u leedahay inay iska difaacdo xoogga Mucaaradka.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Golaha    Amaanka    Oo    Kordhiyey     Joogitaanka    Amisom   Ee    Wadanka    Soomaaliya

Sida la wada ogsoonyahay golaha 15-ka Xubnood ee uu ka kooban yahay golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa si wada jir ah isugu raacay in waqtiga loo kordhiyo ciidamada Midowga Africa ee ku sugan gudaha dalka aan nabadu ka jirin ee dalka Soomaaliya si ay u sii sugaan amniga soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka soomaaliya ee muqdisho.

Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobey ayaa dhageystay warbixino ka soo gaaray Wakiilada dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa oo dhamaantood muujinaya baahida weyn ee loo qabo in ay ciidamadan sii joogaan dalka Soomaaliya.Warbixinta ayey si wada jir ah isugu raceen in loo kordhiyo Amisom waqtiga ay ku sii sugnanayaan gudaha wadanka soomaaliya si ay u xaqiijiyaan arrimaha nabad ilaalinta.

Golaha ayaa isku raacay in ay ciidamadaasi Soomaaliya sii joogaan 8 bilood ee soo socota, isla markaasna waxaa lugu booriyey in ay kor uqaadaan taageerada ay siinayaan dowladda Midnimo qaran ee Soomaaliya. Dawladda midnimo qaran ee soomaaliya ayaa ah mid tabar daran taasi oo aan hanan kariin amniga caasimadda dalka soomaaliya ee mqudisho meelkale hadalkeedaba daaye.

Golaha ayaa ugu baaqay ciidamada Midawga afrika in ay difaacaan dowladda Soomaaliya, hadii ay weeraro uga yimaadaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya oo lugu sheegay kuwa ka soo horjeeda hanaanka nabdeed ee dalka Soomaaliya. Amisom ayaa amar u haysata difaacida dawlada midnimo qaran ee soomaaliya taaso oo ku dhisan joogitaanka ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada muqdisho.

Madaxweynaha golaha amaanka ee Bishan oo ah Diblumaasiga dalka Ingiriiska ujooga xarunta golaha amaanka ayaa ku eedeeyey Al- Shabaab & Xisbul Islaam in ay ka soo horjeedaan geedi socodka nabadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay wadaan dagaalo ay ku doonayaan in ay Soomaaliya ku sii hayaan dagaalada qaraar.

Ugu dambeyntii golaha amaanka ayaa wuxuu sidoo kale soo qaaday amaanka & tabarta dowladda Soomaaliya, waxaana ay isku raaceen in laga taageero dowladda midnimo qaran ee Soomaaliya kaalmooyinka Milateri iyo kuwa Siyaasadeed si loo gaaro horumar wanaagsan, ayagoo ugu baaqay madaxda dowladda midnimo qaran ee Soomaaliya-na in ay ku dadaalaan sidii dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar wanaagsan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Madhabaa????   Abuu       Mansuur    Afhayeenkii   Ururka     Alshabaab    oo   maanta   ku     dhawaaqay   inuu   Xilka  iska  wareejiyay ........

 Afhayeenkii Ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta gelinkii daambe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Ururkaas ee Afhayeenimadii.

Abuu Mansuur oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu xilkaas ku wareejiyay Afhayeenka Cusub Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere.

"Maanta wixii laga bilaabo waxaan u sheegayaa shacabka iyo Mujaahidiinta, inaan iska casilay xilkii aan u haayay walaalaha"ayuu yiri Abuu Mansuur.

Mar wax laga weydiiyay inuu isku casilay khilaaf ka dhex taagan Alshabaab, ayaa arrintaas beeniyay, isagoona cadeeyay inuu wali xubin ka yahay Ururka isla markaana uu kaliya ka tanaasulay xilkii uu u haayay sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Mansuur ayaa ahaa mudadii labada sano ee Ururka Alshababa jireen Afhayeenkii Ururkaas oo inta badan saxaafada ugu warbixinayay howl galada iyo weerarada ay la beegsan jireen Ciidamadii Ethiopianka.

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

War deg deg ah: Doowlada oo Maciinbiday  Maxamed Dheere  isagoo  goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib markii loo yeeray.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoona dib ugu soo laabashada Maxamed Dheere ee Magaalada Muqdisho ay warar is khilaafsan ka soo baxayaan, xilli dagaalo ay Mucaaradka ku dhow yihiin in guud ahaan Muqdisho kula wareegaan uu ka socdo qeybo ka tirsan Magalaada.

Maxamed Dheere oo bilooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa horay uu uga soo tagay Deegaanada
ismaamulka soomaalida Ethiopia oo mar lagu xiray, kadib markii isaga iyo Xildhibaano ay ka soo carareen kolkii Xoogaga Alshabaab la wareegayeen Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Dheere oo muddo shan bilood ka maqnaa Muqdisho tan iyo markii Ciidamada Ethiopia xabsi ku yaal Magaalada Baydhabo u taxaabeen ayaa la sheegayaa in imaanshihiisa ay ka dambeysay u yeerid ay Dowladda Federaalka u yeertay.

Maxamed Dheere oo ku caan ah abaabulida dagaal, ayaa ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii dalka, ee loo tirinayo inay galeen dambiyo dagaal, waxaase la ogeyn waxa xilligan ku soo beegay imaanshihiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxamed Dheere sababta loogu yeeray ay tahay inuu hogaamiyo Ciidamada Dowladda oo haatan laga itaal roonaanayo, inkastoo wararkaas aan si dhab ah loo cadeyn Karin.

Laakiin dad qaar oo filan waa ku noqotay soo laabashada Maxamed Dheere, maadaama isaga iyo Madaxweynaha hada xilka haaya Shariif aanay wax xiriir ah ka dhaxeyn, hadana waxaa laga yaabaa inay dani isugu keentay, waxaase arrinta aadka looga digayo ay tahay in dagaalka uu noqdo mid waji beeleed yeesho, bacdamaa la la xusuusto in Maxamed Dheere uu qeyb ka ahaa dagaaladii sokeeye.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Faah-Faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Daga allo Ba'an ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliiska Degamada Yaaqdhiid ee Gobolka Banaadir.........

Dagaal Xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo fariisin ku leh Saldhigga Booliska Yaaqshiid oo ka tirsan Xisbul Islaam  oo uu hogaamiyo Nin lagu magacaabo Axmed Laashin iyo Ciidamo kale oo fariisin ku leh meel aan u dheereyn Saldhigga Booliska Yaaqshiid oo uu hogaamiyo Nin Isna lagu magacaabo Cabdiullaahi Macalin Mukhtaar oo ka mid ahaa Qurbo joogtii ka laabatay Dalka Norway, kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. 

Dagaalkan oo ay xiisaddiisa weli kacsan tahay ahna mid horayba u dhex maray Labada Beelood ee ay ka kala dhasheen Labadaasi Nin ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay shan ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid kale  ah oo iyagu ka dhaw xaafadahaasi .

Axmed Shiikh Muxyaddiin (Axmed Laashin) oo isagu lagu tilmaamo inuu Maal geliyo Xaaji Abuukar Cumar Caddaan kana soo jeeda Beesha Warsangeli Abgaal ayaa sheegay in iyagoo saldhiggooda ku sugan ay weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hoggaaminayay Cabdullaahi Macalin Mukhtaar oo iyagu u diiwaan gashan Dowladda  Midnimada Qaran ee Soomaaliya

Ciidamada Axmed Laashim ayaa iyagu waxa ay si weyn u taageeraan Xasan Daahir Aways iyagoo halkaasi u jooga Xizbul Islaam sida uu hirayba u sheegtay Axmed Laashim.

Dhanka kale Cabdullaahi Macalin Mukhtaar oo isaguna ka soo jeedo Beesha Agoonyar ee Harti Abgaal ayaan wax war ah dhinaciisa ka soo bixin iyadoo la sheegayo labada Ninba aysan wax diinta xageeda  ah aqoon u laheyn balse ku shaqeynayaan Fekrado dad kale oo siyaasad guracan wata.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Qaxootiga  reer Asmara oo ku tilmaamay hadalkii Cumar Xaashi mid uu Ethiopia ugu yeerayo.............

Qaxootiga Reer Asmara  ee fadhigoodu yahay Wadanka Eritria   ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Adan Xaashi, kaasoo ahaa in Dowladda Eritrea ay soo gelisay Soomaaliya hub sharci daro ah.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ah Kaaliyaha Isbaheysiga Dib u Qabsiga  Garabka Asmara ayaa
isagoo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka waxaa uu gaashaanka ugu daruuray eedeynta ah in Eritrea ay diyaarado hub sida ay ka soo dejisay Garoonka Balli-Doogle ee Gobolka Sh/Hoose.

Mas'uulkan ayaa sheegay in looga baahan yahay Wasiirka Amniga Cumar Xaashi inuu cadeeyo tirada hubka iyo nuucyada uu ka kooban yahay, isagoona tilmaamay in hadalkaas aanu aheyn mid aan cadeyn loo heli kari, waxaana uu ku sheegay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

"Aad baan uga xunahay in maanta Ragg Mas'uuliyad sheeganaya ay ku hadlaan hadalo guracan, Ninka Wasiirka sheeganaya warkiisa wax ka jiro ma lahan. Eritrea Hub ma keenin Soomaaliya, inlee Soomaaliya horay ayaa Cunaqabateyn loo saaray"ayuu yiri C/qaadir Dhaqane oo ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka.

Kaaliyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta C/qaadir Dhaqane ayaa sidoo kale ku sheegay hadalka Wasiirka inuu yahay mid qiil laga dhigto in Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia ay ku hardamaan Soomaaliya, maadaama uu sheegay inay colaad u dhaxeysa.

"Cumar Xaashi wuxuu doonayaa inuu huriyo colaad gooni, dad ay Ethiopia soo abaabuleyso ayuuna ka hadleyn, marka hadalkiisan waa mid uu kaalaya uu ku dhahayo Ethiopia, maadaama ay Cadaawad u dhaxeyso Ethiopia iyo Eritrea"ayuu mar kale ku celiyay C/qaadir Dhaqane.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay uu ku eedeeyay dowladda Eritrea in maalmihii la soo dhaafay ay hub ka soo dajisay Garoonka Balli-Doogle, iyadoona eedeyntaas ay durba gaashaanka ku dhifatay Dowladda Eritrea.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Cali  Maxamed  Geeddi   oo    donaya   in   ladhiso   Maamul     gobaleed  lagu    magacaabo     Banadi-Land  iyo Sheekh   Shariifka oo kudiiday...........

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor yimid qorshe ay wateen Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hada ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka iyo Taageerayaashiisa, kaasoo oo ahaa dhismaha Maamul Goboleed la mid ah kuwa Puntland iyo Somaliland.

Warar hoose oo aynu ka helnay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaya in intii uu joogay Dalka Belgium uu Madaxweynuhu diiday inuu qaabilo Rag uu soo dirsaday Prof. Geeddi, kuwaasi oo ka kala yimid Dalalka UK, Fransa, Jarmalka, Holland iyo Kenya, kuwaasoo intooda badan ahaa rag ku heyb ah Madaxweynaha.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah Xogheynada Xafiiska Madaxweynaha kooxda ka socotay dalalkaas waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo Eng Maxamed Morocco, waxaana qorshaha ay wateen ka mid ahaa in la dhiso Maamul Goboleed lagu magacaabo Bandir-Land.

Wararkan ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Shariif oo horay qorshahan loogu sii gudbiyay ayaa gebi ahaanba diiday inuu la kulmo, maadaama uu ka war hayay ajandaha ay wateen oo uu dabada ka soo riixayay Ra'iisul wasaarihii hore Prof. Geeddi oo hada degan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubnahan ayaa markii dambe la sheegay in iyagoo careysan ay dib ugu laabteen dalalkii ay ka kala yimaadeen, waxaana qaarkood ay bilaabeen shirar hoose oo ay ku qabtaan dalalka Kenya iyo UK kaas oo ay ku mucaaradayaan Madaxweyne Shariif, kadib markii uu ku gacan seyray inuu ka aqbalo ajandayaashii ay wateen.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Hoobiyeya  lagu   weeraray  Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho..................

Dhowr Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Xarunta Gaadiidka Booliska oo uu ku shirayay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona Madaafiicdaas qaarkood ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Duqeynta Madaafiicda ayaa timid xilli Baarlamaanka uu soo gaba gabeeyay fadhi uu ku lahaa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis, oo u ah xarun KMG oo uu ku shiro, waxaana madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen hareeraha Xaruntaas.

Wararka ayaa sheegaya in Madfac ku dhacay agagaaraha Dugsiga Hoose dhexe iyo sare ee Saacid, iyadoona ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo uu mid ka mid ah uu ahaa Arday dhiganayay Iskuulka.

Sidoo kale askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ku dhintay weerarkaas Hoobiyaha saddex kalena waa ay dhaawacmeen xilli ay askarta ka soo rawaxayeen kulanka Baarlamaanka.

Qasaaraha ayaa ah mid wali isa soo taraya, iyadoona weerarkan hoobiyeyaasha uu yahay kii u horeeyay ee lagu qaado xarunta Baarlamaanka tan iyo markii Dowladda iyo Baarlamaanka ay u soo guureen dalka.

Kulanka Baarlamaanka oo ahaa maanta mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyadoona uu halkaas markii uu qudbada ka jeediyay, isla markaana uu ka soo baxay Kulanka Baarlamaanka ay duqeyn ku bilaabatay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay duqeynta Hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay Xarunta Gaadiidka Booliska oo fadhi u ah  KMG, Baarlamaanka Soomaaliya.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Abuu Mansuur oo sheegay in weerar lagu soo qaaday guri ay Muqdisho ka degenaayeen Saraakiil Alshabaab ah.............

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sheegay in guri ay degenaayeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab la soo weeraray, isagoona iska fogeeyay dilalka labadii maalmood ee ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kaasi oo loo geysanayay Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Saraakiisha
Shabaab ay u hayaan labo ka mid ah dhaliyaradii soo weerartay iyo gaari ay ka carareen sida uu hadalka u dhigay.

"Guri ay joogeen Mujaahidiinta baa la weeraray, waxaana dareemeynaa dhiilo iyo in dad la khaldayo, kuwa la khaldayo waxaan leenahay ka jooga"ayuu yiri Abuu Mansuur oo cod aad u gaaban ku yiri.

Isagoo Warbaahinta qadka Taleefanka ugu waramayay ayuu iska fogeeyay in haba yaraatee Ururkaas inay ka mas'uul yihiin dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxaana raga la dilay uu ku tilmaamay inay ahaayeen rag magac ku lahaa dagaaladii lala galay Ciidamadii Ethiopianka.

Abuu Mansuur oo u muuqday nin wax badan ka gaabsanayay ayaa sidoo kale ugu baaqay kooxaha kale ee ku eedeeyay dilalka inay ka joojiyaan, waxaana uu tilmaamay in Xoogaga Alshabaab ee ku sugan Magaalada Muqdisho lagu amray inay meel cayiman isugu uruuraan.

Sidoo kale waxaa uu Abuu Mansuur sheegay in raga ay hayaan xuriyadooda ay dib u siin doonaan, waxaana uu farta ku goday inay socdaan wada hadalo isla markaana laga xaajoonayo arrintaas, isagoo aan cadeyn qolada ay yihiin cida soo weeraray.

Magaalada Muqdisho ayaa la ciir ciireysa xiisadii ugu kululeyd abid, iyadoona ay socdaan hub isu uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, kadib markii dilal qorsheysan lagu dilay Saraakiisha Maxkamadaha garabka Dowladda la midoobay.

Lama oga halka ay ku soo biyo shuban doonto xiisada ka taagan Caasimada kaas oo xilligan u dhaxeeya dhinacyadii Muqaawamada ee halganka soo wada galay, waxaana tani ay bilow u tahay mustaqbalka dagaalo lagu hoobto oo dhex mara Islaamiyiinta firqooyinka ah.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Gudoonka Baarlamaanka oo sheegay in Xukuumada u soo gudbisay Mooshinkii ku dhaqanka Shareecada.......

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay u soo gudbisay mooshinkii ku dhaqanka shareecada islaamka ee ay horay u ogolaadeen Golaha Wasiirada.

Mr Boqore ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in sharcigaas uu soo gaaro Gudoonka Baarlamaanka oo horay uu ku eedeeyay Xukuumada inay ka caga jiidayaan soo gudbinta mooshinka ku aadan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

"Si aad ah ayaan ugu faraxsanahay in xukuumadu ay baarlamaanka u soo gudbiso sharciga ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiirada, waxaan rajeynayaa in la siin doono codka kalsoonida"ayuu yiri Boqorre oo hada ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maalmo ka hor ka jawaabay sababaha ay ugu gudbin la'yihiin Golaha Wasiirada mooshinka ku dhaqanka shareecada, waxaana uu sheegay inay u gudbin doonaan.

Golaha Wasiirada ayaa kol hore isku raacay in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka, waxaana taasi ay ka dambeysay markii Fatwo ka soo baxday Culimada Soomaaliyed ay Dowladda ugu baaqeen inay dalka ku dhaqdo Shareecada islaamka.

Waxaa laga war dhowrayaa Baarlamaanka inuu meel mariyo go'aankan oo wali ay shaki ka muujinayaan dhinacyada Dowladda ka soo horjeeda, kuwaasoo ku tilmaamay inay tahay mid khiyaano ku jirta.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Xaalada Degmada Jamaame oo saakay degan kadib markii ay halkaasi isku herdiyeen...........

 Waxaa saakay xaalad deganaasho ah laga soo sheegayaa Degmada Jamaame ee Gobolka J/hoose, kagadaal markii maalinimadii shalay gelinkii danbe ay halkaasi isku fara saareen Ciidamo taabacsan Maamulka Islaamiga Degmadaasi iyo Maleeshiyaad taabcsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jameeca.
Dagaalkan ayaa yimid kagadaal markii Ciidamada Maamulka Islaamiga Degmada Jamaame ee Gobolka J/hoose  la sheegay in ay bur buriyeen Qabuure ku yaala Degmadaasi, taasoo keentay in ay ka caroodaan Maleeshiyada deegaankaasi oo isa soo aruursadeen kadibna ay kala hortageen dagaal muddo kooban socday.


Dagaalkan oo socday muddo Saacado ah ayaan geysan wax qasare ah, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka islaamiga Degmada Jamaame oo ku aadan dagaalkaasi salka ku haya bur burinta Qabuuraha ku yaala Degmadaasi.


Ma ahan markii ugu horaysay oo dagaal ay isaga horyimadaan xoogaga Islaamiyiinta ee la wareegeen gacan ku haynta Gobolka J/hoose oo ciidamo taabacsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ka dhiinayeen bur burinta qabuurayaal hore oo deegaanadaasi ku yaala, Qabuurayaashaas oo ay xoogaga Islaamiyiinta ugu yeereen “Shirki”, halka ay Dalada Ahlu Sunna Wal-jameeca ka dhiidhisay hadaladaasi

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dooni Tahriiyaal siday oo ku degtay inta u dhaxeyso Xeebaha Liibiya iyo Malta.........

Dooni Siday in kabadan 250 Muhaajiriin ah oo ku jeeday Yurub si halkaasi ay qaab sharci daro ah ku gasho ayaa ku degatay Xeebaha Liibiya iyo Malta, wararka ayaa sheegaayo in Tahriibayaashu ay ka soo kala baxeen Dalalka Masar iyo Libiiya oo ay marin ka soo dhigteen,lakiin ay ka yimaadeen Bariga Afrika iyo Waqooiygaba.


Saraakiisha Liibiya ayaa sheegaya in ugu yaraa 21 Qof ay ku dhinteen bada lana samatabixiyay 20 kale,lakiin ilaa hada lama garanayo Dadkii kale ee saarna halka ay ku danbeeyaan.

Waxaa jira warbixino aan lagu kal soonayn oo sheegaya, Dooni labaad oo iyana siday Tahriibayaal kale oo gaaraya 300 ay iyana ku degtay meel aan ka fogayn halka ay tan hada Dadku ku dhinteen , ,taasi waxay dhalisay in ay naftooda ku wayaan kumanaan Tariibayaal ah oo ka kala yimid Qaarada Afrika.

Doonida Siday 250 Tahriibayaal ayaa ka Ruqaansatay Xeebta Sidi Bilal ee U dhow Magaalada Caasimada u ah Libiya ee Tripoli wax yar uun kadib markii la soo sheegay in ay Qar, qantay ilaa iminkana ay wax Fah fahin ah ka soo bixin Qaabkii ay u degtay Doonidaasi.

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Masar ayaa sheegay in 20 Qof ay Bad baadiyeen Kooxaha Samta bixinta Liibiya, lakiin Daraasiin kale uu muhaajiriin ah ayaa laga casi qabaa in ay Qar, qameen. ama ay doontoodii degtay

Wasaarada Arimaha Gudaha Dalka Liibiya ayaa sheegaysa in 21 ay ku dhinteen Shilkan iyo in wali la layahay kuwo kale oo aan haybtooda la aqoon oo Doonidaas la socday.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Dagaal Culus oo haatan ka socda Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.

Dagaal qaraar ayaa haatan ka socda Xarunta Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Xaruntii hore ee Kuliyada Jaalle siyaad ee Degmada Hoden ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan uu socda layskuna adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan hubka Waaweyn oo ka dhacda Madaafiicda.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in rasaasta ay haatan u socoto si xoogan waxaana dagaalka sida muuqata uu u dhaxeeyaa Ciidamada AMISOM iyo xoogagga Mucaaradka, iyadoo madaafiicda ay ku dhacayaan xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara oo ku dhawaaqay inay dhisayaan Dowlad loo dhan yahay..........

Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Asmara fadhigiisu yahay ee uu hogaamiyo wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa ku dhawaaqay inay dhisayaan Dowlad loo dhan yahay, iyagoona sheegay in aanay Soomaaliya ka jirin Dowladda.

Mid ka mid ah Xubnaha Isbaheysigaas oo lagu magacaabo C/naasir Maxamuud Faranle ayaa sheegay in aanay aqoonsaneynwaxyaabihii ka dhacay Jabuuti oo ahaa wax la soo dhoodhoobay, isla markaana ay haatan ku tala jiraan sidii Dowlad midnimo qaran oo ay ku mideysan yihiin Mujaahidiinta ay u soo dhisi lahaayeen.

C/naasir Maxamuud Faranle oo ah Xoghayaha Dib u heshiisiinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa ku eedeeyay Xubnihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta eei Jabuuti fadhigooda ahaa kuna biiray Dowladda ay yihiin kuwo u adeegaya danaha Dowladda Ethiopia.

"Hal nin oo madaxtooyo fadhiya wax macno ah oo uu samaynayo ma jiraan, Mujaahidiintii la dagaalamay cadowga ayaa dalka intiisa badan gacanta ku haya, wayna la dagaalamayaan oo cuuryaaminayaan dawlad ku sheegga, marka ay daalaan iyaga ayaa maalin cad isaga tagaya sida ay u tageen kuwii ka horreeyay ee cadowga dalka keenay"ayuu yiri C/naasir Faranle oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Wafdi ka socda Isbaheysigooda oo booqasho ku tagay dalal ka tirsan Qaarada Afrika, Aasiya iyo Yurub ay la soo hadleen Madaxda iyo ururada Wadamaas, ayna isku waafaqeen in xilligan aanay Dowlad ka jirin Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray isbaheysiga Dib u xoreynta garabka fadhigiisu yahay Asmara ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Shariifka ay inta badan kasbatay kalsoonida shacabka, iyagoona horay u qaadacay.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Alshababka gobalka Gedo oo 48-saac u qabtay in dadka ay ku soo xareeyaan hubka sharci darada ah.

Ururka Al shabaab ee ka arimiya degmada  Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waqti kooban u qabtay dadyowga ku nool degmadaasi in ay ku soo xareeyaan hubka ay heystaan dadka saacado gudahood. 

Madaxda ururka Al shabaab  ayaa soo bandhigay qodobo qeexaya fariina u ah dadka ku dhaqan goblkaasi ay mudo saacado ah ay ku keenaan hubka sharci dara ah ee ay heystaan.

  

Sidoo kale waxa ka mid ah awaamiirta ay soo rogeen xarakada hubeysan ee alshabab ee ka taliya goblka Gedo in aan la arki Karin ruux meel iska taagan iyadoo la jooga xiliga salaada.

 

Alshababka Gobalka gedo oo laweydiiyay in u dhawaan halkaa uu dagaal ku dhex maray iyga iyo ahlu sunna ayaa waxa uu diiday in ay la dagaalmeen suufiyada balse ay tahay maleeshiyo iyo burcad ku ganbaneysa magcaasi.

Horey ayaa waxa dagaalo uu u dhexmaray alshabab iyo kooxo huwan magaca dariiqada Suufiyada kuwaas oo laga awood roonaaday ka dib markii ay u tagwaaeyeen in ay la dagaalamaan xarakada alshabab.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Diyaarado Helicopters Mareykan ah oo lagu arkay duleedka Dekadda Kismaayo..................

Diyaarad Helicopter ah oo kasoo dul kacday Markab kuwa dagaalka ah oo dawladda Mareykanka leedahay ayaa maalinimadii Arbacadii waxaa lagu dul arkay deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose halkaasi oo ay ka taliyaan Islaamiyinta Somaliya.

Diyaaradaasi oo nuuceedu ahaa Chopper ayaa la sheegay in ay kasoo dul duushay markabka dagaalka oo 7 km usoo jirsaday marsada Kismaayo sida uu Soomaalinews.com u sheegay mid kamid ah dadka reer Kismaayo oo magaciisa ku sheegay Xaaji Max'uud Xasan Cade.

Su'aalo badan ayaan ka weydinay arrinkaasi iyo wixii ay dadku u arkeen iyadoona uu sheegay in falkaasi dad badan aysan arag balse ay si weyn dadku u dareemeen markii hadalka uu shaac noqday.

Maalinimadii Arbacadii ayuu sheegay Xaajigu in diyaardaaasi ay ku dul heehaabtay mudo kooban deegaan uu magaciisa ku sheegay Sabca Ashraaf halkaasi oo ay ku taallo barta ay iska galaan biyaha Badda iyo kuwa wabiga Jubba kana tirsan Goob Weyn.

Waxgarad kale oo ku sugan magalada Kismaayo oo aan wax ka weydiinay arrinkaasi ayaa inoo sheegay in wax cabsi ah aysan ku abuurin ayna Mareykanku waligood dhaq dhaqaaq ka wadeen guud ahaan xeebaha Somaliya gaar ahaan kuwa Koonfureed.

Sidoo kale masuul katirsan maamulka magaalada oo aanu wax ka weydinay arrimahaasi ayaa inoo sheegay in ay jirto arrintaasi balse waxaa uu ka gaabsaday faah faahin in uu ka bixiyo tallaabada ay qaadeen.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo gaaray Bujumbura , lana kulmaya Madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Wararka naga soo gaaraya Caasimadda Bujumbura ee dalka Burundi ayaa waxa ay sheegayaan in wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay halkaasi gaareen , iyadoo lagu wado in Madaxweyne Shariif uu kulan la qaato Madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza.

Labada Madaxweyne oo kulankooda la sheegay inuu yahay mid xasaasi ah oo saxaafadda ay wada dhowrayaan waxa ka soo baxa ayaa intiisa badan looga hadli doonaa arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka Soomaaliya .

Ilo xog,ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Shariif uu ugu hambalyeyn doono dalalka Burundi iyo Uganda geesinimada ciidamadooda ay uga howlgaleen dalka Soomaaliya , ugana tacsiyeyn doono askarta uga geeriyootay weerarada ismiidaamin iyo iska hor imaadyada hubeysan ee ka dhan ka ah xoogaga AMISOM oo hadda Muqdisho ay ka joogaan 3200 askari oo isugu jira Uganda iyo Burundi.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo ka kooban lix xubnood ayaa waxa ay ku nagaan doonaan Caasimadda Bujumbuura muddo 2 cisho ah , halkaasoo ay uga qeybgali doonaan xaflad soo dhoweyn ah oo ay qaban qaabinayaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay shaaciyeen in wafdiga Madaxweynaha ay uga sii talaabi doonaan dalka Burundi, dalka kale ee Uganda oo xoogag ay ka joogaan Magaalada Muqdisho , halkaasoo iyana lagu wado in Madaxweyne Shariif uu kulan gaar ah kula qaato Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

W/diyaariyay : Ali Abdi Ali Suheifa
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Maamulka Maxkamadaha Islaamka oo ku soo rogay Magaalada Jowhar amaro la mid ah kii Maamulkii Maxamed Dheere .......

Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee ka arimiya Magaalada Jowhar ayaa soo rogay amaro la mid ah kii Maamulkii Maxamed Dheere ee maamuli jiray Magaalada Jowhar

Sida ay sheegayaan wararka Maamulka Maxkamadaha ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in gudaha Magaalada Jowhar lagu dhex wato gawaarida leh Muraayadaha madow ee aan la iska dhex arkeyn, taasoo lagu sheegay arrin ammaan awgeed.

Amarkan ka soo baxay Maxkamadaha ayaa lagu sheegay inuu si toos ah u dhaqan geli doono 10-ka bishan, iyadoona digniin loogu jeediyay cidii u hogaansami weyday, taasoo la faray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wareegtadan oo ka soo baxday Xafiiska Ammaanka ee Maamulka Maxkamadaha Magaalada Jowhar ayaa la sheegay in amarkan uu qeyb ka yahay howl gallo dhinaca ammaanka lagu sugayo oo ciidamada maxkamadaha ay habeen iyo maalin ka wadeen gudaha magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo badanahaya hay’adaha samafalka kuwaasi oo inta badan isticmaala gaadiidka leh Muraayadaha Bensolka ah waxaana la ogeyn sida uu ku dhaqan gali karo amarkan.

Talabaadani ayaa waxaa ay tahay tii ugu horeysay ee uu qaado maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haaya Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana sidan oo kale horay amar la mid ah magaalada Jowhar ugu soo rogay maamulkii Maxamed Dheere ee horay u soo maray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Muqdisho: Warar   dheeraad   ah   ayaa    ka  soo    Baxaya   Xalada Markabkii siday  Dhuxusha oo laga lahaa   Dalka Koonfur kuuriya,kaaso ku soo xirtay  Dakeda  Muqdisho isagoo  gubanayo.............

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada Markabka sida Dhuxul oo laga leeyahay Dalka Koonfur Kuuriya, kaasoo isagoo gubanaya ku soo xirtay meel u dhow Dekeda Muqdisho, iyadoo lagu guul dareystay in la dami waayo dabkii ka holcayay Markabka, waxaana shaqaalihii markabka la socday lagu amray inay markabka fogeeyaan dekedda si aysan waxyeello u soo gaarin.

Mid ka mid ah shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekedda ku sugan ayaa sheegay in rajadii laga qabay badbaadinta markabkaasi ay quus taagan tahay kaddib markii ay dab damisyo yaallay dekedda Muqdisho iyo booyado biyaha qaada ay ku guul darraysteen inay bakhtiijiyaan oo saacadba saacadda ka dambeysa sii kordhayay.

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in Markabka laga kaxeeyo Dekeda, si aysan dhibaato kale u si geysan dabka ka holcaya ee lagu guuldareystay in la baqtisiiyo, waxaana niyad jab ka muujiyay shaqaalihii markabka saarnaa.

Markabka oo ayaa waxaa saaran 24-shaqaale u dhashay dalka Koofur Kuuriya, waxaana uu Dhuxul uu ka soo qaaday Dekeda Kismaayo iyo Baraawe, iyadoona qeybo ka mid dhuxusha uu waday ay aheyd mid aad u kululeyd, taasoo dabeyl qabsatay ay dhalisay in dab uu ka kaco.

Rajada laga qabo bad baadinta Markabkan ayaa aad u yar, waxaana Markabka si aad ah looga fogeeyay Dekeda, iyadoo ku sugan yahay dhanka Badweynta, waxaana la ogeyn sida xaaladiisu noqon doonto, xilli dabka qabsaday uu baab'iyay, labo ka mid ah seddax qeybood oo uu wax ku qaado kuwaasi oo ay saarnaayeen dhuxul aad u fara badan, waxaana markii uu dekadda ku soo xirtay u gurmaday ganacsatadii Markabkaasi u rarneyd.

.
By,xasan maxamed hugane
hugane@hotmail.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr