|
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu goor dhoweyd ka qarxay Tuulada Garsaale oo ilaa 25KM dhanka koonfur kaga beegan Magaalada Jowhar u jira Ayadoo Lasheegayay in aay soo siqayaan.
Rabshadan ayay u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda iyo Xoogaga Alshabaab oo la sheegay inay duulaan ku soo yihiin Magaalada Jowhar, waabarigii saaka ayaa mar kaliya Magaalada Jowhar waxaa laga dareemay cabsi dagaal, iyadoona durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo guluf dagala ay galeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.
Nin ku sugan Magaalada Jowhar ayaa u xaqiijiyay in dagaalka uu hada xoogiisa ka socda Tuulada Garsaale, halkaasoo ay difaacyo adag ka sameysteen Ciidamada Maxkamadaha.
Duulaanka oo Laga dareemayay maalmihii lasoo dhaafay abaabulkiisa Degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho. isku dayga Xoogaga Shabaab ayaa ah inay la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar iyo deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana jira qorshayaal horay loo dejiyay oo la sheegay in dhowr jiho laga soo weerara magaalada Jowwhar.
Dagaal hada ka qarxay Isgoyska Fagax ilaa Saldhiga Yaaqshiid.........
Dagaal culus ayaa daqiiqado ka hor ka qarxay inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Saldhiga Yaaqshiid, iyadoona dagaaladan ay daba joogaan dagaaladii maalmahan ka dhacayay Magaalada.
Dagaalkan ayaa salka ku haaya gacan ku heynta Saldhiga Degmada Yaaqshiid oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, iyadoona dagaalkan hada bilowday uu yahay mid horay loo sii saadaalinayay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la ogeyn sida ay xaalada tahay.
Dagaalka ayaa waxaa ku lug leh dhinacyadii maalmahan iska soo horjeeday, waxaana dagaalka uu u muuqda mid u soo wareegay aagara Waqooyi ee Muqdisho, kadib markii lagu soo kala baxay aagagii kale ee dhanka Koonfur ee uu dagaalka ka socday.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Nin ganacsade ahaa isla markaana la sheegay inuu ahaa xubin ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa saaka lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha, xilli uu fadhiyay goobtiisa ganacsi, iyadoona dilka Marxuumkan ay fuliyeen Rag Bastoolado ku hubeysan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan ganacsadaha xilliga la dilayay uu shaah ku cabayay ka soo horjeedka goobtiisa ganacsiga gaar ahaan Suuqa Cabdalla Shideeye, waxayna wararku intaa ku darayaan in dilka ninkan ay geysteen Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo dhinaca dambe kaga yimid Marxuumka dabadeedna toogtay
Ninkan la dilay oo ahaa nin ay aad u yaqaaneen dadka ka ganacsada Suuqa Bakaaraha ayay wararku sheegayaa inuu ahaa Xubin ka tirsan Alshabaab, waxaana lagu sheegay inuu ka mid ahaa Qasnajiyaasha Kooxdaas.
Ma cada ilaa iyo hada cida ka dambeysa dilkiisa iyo sababta loo dilay, hase ahaatee wararka xoogiisa ayaa ah in Ninka oo ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool, uu markiisii horeba ka tirsanaa Mid ka mid ah Xoogaga Muqaawamada, balse dhowaan ku biiray Alshabaab.
Ilaa iyo hada inooma suura gelin inaan ogaano magaca ninkan, waxaana falkan dilka uu ku soo aadayaa xilli ugaarsi xoogan uu u dhaxeeya Kooxaha Islaamiyiinta qaarkood oo dhowaan saddex ka mid ah Muqaawamadii soo halgantay dilal qorsheysan loo geystay.
Wax war ah kama soo bixin Kooxda Alshabaab oo ku aadan dilka ninkaan oo warar qaar ahi sheegayaan inuu aad ugu dhowaa saraakiisha sar sare ee Alshabaab ee gacanta ku haaya Gobolada Baay iyo Bakool.
Maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho ka jiray dilal qorsheysan oo loo geysanayay qaar ka mid ah saraakiishii Muqaawamada, iyadoona labo todobaad gudahood lagu dilay Caasimada ilaa saddex ruux oo ahaa Saraakiil ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey in halkii Wasiir bishii mushaar loo siiyo lacag dhan 12,000$.......
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga oo kulan ku qaatay Magaalada Ankara ....
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqashi rasmi ku jooga Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga ayaa kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa dalkaas Abdullah Gul, iyagoona ka wada hadlay xaalada ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.
Madaxweyne Shariif ayaa uga warbixiyay dhigiisa dalka Turkiga xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoona u sheegay in horumar laga gaaray Siyaasada Soomaaliya bilihii u dambeeyay, isagoona muujiyay Madaxweynuhu sida uu ugu walaacsan yahay qatarta Burcad badeedka oo afduub kula kaca Maraakiibta shisheeye ee mareysa xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa weydiistay Dowladda Turkiga sida looga baahan yahay inay garab istaagto Dalka ay colaadaha la dageen ee Soomaaliya, isagoona taageero ka dalbaday Dowladdaas Islaamiga ah.
Sheekh Shariif ayaa ka codsaday Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa, isla markaana ay cagaheeda ugu istaagi laheyd, isagoona cadeeyay in Dowladiisa diyaar u tahay in iskaashi wax wada qeybsi la yeelayo Dowladaha reer Yurub.
Madaxweynaha Dalka Turkiga Abdullah Gul ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in gacan ay ka geysato aas aasida iyo tababarka ciidamo Ammaan oo loo sameeyo dalka Soomaaliya oo ay la dageen dagaalo sokeeye.
Abdullah Gul waxaa uu tilmaamay in dalk Turkigu uu sidoo kale diyaar u yahay in gacan uu ka geysto dhinacyada Caafimaadka iyo bar baarinta, isagoo carabka ku dhiftay in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka Turkiga, iyadoona ay socoto qaban qaabo xaflad ay Soomaalida ku nool Turkiga ku soo dhoweyneyso Madaxweynaha.
Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago dalka Belguim, halkaasoo 23-ka bishan uu kaga qeyb galayo shir dhaqaale loogu uruurinayo Dowladda Soomaaliya, kaasoo uu ka qeyb geli doono Ergay ay Dowladda Mareykanka u soo dirsaneyso.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ah socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tago dal ka tirsan Qaarada Yurub tan iyo markii loo doortay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Markab xamuul ah oo ku sii jeeday xeebta mumbaasa ee dalka kenya oo la qafaashay..............
Marakab aan la shaacin wadanka laga leeyaya ayaa waxa gacanta uu u galay qolyaha ay maanqaaday burcad badeednimada ee ka qowleysta xeebaha dalka soomaaliya.
Talafashin laga leeyahay wadanka Iiraan ayaa waxa uu soo bandhigay sawiro iyo muqaal muujinayay maraka ay burcada ay qafalanayeen markabka oo ku sii jeeday magaalo xeebeedka Mumbaasa ee dalka Kenya.
Sidoo wararka laga helay Tivigaasa ayaa waxa uu leehay wax yar kor inta aan la qafaalan markabkaasi ayaa burcada waxa ay la tacaaleen in marka ay la hayad yahuuda isagoo fara cidi leh kaga baxsaday ka dib markii uu qeylo dhaan dirsaday.
Markabka iyo shaqqle lagu sheegay ilaa 27-ruux ayaa waxa haya kooxaha burcad badeeda ee shaqada ka dhigtay in ay afduubtaan maraakiibta shisheeye.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Banaan bax rabshado watay oo ka dhan ah go'aankii Alshabaab ku mamnuuceen Qaadka oo ka dhacay Magaalada Baydhabo........
Banaan bax rabshado watay, isla markaana looga soo horjeeday go'aankii shalay Maamulka Islaamiga Alshabaab kaga mamnuucay in gudaha Magaalada Baydhabo qaad lagu iibiyo ayaa maanta hareeray guud ahaan Magaalada Baydhabo, kaasoo hakad geliyay dhaq dhaqaaqii iyo ganacsiga Magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka banaan baxan oo ay ka qeyb qaadanayeen dhalinyaro iyo dumar ayaa waxaa uu ka dhacay maanta fagaaraha Magaalada, iyadoona banaan baxayaashu ay in muddo ah wadada ku gooyeen dhagxaan.
Xoogaga Alshabaab oo markii dambe ku soo baxay banaan baxaas ayaa dadkii banaan baxayay waxay ku kala eryeen rasaas ay ku fureen, taasoo uu ku dhaawacmay qof rayid ah, halka 50 ruux ay xabsiga u dhaadhiciyeen kuwaasoo ka banaan baxayay go'aankii ay ku mamnuuceen in qaadka lagu iibiyo gudaha Magaalada laguna cuno goobaha dadka ku badan yihiin.
Dadkii banaan baxayay ayaa ku hadaaqayay hadalo ka dhan ah Maamulka Alshabaab, iyagoona ku qeylinayay in dib loo soo celiyo goobahooda ganacsi ee ay qaadka ku iibinayeen, iyagoona si weyn u saluugsan go'aanka lagaga mamnuucay in Qaadka ay ku iibiyaan gudaha Magaalada.
Saraakiisha Alshabaab ayaa wali ka hadlin banaan baxan looga soo horjeeday, iyadoona xaalada Magaalada Baydhabo ay haatan tahay mid degan, iyadoona wadooyinka Magaalada lagu soo daadiyay Ciidamada Alshabaab.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Barre Hiiraale oo isku dhiibay kooxda Alshabaab .
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Barre Hiiraale hogaaminayo ee ku sugan Degmada Doolow ayaa isu soo dhiibay Xoogaga Al-shabaab ee ka howl gala qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Col. Cabaas Ibraahiim Saciid ayaa si rasmi ah isugu soo dhiibay Xoogaga Al-shabaab waxa uuna isa soo dhiibitaankiisu yimid ka dib markii horey Xoogaga Al-shabaab Cafis u fidiyeen Saraakiisha iyo Ciidamada Barre Hiiraale wehlisa ee ku sugan Degmada Doolow kana soo jeeda Gobolka Gedo.
Isa soo dhiibidiisa waxaa Saxaafada u xaqiijiyay qaar ka mid ah Saraakiil ka kala tirsan Xoogaga Al-shabaab iyo Dowladda KMG ah ee Barre Hiiraale kula sugan Degmada Doolow.
Dhanka Xoogaga Al-shabaab Mas`uul u hadley oo lagu magacaabo Cusmaan ayaa sheegay in Sarkaalka isu soo dhiibay ay gacanta ku hayaan xaaladiisa caafimaadna ay wanaagsan tahey, sida uu sheegay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in weli Saraakiisha kale iyo Ciidamada Barre Hiiraaale la socda ay fursad heystaan ayna ugu qaabayaan inay isaga baxaan howsha ay ku jiraan ee ka dhanka ah Dadka Deegaanka.
Sarkaalkan ka soo baxey Ciidanka Barre ee lagu magacaabo Cabaas Ibraahiim Saciid ayaa dhabar jab ku noqoneysa howlaha Ciidan ee uu Barre ka abaabulayo Degmada Doolow oo ku doonayo inuu Guluf colaadeed ku soo qaado Goboladii uu horey uga arimin jirin ee laga eryay.
W/diyaariyay : Ali Abdi Ali "Suheifa" asuheifa@hotmail.com Mogadishu-Somalia
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Wasiirka cadaalada xukuumada midnimada qaran oo sheegay inay gudiyo u saareen qaabkii loo hirgelin lahaa shareecada Islaamka
Wasiirka cadaalada xukuumada midnimada qaran Shiikh C/raxmaan Janqoow ayaa sheegay inay gudiyo u xuleen qaabkii loo hirgelin lahaa shareecada Islaamka.
Wasiirka oo xalay u waramayey idaacada horafrik ayaa sheegay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay dabanayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna intaas ku daray in xukuumaduna ay mar horeba anisixiyeen arinkaas, waxa kaliya ee hada dhimanna ay tahay qaabkii loo hirgelin lahaa arinkaas, isla markaasna ay gudiyo usaareen.
Shiikh C/raxmaan Janaqoow ayaa la weydiiyey sida ay meel u wada gali karaan in la ansixiyo shareecada Islaamka iyadoo dalka ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye, wuxuuna sheegay in ayan waxba kala galin labadaa arimood.
" Ciidamada AMISOM waxay joogaan meel kooban, cidna dhib kuma hayaan, wax fara gelin ahna kuma sameyn karaan waxa aan dalka ku dhaqeyno, hadii laysku afgartana waxaa ku filan in lagu yiraahdo raali naga ahaada waan idinka kaaftoonaye" ayuu yiri wasiirka cadaalada.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in cid u diidan inay dalka ku dhaqaan shareecada Islaamka ayan jirin, wuxuuna intaas raaciyey in caalamku aqoonsaday in ay ku khaldanaayeen duulaankii ay ku soo qaadeen Soomaaliya.
Hadalka wasiirka cadaalada ayaa imaanaya xili dhawaan ay golaha xukuumada ee uu ka tirsan yahay ansixiyeen in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, waxaana hada la sugayaa inay baarlamaanku ku raacaan talaabadaas.
Iska hor'imaad hubeysan oo barbar socday duqeyn madaafiic oo saaka ku dhexmaray dagaalyahano islaamiyiin ah iyo ciidamada Burundi Deegaani katirsan Xamar.
Saakay waabarigii ayaa waxaa dagaallo iyo duqeymo ay ka dhaceen nawaaxiga xarunta jaamacadda Ummadda oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Burundi oo qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Weerarka oo markii hore ku billowday madaafiic laysku tuur-tuuray ayaa waxa uu markii dambe isku beddelay mid fool ka fool ah oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaasi oo socday qadar daqiiqado aan la ogayn khasaaraha ka soo gaaray labada dhinac ee dagaalka uu dhex maray.
Warar laga helay dadka deggan nawaaxiga Jaamacadda Ummadda ee fariisinka u ah ciidamada Burundi ayaa sheegay in madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen guryo ku yaala nawaaxiga jaamacadda Ummadda, isla markaana ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac , balse ilaa iyo hadda lama qeexin tirada dadka ku nafwaayay , kuna waxyeeloobay.
Weerarkan saakay lagu qaaday fariisinka ciidamada Burundi ee jaamacadda Ummadda ayaa waxaa ka dambeeyay Xarakada hubeysan ee Al-shabaab, sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo sheegay inay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Burundi ee ku sugan Jaamacadda Ummadda.
W/diyaariyay : Ali Abdi Ali "Suheifa" asuheifa@hotmail.com Mogadishu-Somalia
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo ku gacan seyray go'aankii Golaha Wasiirada ee ku dhaqanka shareecada Islaamka dalka..........
Sheekh Xasan Yacquub oo ah Sarkaal ka tirsan Alshabaab ahna Afhayeenka Maamulka Islaamka ee Kismaayo ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo go'aankii shalay ka soo baxay Golaha Wasiirada ee ahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Sheekhan ayaa sheegay inay tahay wax qaldan qaabka ay ku doonayaan Dowladda Midnimada qaran in shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka Soomaaliya, isagoona qeexay in halgan dheer iyo jihaad loo soo maray sida uu hadalka u dhigay.
"Waa wax lagu qoslo, in qolooyinka Dowladda ay dhahaan shareecada Islaamka ayaa maanta qaadanay, iyadoo la ogyahay in aan labo sano iyo bar u dagaalamay, rag badan ay ku shahiideen, guryaheenii ku burbureen, hantideenii ku baxday in dalka laga hirgeliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka"ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dabin daabo ay wataan.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in marnaba aamineyn in Dowladda ay wax ku dhaqeyso shareecada Islaamka, iyadoo ay dalka joogaan Ciidamadii Brundi iyo kuwa Uganda sida uu hadalka u dhigay.
"Shareeco Islaam ayaa qaadanaa Ciidamadii Brundi iyo kuwa Uganda ayaana i ilaalinaya, ma aqbaleyno, Umada Soomaaliyeed ee Islaamka ha ogaadaan inaanay ahayn wax dhab aheyn Shareeco Islaam oo Meles Zenawe raali ka yahay, Qaramada Midoobay ay lacag ku bixineyso oo Nasaara iyo Yahuud ay taageerayso, Mujaahidiinta waa dad caqli ah oo ma ahan kuwo la kiyaami karo"ayuu mar kale yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Waxaa uu kaloo sheegay Afhayeenka in Mujaahidiinta ay doonayaan wixii ay u dagaalamayeen oo ah shareecada Islaamka oo barax tiran oo gaalada aan ku xirneyn oo gaalo oo dhan lagu cara gelinayo, Ilaahayna lagu farxad gelinayo, wuxuuna ugu baaqay Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo inaan la marin habaabin oo ay feejignaan muujiyaan.
Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Sarkaalkan ka tirsan Alshabaab ayaa imaanaya xilli shalay Golaha Wasiirada ay ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka oo loo arko inay tahay xalka kaliya ee dalka lagu hogaamin karo, iyadoona hadalkan kulul ee ay ku naqdinayaan shabaabka go'aanka wasiirada uu noqonayo caqabad hor leh oo Dowladda ku hor gudban.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com
Xiisad ka dhex taagan Alshabaab iyo ururka Ahlu Sunnah ka dib dilal ka dhacay soomaliya todobaadyadii la soo dhaafay.
 Waxaa isa soo tareysa xiisada ka dhextaagan ururka Alshabaab iyo Ururka Ahlu sunnah wal Jamaaca ka dib markii todobaadyadii u danbeeyay dil loogu geystay gudaha dalka Soomaliya ilaa iyo afar wadaado oo ka tirsana culumada Ahulu Sunnah Waljaamaca taasoo ay ku eedeeyeen inay ka danbeeyeen Alshabaab.
Afhayeen ururka ahlu sunnah Sheekh Abdiraxman Abuu Yuusuf ayaa VOA qeybta afka ingariisiga ku baxda u sheegay inay cambaareynayaan ururka Alshaabaab, ururkaasoo uu ku eedeeyay inay u soo dirayaa willal yar yar oo qaarjiya culumiada ku jirta ururka Ahlu Sunnah.
Afhayeenka waxa uu sheegay in toboaadkii la soo dhaafay ururka Alshabaab ay dileen Sheekh cali Afyare bartamaha soomaliya magaalada Gaalkacyo, iyo wadaadka kale oo ku noolaa baledweyne meel u dhow xadka itoobiya. Labo kale oo wadaado ahna waxaa la dilay bishii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho, wuxuna Sheekh Abdiraxmaan uu sheegay inaysan ururka Alshabab oo sheegan karin iany urur diimeed yihiin isagoo ku sababaeeyay inay sameeynayaan waxyaabo diinta ka dhan ah.
Waxaana ururka Ahlu sunnah ay ku dhawaaqeen mar sii horeeysay dagaala ay ugu yeereen Jihaad oo ka dhan ah urur diimeed kale ee Alshabaab taasoo u eg in soomaliya uu mar kale ka qarxi rabo dagaal diimeed tasoo dad badana ay cabsi xoogan ka qabaan.
Ururka alshabaab ayaa eedeymo hore loogu soo jeediyay ku tilmaamay kuwa been ah oo lagu doonayo in lagu wiiqo sumacadooda, waxaana arimahan ay ku so beegmayaan xilli bishii january daaalo ak dhacay gobolka galgaduud looga adkaaday ururka alshabaab halkaasoo haatan ay gacanta ku hayaan ururka Ahlu sunnah wal jamaaca.
Waxaana Alshabaab oo ku eedeysay wadaada sheegta ururka Ahlu sunnah inay hub iyo waxyaabo kaleba ka so qaataan dowlada itoobiya oo ay itoobiya u adeegsaneyso inay ururkooda la dagaalamaan, taasoo sidoo kale Ahlu sunnah ay iska beeniyeeen
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
webwester@camaloow.com

|