Welkome   To   Camaloow   Online
      

Mareykanka oo markab Hub  ah   iyo   Saanad u  soo diray  dowlada Somaliya    si    ay  isugu   difaacdo................

Dowlada mareykanka ayaa hub lagu soo raray maraakab usoo dirtay Soomaliya kuwasoo la doonayo inay isku difaacdo dowlada Soomaliya oo halis ay ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda ee ku xiran ururka Al qaacida waa sdia ay qortay wargeyska mareykanka ugu caansanee washington post.

Markabkan ayaa ku soo xirtay dekada muqdisho sida ay sheegeen saariil ka tirsan dowlada mareykanka oo sheegay inay Dowlada obama ay dooneyso in laga adkaado kooxda ay u aqoonsan yihiin inay argagixiso yihiin ee Al shabaab.

Sarkaal u hadlay washington post wuxuu sheegay in ay hubkani u direen soomaliya si aysan dowlada Soomaliya u bur burin isagoo sheegay inay doonayaan in dowlada ay shaqeyso oo ay ka adkaatao kooxaha Islaamiyiinta ee Alshabaab.

mareykanka ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay caawiyaan dowlada Soomaliya madaama aysan dooneynin inay kooxaha dowlada ka soo horjeeda ay la wareegaan soomaliya taasoo ay u mareykanka u arkan inay hooy u noqon doonto ururka Al qaacida.

Wasiirka Arimaha Diinta ee dowlada Soomaliya oo ay Washington Post wareysatay ayaa waxa uu sheegay inay hore u sheegen inay soo dhaweynayaan cid kasta oo taakulo dhinaca meleteri ku taakuleyneysa dowlada Soomaliya.

Marka laga soo tago hubka ay Mareykanka soomaliya u soo dirtay sidoo kale Washington Post waxa ay sheegtay in mareykanka ay dowlada Somaliya siiyeen lacag gaareysa 10 milyan oo doolar oo dib loogu dhiso ciidan soomaliya kaasoo ah 1970meeyadii ciidankii ugu fiicnaa qaarada Afrika.

Wasiirka arimaha debeda ee soomaliya oo isna u waramayay wargeyskaasi ayaa sheegay in mareykanka uu dowlada soomaliya ka caawiyo dhinac walba hadii ay ahaan laheyd dhinaca dhaqaale, dhinaca meleteri iyo dhinac diblumaasiyadeed.
Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

 

Muqdisho: Ciidamada Dowlada KMG oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Dharkelay ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa goor dhow howlgalo baaritaano ah ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Dharkenlay ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay noo sheegeen goob joogayaal ciidamadan oo wataan gaadiid dagaal aad u fara badan qaarkoodna ay lugaynayaan ayaa waxay howlgaladan ka sameeyeen Xaafadaha Kuweyd, Ceel-dheere iyo Dayba qeynka oo ka wada tirsan Degmada Dharkenlay.

Ma jiraan howlgalkan wax hub ah iyo dad ay ku soo qab qabteen Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya, marka laga reebo dhaq dhaqaaqa Ganaciga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka oo ay hakad geliyeen.

Lama oga sababta keentay in ay Ciidamada Dowlada KMG ay howlgalkan ka sameeyaan xaafadahaasi ka tirsan Degmada Dharkenlay ee Magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horaysay tan iyo markii dagaalada ay ka dhaceen Degmada Dharkenlay ay howlgalo ka sameeyaan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya Xaafadaha ka tirsan degmadaasi.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo oo digniin culus u jeediyeen Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maamulka Islaamiga Gobolkaasi digniin culus u jeediyeen Hay’adaha Samafalka ee ka howgala Gobolkaasi Gedo.

Sheekh Cali Gardhuub oo ah Madaxa Amniga Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in hay’adaha Samafalka uga digayaan in aysan ka shaqeyn danahooda gaarka ah oo ay si cadaalad ah ugu shaqeeyaan shacabka ku dhaqan Deegaanada Gobolkaasi oo u baahan gar gaar bani’aadanimo.

Hay’adaha Samafalka ee Gobolka Gedo waa in ay ka digtoonaadaan ka shaqeynta danahooda iyo arrimo aan quseyn waa in ay si cadaalad iyo sinaan ah ugu shaqeeyaan shacabka ku dhaqan deegaanadaasi oo dhibaataysan” ayuu yiri Sheekh Cali Gardhuub oo intaasi raaciyey haddii aysan hay’adaha u dhaga nuglaan digniintan ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo sida uu hadalka u dhigay.

Wax war ah oo ku aadan digniinta loo jeediyey hay’adaha Samafalka Gobolka Gedo ilaa iyo hadda ma jirto, waxayan arrintan ku soo aadaysaa xili hay’ado Samafal oo aad u fara badan ay howlo samafal ah ka wadaan deegaanada Gobolka Gedo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Dagaal Culus  oo u dhaxeeya dowlada Somalia  iyo  kooxaha Mucaaradaka ayaa ka bilaawday degmada dherkenley ee Gobalka banaadir.

Iska horimaadkan Cusub  ayaa iminka waxa uu ka soconayaa degamada Dherkenley oo ah meesha ugu xasilooneyd degmooyinka gobalka banaadir halkaa oo maalmihii aan soo dhaafnay ay isku hor fadhiyeen Ciidamada dowlada KMG ah iyo xoogagga Mucaaradka. 

Duqoowda iyo waxgarad ku nool degmada dherkenley ayaa maalimihii aan soo dhaafnay waxa ay ku shuqlanaayeen sidii aanu dagaal uga dhicin degmada dherkenley halkaa oo dad badan ay ku barakaceen laakiin arinkaa ma dhicin oo hada waxa ka soconaya dagaal. 

Hubka noocyadiisa kaladuwan iyo Hoobiyaal ayaa la maqlayaa sida ay  sheegayaan wararka aan ka heleyno degmadaasi ilaa hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socoaya degmada dherkenley laakiin waxa aan idiin soo gudbin doonaa wararkaHiga Hadii Alle idmo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Maamulka Kadhisan    Magaalada    Kismaayo  oo   Diiday  in    aroosyada la   guuriyo   iyo   in  Xaflado loo  dhigo..............

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa go'aan uu soo saaray ku manuucay qaababka loo dhigo aroosyada ka dhacay Magaalada iyo Deegaanada uu gacanta ku haayo.

Arimaha   ka soo baxay Waaxda Dacwada ayaa lagu sheegay in qaababka hada loo dhigo aroosyada aanu aheyn mid shareecada Islaamka aanay waafaqsaneyn.


Maamulkaasi  ayaa isku raacay in aan la dhigi karin xafladaha loo dhigo aroosyada ee xambaarsan cayaaraha, waxaa kaloo Maamulka mamnuucay in aan Kaamiro laga duubi karin iyo in Arooska lagu guuriyo ama lagu galbiyo gawaari fara badan saraakiisha Maamulka Islaamiga Kismaayo ee dhinaca Dacwada ayaa sidoo kale digniin ka soo saaray in Raga iyo dumarka is dhex galaan, marka la guurinayo Arooska, iyagoona ilaa saddex gaari u fasaxay in aroosyada lagu guuriyo, kaasoo la sheegay in la koontaroolayo.

Maamulka islaamka Hadalkan  ka soo baxay  oo ah kii u horeeyay ee noociisa ee ku aadan aroosyada, ayaa waxaa uu sheegay inuu sida shareecada Islaamka waafaqsan uu ugu maamulayo aroosyada xilligan ka dhaca dalka, kaasi oo dadka ay u dhigtaan sida xaflado waa weyn oo lagu soo bandhigo cayaaro kala duwan oo ay ka qeyb qaataan raga iyo Dumarka.

Inta badan aroosyada laga dhigo dalka ayaa ah mid qarash fara badan ku baxa, marka loo eego arooska iyo aroosada oo lagu galbiyo baabuur fara badan iyo xaflado waa weyn oo loo dhigo, laakiin tani ayaa noqon karta mid u fursad u ah dadka qarashka badan uga baxo arooska, taasoo u sahleysa in aroos kooban uu dhigto.

Taasi mid lamid ah ayaa dhowaan waxaa uu Maamulka Islaamiga uu ku soo rogay in aan Raga iyo  Dumarka  isla raaci karin gaadiidka, isla markaana waxaa uu mamnuucay haweenka qaata dharka qafiifka sida garba-saarka, kaasoo uu ku amray in bedelkii ay qaataan Xijaabka, kaasoo dhar asturan oo shareecada Islaamka waafaqsan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

WARBIXIN   XASAASI   AH  IYO SIRTA   XASAN    DAAHIR   AWEYS   IYO   WARAR   KALE OO   FAAHFAAHSAN   OO   KU   SABSAN   XIL   WAREEJINTII   ABU MANSUUR.

Tan iyo markii u geeriyoday Aaden Xaashi Ceyroow oo aha Amiirkii Xarakada Alshabaab ayaa ururka Alshabaab in badan oo ka tirsan beesha habar gidir ama beelaha hawiye ku tilmaami jireen Urur qabiil qeybtoodna Jabhad, taaso oo aay ulaa jeeden madama ururka Alshabaab uusan madax u aheyn nin ka soo jeeda beelaha hawiye

Markii u geeriyoday Aaden Cayroowe ayaa odayaal ka soo jeeda beesha Habargidir ergo ahan ugu tageen Sheekh Fu’aad Shangoole iyo mas’uuliyiin xarakada Alshabaab ka tirsan kuwas oo ku sugna degmada Ceelbuur iyaga oo u sheegay in Amiirka Alshabaab loo magcaabo nin ka soo jeeda beesha Ceyr ama beelaha kale ee habargidir oo ka tirsana Alshabaab balse taasi ayaa Ururka Alshabaab kaga jawaabeen mas’uuliyiintisi halkaasi ku sugna xiliga In Alshabaab aysan aheyn Jabhad ama urur balse aay yahiin dhalinyaro u tagan difaaca diinta taasi oo aay aad uga xumadeen odayaashi, sidoo kale waxa sii weyn uga sii careysiyey markii Sheekh Mukhtaar Abu Subeyr loo magcaabay Xilka Amiirka Ururka Alshabaab taasi oo beelaha hawiye ku noqotay Nijadjab iyo caro weyn oo aay u qadan Xarakada Alshabaab madama aay iska dhex arki wayeen

In badan oo ka tirsan Beesha Ceyr waxay ururka Alshabaab u heysteen inu yahay mid aay beesha ceyr sii gaar ah u leyahiin, isla markana aay iyagu aasasteen, fikirka dadka aadka u rumeysan waxa ka mid ah Oday Xasan daahir aweys oo isagu in badan dhanka diinta ku hoos gabada balse ah nin dhanka qabiilku ku weyn yahay

Xasan daahir aweys ayaa safarkii uu ku tagay dalka sudan waxa u halka kula kulmay Culimo ka soo jeeda beesha ceyr oo ka timid dalalka Kuwait, Qadar iyo Suadi Arabiya kuwas oo aay in badan ka wada hadleen arrimaha dalka iyo xaladaha degaanada beelweynta Hawiye, waxana sii toosa odayaasha shirka yeeshay iskula lafa gureen sidaa laga yeeli doono Xarkatul Shabaab Almujaahidiin, waxayna sii toosa iskula afgarteen in ururka Alshabaab aay dib ulaa soo noqdaan oo ururkaasi u dib ugu soo noqdo gacanta beesha Ceyr

Haddaba tan iyo markii u dalka dib ugu soo noqday xasan daahir aweys waxa ka jiray gudaha ururada guux aad u fara badan, waxana ka mid aha in Oday xasan daahir shir u qabtay gudoomiyaha Xizbul islaam Sheekh cumar iimam Abu bakar, Madaxa Ururka Raaskambooni Sheekh Xasan Cabdullaahi Turki iyo waliba Afhayeenka Xarakada Alshabaab sheekh mukhtaar roobow cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday ururada dhamaan waxana qorshe-yaalka xasan daahir aweys la yimid miiska ka mid aha in dhamaan ururada laga dhigo hal urur oo la isku wada darro taasi oo ururka Alshabaab sii weyn uga soo horjeestay iyaga oo ururka Alshabaab sheegay in aay u wada dagaalami dhamaan hal jid oo ah in dalka somaliya laga saaro ciidanka Amisom kadibna dadka somaliyeed la iskugu keeno hal geed oo halka lagu dhex dhigo heshiis rasmi ah, kadibna ummadu doorato qofka hoggaamin doona sidoo kalena Dalka dhamaan lagu xakumo kitaabka Alle , taasi Xasan dahair iyo kooxdiisa aay aad uga xumadeen madama aay woteen qorshe kale ama fikir ka duwan kan Alshabaab

Xasan daahir intaa u dalka ku sugna waxa u geed dheer iyo mid gabanba u fuulay sidii ururka Alshabaab loo kala furfuri laha, waxana u dhowr jeer ka soo horjeestay amaro aay ururka Alshababa soo jeediyeen kuwas oo midkii ugu dambeyey aha Yusuf indhacadde oo markii Alshabaab gacanta ku dhigeen u isagu ka furfuray madam aay isku qabiil ka soo jeedan taasi oo muujin heerka qabyaladu ka joogto Oday xasan daahir Aweys

Ugu dambeyntii Xasan daahir aweys waxa u asbuucan ku guuleystay inu la wareego maskaxda mas’uuliyiinta sar sare ee Alshabaab kaasi oo u kaga dhadhaciyey in loo magcaabo Afhayeenka Alshabaab nin ka soo jeeda beesha Habargidir sii loo xaliyo khilaafka iyo tuhumada u dhaxeya beelaha hawiye iyo Ururka Alshabaab taasi oo aay ugu dambeyntii qateen mas’uuliyiinta sar sare ee Xarakata Alshabaab

Xasan daahir oo garab weyn ka helaya ragg aay ka mid yahiin Dr Cumar Iimam Abu bakar iyo Cabdnuur Shido oo hore u ahan jiray ku xigeenkii Indha-cadde xiligii MMI ee somaliya, ayaa waxay ku guuleysten hirgelinta qorashahii aha in beelaha hawiye dib logu soo celiyo Booski aay ku lahayeen Ururka Alshabaab iyada oo taasi la fulin ayaa maanta loo magcabay xilka Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere)

Arrinkan oo u doorka ugu weyn ka dheelay Xasan daahir aweys ayaa Ururka Alshabaab dib ugu celiyey qabyalaadii hore aay uga soo gudbeen, sidoo kale waxa la dhahi kara waxa hirgal ku dhow qorshaha dowlada Erteria aay wodato ee ah In xasan daahir aweys loo yeelo awood badan beesha calaamka ula Gorgortamo, madama u helayo awood badan marka u mas’uuliyiin u isagu u taliyo madax uga dhigo Ururka Alshabaab

Dhanka Kale Kadib markii xilka u wareejiyey maanta sheekh Mukhtaar roobow cali abumansuur ayuu dib ugu labtay magaalada baydhabo halkaasi oo u kacitamay caawa fiidkii, Abu mansuur ayaa la soo sheegaya in aay ka muqatay carro aad u xoogan markii u ka baxayey holka lagu qabtay shirka jaraa’id, warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Abu mansuur aay ka daba baxeen ragg aad ugu dhow dhow isaga oo aay saxiibo gaar ah yahiin kuwas oo lagu rajo weyn yahay inay ku qanciyaan inusan ku kacin fal dhib u keeni doona ururka Alshabaab in kasta oo la soo sheegayo in arrinkaasi laga yaabo inu ku gacan sayro madama u aad uga carooday falka lagula kacay ee gurucaan

Yusuf Cali

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Dagaal goordhaweyd markale ka qarxay deegaanada Afarta jardiino iyo siinaay...........

Dagaal qaraar ayaa ka qarxay goobihii ay maalintii shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo iyo Xoogaga kula jira dagaalada, iyadoo dagaalka uu yahay mid ka xoogan kii shalay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka socda agagaaraha Afarta darjiino, Siinaay iyo gobo kala waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ka dhaca gaadiidka dagaalka.

Dagaalku wuxuu biloowday ayadoo ciidamada Aminson Lagaliyay heegankii Ugu balaarnaa oo ay u soo socdaa ciidamo horleh oo garab istaaga.

Lama oga khasaaraha dagaalka halkaas ka qarxay, iyadoo saaka xaafadahaas ay ka jiraan barakac kii ugu badnaa ee abid lagu arko Degmada Boondheere.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Yuusuf Indha Cadde oo hubkiisii ku wareejiyay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyadoo la kala diray Maleeshiyadiisii..............

Warar goor dhaweyd nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Yuusuf Max'ed Siyaad Indha Cadde uu si rasmi ah ugu wareejiyay hubkiisii Ururka Xisbul Islaam gaar ahaan Sheekh Xasan Daahir Aweys, iyadoona la kala diray maleeshiyadii uu lahaa Indha Cadde.

TV-ga Aljazeera ayaa warkaasi baahiyay isagoona sheegay in uu kasoo xigtay ilo wareedyo muhim ah oo kamid ah Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaaminayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Yuusuf Indha Cadde waxaa uu heystay maleeshiyaad aad u fara badan iyo gawaarida dagaalka kuwaasi oo caawa ka baxay xarumahoodii isla markaana isaga guuray.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ururka Xisbul Islaam oo ku aadan hubka Indha Cadde uu wareejiyay iyadoona Sheekh Aweys uu maanta ku dhawaaqay in uu dagaalka sii socon doono.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Sheekh Xasan Dahir oo ku sii jeeda Magaalo xeebeedka Kismaayo.............

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Wadaadka ugu weyn ee Mucaaradka Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa lagu wadaa inuu tago Magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta.

Sheekh Xasan Dahir oo hada ku sugan Shabellaha Hoose ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda uu halkaas uga sii gudbo Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ee Kismaayo.

Warka ku aadan dhaq dhaqaaqyada Sheekh Xasan Dahir ayaa ah mid aad u xadidan, taasoo lagu sheegay sababo ammaan, isla markaana Wadaadka uu ka tirsan yahay Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero La dagaalanka Argagixsada, waana taa waxa uu dhaqaaqiisa uu yahay mid aan laga war heyn goor walba.

Sheekh Xasan Dahir oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho tan iyo markii uu soo gaaray todobaadkii hore ayaa warar la helayo ay sheegayaan inuu bilaabo kulamo gooni gooni ah uu la qaato garabyada islaamiyiinta.

Hadafka uu Sheekhu ka leeyahay kulamadan ayaa ah mid uu ku doonayo inuu ku mideeyo kooxaha firqooyinka ee markii hore ku mideysnaa Midowgii Maxkamadaha, balse haatan dhowr garab u kala jabay.

Sheekh Aweys ayaa la sheegayaa inuu Kismaayo kula kulmayo Sheekh Xasan Turki oo labaduba ka mid ah Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagisada, waxaana Sheekh Xasan Turki oo ah Hogaamiye sare uu saldhig weyn ku leeyahay deegaanka Raaskambooni.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Faahfaahin Qasaarihii uu sababeystay dagaalkii fidkii xalay ka dhacay kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad ee M/Muqdisho.................

Kudhawaad 4 ruux ayaa ku geeryootay in ka badan 15 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen ka dib dagaal culus oo shalay galinkii dambe ilaa iyo xalay ka soconayay xaruntii hore ee Kuliyadii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu imaanaya ka dib markii xoogaga Islaamiyiinta ay weerar hoobiyaal ah ay ku soo qaadeen xarunta ay daganyihiin ciidmada Burund oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM kuliyadii Jaalle Siyaad halkaasi ayna is waydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasi oo ku hoobanayay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa Wakaaladda Wararka Maaryaa u sheegay in ay arkeen 5 ruux oo hal meel hoobiye kugula dhacay iyadoon tiro intaasi ka badan guryahooda ugu tagay hoobiyaal habow ah kaasi oo dad rayid si aad ah ugu waxyeeloobay.

Saraakiisha caafimaadka cusbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhaawacyo aad u badan la soo gaarsiyay shalay ilaa iyo xalay kuwaasi oo ku soo waxyeeloobay hoobiyaal shalay lagu ganay xaruntii baarlamaanka uu ku shirayay ee gaadiidka booliiska iyo dagaalkii cuslaa ee galinkii dambe shalay ka bilowda kuliyadii hore ee Jaalle siyaad ilaa iyo fiidii xalay uu soconayay.

Sikastaba ha`ahaatee, kooxaha islaamiyiinta ah ayaa la sheegay in ay ciidamada AMISOM ka soo weerareen dhowr jiho oo kala ah dhinac warshada caanaha iyo waliba Degmada Dayniile, kadibna uu isku badalay dagaal culus oo la is weydaarsado hubka waa weyn ee sida xoogan wax u dila iyo meela fog fogna gaara.

Dagaaladani waxa ay qeyb ka yihiin dagaalada markasta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka somaliya ka dhacay, iyagoona dagaaladani ay inta badan dadku waxyeelado badan soo gaarto ay tahay dadka shacabka oo guryahooda jooga iyo kuwa wadooyinka maraya.

Isku soo wada duub, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saakay xasiloon, iyagoona uu dib u bilowda dhaq dhaqaaqii gacansiga , dadka iyo gaadiikaba,walaw magaalada shacabkii ku dhaqanaa ay saakay booqonayaan cusbitaalada magaalada si ay u soo arkaa eheladooda oo ku waxyeelooban hoobiyaasha iyo dagaalkii cuslaa oo dhibaatada xoogan geystay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Cumar Xaashi " Muqdisho waxaa la keenay 90-nin oo Bastoolado wata, waxaana loo soo diray inay dilaan Xubnah.............

Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay inay ka war heleen qorshayaal la doonayo in lagu dilo Xubnaha Baarlamaanka, isagoona cadeeyay in 90-nin oo bastoolado wata loo soo diray arrinkaas inay fuliyaan.

"Muqdisho waxaa la keenay 90-nin oo Bastoolado wata, waxaana loo soo diray inay dilaan Xubnaha Baarlamaanka"ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan.


Wasiirka waxaa uu sheegay in dhalinyaradaas laga keenay Gobollada Bay, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, isla markaana loo soo tababaray in ay dilaan mas'uuliyiinta Dowladda.

"Markii uu warkaas na soo gaaray waxaa sii wargeliyay hay'adaha kala duwan ee Dowladda, intii aan wargelinta wadnayna waxaa la dilay Xildhibaan C/llaahi Ciise Abtidoon iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda"ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan.

Waxaa uu sheegay in ay Dowladda ku dadaaleyso sidii ay dhalinyaradaas uga hortegi lahayd, wuxuuna caddeeyay in haatanba ay Dowladda bilowday tallaabooyin ay arrimahaas uga hortegeyso, amnigana ay ku sugeyso sida uu hadalka u dhigay.

Col. Cumar Xaashi ayaa sheegay inay garanayaan kooxaha falalka nuucaas ah ku jira, isla markaana ay horay u geysteen falal dil ah oo qaarkood lagu qabtay xilli ay ku guda jireen, isagoona taageeray warkii xalay ka soo baxay saraakiisha Maxkamadaha ee ahaa eedeynta ay dilalkaas ku eedeeyeen Alshabaab, waxaana uu Wasiirka sheegay in Maxkamadaha ay wax badan xog ogaal u yihiin.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka ayaa imaanaya xilli shalay iyo doraad Magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha iyo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, waxaana taasi ay keentay xiisado dagaal oo laga dareemay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Burcad badeeda oo wacad ku maray in ay ka aar gudan doonaan kooxihii dilay saaxiibadood.

Kooxaha Burcad badeeda ayaa ku hanjabay in ay ka aar gudan doonaan kooxaha ajaanibta ah ee shalay u geystay waxyeelo aad u ba'an ka dib markii ay waayeen axsaab ay saaxiibo ahayeen oo qafaalasha maraakiibta, kuwaas oo la qaarajiyay.

Sarkaal u hadal burcad badeeda ayaa sheegay in mar uun ay ka aarsan doonaan falkii waxashnimada ahaa ee shalay uu kula kacay mareykanka oo laga heeystay hal kabtan.

Sidoo kale waxa ay tibaaxeen in aysan marnaba ka hari doonaan dilkii 3- ka mid axsaabtoodii oo ciidamo mareeykan ah ay dilkooda u barereen sida ay sheegeen.

Kooxahaan oo la hadalay mid ka mid talafashinada afcarbeedka ku hadala ayaa waxa sheegeen in ay markii horaba u bareen qatar xaga bada ah balse ay soo baxaday kooxo xoog wax ku raadinaya.

Burcad badeeda oo inta badan ka qowleysata bada, iyagoo qafaasha gaadiid badeedka si ay uga qaataan lacago madax furasho waxaana haatan la soo gudboonaatay Qataro ka dhan ah howlohooda burcadnimo.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Sheekh Xasan Dahir oo ku soo wajahan mid ka mid ah Deegaanada G/gaduud, xilli loo diiday inuu ka soo dago Dhuusa Mareeb............

Wadaadka mayalka adag ee hogaamiya Mucaaradka fadhigiisu ahaa Casmara Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka soo dago Degmada Ceeldheer ee Gobolka G/gaduud, kadib markii sida la sheegay ay ku adkaatay inuu ka soo dago Magaalada Dhuusa Mareeb oo uu wadaadku ku dhashay.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Sheekh Xasan Dahir oo haatan ku sugan Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa la tilmaamay in Saraakiisha Ahlu Sunah Waljamaacah ay u diideen inuu ka soo dago Magaalada Dhuusa Mareeb oo ay gacanta ku hayaan.

Maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo daacad u ah Sheekh Aweys ayaa ka gudbay Deegaanka Ceelbuur, iyagoo kaabiga ku haaya Deegaanka Ceeldheer, halkaasoo wadaadku la filayo in diyaarada sida ay ka soo dejiso.
 
Degmada Ceeldheer oo ay ka taliyaan islaamiyiin ayaa leh garoon macmal ah, waxaana la sheegay in halkaas uu ka soo degi doono Wadaadkan gor gortanka kula jira Dowladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Todobaadkii tagay ayay aheyd markii uu tagay Xasan Dahir Magaalada Khartoum ee dalka Sudan, iyadoo tagitaankiisa ay ka dambeysay kadib markii uu wada hadal la qaatay Madaxweynaha Sudan oo booqasho ku yimid Magaalada Asmara.

Lama oga waxa ay Saaxada siyaasada Soomaaliya ku soo kordhin karto imaanshihiisa Soomaaliya, waxaase Sheekh Aweys ku soo laabashadiisa Soomaaliya muddo labo sano kadib ku soo beegmeysaa xilli Soomaaliya ay ka dilaaceen Islaamiyiin firqooyin ah, iyadoo Sheekhu la sheego inuu ahaa maskaxdii ka dambeysa aas aaska Islaamiyiinta Soomaaliya.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Madaxweyne shariif sheekh axmed oo shirka 21-tanaad ee isutaga carabta ka jeediyay codsi ah in la caawino dadka barakacayaasha ah.....

Shirkii  21-aad ee Madaxda dalalka ku isutaga  Jaamacadda carabta ayaa waxaa halkaa ka hadlay Madxweynbaha Dalka Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed isagoona ka codsaday in ay taageeraan dowladiisa iyo shacabka barakacayaasha ah ee ku sugan goobaha loo barakacay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa halkaa ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga warbixinay xaalka Dalka Soomaaliya tan iyo marka loo doortay madaxweyaha Dalka Soomaaliya.
 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jirto kooxo hubeysan oo ku kacsan dowlada kuwaas oo hub sita walina aan aqbalin fariin dib u heshiisiin ah oo ay u dirtay dowlada.  

 

Shariifka oo aad moodo in uu carabta ka raadinayo in ay godladaan ayaa yiri waxa aan wax walba ka hor marinayanaa howlada wadahadala si loo gaaro nabad buuxdo oo taam ah. 


 

Gunaanadkii  hadalkii madaxweyne shariif ee uu jeedinayay carabta ayaa waxa uu ku weeraray kooxaha caadeystay in ay qafaashaan maraakiibta shisheeye isagoo tilmaamay in ay wax ka qaban doonaan burcada.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Odayaasha Gobalka Hiiraan oo baaq Nabad ah u diray kooxaha ku dagalamay Gal-gaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay baaq nabad ah u dirayaan kooxaha y dirirta ku dhexmartay degmada Ceelbuur halkaas oo mudo labo maalin ah uu ka socday dagaalka

Dagaalka ka dhacay Gobalkaas ayaa waxa uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac kaas oo soo kala gaaray kooxihii ku dagalamay degmada.

  

Waxaa baaqyo nuucaan ah diray hay'ada culimada soomaaliyeed iyo waxgarada kale oo sheegay in la joojiyo dagaalkan madaama ay jirto abaaro iyo biyo la'aan baahsan. 

  

Alshaba iyo ahlu sunna ayaa waxa ka warbixiyeen dagaalka ka socday degmada ceelbuur waxa ayna kala sheegteen guulo ay kala gareen labada dhinac. 

Majirto cid ilaa hada qaadatay hadalka culimada iyo Odayaasha madaama wali la dareemayo dhiilo colaadeed oo ka jira gobalka gal-gaduud.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dowladda Yemen oo qaabishay 5 kun qaxooti Soomaali ah muddo 70 maalmood gudahooda......

Dowladda Yemen ayaa qaabishay muddo ka yar 70-kii maalmood ee ugu dambeeeyay ee sanadkan 2009-ka ku dhawaad 5 kun oo qaxooti Soomaali ah , waxaana ku jira in ka badan kun haween ah kadib marki si aan kala go laheyn ay uga soo barakaceen dalkooda , iyagoo soo maraya safaro halis badan leh .

Warbixino rasmi ah ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dadka lagu qaabilay xeebaha gobolada Xadarmuud,Shabwa iyoTaciz ay gaarayeen bishii January ee sanadkan 1567 ruux oo qaxooti ah oo ay ku jireen 315 ruux oo haween ah iyo 27 caruur ah , iyadoo tirada ay sare u sii kacday intii lagu guda jiray bisha February oo ay gaartay 2599 ruux oo 815 ruux ka mid ah ay yihiin haween , halka 259 ruux oo kalena ay yihiin caruur .

Todobaadkii koowaad ee bishan march ayaa Yemen waxay ku qaabishay xeebaheeda dad ku dhow 744 ruux oo Soomaali ah , oo ay ku jireen 133 ruux oo haween ah iyo 30 caruur ah.


Ciidamada u gaarka ah soo uruurinta dadka qaxootiga ah ee xeebaha ku soo gala dalka Yemen ayaa waxa ay dadkaasi u gudbiyeen xerada Kharaz ee Gobolka Laxaj , iyadoo xero KMG ah loogu sameeyay deegaanka Meyfaca ee Gobolka shabwa, waxaana halkaasi ku siugan oo joogo ergey gaar ah oo ka socda hey-adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Bishii hore ee February ayaa waxaa ku geeriyooday badda bartankeeda tiro u dhaxeysa 60-70 ruux oo qaxooti ah ka hor inta aaney lugahooda soo dhigin xeebaha Yemen.

Waxaa lagu qiyaasaa tirada dadka Soomaalida ah ee ku maashooday biyaha kuwa u dhaxeeya 10 ilaa iyo 15 % tirade guud ee soo gaara xeebaha Yemen oon intooda badan ay yihiin haween iyo caruur .

Dadka qaxootiga
ee Soomaalida ah ee u qul qulaya dalka Yemen ayaa sabab u noqday inuu cadaadis balaaran koro adeegyada aas-aasiga ah ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo fursadaha shaqo iyadoo la la-yahay taageero toos ah oo arrintaasi wax looga qabto, iyadoo weli ay sii kordhayaan dadka qaxootiga Soomaalida ah.

Hey-adda UNHCR ayaa waxa ay ku dhawaaqday baaq caalami ah oo deg deg loogu dalbanayo caalamka inay gurmad u soo fidiyaan Xukuumadda Yemen si ay u awoodo wax u qabashada dadka qaxootiga ah ee ku sii kordhaya dalkeeda.

Dowladda Yemen ayaa waxa ay sheegtay in mushkiladu ay tahay sidii loo xalin lahaa xidideeda oo ah dhibka ka taagan dalka Soomaaliya , iyadoo la sheegay in Yemen aaney awoodin inay kaligeed xal u raadiso arrinkani, hadii aan la helin kaalmo waxtar leh oo ka timaada hey-adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya .

Dowladda Yemen ayaa ka sheegtay in ka badan hal kulan oo beesha caalamka ay lahaayeen in gacan kaalmo ah loo fidiyo Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya si loo dhiso dowlad Soomaaliyeed , si aaney Soomaaliya u noqon abuul ama rug kale sida Afghanistan oo kale oo argagaxisada ay ka soo baxaan , kuna hoydaan .

W/tarjumay : Ali Abdi Ali -Suheifa-
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Golaha ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Africa oo muddo 3 bilood ah u kordhiyay Ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya Muqdisho.........

Midowga Africa ayaa waxaa uu Sheegay in ciidamadooda ay sii joogayaan dalka Soomaaliya muddo sedax bilood oo kale, oo ku eg bisha June ee bartamaha sanadkan.

Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya ilaa bisha June waqtigaasi oo uu Ururku sheegay in ay howlaha nabad ilaalinta ay la wareegayaan Ciidamo ka socda QM.

Gudoomiyaha gudiga ammaanka iyo nabad galyada ee Midowga Africa ninka lagu magacaabo Edouard Aho-Glele ayaa waxaa uu sheegay in loo kordhiyay muddo sedax bilood ah ciidamada midowga Africa ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay golaha Amaanka ee QM in arintaasi ay u gudbiyeen islamarkaana ay rajeynayaan in marka ay mudadaasi dhamaato ay la wareegaan howlaha nabad ilaalinta dalka Soomaaliya.

Waxaan weydiisanay golaha ammaanka ee QM in uu qaado cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya si dowladda KMG loogu ogolaado in ciidamadeeda ay ammaanka la wareegaan ayuu yiri Edouard Aho-Glele oo ah gudoomiyaha gudiga nabad galyada ee midowga Africa.

Sidoo kale gudoomiyaha gudiga Ammaanka ee midowga Africa waxaa uu sheegay in ay kula taliyeen golaha Ammaanka ee QM in ay waqtigaasi taageeraan oo xiliga ay sheegeen kadib ay Qaramada midoobay la wareegto howlaha Soomaaliya.

Kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ayaa iyagu horay wacad ugu maray in ay dagaalka sii wadi doonaan inta ciidamada midowga Africa ay ku suganyihiin gudaha wadanka Soomaaliya.

Wadamada African-ka ee horay u balan qaaday in ay ciidamo keenayaan Soomaaliya ayaa iyagu mudo badan ka caqa jiidayay in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya.

W/tarjumay : Ali Abdi Ali "Suheifa"
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Xasilooni ayaa laga soo sheegayaa saaka in ay ka jirto goobihii ay shalay ku dagaalameen Dariiqada Suufiyada iyo alshabab ee degmada Baardheere..........

Waxaa saaka degan xaalada degmada Baardheere oo shalay gabal gaabadkii ay isku farsaareen Xoogagga alshabab iyo ahlu sunna wal jameeca kuwaas oo uu dagaal ku dhexmaray meel ay kooxda suufiyada ay ku dhigayeen xuska mowliidka. 

Dagaalka oo soconayay waqti aad u kooban ayaa waxa jira qasaare soo kala gaaray labada dhinac sida lagu helayo wararka madaxa banana ee ka imaanaya degmadaasi.

  

Alshabab ayaa waxa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan goobtii ay ka socotay xafladii lagu xusayay xuska mowliidka oo ah masjidka lagu magacaabo Geed awoowe .

 

Sidoo kale alshabab ayaa waxa ay bandow ku oo rogeen Degmada iyadoo dibada looga saaray kooxda ahlu sunna wal jameeca ka dib markii laga tag roonaaday .

Saaka wararka laga helayo degmadaasi ayaa waxa tilmaamayaan in bandowgii xalay la qaaday iyadoo ahlu sunna ay joogan meel 10-km u jirto gedmada oo lagu magacaabo Dirinleey oo ah duleedka degmada baardheere.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Madaxweyne Shariif sheekh Axmed oo maanta ku sii jeeda dalka Kenya , kadibna uga sii gudbaya dalka Burundi.....

Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay Maanta ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay socdaal ku soo maraan wadamo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda iyo Burundi.

Lama garanayo Ujeedada Socdaalka Sheekh Shariif balse warar hoose ayaa sheegaya in uu kala soo hadlayo Wadamadaasi Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya ,inkastoo aan la sheegi Karin in ujeedadu tahay inuu kala hadlo qaabkii ay u bixin lahaayeen ama loo soo kordhin lahaa.

Socdaalkan ayaa ku
soo aadaya xili uu Sheekh Shariif Xalay kulamo kula qaatay Madaxtooyada Villa Soomaaliya R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, lama garanayo waxa ay kulankaasi uga wada hadleen.

Sheekh Shariif ayaa ku sugnaan doona dalka Kenya muddo 3 maalmood ah , halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Kenya Muwaay kibaaki , oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo arrimaha burcad badeed-ka oo mushkilad ku ah caalamka .

waxaa la qorsheeyay in todobaadka soo aadan Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya sida ay sheegeen ilo wareed aynu ka helnay xarunta Madaxtooyada "Villa Somalia".

W/diyaariyay : Ali Abdi Ali "Suheifa"
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

 

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tayac tir uu ku soconayo Xaruntii baarlamka KMG ah ay ku shaqeyn lahaayeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalintii shalay ahayd soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu  sheegay in lagu guda jiro dhameystirka ama hagaajinta xarun ay ku shiraan baarlmaanka soomaaliya.

Sheekh Aadan Madobe  oo markii uu ka soo degay garoonka la hadlayay saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan howlo lagu dayactirayo xarumihii baarlamaanka ay dagi lahaayeen.

Sidoo kale waxa uu farta ku fiiqay in ay tahay hay'adka kasta oo ka mid ah Dowlada midnimada qaran in ay tayactir ku sameytsato goobihi horey loogu shaqeyn jiray.

Hadalka ka soo baxay afaheenka baarlmaanka ayaa ku soo beegmaya xili  xaruuntii baarlmaanka KMG ahayd ee magalada baydhabo ay gacanta u gashay xoogagga hubeysan ee alshabab kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda Dowladan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr