Welcome        To        Camaloow         Online

     

 

 

SHEEKH XASAN DAHIR "Ethiopia si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Ethiopia"

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka fadhigiisu yahay Asmaea ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inuu u shaqeeyo Dowladda Ethiopia.

Sheekh Aweys ayaa sheegay in Shariif uu qiyaanay Islaamiyiinta, sidaas darteed waan la dagaallami doonnaa ilaa ay shareecada islaamka uga soo rogaan Soomaaliya”sidaas waxaa yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Reuters.

Shiikh Xasan Daahir oo da’diisa ugu sheegay Reuters 62 sano jir ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii Golaha shuurada Maxkamada Islaamka ee sanadkii 2006 ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadana waa hoggaamiyaha garabka mayalka adag ee Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.


Sheikh Xasan Daahir wuxuu ka bar-bar shaqeeyay madaxweynaha Islaamiga ah ee qunyar-socodka ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed xiligii Maxkamadaha Islaamka, kadib waxay aas-aaseen Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya oo dagaal la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa labadii sano ee aan ka soo gudubnay.

Laakin waxay kala tageen Shiikh Shariif oo mar kasta loo arki jiray hoggaamiye Islaami ah oo Qunyar-socod ah uu u dhaqaaqay dhinaca Djibouti, si uu uga qeybgalo geedi-socodkii nabadda ee uu gar-wadeenka ka ahaa UN-ka, kaasi oo ugu dambeyntii madaxweyne loogu doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Ma nihin mucaarad ee waxaan nahay xornimo u dirireayaal, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

“Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aan u dagaallameyno”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Itoobiya ay ula dagaallameyso dadka
Soomaaliyeed in ay ka joojiso in ay shareecada Islaamka isku xukumaan, sidaas darteed ayuu sheegay
in dagaalka yahay mid diimeed, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay madaxweyne Shiikh Shariif oo ahaa in uu shareecada Islaamka dalka ku xukumayo ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qadlayo Soomaalida masaakiinta ah, wuxuuna caddeeyay in uusan ogolaan doonin in uuku raaco awoodo dibadda shisheeye.

“Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakin si dhab ah ayaan fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo intaas ku daray in uu u maleynayo in taageerayaasha Shariifka iyo Dowladda uu madaxda ka yahayba aysan ogolaan doonin in sharciga dalka lagu dhaqayo uu noqdo Shareecada Islaamka.

Ugu dambeyntina, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku sheegay waxa ugu muhiimsan oo ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin ay tahay xornimo, “guryaha burbura dib loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma lahan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Beesha yabar Madaxweyne oo sheegtay inaysan mudnaantii ay ku lahayeen Golaha Baarlamaaka aysan helin.....

Waxaa shir balaaran ku yeeshay Hoteelka Lafwewyn ee Magaalada Muqdisho Beesha Yabar madaxweyne oo ka mid ah Beesha Xawaadle, waxaana Shirkaasi laga soo saaray Warsafadeed dheer oo ay uga cabanaayeen in Beeshaasi lagu qadiyay Saamigii ay Beeshaasi ku lahayd Awooda dalka, wuxuuna Warsaxaafadeedkaasi ay soo saartay Beeshaasi ayaa u qornaa Sidan:

Shir ay isugu yimaadeen Beesha yabar Madaxweyne oo ka mid ah Beelaha Xawaadle ayaa waxaa lagu falanqeeyay, warbixina lagu kala qaatay oo ku saabsan Shirkii Dib u heshiisiinta Djibouti (26- ilaa 30-kii Janaayo 2009-ka) waxaana ka soo baxay Qodobadaa:

  1. Beesh Yabar madaxweyne waxey mar walba taageereysay qeybna ka ahayd dadaalada Siyaasdeed iyo dib u xorayn ee dalka ka jiray, waxeyna Beeshu si fir fircoon ugu qeyb qaadatay shirkii Carta (2000) iyo kii Mbagati (2004) waxeyna ku lahayd mar walba xubin Baarlamaan iyadoo ay u dheereed in Wasiirkii Xawaadle ee ugu horeeyay Xukuumadii ugu horaysay Mbagati 2004-tii in ay heshay Beesha yabar Madaxweyne.

  2. Beeshu waxey door weyn oo ah mid ciidan, mid dhaqaale iyo mid maaliyadeed kaga qeybqaadatay dagaalkii looga soo horjeeday joogistii Ciidamada Itoobiya, waxaana xusid mudan deegaanka Beesha oo ay jalalqsi ka mid tahay inay u noqotay Caasimad ay ku qabsadeen hogaankii Maxkamadaha Islaamiga ah shir taariikhi ah , beesha oo isku duuban waxey suurtagelisay soo dhaweynta iyo martigelinta madaxdii maxkamadaha.

  3. Beeshu waxey nasiib daro u aragtaa in markii la soo gaaray Xiligii awood qaybsiga ee shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu qabtay Djibouti (26- ilaa 30-kii Janaayo 2009-ka), madaxdii Soomaalida oo ay ugu horeeyaan kuwa Isbahaysiga, Maxkamadaha, iyo hogaanka Baarlamaanka ay hilmaameen kaalinta ay beesha ay kaga jirto siyaasadda Soomaaliya iyo qaabka awood qeybsiga, ha ku yimaado mid deegaan, dadaal siyaasadeed iyo qaabka wax loo qeybsadayba.

  4. Beesha yabar Madaxweyne waxey aad uga xumaatay Saamiga Xawaadle kaga soo hagaagay qeybsigii 200-kursi ee Isbahaysiga, waxeyna sidoo kale ka xumaatay qaabkii loo maamulay intii yareyd ee la helay, waxayna shaki weyn ka qabtaa qaabka loo maamuli doono jagooyinka haray sida: Wasiiro ku xigeenada, wasiro Dowlayaasha iyo qeybaha kale ee dowladda.

  5. Beesha yabar Madaxweyne waxey ugu baaqaysaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha inaan la magacaabin Wasiiro ku xigeen, wasiiro dowlo, lana dhaarin Xildhibaano ayasan raali ka ahayn waxna ka ogayn.

  6. Beeshu waxey u saaratay guddi baaritaan ku sameeya sababta keentay in kursigii Baarlamaanka ay ku lahayd Beesha (275-ta Dambe) in uu galo mugdi iyo shaki lana hilmaamo ama la ishilmaamsiiyo kaalintii ay Beesha ka gashay Halgankii dalka ka dhacay (2006-2008).

  7. in kulamo lala yeesho dhamaan madaxda Dalka, sida Madaxweynaha Soomaaliya , Gudoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha Soomaaliya iyo cid kasta oo ay qusayso arrinkaan si loogu sharxo agtida Beesha.

  8. in dhamaan odayaashadhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada ay isugu yimaadaan shir Goo’aan looga qaadan doono Taageerada Beesha Yabar Madaxweyne ay u hayso Dowladda Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa  lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedkii ay soo saareen Beesha yabar Madaxweyne, iyadoo ay ku saxiixnaayeen nabadoonada Beeshaas oo kala ah:

    • Nabadoon Caalim Macow                       Gudoomiye.

    • Nabadoon Maxamuud Xasan Xalane        Xubin.

    • Sheekh C/laaahi Dhicisow                         Xubin.

    • Sheekh Xasan Gaarax Maalin                    Xubin.

    • Xaaji Maxamed Xuseen Barqadle              Xubin.

    • Xaaji Maxamed Axmed Haaraay               Xubin.

    • C/Qaadir Maxamed Caanooy                    Xubin

cabdisalan axmed (geedi_1@yahoo.com)
http://shabelle.netBeel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo qeylo dhaan ka soo saartay qaabka loo qeybiyay xubnaha dowlada uga soo aaday beeshaasi.
3/2/2009 1:42:00 PM
/

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Mar_09/2Mar16.html

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Alshababka ka arimiya Gobalka Gedo oo soo rogay qodobo mamnuucaya xuska Nabiga iyo kuwa kale oo aad u cul culus.

inta aan lawada socono waxaa lagu guda jiraa bisha mowliid taas oo dadka qaar ay jecel yihiin ay xusaan bishan mowliid iyo amaan ay u jeedinayaan nabigeena Muxamed caleyhi wasalaam.

Dadyow dhowr ah ayaa xanaf u yeelay  Gobalada ay gacanta ku hayaan Ururka hubeysan ee alshabab in aan la ogaleyn in ay aqbalaan waxyaabo sidaas oo kale ah iyo siyaarada qabuuraha,xuska mooliidka.


Gobalka  Gedo ayaa intiisa badan waxaa ka taliya ururka alshabab ayaa waxa ay soo saareen qodobo ay ku macneeyeen in anshaxa iyo asluubta,kusaabsan oo ay ugu waaweynaayeen in aan hubaka midna darada ah  aan la ogaleyn,gadiidka in aan la isla raaci Karin haweenka iyo raga, xuska mowliidka aysan u dulqaadanaynin.


Arimahaan ayaa ah kuwa ay dadka loo soo jeediyay in ay yihiin kuwa ka hor imaanaya madaama aysan dadweynaha awoodin in qodabadaasi ay yihiin kuwa ku keenayaan culeys soo food saara bulshada.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Dr Axmed Dahir Aweys oo ku baaqay in shareecada la marsiiyo kuwa mas'uulka ka ah dagaalada xilli walaalkiis Xasan Dahir isna ku baaqay in dagaalada la sii wado.....

Dr. Sheekh Axmed Dahir Aweys oo ka mid ah Hey'adda Culimada Soomaaliyed isla markaana ay walaalo yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya mid ka mid ah garabyada Islaamiyiinta ayaa ku baaqay in laga hortago kuwa ka mas'uulka ka ah dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, xilli shalay isna Xasan Dahir uu ku baaqay in dagaalada la sii wado, waxaana labadan nin ee walaalaha ay si weyn ugu aragti duwan yihiin xalka nabada Soomaaliya

Isagoo ka hadlayay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayuu Dr Axmed sheegay inay marka hore ay haboon tahay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb qaataan xakameynta dagaalada ka sii socda Muqdisho, isagoon soo jeediyay in daba gal lagu sameeyo dadkii mas'uulka ka ahaa dagaalada.

Dr. Axmed Dahir Aweys ayaa ugu baaqay waalidiinta soomaaliyed inay caruurtooda ka qabtaan dagaalada, hadii ay ka diidaana ay xir xiraan, waxaana uu sheegay in caruurta aanay qaadi karin Mas'uuliyada dagaal ee lagu fidneynayo sida uu hadalka u dhigay.


"Bal wixii shalay dhacay oo intaasi hanti ay ku baaba’day oo naf ay ku baaba’day oo carruur ay ku agoontoobeen oo dad ay ku gablameen bal waxaasi sababta iyo diinta iyo sharafta lagu xalaashaday oo danbigaas lagu galay bal maxay tahay.caqligeed ku dhacday sideese ku timid in hal maalin wax ka badan 30 qof oo rayid ah la dilo kuwa kalena la dhaawaco oo qof uu iska sheegto oo uu la gaaro dadkaas anaa laayay oo sababtaasi Mas’uul ka ahaa hadana wax xisaabtan iyo su’aal ah oo ka dambeeya aan la arag"Ayuu Dr. Axmed Dahir Aweys.

 

Waxaa uu kaloo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay ka hortagaan kuwa hoobiyaha guryahooda hortooda ka tuuraya, waxaana uu sheegay in kuwa falalkaas ka dambeya ay wanaagsan tahay in shareecada islaamka la horkeeno kuwa ka dambeeyay mas'uuliyada dagaalka.

"Dadka
xaafadaha ka ridaya Madaafiicda culumadu way daraasaynaysaa arrinkaas aniga waxaan qabaa in dadku iska celiyaan oo ay ehbiyaan hadii ay diidaana ay xoog isaga celiyaan marka dambe xaqna wuu u leeyahay qofka islaamka, sidaas ragga dagaalada wada hada ha la iska ehbiyo xaafadaha ha laga waardiyaysto ilmaha ku jiraa nin walba cunugiisa ha qabto haduu qowl ku qaban karo haduu ficil ku qaban karo"ayuu yiri Dr. Axmed Dahir Aweys

“Dalkan Culumo ayuu la leeyahay aqoonyahanaa jira, garyaqaanaa jira waxaa weeye hada kadib waxyaalaha dadkaasi dhimanaya in la soo arruuriyo ayaa la rabaa dadkii Mas’uulka ka ahaana waa in la daba kacaa ama ka towbad keenaa ama illaahay ka baqa oo qiyaas u soo xira ama diyadii dadka bixiya, aniga waxaan qabaa dadkii shalay dagaalkaasi bilaabay waaba uu sheegay magaciisa isaga ha laga bilaabo intii kalana baacsi ha lagu sameeyo ha la qoro dadkii la laayay ha la soo tiro koobo iyo hantidii baaba’day mushtamacu ha maxkamadeyo culumada iyo dadka aqoonta leh” ayuu mar kale yiri Dr Sheekh Axmed Dahir Aways.

"Waxaan qabaa falka oo dhan waxaa haboon in dadka ay carruurtooda qab qabtaan oo xiraan oo ay ka joojiyaan dagaalada maadama carruurta yar yar aysan qaadi karin Mas’uuliyada dagaal ee lagu fidnaynayo boqolaalka Muslimiinta ah.ayuu yiri Shiikh Axmed Daahir Aways.

Dr. Axmed Dahir Aweys oo ay walaalo yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira liiska waxa loogu yeero Argagixisada ayaa ah haatan qaba labo mabda' oo kala duwan, iyadoona Sheekh Xasan Dahir Aweys shalay uu ku baaqay in dagaalada la sii wado, halka walaalkiina uu ku baaqayo in la soo qabto kuwa dagaalada wada oo la iska celiyo.

Labadan nin ee walaalaha ayaa mudadii lixda bilood ee Maxkamadihii hormuudka ka ahaa Xasan Dahir isku mabda' ahaa, xilligaasoo Dr. Axmed Dahir Aweys oo ka yimid cariga Ingiriiska uu socdaal booqasho ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Faah Faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalkii lagu xasuuqay Shacabka Reer Muqdisho

Cumar Iimaan, Xasan Mahdi, Indha Cadde iyo hawlwadeennada Afawerki oo hawlgelinaya maliishiyaad ka kala yimid Kismaayo, Gedo iyo Dhuusa-Mareeb ayaa ka dhabeeyey ballan qaadkoodii ahaa inay dadka Xamar nabad iyo dawladnimo ka hor istaagaan, markii si aan loo meel dayin oo cadawtinnimo ah ay madaafiic ugu garaaceen xaafadaha Muqdisho,

markii ay Isbaarooyin dhigteen deegaannada Afgooye, jidka Warshadaha meelo ku dhow Suuqa Xoolaha iyo goobo kale. kooxahan dhiigga dadka u ooman ayaa ku gacan seyrey baaqyadii culima'uddiinka iyo kii waxgaradka Soomaaliyeed intaba.

Waxaa ay Gaartay dhimashada dagaalkii Shalay ay kooxdaasi ku qaadeen shacabka Magaalada Muqdisho,in ka badan 20 dhimasho ah iyo ku dhawaad 100 dhaawac halis iyo fudud ah.

Rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac ka sokoow waxaa dhibaatada ugu badani ay dadka uga timid madaafiic aan loo meel dayin ee sida indha la'aanta ah ay dadka  ugu garaaceen dhinacyada dagaalka Gaar ahaan Jabhada isku Magacaawday Jabhal Islaamiyah.

Madaafiicda ayaa goobaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah xaafadda salaama ee degmada Hodon halkaasi oo madfac ku soo dhacay uu ku geeriyooday qof rayid ah oo xiligaasi gurigiisa ku sugnaa sida ay sheegtay  gabar daganayd guri ku dhow halka uu madfacu ku dhacay.
 
Kal kaaliyaasha Gaadiidga gurmad deg dega ayaa waxaa ay sheegeen in meelaha ugu badan ee dhaawacyada iyo dhimashada ay ka qaadeen in ay tahay isgoyska Zoobe, kan Debka iyo Xaafado ka mid ah degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Dagaalka waxaa goobaha Ciidamada Dowladda ku soo qaaday Maleeshiyooyin uu horkacayay hogaamiye dagaalka weyn ee Yusuf Mohamed Siyaad Indhacadde iyadoo lagu jabiyay weerar ay dad rayid ah u badan ku xasuuqeen oo ay la beegsadeen Goobaha Dadka Rayidka ah.

Fagaaraha Tarabuunka oo ahayd Aag-dagaalkii ugu adkaa ayaa waxaa lagu qabtay labo gaari dagaal oo ay ka carareen iyadoo sidoo kalena looga gubay gaari uu saarnaa qoriga loo yaqaan dhashiikaha lagana qabsaday dhowr Qori oo ah kuwa fudu fudu iyo Daba-miinshaaro gaaraya 11 qori iyo Boobayaal.

Labada baabuur ee Ciidanka dowladda Federalka ay ku qabteen agagaarka Tarabuunka waxaa laga dhex helay Mobile nuuciisu yahay Thuraya iyo Cimaamad uu leeyahay Yusuf Indhacadde taasoo loo soo bandhigay Saxaafadda qaarkeed.

iyadoo Ciidamadda gaar ah ee taabacsan Madaxweyne Shariif kuna lahaa  Saldhigga Hodan ayaa dhabar jibin xooggan ku sameeyay Maleeshiyadda Indhacadde taas oo u xambaarisay guul-daro la rumeysan yahay inay ku tahay lagama soo Noqdaan.

Shacabka Muqdisho ayaa waxaa ay ka war dhowrayaan Go'aanka kama Dambeysta ah ee Muftida ah ee ay Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamka ah ay ka soo saari doonaan Kuwa Nabad diidka ah ee jecel hadii aysan iyagu muuqan in ay dhiigga shacabka Dhulka Bacaadka ah ku Rafaadiyaan, iyadoo taasi hadii ay dhacdana kacdoon aan horay loo arag lagu qaadi doono laga bilaabo Magaalada Muqdisho ilaa iyo Jubooyinka Bay ilaa iyo Bakool 

xuska03@hotmail.com

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo saacadaha soo socda ku soo fool leh Magaalada Muqdisho.......

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyagoona ka soo kicitimi doona Magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada Jabuuti.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha waxaa ka socda qaban qaabo aad u xoogan oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Shariifka, waxaana ammaanka Madaxtooyada uu ahaa mid shalay ilaa xalay aad loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada cusub, kuwaasoo aan la ogeyn tiradooda, waxaa sidoo kale la sheegayaa in Wafdiga Shariifka ay geeddi u yihiin Baarlamaanka iyo Xukuumada oo si rasmi ah ugu soo guuri doona Magaalada Muqdisho si ay ugu howl galaan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa wadada isku xirta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka oo ay wataan Ciidamada Maxkamadaha, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka Madaxweyne Shariif.

Safarka uu ku imaanayo Madaxweynaha ayaa noqonaya kii labaad oo isagoo Madaxweyne soo gaara Magaalada Muqdisho, iyadoo horaantii bishan socdaal qaatay saddex cisho uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Labo ka mid ah Wasiiradii uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo is casilay.

Labo ka mid ah Golihii Wasiirada uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke ayaa Magaalada Jabuuti inay iska casileen xilalkoodii, kadib markii ay saluugeen beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay, kadib markii uu la tashaday Beeshiisa, ayna gebi ahaanba qaadacday xilka laga siiyay Xukuumada.

Waxaa uu sheegay in markii uu arkay cadaalad daro iyo wada tashi uu la sameeyay Beeshiisa Sade ay go'aansadeen inay iska casilaan xilka la siiyay sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ay Beesha go’aansatay la tashi dheer kaddib in xilkii aniga aan hayay aan iska dhiibo anigoo u hoggaansamaya rabitaanka iyo soo jeedinta beeshii aan u noqon lahaa oo aan isku xiri lahaa iyaga iyo dawladda oo sidaasi taladoodii bay noqotay"ayuu yiri C/waaxid Goonjeex.

Sidoo kale Wasiirka Jaaliyada Dibeda C/llaahi Axmed Azhari ayaa isna qaadacay xilkaasi, isagoona sheegay in xilkaas uu yahay mid aan jirin oo xataa howshiisa aanay aheyn mid jirta, waxaana beesha uu ka soo jeedo ee Leylkase ay sheegtay inay saluugtay xillkaas.

Si kastaba ha ahaatee caqabadahan cusub ee durba ka hor imaanaya Xukuumada Ra'iisul Wasaare Cumar ayaa ah mid ayaa waxay muujinayaan sida Soomaalidu aysan wali uga weynaanin xil jecleysiga, iyadoo aadba moodo in cid walba ay fiirsaneyso danaheeda gaarka ah, halka loo baahnaa in danta guud laga horumariyo mida shaqsiyadeed.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Ciidamo Ethiopian oo gudaha u soo galay Gobolka Bakool iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Islaamiyiinta Soomaaliya.

 

 Ciidamo Ethiopian oo aad u fara badan ayaa markii u horeysay maanta gudaha u soo galay qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, tan iyo markii u horeysay ee ay faarujiyeen gudaha Soomaaliya oo muddo labo sano ay dagaalo kula jireen xoogag islaamiyiin iyo kuwo wadaniyiin ah.

Sida ay sheegayaan wararka ku dhowaad 50 baabuurta dagaalka oo ay wateen Ciidamada Ethiopia ayaa soo gaaray Deegaan lagu magacaabo Yeet oo u dhow Degmada Rab-dhuuro Gobolka Bakool, waxaana halkaas la sheegay inay dad ka qab qabteen.

Ciidamada Ethiopianka oo ah kuwo aad u hubeysan ayaa durba dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay Deegaanada Gobolka Bakool oo ay ku xoogeysanayeen Xoogaga Islaamiyiinta.

Saacado yar ka dib markii deegaankaasi ay soo gaareen ayaa sida ay sheegeen dadka deegaankaasi waxaa ay halkaasi ka qab qabteen ilaa iyo dhowr ruux oo aan la ogeyn sababta ay ciidamadaasi ay u kaxeesteen.

Cabsi tii ugu xumeed iyo wal wal xoogan iyo muuqaalo cusub ayaa laga dareemayaa inta badan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Bakool gaar ahaana dDegmada Rab-dhuuro iyo deegaanada ku dhow dhow oo iminka ciidamo Ethiopian ah abaabulo ay ka wadaan.

Ifafaalo muujinayaa barakac ayaa durba ka soo bidhaamay degmada Rab-dhuuro iyo deegaanka Yeet oo ciidamada ay ku sugan yihiin.

Arintani ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhawaan Ra`iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi uu sheegay in Ciidamadiisa marna aanay ku noqon doonin Soomaaliya, hase ahaatee ay taageerayaan maleeshiyaadka qabaa'ilada si ay ula dagaalamaan Xoogaga Alshabaab

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Halkuu ku shaqeyn doonaa Baarlamanka Somaliya ee la isku daray waqti xaruntoodii Baydhabo lala wareegay.

Waxaa in badan oo kamid ah dadku isweydiinayaan marka ay kuso laaban karaan dalka Xubnaha Baarlamanka Somaliya ee dhawaan la ballaariyay kuwaasi oo su'aal ay ka taagan tahay halka ay ku shaqeyn doonaan.

Magaaladi Baydhabo oo aheyd fariisimahooda waxaa hadda gacanta ku haya xoogaga Al-Shabaab oo si aad ah uga soo horjeeda dawladda iyo hogaankeeda cusub,mana la oga qaabka ay magaaladaasi ku banneyn karaan.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Baarlamanka Somaliya loo soo rarayo magaalada Muqdisho walow laga baqdin qabo in magaalada ay masrax u noqon karto dagaallo kale marka ay yimaadaan ciidamada kale ee dalka soo galaya.

Golaha Baarlamanka Somaliya ayaa hada ku howlgalaya magaalada Jabuuti iyadoona ay xubnahooda dhamaan wada degan yihiin Hotello laakin marka ay usoo guuraan dalka ayaa howl sugeysaa.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Isgaarsiinta Degmada Xudur oo maalintii labaad hawada ka maqan iyo xiisado dagaal oo wali ka oogan.

Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga heyn dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Tuulada Dhiil oo 40Km u jirta Degmada Xudur sababo Isgaarsiinta Magaalada Xudur oo maalintii labaad hawada ka maqan ayaa hadana warar qaar ahi sheegayaan xiisad wali ka taagan tahay Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalo horu dhac u ahaa kan lagu balansanaa Degmada Xudur uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Waajid iyo Xudur, iyadoona dagaaladaas u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamadii dhowaan laga saaray Magaalada Baydhabo oo ay wehliyaan kuwa Maamulka Bakool.

Isgaarsiinta Degmada Xudur ayaa la sheegay inay hawada ka saareen Ciidamadii laga soo ceyriyay Magaalada Baydhabo, kuwaasoo sababo aan la sheegin u damiyay isgaarsiinta, sidoo kale waxaa sidan si la mid ah habeen hore sameeyay Xoogaga Alshabaab oo isgaarsiinta ka dambiyay Magaalada Baydhabo, si aan loo ogaan dhaq dhaqaaqyadooda ku wajahan Gobolka Bakool.

Xaalada Gobolka Bakool ayaa xilligan meel xasaasi ah mareysa, waxaana sidoo kale la dareemayaa gulufyo colaadeed oo u dhaxeeya Xoogaga Alshabaab iyo Ciidamada Maamuladii Gobolada Baay iyo Bakool oo isu kaashaday ka hortagida kuwa Alshabaab oo gacanta ku haaya inta badan deegaanada labadaas gobol.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa isku dayaya inay baajiyaan dagaalo lagu jilbo murxo oo ka dhaca Gobolka, iyadoona odayaashaas ay kulamo la qaateen Saraakiisha Alshabaab oo uu ka mid yahay Afhayeenka Alshabaab Abuu Mansuur oo ku sugan Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidamada Labada Maamul ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay inay duulaan ku soo yihiin Magaalada Baydhabo, iyagoona sheegay inay sameysan doonaan urur ka madax banaan Dowladda oo la dagaalama shabaabka.

Ma cada sida ay ku dambeyn doonto xiisadaha dagaal ee ka oogan Gobolka Bakool, waxaana dadka ku dhaqan Gobolka ay wal wal iyo walbahaar ka muujinayaan xiisadahaas dagaal oo saan saantiisaba shalay bilaabatay.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Wiil dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Shineemo ku tiilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

 

Wiil dhalinyaro ah ayaa xalay fiidki ku geeriyooday Shineemo ku tiilay degmada Kaaraan ee magaalada MUqdisho , ka dib markii Shineemadaasi la tacshiiradeeyay.

 

Wiilkan geeriyooday ayaa Shineemada waxa uu ka daawanayey derbi dheer , isagoona derbiga iska soo tuuray ka dib markii uu ka argagaxay rasaasta la huwiyay Shineemada.

 

Tacshiirada lagu furay Shineemada ayaan dhalin wax qasaare ah , iyadoo goobta durbadiiba  uu soo gaaray gaari Abbalance ah, iyadoo intii Wiilka Cispitalka loo waday dhexda ku geeriyooday.

 

Meydka Wiilkan dhalinyarda ah ayaa waxa la gaarsiiyay Cispitalka Keedsaney ee Waqooyiga magaalada Muqdisho si anay eheladiisa ugu wareerin goobta uu yaalo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Shineemo la tacshiiradeeyo , iyadoo horay Shineemooyin badan oo ku yilay koofurta Muqdisho albaabada la isugu laabay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

War deg deg ah: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.....

War haatan naga soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarad sida Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay soo caga dhigatay, iyadoo diyaaradaas durba ay isku gadaameen Ciidamada AMISOM iyo kuwa taabacsan Madaxweyne Shariif.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif oo ay keentay Diyaarad qaas ah oo waabarigii saaka ka soo kicitintay Magaalada Jabuuti ayaa haatan ku sugan Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa sugaya amaanka garoonka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo hareereeyey garoonka iyagoo si aad ah u baaraya dadka, waxaa la diiday ku hadalka telefonada gacan qaadka ah iyo dhaq dhaqaaqa dadka, waxaana garoonka ku sugan mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Midnimada qaran kuwaas oo soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Sida ay wararku sheegayaan Madaxweyne Shariif ayaa waxaa la filayaa in si toos ah loo geeyo Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia oo ah hoyga madaxweyne walbaa oo ay Somalia yeelato, waxaana halkaasi ku diyaarsan ciidamo daacad u ah Madaxweeynaha iyo kuwo ka socda Midowga Africa.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Labo ruux oo mid uu ahaa Sheekh caan ah oo ka tirsan Ahlu Sunah Waljamaacah oo xalay lagu dilay duleedka Muqdisho..

Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay labo nin oo mid uu ka tirsanaa culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah kuwaas oo lagu qaarijiyey deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho.

Dilka koowaad ayaa waxaa uu dhacay xalay fiidkii waxaa rag hubeysan oo aanan la garan ay u geeysteen Sheekh caan ahaa oo ka md ahaa dadka deegaanka Lafoole, sheekhaan oo ka tirsanaa culimada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa waxaa uu ka soo baxay Ceelasha waxaana uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala Lafoole hase yeeshee marki uu soo baxay ayaa rag hubeysani ku toogteen Ceelasha Biyaha sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sheekhan caanka ah ee ka mid ah Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa lagu macagaab Sheekh Xuseen Khaliif, waxaana xilliga la dilayay uu soo dukaday Salaadii Cishaha.

Qofka kale ee xalay la dilay oo ahaa wiil dhaliyaro ah ayaa waxaa isna dilay rag hubeysan oo aanan la garan kuwaas oo rasaas la dhacay mar uu ku sugnaa deegaanka Lafoole ee G/Sh/Hoose, waxaana la sheegay markaasi kadib in kooxihii dilay ay baxsadeen.

Culumaa'udiinka Ahlu Sunha ayaa cambaareeyey dilka loo geystay xalay Sheekh ka tirsanaa waxaana ay sheegeen in uu yahay sheekhaasi qofkii 14-aad oo iyaga ka tirsan oo si qarsoodi ah loo dilayo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka bilowday magaalada Muqdisho dilalaka Qorsheysan ee ay sameeynayaan kooxo aan la aqoon oo wajiyada soo duubta, waxaana maalin ka hor lagu dialay Suuqa Bakaaraha Agaasimihi Idaacada Horn Afrik iyo labo kale.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Madaxweynaha  Soomaaliya  oo  ku  guda  jira  wada  tashiyadii  ugu  dambeeyay  oo  uu  ku  soo magacaabayo   ra’iisul wasaare.......

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dib ugu soo laabteen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa inuu kulamo iyo wada tashiyo xiriir ah la leeyahay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kaasoo uu kala tashanayo sidii ay uga talin lahaayeen soo magacaabidda ra’iisul wasaare karti leh oo soo dhisa xukuumad shaqeysa oo soo hesha kalsonida baarlamaanka iyo tan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa markii uu shalay gaaray dalka Jabuuti waxaa la dejiyay Xarunta Madaxtooyda dowlada Jabuuti, halka wafidga kale ee la socdey oo ay ka mid ahaayeen Ra'iisul Wasaarihii hore ee dawladda federalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo xubno kale loo gudbiyey Hotelka Kempiniski oo ay hore u deganaayeen.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay in isbedel dhinaca nadaba ah uu dhici doono, mar hadii ay niyad fiican u hayaan nabadda shacabka Soomaaliyeedna uu hamuun weyn u qabo sidii uu nabad u heli lahaa, wuxuuna dhinaca sheegay inay dhinacooda sii wadi doonaan wadahadalada ilaa inta dhamaan qeybaha Soomaaliyeed ay ka soo wada qeybgalayaan, isagoo hoosta ka xarriiqay in sidda ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhisi doono xukuumad tayo leh.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Ciidamo Ethiopian oo   ku  hubeysan   dabaabado  oo   maanta   soo   galay   Deegaano   ka   tirsan Gobolka    Hiiraan.

 Ciidamo fara badan oo Ethiopian oo ku hubeysan Dabaabaadka ayaa barqanimadii maanta soo gaaray Deegaanka Kala Beyr oo ilaa 20KM u jirta Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona durba Ciidamada isku dhiririyay deegaanada Howdka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay wehliyaan kuwo soomaali oo ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan, waxaana wadada Kala Beyrka ay ka bilaabeen howlo baaritaan, waxaana wadadaas ay marin istiraatiiji u ah isu socodka Gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed.

Lama oga ujeedada ka dambeysa soo gaaritaanka Ciidamadan Ethiopian Deegaano ka mid ah Gobolka Hiiraan, waxaana Ciidamadan ay ka soo dhaqaajiyeen Deegaanka Feer Feer ee xadka soomaaliya Ethiopia.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada wada socda ee Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ay bilaabeen lacago baad ah oo ay gaadiidka kaga qaadayaan, waxaana la sheegayaa in lacago xad dhaaf ay ka qaadayaan gaadiidka isaga gala goosha Deegaanada Gobolada Dhexe.

Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen deegaanka Kala-beyr waxaa ay markiiba isku fidiyeen dhamaan deegaanada ku dhaw dhaw, waxaana wararku intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanku ay wehliyaan qaar ka mid ah Ciidamada Maamulkii hore ee Goballka.

Magaalada B/weyn ayaa aad looga dareemay soo gelitaanka Ciidamada Ethiopianka ee deegaanka Kala Beyrka, waxaana diyaar garow ka socda Magaalada oo ay wadaan Xoogaga Maxkamadaha, taasoo ah sidii ay kaga hortagi lahaayeen Ciidamadaas hadii ay usoo jiheystaan Magaalada B/weyn.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale Ciidamadu fariisimo ka sameyteen Kala Beyrka, walow ay marar badan ay dib ugu laabteen deegaanada xadka ku yaal ee Ethiopia, waxaana soo gelitaanka cusub ee Ciidamada Ethiopia ku soo beegmeysaa xilli Maalin un loo caleema saaray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Madaxweynaha    Dowlada   Midnimada   Qaran ee   Soomaaliya  oo   caawa  noqday   Sheikh   Shariif Sheikh   Axmed

Doorashadii Xilka Madaxweyne ee Jamhuuriyada Somalia ayaa waxay soo dilaatay saacadu markii ay ku ekayd 10.40 daqiiqo saacada geeska africa oo la mid ahayd  1:40 daqiiqo ee Saacada Uk .

waxaa xilka madaxweyne ku guulaysatay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo  wareegii  sadaxaad ee Doorashada la tartamay Maslax Maxamed Siyaadbarre waxaa codadkii halkaasi lagu tiriyay ku dhamaadeen Natiijada sidan.

waxaa codka Musharixiinta mudanayaasha baarlamaanka ee codeeyay  tiradoodu ahayd  425 xidhibaan.

Shariif Sheikh Axmed =293 cod
Maslax Maxmed Siyaad= 126 cod
 
waxaa Halaabay= 2 cod.   4=  ma ayanan codeeyn. Tirada guud waa  425 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Liiska   Musharixiinta   isu   soo   taagey    Xilka   Madaxweynaha   Soomaaliya

Waxaa maanta isu soo taagey xilka madaxweynaha Dalka Soomaaliya musharixiin tiradoodu dhantahay 15 musharax, kuwaas oo soo buuxiyey dhamaan shuruudihii lagu xiray Musharxa xilka Madaxweynaha.


Musharixiintan ayaa midkasta si gooni ah uga hadley Waxqabadkiisa ku aadan dalka Soomaaliya haddii loo doorto Madaxweyne, Waxaana la siiyey Musharax kasta 15 daqiiqo oo uu kaga hadlo habka uu dalka ku hogaamin.


Doorashada ayaa dhacaysa Maalinta beri ah ee Jimacada Marka Saacadda Afrikada Bari ay tahay 03:00PM (Galabnimo) waxaana ka qayb qaadanaya in ka badan 500 oo xildhibaan, waxaa lagu wadaa in ay qaadato waqti aad u dheer inta la helaayo natiijada ugu danbeysa.


Doorashada ayaa noqonaysa mid qarsoodi ah waxayna maraysaa ilaa sadex wareeg, wareega ugu horeeya waxaa ka wada qayb qaadan dhamaan Musharixiinta, Wareega labaad waxaa isu soo bixi 6da  musharax ee ugu cod badan, wareega Sadexaad waxaa isu soo hari oo ku beratamaya Labada Musharax ee ugu cod badan waxayna ku kala harayaan hal dheeri.

 


Liiska musharixiinta Maanta ku tartamaya Xilka Madaxweynaha Somalia:
1.   Cabdiramaan Cabdi Xuseen
2.   Axmed Xaashi Maxamuud
3.   Cali Xaashi Dhoore
4.   Cali Khaliif Galeyr
5.   Cawad Axmed Cashara
6.   Xasan Abshir Faarax
7.   Maslax Maxamed Siyaad
8.   Maxamed Axmed Cali
9.   Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo dheere oo tanaasulay.
10.  Maxamed Cismaan Aadam
11.  Maxamed Qanyare Afrax oo tanaasulay
12.  Muuse Macalim Yuusuf
13.  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
14.  Sheekh Shariif Sheekh Axmed
15. 
Yuusuf Cumar al Azhari.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

Dagaal Culus oo ka qarxay goor dhaweyd degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaal Culus ayaa goor dhaweyd ka qarxay degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi Galgaduud kadib markii maleeshiyaad Suufiyo sheegta ay weerar ku qaadeen magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dagaaliyahanada Al-Shabaab.

Lama sheegi karo wali dagaalkasi iyo saameyntisa iyadoona uu ka qarxay qeybo kala duwan oo kamid ah magaalada Dhuusamareeb walina lama oga khasaaraha ka dhashay.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa xiisad ay ka taagneyd degmada Dhuusmareeb marki ay soo baxeen warar sheegaya dhaq dhaqaaqyo Milatari oo labada dhinac ay wadaan.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa shalay gelinkii dambe fuliyay xad gacan goyn ah oo lagu fuliyay nin lagu magacaabo Yuusuf Yarow ....

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ayaa shalay gelinkii dambe fuliyay xad gacan goyn ah oo lagu fuliyay nin lagu magacaabo Yuusuf Yarow kadib markii Maxkamad Islaami ah ay ku heshay dambi ah in uu si bareer ah u xaday shabaagta lagu gaado kalluunka.

Yuusuf Yarow ayaa 5:00 galabnimo ee shalay la geeyay fagaare ku yaal Garoonka Kubada Cagta ee Waamo halkaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo daawanayey sida gacanta looga jaray eedeysanahaasi, waxaana laga gooyey gacanta midig.

Goobta uu ka dhacay xad fulinta ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maamulka iyo ciidamada ammaanka ee magaalada kuwaas oo ku sugnaa hareeraha garoonka halka qaar kalana ay cel celinayeen Mr Yuruf oo gacanta calaan cashiisa midig loogaga jaray mindi nooca loo yaqaano tooreeyda.

Maxkamada Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa xukunkaan gacan goynta ah riday kadib markii la helay marqaatiyaal iyo ninka gacanta laga gooyey qudhiisa oo qirtay in uu xaday alaabta lagu eedeeyay, waxaana maxkamadu ay u cuksatay Kitaabka ALLE iyo Sunnada Nabiga sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo.

Yuusuf Yarow ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu ka xaday haweeney lagu magacaabo Dahabo shabaagta lagu jilaabto kalluunka taas oo u dhigantay qiimo ahaan lacag dhan $300 (Sadex boqol oo Dollar).

Waa qofkii ugu horeeyey oo lagu fuliyo xukun gacan goyn ah magaalada Kismaayo, hase yeeshee horay ayaa maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo uu u fuliyey xukuno dil ah, Arbacadi lasoo dhaafay ayaa waxaa xuku dil ah lagu fuliyey wiil horay u dilay nin adeerkii ahaa, iyadoo sidoo kale Haweeney gogol dhaaf sameysay muddo dhowr bilood laga joogo iyadana la rajmiyay oo dhagax lagu dilay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

 

Xildhibaanadii dhawaan ka tagay gobalka Bay oo shalay gaaray waajid ayaa manta waxa ay bakhooli rabaan Xudur.

Xubno ka tirsan xildhibanadii dhawaan ka tagay gobalada bay ka dib markii ay gacan ku haynta ay la wareegeen xoogagga alshabab ayaa waxa ay ka baxeen gobalkaasi iyagoo ku sii jeeda waajid. 

 

Wararka laga helayo Waajid ayaa ku waramaya in ay baaqdeed xubnahaaaniyagoo doonayay in ay u duulaan dalka jabuuti halkaas oo uu ka soconaya qaban qaabada doorashada dowlad qaran.

 

 Mas'uuliyaantaan oo ka kooban ilaa 5-xubnood ayaa waxa ay u badan yihiin xildhibaano iyo wasriir kuwaas oo hatan ku sugan waajid.

 

 Dadka reer bakool ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen imaansha ay dhawaan soo gaareen xildhibaanada iyo wasiirada soo gaaray gobalka.

Maamulka Islaamiga Kismaayo oo xukun gacan goyn ah ku fuliyay nin lagu soo eedeeyay inuu sameeyay fal xatooyo ah.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan             Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr