Welcome            To       Camaloow    Online
      

  Aadan Saransooroo katirsan Dowlada KMG  ayaa sheegay in dagaalkii shalay guulo ka gaareen, isla markaana ay ku furteen saanado Milateri.

Wararka imaanaya Bakool Ayaa Sheegaya In ay Ciidamada Alshabaab ayaa dib mar kale ugu laabtay deegaan lagu magacaabo Buur Dhuxule oo ka tirsan Gobolka Bakool, kaasoo shalay dagaal looga qabsaday markii ay isku fara saareen iyaga iyo Ciidamada Dowladda.

Halka digaalka uu Kadhacay oo lasheegayo in uu ujiray  ilaa 29-KM u jira Degmada Waajid ee Gobolka Bakool shalay weerar culus ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda ee taabacsanaa Maamuladii la eryay ee Gobolada Baay iyo Bakool, sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la yiraahdo Aadan Saransoor ayaa sheegay in dagaalkii shalay deegaankaas ku qaadeen ay guulo ka gaareen, isla markaana ay ku furteen saanado Milateri.

Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa cadeeyay in qorshahooda uu yahay sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen Gobolada Bay iyo Bakool oo ay maamulaan Xarakada Alshabaab, wuxuuna cadeeyay inuu jiro qorshe guud oo duulaan ah.

Ciidamo Shabaab oo gaadiidka dagaal watay ayaa xalay mar dambe soo gaaray deegaanka, kadib markii dagaal loogaga saaray, waxaana gurmadyo ciidan ku qul qulayaan deegaankaas, kuwaasoo ka imaanaya deegaanada Xudur iyo Waajid, duulaanka Ciidamada Dowladda ku qaadeen deegaankaas ayaa noqonaya kii u horeeyay ee abid qeybo ka tirsan Gobolka Bakool fariisimahooda ugu tagaan Xarakada Alshabaab markii laga eryay Gobolada mataanaha ah

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Xarakada Alshabaab oo balan qaaday daryeelka iyo xanaaneynta afartii dhalinyaro ee ay gacmaha iyo lugaha ka jareen.

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maanta goob fagaare oo ku taal Xeradii Maslaxa ee Suuqa Xoolaha ku fuliyay xukun gacan iyo lug is dhaaf ah oo ay ka jareen afar dhalinyaro oo ay dhowaan Maxkamad ay leeyihiin ku xukuntay xukun gacan iyo lug is dhaaf oo laga gooyo.

Boqolaal dadweyne oo ka soo qeyb galay goobtii fagaaraha aheyd ee lagu fulinayay xukunka gacan iyo lug goynta ayaa qaarkood dareenkooda siin waayay inay daawadeen, waxaana badankooda ay jooga ka dhaceen dabadeedna ay suuxeen.

Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay fulinta xukunkaas ayaa sheegay inay arkayeen dhalinyarada oo laga jarayo gacanta midigta iyo lugta bidixda oo is dhaaf ah, waxaana dhalinyarada laga goynayay ay ahaayeen kuwo qeylinayay.
Wakiilka Xarakada Alshabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay qaateen masuuliyadda daryeelidda iyo Nafaqeynta dhalinyarada xukuna lagu fuliyay.

"Maanta Ilaahey xukunkaas baa la fuliyay dad qaaticu dariiq ah baa lagu fuliyay xukun gacan goyn iyo lug ah, waxaana ilaahey uga baryayaa inuu towbad u noqoto, waxaana balan qaadeynaa wixii tasiilaad ah iyo daryeelidooda inta ay kala qabsanayaan dadkooda waana xanaaneyn doonaa"ayuu yiri Sheekh Cali oo intaa ku daray in Mujaahidiintooda ay dhabarka u ridan doonaan wax u qabashada raga ay maanta ka gooyeen xubno muhiim ah oo jirkooda bani'aadanimada kadib markii lagu eedeeyay inay fal dhac geysteen.

Sidoo kale ayaa waxaa uu digniin u diray dad uu sheegay in ay dadka dhacaan iyo kuwa wax xada kuwaasi oo uu sheegay in lagu fulin doono hadii la qabto xukunka ay ka qabto shareecada Islaamka hadii aysan ka towbad keenin.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Gudoomiyaha baarlamaanka oo ugu baaqay Xildhibaanada fasaxa ku maqan in ay deg deg ku yimaadaan Muqdisho.

 Guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan si ay uga qeyb qaataan howlaha baarlamaanka.

Aadan Madoobe ayaa beeniyay in xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo tiro yar oo aan buuxin karin kooramkii uu ku qabsoomi lahaa kalfadhiga baarlamaanka,isagoona sheegay in kalfadhiyada baarlamaanka lagu qabto meel ka nabdoon xaruntii gaadiidka Booliiska.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inuu dib u bilaabanayo kalfadhiyadii baarlamaanka, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlaha horyaala, iyadoo warar aan la xaqiijina ay sheegayaan in maalmaha soo socda laqaban doono kulamadii baarlamaanka.


Aadan madoobe uxuu xusay in kulan ay ku yeesheen xarunta gobolka Banaadir ay ku wargeliyaan xildhibaanada baarlamaanka ee fasaxa ku maqan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya si ay u gutaan hawsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Ciidamada Badda Maraykanka oo ka digay Xeelado cusub oo ay la soo shirtagaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida xiliyada ay qafaalanayaan Maraakiibta.

Ciidamada Badda Maraykanka ayaa ka digeen in Xeelado Cusub ay la soo shirtagaan kooxaha Afduubayaasha maraakiibta, xiliyada ay qafaalanayaan Maraakiibta.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday Xarunta Ciidamada Badda Maraykanka ee Magaalada Doxa ee Dalka Qadar ayay ku sheegeen in Kooxaha Burcad Badeeda ee qafasha Maraakiibta ay isticmaalaan tabab cusub, isla markaana  ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta ay qafaashaan.


Ciidamada NATO iyo Wadamada kale ee Maraakiibtooda dagaal u soo direen Biyaha Soomaaliya waxay ilaalo ka hayaan Xeebaha Soomaaliya…laakiin kooxaha Burcad badeeda waxay wax ka soo qafaashaan Badda Cas oo aysan maraakiibtaasi joojin, weerarada ay fuliyaana waxay u weeciyeen inta badan Xiliyada habeenkii ah, waana tabab Cusub oo ay adeegsadaan kooxaha Afduubayaasha  ayaa lagu sheegay Warqada Qoraalka ay soo saareen saraakiisha Ciidamada Badda Dalka maraykanka.


 

Warqadan Qoraalka ah waxaa sidoo kale digniin loogu diray Maraakiibta Isticmaasha meelaha ka baxsan Biyaha Soomaaliya in ay muujiyaan feejignaan, kana digtoonaadaan qatarka uga iman karta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo muddooyinkan danbe la soo shir tageen farsamooyin iyo xeeladooyin cusub oo ay Maraakiibta ku qafaashaan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Magaalada B/weyn  ayaa Kulamo xasaasi oo xalay  ku dhex maray Maxkamadaha Islaamka iyo Maamulkii   hore   ee   Gobolka    Hiiraan.

Camaloow.com ayaa soo xaqiijiyay  in Xalay Magaalada B/weyn uu ka dhaqan galay Bandow ay Saraakiisha Maxkamadaha ku soo rogeen, kadib markii ay shalay soo gaareen Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, waxaana xalay markii u horeysay kulan fool ka fool wada qaatay Saraakiisha Maxkamadaha ee Gobolka Hiiraan iyo Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ee Dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf, isla markaana horay looga saaray Mgaaladaasi.

Wadahadalkaan  oo ka dhacay Hotelka Madiina ee la dajiyay Wafdiga Wasiirka Amniga Qaranka ayaa waxaa uu si gaar ah u dhex maray Yuusuf Dabageed Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaha xilligan ee Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxmaan Mocow.

Wax faah faahin rasmi ah laga heyn kulankan, ayaa hadana kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid is faham iyo is cafin oo labada dhinac dhex maray, iyagoona isaga soo dhowaanayay sidii hore.

Yuusuf Ahmed Hagar ((((Dabageed)))) gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo muddo sanad baxsad ahaan ugu maqnaa dhulka soomaalida Ethiopia ayaa soo dhoweeyay inuu la shaqeeyo Maamulka Islaamiga Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maxkamadaha Gobolka Hiiraan  Sheekh C/raxmaan Mocow  ayaa cadeeyay in Gobolka Hiiraan uu yahay Gobol Dowladda maamusho, waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay inay wada shaqeyn dhex marto Maamulkii hore ee Yuusuf Dabageed.

Kulankan oo uu garwadeen ka ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Ethiopia C/kariin ((((Laqanyo))))).

Waxaana dhinac kale uu kulankan ka muuqday mid ay isaga soo dhowaanayeen dhamaan siyaasiyiinta ka soo wada jeeda Gobolka, kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen siyaasadaha is diidan ee dalka ka aloosan  Hada ayaad mood in ay meel iska dhigeen oo ay u shaqeeyni doonaa shacabka Somaliyeed gaar ahaa Gobalka ay ka soo Jeedaan. 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Dowladda  KMG  oo  wacad  ku  Martay  in  Maalmahan  soo  Socda   ay qaadeyso  weeraro  ka  dhan  ah  Kooxaha  Mucaaradka............

 Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku goodisay in maalmaha soo socda ay qaadin doonto weeraro ka dhan ah Kooxaha Mucaaradka, iyadoona ka gaabsaday xilliga ay qaadi doonaan. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda ay qorsheysatay inay weerarto saldhigyada Kooxaha Mucaaradka.

Mr Warsame ayaa ku eedeeyay Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda KMG inay diideen wanaag iyo wad hadalba, waxaana uu tilmaamay in Culimadii, Odayaashii, iyo Caalamka ay war ka diideen, sidaas darteedna ay Dowladda qaadi doonto weeraro ka dhan ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in aanu isagu hada ka hor dhaceyn weerarada ay Dowladda qaadeyso, hase ahaatee waxaa uu sheegay in arrintaas ay u taalo Hey'adaha Amaanka, waxaase uu qiray in Dowladda ay tir tiri doonto Mucaaradka ka soo horjeeda.

"Dowladda waxaa u qorsheysan inay qaado Howl galo ka dhan ah kuwa nabadiidka shareeco diidka ah"ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka gaabsaday inuu daaha ka rogo goorta ay howl galadaas dhici doonaan, isagoo ku macneeyay arrin sir ah oo u taalo Hey'adaha Ammaanka Dowladda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Mas'uuliyiinta Dowladda waxaa u socday kulamo qarsoodi ah, kaas oo ay ku dajinayeen istiraatiijiyad dagaal oo lagu sheegay mid ay Dowladda u qaadeyso inay ku soo ceshato goobaha ay gacanta ugu jirto Mucaaradka.

Kooxaha Mucaaradka oo hada gacanta ku haaya inta badan Caasimada, ayaa wax ka yar 3km u jira Madaxtooyada Villa Somalia ee looga arrimiyo Dowladda, halkaasoo uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana wali Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Magaalada Muqdisho oo  Saakay degan iyo Xoogaga Mucaardka oo  Baqdin  Weyn   laga   Dareemaya ...........

Magaalada Muqdisho oo saakay degan & xoogaga Mucaardka oo fariisimadoodii ku laabtay Sidookale isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa dib u soo laabtay ka dib markii shaly ay dadku waayeen adeegaydii bulshada oo dhan.

Ayadoo laga dareemayo isu urursi hub iyo ciidan labada dhinac ayaa hadana ay jirin wax kala dhexgala labada kooxood Sikastaba ha ahaatee waxaa wadada wadnha gacanta ku haya saakay xoogaga Mucaaradka oo galinkii hore shaly ay dowlada kla wareegtay.

Ma jiraan wax waawaan ah  oo ka dhex socda labda dhinaca
Lama garanayo halak ay ku danbeyn doonto xiisada colaadeed ee ka oogaan Caasimada  Soomaaliya Ayadoo ay baaqyo nabadeed ay soo jeedinyaan Odayasha Beelaha Hawiye oo codsanaaya in la joojiyo Xabada ay isku ridaayaan labada dhinac.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

 

Xoogaga   Alshabaab iyo ciidama uu watay  Xasan Turki  oo   Guud   ahaan    la    wareegay Magaalada  Jowhar...................

Xoogaga Alshabaab ayaa goor dhow la wareegay guud ahaan gacan ku heynta Magaalada Jowhar, kadib dagaal socday muddo labo saac oo ku dhex maray Duleedka Magaalada Jowhar Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.

Wararka ayaa sheegaya in gacan ku heynta Magaalada ayaa ka dambeysay kadib markii laga itaal roonaaday Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haaya Magalaada, kuwaasoo markii dambe isaga baxay Magaalada.

Xoogaga Alshabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay Saldhiga Booliska iyo xarunta Maamulka, isku gadaamay halkaas markii ay qabsadeen Magaalada wararka ayaa intaa ku daraya in Kooxda Alshabaab ay dagaalka kula wehliyaan Ciidamo uu watay Xasan Turki, kuwaasoo ka yimid dhowaan Magaalada Kismaayo.

Mas'uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haayay Magaalada ayaa isaga baxay, waxaana la ogeyn halka ay afka aadiyeen, waxaana Magaalada haatan tahay mid guud ahaan gacanta ugu jirta Alshabaab.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webmester@camaloow.com

Kooxda  Alshabaab oo dagaal toos ah  ku qaaday Ciidamada Brundi ee Kulyadii Jaalle Siyaad hubkan  kala wareegi rabo…......

Kooxda  Alshabaab ayaa saaka weerar ballaaran ku qaaday fariisimaha Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Brundi, maalin kadib markii Shabaabku isku ballaariyeen inta badan Deegaanada Koonfurta Muqdisho.

Wararku ayaa waxaa ay sheegayaan in Xoogaga Alshabaab ay qaadeen, inkastoo aan la ogeyn in dagaalka ay kula lamaanan yihiin dhinacyadii ay maalmahan ku mideysnaayeen dagaalada, wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa uu ka socdo hareeraha Xaruntii Kulyadii Jaalle Siyaad ee Degmada Hodan.

AMISOM Dagaalka lagu qaaday ayaa imaanaya maalmo kadib markii dagaalo socday afar maalmood ay u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda taageersan iyo Xoogaga is baheystay ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana dagaalka oo ahaa mid la sii saadaalinayay.

Shacabka  qaar ayaa qabay in qoladii dagaaladaas ku soo adkaatay ay Finalka isugu imaan lahaayeen Ciidamada AMISOM oo hada ah xoogag kaliya ay Dowladda ku tashaneyso inay magan gasho

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Markab dagaal laga leeyahay Portugal oo sii daayay 19-burcad badeed markii ay ka fashiliyeen isku day weerar afduub Markab...............

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Portugal, kana mid ah howl galka Gaashaan buurta NATO ayaa xalay fashiliyay isku day weerar afduub ay Kooxaha burcad badeedka soomaalida la damacsanaayeen Markab shidaal waday oo laga lahaa dalka Norway

Sarkaal u hadlay Ciidamada NATO oo lagu magacaabo Alexsander ayaa u sheegay Wakaaladaha wararka inay fashiliyeen isku day weerar afduub, isagoona sheegay inay gacanta ku dhigeen 19-burcad badeed, kuwaasoo uu sheegay inay si xoogan u hubeysnaayeen.

Ciidamada Marineska Portugal oo adeegsanayay Diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ayaa eryaday Labo doon oo ay wateen Burcad badeedka, kuwaasoo isku dayay inay afduubtaan Markab kuwa shidaalka oo laga lahaa dalka Norway, kaasoo ay Kooxaha Burcad badeedku ku afduuban rabeen meel u dhow xeebaha gacanka cadmeed.

Sarkaalka u hadlay Ciidamada NATO ayaa sidoo kale sheegay inay sii daayeen Burcad badeedkii ay qabteen, kadib markii ay hub ka dhigis ku sameeyeen, waxaana uu Sarkaalku sheegay in burcad badeedka ay wateen Qoryaha AK47 iyo qoriga RBG ee loo yaqaan Baasukaha, kaasoo ay adeegsadaan marka ay markab afduubanayaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Markab dagaal oo Holland leeyahay uu gacanta ku dhigay ilaa 10 burcad badeed ah, kuwaasoo uu sii daayay markii uu hub ka dhigis ku sameeyay, waxaana dhacdadaas aad u cambaareysay Wasiirada Arrimaha Dibada Mareykanka Hellary Clinton.

Howl galka NATO ee Xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin hadii ay qabtaan Kooxaha Burcad badeedka halka lagu maxkamadeynayo, waxaana NATO ay ku andacooneysaa in aanay wali heyn Dowlad si gaar ah u maxkamadeysa Burcad badeedka hadii ay qabtaan.

Maraakiibta dagaal ee ka socda Midowga Yurub ayaa dhowaan heshiis la galay Dalka Kenya, waxaana dhowr jeer oo hore ay ku wareejiyeen Burcad badeed ay soo qab qabteen, kuwaasoo la maxkamadeynayo

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha Gobolada Puntland maamusho oo la dilay iyo baaritaano lagu haayo dad lala xiriirinayo dilkiisa.......................

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Maamulka Goboleedka Soomaaliyed ee Puntland ayaa lagu dilay Tuulo u dhow Magaalada Qardho, xilli uu Gudoomiyuhu ku guda jiray howlo dhex dhexaadin ah.

Sida ay sheegayaan Wararka Yaasiin Saciid Xuseen Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa waxaa
weerar ku dilay Kooxo
Hubeysan, xilli uu ku sugnaa madal lagu dhex dhexaadinayay labo beelood .

Meydka Gudoomiyaha ayaa maanta lagu aasayaa Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, halkaasoo ay ku qul qulayaan Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo isugu jira Heer Wasiiro.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax ayaa sheegay in dilka guddoomiyaha ay ka dambeeyeen kooxo dabley ah oo aan haybtooda la garan oo rasaas la beegsaday guddoomiyaha.

Dilka Gudoomiyaha ayaa dhaliyay xiisad kacsanaan ah oo durba laga dareemay Gobolka Karkaar, iyadoona ay jirto cabsi ku aadan in dilalkaas ay sababaan rabshado ka dhaca Gobolka oo ay sameeyaan beesha uu Gudoomiyaha ka soo jeedo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dad lagu tuhmayo dilka Gudoomiyaha ayaa haatan la soo sheegayaa in ay ku socoto howlo baaritaano ah, waxaana Sarkaal u hadlay Booliska uu sheegay in ugu yaraan afar ruux loo hayo Mas'uulka la dilay.

Si kastaba ha ahaatee waa dilkii u horeeyay oo Mas'uul ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland loo geysto, tan iyo markii horaantii sanadkan xilka Madaxtinimada Puntland uu qabtay Madaxweynaha C/raxmaan Faroole.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Barre Hiiraale "War nimankaan Alshabaab waxay galeen Beer ay Hooyadey ku laheyd Deegaanka Muuri, kadibna waxay boobeen hantidii meesha tii..................

Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ku sugan Deegaanka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay Ururka ADuleedka Degmada Baardheere, halkaasoo uu sheegay inay degenaayeen qoyskiisa oo ay ku jirto Hooyada isaga dhashay.

Col. Barre Hiiraale ayaa sheegay in Alshabaab ay weerar ku qaadeen Beertaas ku taal deegaanka Muuri, isla markaana ay ka qaateen agabyo fara badan oo uu sheegay in loogu shaqeynayay eheladiisa sida uu hadalka u dhigay.


"War nimaankaan Alshabaab la yiraah waxay galeen Beer ku taal Deegaanka Muuri, oo ay deganeyd Hooyadey, waxayna ka boobeen wixii agab ah ee meesha yiilay, sida Matooro, alaabo meesha yiil iyo wax walba oo beerta looga shaqeynayay"ayuu yiri Xildhibaan Barre Hiiraale oo saaka la soo xiriiray mid ka mid ah Idaacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid dulmi, isla markaana lagu boobay hantidii qoyskiisa, waxaana uu sheegay in arrintaas uu u arkayo mid lagu baabi'inayo hantida iyo maalka ay leeyihiin qoyskiisa ku nool Gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in weerarka lagu qaaday eheladiisa aanu garan karin ujeedada ka dambeysa, hase yeeshee ay tahay mid qiil looga dhigayo dagaalka uu kula jiro isaga Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in beerta ay ku lahayaeen Muuri lagala baxay cagaf-cagafyadii iyo baldowsyadii beerta yiilay.

Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Alshabaab oo ku aadan eedeynta uu Xildhibaan Barre Hiiraale ugu jeedinayo inay boobeen hantidii qoyskiisa, kadib markii ay xoog ku galeen beer qoyskiisa ku lahaayeen Deegaanka Muuri oo horay xildhibaanka saldhig u aheyd, ka hor inta aan laga saarin Deegaankaas.
lshabaab inay boob u geysteen beer ay qoyskiisa ku lahaayeen Deegaanka Muuri ee 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Sheekh Xasan Dahir "Indha cadde waa nin aan Diinta baran runtii waxyaabo badan oo shaki ku leh Islaam ayuu sameeyay................

Sheekh Xasan Dahir Aweyn oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray siyaasada Sheekh Yuusuf Indha Cadde,isagoona ku sheegay inuu yahay qof mar walba bur burriya waxa uu dhiso, uuna yahay qof is bed-beddel badan oo mar kasta ku dadaala inuu fashiliyo wax uu markii hore dhismahooda isaga uu door ku lahaa.

Sheekh Aweys ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii ay xubno ka tirsan ururka Xibul Islaam shalay xilka uga qaadeen Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ay
saaxibo dhow ay yihiin.

"Anigu arintaasi waxaan u arkaa in aysan jirin Wax xil ka qaadis la yiraahdo, cidna xil kama qaadi karaan, awoodeedana ma lahan, waxaa uga rooneyd inay yiraahdaan cid kale ayaan ku dhawaaqnay oo ma ahayn inay yiraahdaan


Sheekh Cumar Iimaan ayaan xilkii ka qaadnay, arrintaasina waxay keeneysaa in qolo saddexaad ay meesha ka soo baxd" ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo ku taliyay in ay habboon tahay in mowqif la yeesho isla markaana la taageero haddii labo qolo is qabtaan qolada xaqa ku taagan.

"Indha Cadde waa nin aan diinta baran waxuuna sameeyaa waxyaabo badan oo shaki ku leh Islaam waagii Alshabaabka iyo Maxkamadaha is qabteen, qeyb weyn ayuuna ku lahaa khilaaf markaasi hareeyay Maxkamadaha, qoladii qab-qablayaasha ahaa ee dalka qarribayna qayb ayuu ka ahaa, kuwa aan hadda la joogo isaga ayaa nagu soo xiray, inaga guddiga fulinta ayuu noogu jiraa, waana nasiib darro haddii maalin kasta uu duminayo waxa uu dhiso"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh Xasan Dahir oo heyb wadaag ay yihiin Indha Cadde, isagoona intaa ku daray inuu garan la' yahay ujeeddada arrintaasi ka leeyahay.

Mar uu ka hadlayay eedaha loo soo jeediyay Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee ahaa inuu galay dagaal aan la isku raacin ayuu sheegay in dagaalka uusan cidna ka reebeyn, qof kasto ama koox kastana ay xilligii ay doonto dagaal geli karto, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay tahay eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn.

Sheekh Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in xubnihii shalay xilka ka qaaday Dr. Cumar Iimaan aanay aheyn kuwo culumo ah, balse Indha Cadde ayuu sheegay inuu isagu urur u madax yahay, dagaalna uu amri karo.

Ugu danbeentii Sheekh Xasan Dahir Aways ayaa ugu baaqay walaalaha Mujaahidiinta ee ka dirira dalka Soomaaliya inay ka fogaadaan kala qeybsanaanta una midoobaan difaacidda diinta Islaamka loona baahanyahay in ay kitaabka ku xirnaadaan .

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Shaqaalihii Ajaaniibta ee shalay lagu afduubtay Degmada Waajid oo la sii daayay...

Shaqaalihii ajaaniibta iyo turjubaan soomaali oo shalay lagu afduubtay Magaalada Waajid ee Gobolka G/gaduud ayaa lagu guuleystay in la sii daayo, kadib markii ay dadaalo u galeen Odayaasha, waxgaradka iyo Saraakiisha Alshabaab.

Sida ay sheegayaan wararka shaqaalahan oo u shaqeynayay Qaramada Midoobey ayaa la afduubtay xilli ay u diyaarsanayeen inay diyaarad ka qaado Garoonka Diyaaradaha Waajid, waxaana la sheegay in dabley hubeysan ay ka qafaasheen intii ay ku sii jeedeen Garoonka oo ay diyaarad u tiil.

Odayaasha iyo waxagardaka deegaanka oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Alshabaab ayaa kama dambeys ku guuleystay sii deynta saddexda shaqaale ajnabi oo u kala dhashay dalalka Ruushka, Faransiiska iyo Uganda, waxaana xalay la geeyay xaruntooda.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa ka qeyb qaatay sii deynta shaqaalahaas, isagoona geeyay xaruntooda Magaalada Waajid, waxaana saaka la filayaa inay u kicitimaan Magaalada Nairobi.

Isku duwaha arrimaha Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobey Mark Bowden ayaa soo dhoweeyay tallaabada lagu sii daayay shaqaalahaas, isagoona sheegay in arrin wanaagsan ay u tahay sii deynta shaqaalahaas dadka ku dhaqan Degmada Waajid.

Sii deynta shaqaalahan oo aan la ogeyn cida sida rasmiga ah ugu dambeysay afduubkooda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xarakada Alshabaab oo gacanta ku haaya Gobolada Baay iyo Bakool.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Cumar Xaashi:    Hadiiba ay dhacdo ciidamada Ethiopia in gudaha u soo galaan dalka markan waxay noqoneysaa inay fasax weydiistaan Dowladda................

Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Midnimada qaran ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ka warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tagay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Col. Cumar Xaashi ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay Magaalada Addis Ababa ay aheyd labo arrimod oo kala ahaa inuu ka qeyb galo Saraakiil Booliska Soomaaliya ka tirsan oo loo soo xirayay tababar uga socday kulliyadda Booliska Ethiopia.

Wasiirka oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Madax ka tirsan dalka Ethiopia uu la kulmay, isagoona sheegay inay ka wada hadleen arrimo fara badan oo dhammaantood ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka amniga waxa uu sheegay magaalada Addis Ababa inuu kulamo kula yeeshay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika, wuxuuna sheegay Wasiirku inay isla soo qaadeen sidii dowladda Soomaliya looga taageeri lahaa soo celinta iyo amniga iyo kala dambeynta dalka.

"Ethiopia waxaan ka wada hadalnay inaan ka wada shaqeyno sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada sooh-dinta 2000 Km ee labada dal u dhaxeysa, waana isku afgaranay waxyaabihii aan ka wadahadalnay"ayuu yiri Cumar Xaashi.

Mar wax laga weydiiyay inuu damaanad qaadayo sooh-diinta labada dal, maadaama ay jiraan kooxo ka soo horjeeda ayuu sheegay in isku dayayaan inay damaanad qaadaan ammaanka, waxaana uu qeexay inuu marar badan maqlay Ciidamada Ethiopia oo dalka soo galay, kuwaasoo uusan ogeyn inay been iyo runba tahay, waxaase uu ku soo koobay inay dhacday warbixino ay heleen oo qaarkood ay dalka ku soo galeen.

"Hadiiba ay dhacdo ciidamada Ethiopia inay gudaha u soo galaan dalka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay fasax weydiistaan Dowladda Soomaaliya"ayuu yiri Cumar Xaashi oo muujinayay in Ethiopia qatar aan iyaga aheyn inay ka jirto Soomaaliya si ay u baacsadaan.

Isagoo sii qeexayay sababta Dowladda Soomaaliya ay Ethiopai ugu fasaxeyso iyadoo ay jiraan kooxo ka soo horjeeda oo ku sugan xuduudaha u dhow dalka Ethiopia, waxaana uu sheegay inay iyagu marka hore ku dadaali doonaan inay la hadlaan kooxaha mucaaradka, balse waxa uu tilmaamay in haddii ay ku qancin waayaan ay u fasaxayaan Ethiopia inay ugarsadaan kooxda Alshabaab.

Hadalka ka soo yeeray Col. Cumar Xaashi ayaa mad madow gelinaya rajada dad fara badan ka qabeen ee ahaa in aysan mar kale Ethiopia dalka ugu soo laabaneyn, iyadoo Dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf uu dalka soo geliyay Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo oo taageero siiyay Dowladdiisa.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Sheekh Dul-yare"Jabhadda SHABAAB waxay u guratay  Raxanweyn, Jabhadda RAASKAMBOONI Ogaadeen, Jabhadda CAANOOLE Majeetreen, KHAALID BIN WALIID Mareexaan, XIZBUL-ISBAARO...

Sheekh Cali Dul Yare ayaa sheegay in dhamaanba Ururuada Diimeed ee ka dhisan Soomaaliya ay yihiin kuwo ku gambanaya Kitaabka Alle balse ay u duugan tahay Siyaasad Maldahan oo Xukun Doon ah.

Sheekh Dul-yare ayaa hadalkan sheegay ka dib markii Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam  uu ku eedeeyay Shacabiga ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay dhaleeceeyn u geystaan mujaahidiinta gobolada Kale ka soo jeeda.

Muuse Cabdi Caraale oo isagu ka tirsan Jabhadda Xizbul Islam ayaa sheegay in shacabka reer MUqdisho maalmahaan dambe ay bilaabeen in ay dhaleeceeyaan sida uu sheegay Mujaahidiinta aan u dhalan gobolka Banaadir ee ka soo jeeda Gobolada kale ee dalka.

Waxaa uu Xusay Afhayeenku in meelaha Banaanbaxyada iyo goobaha kale ee bulshadu ay isugu yimaadaan shaqsiyaad dano gaara leh oo taageero ka helaya shacabka ay dhaleeceen kulul u jeediyaan, dad qeyb weyn ka soo qaatay sidii dhibaatada looga saari lahaa dalka iyo dadka Somaaliyeed.

Afhayeenka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in dhaleeceyntaasi ay wadaan qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan Muqdisho isagoo sida la cadeeyey ula jeeday kuwa waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Mujaahidiinta uu sheegayo Caraale ayagaa qabiil-qabiil u kala jebay isla markaana ay caadifad qabiil ku dhex abuurantay waxaana cadeynaya.....SHABAAB oo ku hareen Raxan weyn, RAASKAMBIINI oo ay ku hareen Ogaadeen, CAANOOLE oo ay ku hareen Majeerteen, KHAALID BIN-WALIID oo ay ku hareen Mareexaan, XIZBUL-ISBAARO oo ay leeiyihiin  Qeybo ka tirsan  Habar-gidir "ayuu yiri Sheekh Dul-yare oo ka tirsan culimada Asalka reer Muqdisho ah oo isagu horay o cadeeyey in Dhamaan Ururuadani ay yihiin kuwa Diinta ku gambanaya oo Xil doonayaal ah",

Cumar Iimaan oo ah gudoomiyaha xisbigii kala jabay ee Xisbul Isbaaro ayaa sidoo kale shalay saxaafada ku soo bandhigay siyaasadiisa wasakhaysan ee colaada iyo fitnada xambaarsan, taas oo horayba looga bartay.

Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka daalay baaqyada colaadeed, una jeestay dhinaca nabada iyo dowladnimada, taas oo keentay in Cumar Iimaan iyo raga ku caqliga ah, ay waayaan cid u jawaabta amaba gar siisa.

Marxalada hada taagan waxaa gadmaya ninkii nabad ugu yeeraya shacabka, waana laga gudbay waqtigii dadka lagu kicin jiray magaca diinta, ayada oo kuraas doon la yahay, shacabkuna diyaar uma aha in mar kale dhiigiisa lagu gaaro kuraas .

 Europe W/Ameerka

Xuseen Madoobe

xuska03@hotmail.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr