|
Maxakamdaha islaamka ee Gobalka SH/dhexe oo mamnuucay Ciyaarta Caweyska oo si weyn looga Ciyaaro Gaobalkaasi…..
Maamulka Maxakamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo saareen wareegto ay ku joojinayan ciyaarta loo yaqaan Caweyska oo ay ciyaaraan dhalinyaro ku nool Tuulooin hoostaga Gobalka shabeelada Dhexe.
Ciyaartan loo yaqaan Caweyska ayaa waxa ciyaara dhalinyaro koox ah oo habeenkii marka lagaaro isugu yimado meel banaan ah iyagoo isugu jir wiilal iyo gabdho.
Saraakiisha Maxkamadaha ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka soo ashtakoodeen Ciyaartan loo yaqaan Caweyska.
Sidoo kale waxaa jira ilaa labo dhali yaro ah oo haatan xabisga ku jira kuwaas oo loo soo qabtay iyagoo ciyaaraya ciyaarta Caweyska.
Camaloow Online
Gureey006@hotmail.com
Maxamed Dheere ayaa maalintii labaad u xiran Ciidamada Ethiopia, waxaana su'aalo lagu weydiinayaa Xarunta Ciidamada Ethiopia......

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dowladda KMG ee Somalia Muuse Nuur Amiin ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo shalay Ciidamo Ethiopian ka qabteen Guri ku yaal Isgoyska KM4 oo uu ku dhuumaaleysanayay.
Muuse Nuur Amiin wuxuu sheegay in warka la xiriira xarigga Maxamed Dheere ay buun-buuniyeen idaacadaha si qaladna ay u fasireen, wuxuuna intaasi ku daray in Maxamed Dheere uu haatan ku jiro gacanta ciidamada Ethiopia, lana sii dayno doono marka xal loo helo waxyaabihii markii horeba keenay in la xiro.
"Gudi ayaa loo diray, oo aheyd inuu Ciidamadiisa iyo hubkiisaba soo wareejiyo, taasina waa ka dhaga adeegay, sidaas ayaa keentay in shalay galab la xiro, iyadoo loo arkay inuu caqabad ku yahay qaabeynta iyo dib u habeynta Dowladda ee ku aadan dhinaca ciidamada, mar alla markii a dhamaatana waa la sii deyn doonaa"ayuu yiri Muuse Nuur Amiin oo dhinaca kale sheegay in Dowladda haatan usoo jeesatay in la habeeyo Ciidamada Dowladda kuwa Madaxtooyada iyo kuwa qalabka sida oo uu tibaaxay in meelo la isugu geynayo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarigga Maxamed Dheere uu yimid ka gadaal markii uu ka dhago adeegay inuu soo wareejiyo ciidamo isaga ka amar qaata iyo hubka uu haysto, kaddibna guddi loo saaray, wuxuuna intaasi ku daray in Maxamed Dheere uu diiday inuu ciidamadaasi iyo hubkooda soo wareejiyo.
Maxamed Dheere ayaa maalintii labaad u xiran Ciidamada Ethiopia, waxaana su'aalo lagu weydiinayaa Xarunta Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin ex Xeradii Asluubta.
Camaloow Online.
C/llaahi Yusuf oo ay wehliyaan Xogheynadiisa iyo Qoyskiisa oo si aan horay loo arag loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si aan horay oo ay taageero ku jirto loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe ee xarunta Is maamul Goboleedka Puntland.
Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in Mas'uuliyiinta Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyay Gen Cadde Muuse Kuxigeenkiisa Xasan Dahir Maxamuud, Musharaxiinta iyo boqolaal dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay Ex Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha ee Kanoco oo 40KM u jirta Magaalada Garowe.
Tagitaanka C/llaahi Yusuf ee Magaalada Garowe ayaa ka dambeysay markii saacad ka hor uu Baarlamaanka ka sheegay inuu iska casilay Xilkii Madaxweynenimo ee uu muddo afar sano ka hayay Dowladda Soomaaliyed.
C/llaahi Yuusuf laguma soo dhoweyn sidan oo kale xilligii uu Madaxweynaha ahaa, waxay u muuqdeen Mas'uuliyiinta Puntland kuwo ugu madax salaaxayay soo laabashadiisa iyo xil ka dagistiisa ku timid cadaadiska caalamiga ah.
Hase ahaatee C/llaahi Yuusuf oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Xogheynadiisa iyo qaraabadiisa waxaa la dajiyay Madaxtooyada Puntland halkaasoo kulamo gaar gaar ah kula yeelanayo Mas'uuliyiinta Puntland iyo musharaxiinta faraha badan.
Col. Yusuf ayaa la cadeeyay inuu sii joogayo Garowe inta ay ka dhaceyso Doorashada Puntland oo lagu wado inay qabsoonto 8-da Bisha Janaayo, waxaana laf ahaantiisa markii uu gaaray Garowe uu cadeeyay inuu yahay Oday Soomaaliyed oo uu iska casilay Xilka Madaxweynenimo.
Camaloow Online.
WAR DEG DEG AH: Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Ku Dhawaaqay in uu is Casilay.......
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhow is casilay, kadib markii uu ka soo qeyb galay Kulan Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Yuusuf ayaa haatan qudbad ka jeedinaya Fadhiga Golaha Baarlamaanka, iyadoona cod baahiyaha uu ku soo dhoweeyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.
Fadhiga Baarlamaanka ayaa u muuqda mid degan oo aan wax sawaxan iyo buuq aanay ka jirin, waxaana wariyeyaasha ay leeyihiin kulanka waa mid degan.
Camaloow Online.
Wararkii ugu dambeeyay Dagaalada ka socda Dhuusa Mareeb iyo Ahlu Sunah oo guul ka sheegatay dagaalka.......
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal qaraar oo waabarigii saaka ka qarxay magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka G/gaduud, kaasoo ilaa haatan ka soconaya gudaha iyo daafaha Magaaladaas.
Dagaalkan oo aad u xoogan ayaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxaan wararka ay sheegayaan in labada dhinac ee urur diimeedyada is dagaalaya iskala baxaan gudaha, inkastoo aanay taa la cadeyn karin.
Madaafiicda Hoobiyaha ayaa ku dhacaya qeybo ka mid ah xaafadaha Dhuusa Mareeb, waxaana sida dadka deegaanka oo qaarkood ku go'doomay Guryahooda ay inoo sheegeen in dagaalka uu bilowday markii ay weerar so qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Ahlu Sunah Waljamaacah.
Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga qasaaraha dagaalkan oo xoogiisa ka socda bartamaha Magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoona Magaalada tahay mid kala xiran oo aanay jirin cid isu gurman karta, rasaasta la is dhaafsanayo oo xowli ku socda.
Xoogaga Alshabaab iyo maleeshiyaadka Ahlu Sunah Waljamaacah oo gacan ka helaya dhalinyarada deegaanka ayaa adeegsanaya qoryaha noocooda kala duwan yahay sida kuwa ku rakiban gaadiidka dagaalka iyo lidka diyaaradaha.
Afhayeen u hadlay Culimada Ahlu Sunnah Waljamaacah ayaa dagaalka guulo ka sheegtay, waxaana Afhayeenkan oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Maxamed Cali (Al-Ascari) uu tilmaamay inay dagaalka marka hore iyaga lagu soo qaaday.
Sheekh C/qaadir Maxamed Cali ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo Ciidamada Ahlu Sunnah Waljamacaah oo gacan ka helayay dadka deegaanka iyo kooxo uu ugu yeeray dhibwadayaal.
Dagaaladan ayaa waxaa ay daba socdaan dagaalo shalay gelinkii hore ka dhacay degmada Guriceel oo gacan ku heynteeda kula wareegeen Ahlu Sunnah Waljamaacah, waxaana dagaalkan uu u muuqdaa mid ku fidiya Deegaanada Gobolka G/gaduud, waxaana dhimashada iyo dhaawaca dagaalka uu yahay mid sii kordhaya.
Camaloow Online.
Ciidamo Ethiopia ayaa ku soo Wajahan Degmada Guriceel, kuwaasoo ka soo dhaqaaqay Degmada Balanbal ee Gobolka G/gaduud.......
Ciidamo Ethiopia ayaa kaabiga ku soo haaya Degmada Guriceel, kuwaasoo ka soo dhaqaaqay Degmada Balanbal ee Gobolka G/gaduud halkaasoo mudooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay usoo talaabeen dhanka koofureed ee Degmada Guriceel halkaasoo barqanimadii maanta dagaal faraha looga gubtay uu ku dhex maray Xoogaga Alshabaab iyo Maleeshiyo taabacsan Dariiqada Culimada.
Ciidamada Ethiopianka ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana ay yihiin kuwo ku soo jeeda Degmada Guriceel, waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysay usoo ruuqaansigooda, xilli uu dagaal ku dhex maray labada dhinac.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay kala cararaan, kadib markii la helay warka sheegaya in Ciidamada Ethiopianka ku soo wajahan yihiin Guriceel dhinaca kale Dagaalkii maanta ku dhex maray Degmada Guriceel ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 -ruux iyo dhaawaca 15-kale kuwaasoo ay isugu jiraan dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.
Maleshiyaadka Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah oo maalmo ka hor laga saaray Guriceel ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayaan Degmadaas, kadib markii ay ka saareen Xoogaga Alshabaab, sida ay inoo xaqiijiyeen Dadka deegaanka. wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay kala cararaan, kadib markii la helay warka sheegaya in Ciidamada Ethiopianka ku soo wajahan yihiin Guriceel.
Xaalada ayaa ah mid degan inkastoo la dareemayo xiisad wali taagan, waxaana Maleeshiyaadka qabsaday Degmada Guriceel ay yihiin kuwo ku sugan Saldhiga Booliska iyo gudaha Degmada. afhayeen u hadlay Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa sheegtay inay la wareegaan deegaanka isla markaana ay ka saareen dhinacii kale ee la dagaalamayay.
Xiisada u dhaxeysa Alshabaab iyo Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa ah mid ku fiday deegaano ka tirsan Gobolka G/gaduud, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo baahsan uu ku dhex maro deegaanada gobolka labadaas urur diimeed.
Camaloow Online.
C/raxmaan Janaqow "Indha Cadde meel lagu tiriyo ma lahan shalay wuxuu Asmara noogu yimid Alshabaab ayaa ka socdaa, marna wuxuu yiri Sh. X. Dahir ayaa madax ii ah IWM..
Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa ku eedeeyay Yuusu Indha Cadde inaan u laheyn Mabda' toosan, isla markaana uusan laheyn meel loogu soo hagaago. Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka qeyb qaadanayay Barnaamij Dood ah oo ay u qabatay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho isaga isaga iyo Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay inuu isaga ka xishooneyn inuu Gudoomiye u yahay Sheekh Shariif, laakiin Indha Cadde ayuu ku tilmaamay qof jir jiroole ah.
"Indha Cadde meel lagu tiriyo ma lahan, shalay wuxuu Asmara noogu yimid asigoo dhahayay Shabaab ayaa ka socdaa, marna wuxuu yiri asigoo Muqdisho jooga waxaan ka tirsanahay Garabka Asmara, marna wuxuu yiri C/qaadir Sheekh Cali Cumar ayaa taabacsanahay, marna Sheekh Shariif, xalayna wuxuu isku tilmaamay inuu keligiis yahay, waxaan rabaa inuu cadeeyay meesha uu raacsan yahay"ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka mid ah Wafdiga Sheekh Shariif hogaaminayo ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Mar uu Indha Cadde ka jawaabayay hadalka Sheekh C/raxmaan ayaa isku sifeeyay inuu yahay Hogaamiye gooni ah, isla markaana aanay jirin cid uu ka amar qaato, hase ahaatee wuxuu xusay inuusan aheyn Ciid caabud, balse uu yahay nin Alle ka baqaya oo doonaya in Kitaabka Alle dalkan lagu xukumo wuxuu Indha Cadde ku eedeeyay garabka Sheekh Shariif uu hogaamiyo inay la midoobeen Dowladda KMG, isla markaana heshiiska Jabuuti uu yahay mid iyaga u gaar ah, wuxuuna soo qaatay in markii ay ka soo dagayeen Garoonka Diyaaradaha inay soo dhoweeyeen waxa uu ugu yeeray cadawga.
Dhinaca Kale waxaa uu Sheekh C/raxmaan sheegay inay diyaar u yihiin inay meel walba ugu tagaan muqaawamada, isla markaana ay ugu tagaan ayagoo aan wadan wax Ilaalo ah, si buu yiri ay ugu soo biiriyaan Heshiiska Jabuuti iyo dadaalada la wado.
Diinta ma ahan in qof kasta oo iska sheegto, balse waxaa loo baahan yahay wax ku qabadkeeda iyo ku dhaqankeeda, afka kaliya looma baahna, aniga waa ley og yahay waxaan ka mid ahay Culimada cilmiga laga soo doonto, ee Indha Cadde kama mid ahan culimada cilmiga loo doonto"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh C/raxmaan Janaqow, oo hadaladiisa u muuqday mid si gaar ah ugu taabanayay Mr Indha Cadde.
Hadalka Labada Mas'uul ayaa ahaa mid aad u kulul, isla markaana mararka qaar ay is dhaafsanayeen erayo shaqsiyadeed iyo inuu Sheekh C/raxmaan Janaqow uusan adeegsan magaca kaliya Yuusuf Indha Cadde oo aanu ugu yeeray Sheekh Yuusuf Indha Cadde.
Camaloow Online.
Xoogag taabacsan Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Xasan Dahir oo ku biiray Alshabaab..
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan Xoogag daacad u ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara fadhigiisu yahay ayaa ku biiray Ururka Alshabaab oo ka mid ah Kooxaha Islaamiyiinta mayalka adag.
Wararka ayaa sheegaya in munaasabad ka dhacday Magaalada B/weyn gelinkii dambe ee shalay ay ku biireen xoogagaas kuwa Alshabaab ee ku sugan Gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaana xoogagan ku biiray shabaabka ay ahaayeen kuwo dhowaan dagaal la galay Xoogaga taabacsan garabka Jabuuti.
Sarkaal horkacayay Xoogaga Maxkamadaha garabka Asmara oo lagu magacaabo Sheekh Shuuriye Cali ayaa sheegay inay la midoobeen walaalahooda Alshabaab, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay goosteen inay ku biireen Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Arrintan ayaa ah mid sii xoojineysa cududa milateri ee Alshabaab oo lagu tilmaamay xoogag ka dagaalama Soomaaliya kuwa ugu tunka weyn, isla markaana dhowaan la midoobay xoogag kale oo ka mid ah islaamiyiinta, kuwaasoo magaca Alshabaab ku mataanoobay.
Ururka Alshabaab ayaa mabda' ahaan diidanaa Isbaheysiga Dib u xoreynta fadhigiisu kala yahay Jabuuti iyo Asmara, waxaana uu horay u qaadacay shirkii lagu unkay Isbaheysigan ee ka dhacay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.......
Camaloow Online.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma Dheere oo maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Ra'iisul wasaarenimada uu u magacaabay Madaxweynaha ayaa dib maanta ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo socdaalkiisa kula wehliya Maxamed Dheere oo rajeynayay inuu Wasiirka arriamaha gudaha ka noqdo Xukuumad uu soo dhiso Gacma Dheere.
Socdaalka Labada Nin ay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho ayaa ah waji gabax, kadib markii ay u socon waayeen waxyaabihii ay u ololeynayeen ee ahaa inay meesha ka saareen Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo kasbaday Caalamka, iyadoona Maxamed Dheere dadaal ugu jiray in xilka laga qaado Nuur Cadde oo ay aad isugu kacsan yihiin
Diyaarada siday Mr Gacma Dheere waxaa kula lamaananaa qaar ka mid ah Xubnaha Labada Gole kuwooda taageersan Ra'iisul wasaare Nuur Cadde, inkastoo wafdiga ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu horkacayay Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow.
Hadal gaaban oo uu Xildhibaan Gacma Dheere Wariyeyaasha ku siiyay gudaha Garoonka ayuu soo hadal qaaday is casilaadiisa, isagoona ku adkeystay inuu sharci ku magacaabnaa, hase ahaatee Xukuumadii dhacday ay diiday inay xilka wareejiso.
"Taageero la’aan iyo Anigoon awood buuxda u hesayan iyo Arimo kale markii aan arkay ayey danta igu qasabtay in aan iska casilo xilkii dhawaan uu ii magacaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf"ayuu yiri Gacma Dheere
Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaano badan ay kula taliyeen inuu is casilo, si uusan caqabad ugu noqon dib u heshiisinta uu wado Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde oo beesha caalamka ka helay taageero hagar la'aaneed.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Xukuumada Nuur Cadde, isla markaana uu taageersan yahay dadaalada dib u heshiisiinta ee ka soo baxay shirkii Jabuuti.
Camaloow Online.
Wararkii ugu dambeeyay is casilaada Madaxweyne Yuusuf oo maalinta sabtida ku dhawaaqaya Xog Rasmi ah...

Sida ay u xaqiijiyeen Shabakada Jowhar.com ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu kama dambeys maalinta sabtida ah uu iska casilayo Xafiiska Madaxweynaha.
Warkan ayaa ka soo baxay Safaarada Mareykanka ku leeyahay Magaalada Nairobi, kuwaasoo maanta xiriir la soo sameeyay saraakiisha Dowladda, iyagoona ku wargeliyay in Madaxweynaha uu is casilayo Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 27-ka bisha December.
Sidoo kale warkan aanu ka soo xiganay ilaha ku dhow dhow Saraakiisha Dowladda ayaa intaa ku daraya in Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Qeybdiid lagu soo wargeliyay arrinkaas, isla markaana uu dhowro ammaanka Caasimada marka Madaxweynuhu ku dhawaaqo Maalinta Sabtida is casilaadiisa.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu hortago marka uu u gudbiyo istaqaaladiisa is casilaad, iyadoona sida sharciga yahayna uu Madaxweynenimada dalkana uu sii heyn doono Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe oo xilka Madaxweyne qabanaya ilaa laga soo doorto Madaxweyne Soomaaliyed.
Saraakiisha Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo la soo xiriiray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif ayaa ka codsaday in aan la waxyeeleyn Beesha uu ka soo jeeda Madaxweyne Yuusuf marka uu is casilo, isla markaana aan farta lagu fiiqin Ciidamada ku heybta ah ee ku sugan Caasimada Muqdisho.
Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dagaalo lagu hoobto ay ka qarxaan Caasimada Muqdisho marka Madaxweynuhu uu is casilo, isla markaana ay dhacaan waxa loogu yeero isir faquuqii hada ka hor dalka ka dhacay ee 91-kii
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saareysa Madaxweyne Yuusuf inuu is casilo, iyadoona ugu dambeyn madaxweynuhu uu ogolaaday sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka ee u fadhiya Magaalada Nairobi.
Sanadkii hore ayay aheyd markii sidan culeys ay Beesha Caalamka ku saareen Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi inuu is casilo, taasoo ugu dambeyn uu is casilay 29-kii bishii October ee sanadkii 2007-dii.
Camaloow Online.
Xiisad u dhaxeysa Xoogaga Maxkamadaha iyo Alshabaab oo ka taagan Gobolka Shabellaha Dhexe......
Xiisad xoogan ayaa ka taagan Gobolka Shabellaha Dhexe, taasi oo u dhaxeysa Xoogaga Maxkamadaha iyo Alshabaab oo ah labo dhinac oo mabda' ahaan is diidan, waxaana xiisadan ay ka dambeysay markii xalay ay isku rasaaseeyeen Deegaanka Qalimow.
Wararka ayaa sheegaya in xalay Xoogaga Maxkamadaha laga saaray Deegaanka Qalimo oo horay labo dhinac ay kaga sugnaayeen, waxaana la tilmaamay in Xoogaga Maxkamaduhu ay gurmad u doonteen dhanka Magaalada Jowhar.
Dadka ku sugan Magaalada Jowhar ayaa inoo xaqiijiyay in ay socdaan guluf colaadeed oo ay wadaan dhinaca Maxkamadaha oo la sheegayo in Gurmad ahaan ugu ambabaxeen Deegaanka Qalimow, inkastoo Xoogaga Alshabaab iyana la tilmaamay inay dib ugu gurteen Deegaanka Xawaadley.
Xiisada ka taagan Deegaanka Qalimow oo 28KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar ayaan la ogeyn sababta ay ku bilaabatay, waxaana xiisadan ay u muuqataa mid ku sii fideysa Deegaanada Gobolka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in sidoo kale Xiisad ay ka jirto Degmada Balcad oo ay ku wada sugan yihiin Labadan Dhinac ee ka mid ah Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya, waxaana waabarigii saaka rasaas laga maqlayay gudaha Degmadaas.
Xoogaga Alshabaab ayaa Degmada Balcad kaga sugan Buundada, halka Maxkamadahana ay joogaan dhanka saldhiga iyo xaafada Xaawo Taako, halkaasoo laga dareemayay feejignaan sare.
Marka loo eego dhaq dhaqaaqyada labadan dhinac ayaa ah kuwo u muuqanaya loolan ku aadan gacan ku heynta Gobolka oo labada dhinacba aad looga dareemayo, inkastoo Maxkamadaha Islaamka ay yihiin kuwo inta badan gacanta ku haaya Gobolka, isla markaana horay Maamul ugu yagleelay deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Labada Dhinac oo ku aadan is rasaaseynta wada dhex martay, iyadoona isku dhacan uu noqday hadal heynta ugu badan ee saaka looga hadal haayo Deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe
Camaloow Online.
Maxay ka wada hadleen Senatorka Mareykanka, Sheekh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.
Iyadoo ay shalay safaaradda Maraykanka ee magaalada Jabuuti ay ka dhaceen kulamo gooni gooni ah oo uu Senatorka aqalka cad ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Russ Feingold la qaatay madax ka tirsan Soomaalida ayaa waxaa ka soo baxaya faah faahin dheeri ah.
Senatorkan Mareykanka ayaa la kulmay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif, Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG Nuur Cadde iyo Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland Dahir Rayaale Kaahin.
Ra’iisul wasaare Nuur Cadde oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in waxyaabihii ay kulankaasi kaga wada hadleen Senator Russ Feingold ay ka mid ahaayeen barnaamijka dib-u-heshiisiinta, sida suurto gal u tahay in loo dhaqan geliyo, lana samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo arrimaha burcad badeedda, wuxuuna intaasi ku daray in dhinacooda ay faah faahin ka bixiyeen dadaalada nabadeed oo ay wadaan, isagoo hoosta ka xarriiqay in senatorku u ballan qaaday inuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay barnaamijyada nabadda loogu raadinayo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo isna saxaafada uga warbixiyay Kulanka gooniga ah ee uu la qaatay Senator Russ Feingold ayuu sheegay in kulankoodu uu ku saabsanaa intiisa badan barnaamijka dib u heshiisiinta maadaama la gaaray waqtigii ay ciidamada Ethiopia ka bixi lahaayeen dlaka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in senatorku aad uu ugu baaqay dhinacyada kale ee Soomaalida ee aan qayb ka ahayn wada hadallada nabadda inay ku soo biiraan.
Xubin ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ka mid ahaa Xubnaha la kulmay Senatorka oo lagu magacaabo Tarzan ayaa isna sheegay inay su'aalo iyo jawaabo kala qaateen, wuxuuna senatorka sheegay sida ay u arkaan hadii wada hadalada lagu soo biiriyo Garabka Xasan Dahir uu hogaamiyo.
Senatorka ayaa walaac ka muujiyay is ballaarinta Kooxda Alshabaab ka wado gudaha Soomaaliya, isagoona sheegay inay muhiim tahay in Alshabaab laga soo qeyb geliyo wada hadalka.
Qodobada kulamadaasi gooni gooniga ah looga hadlay ayaa waxaa ay yihiin sidii uu maraykanku u badeli lahaa siyaasadiisa ku aadan dalka Maraykanka maadaama uu haatan maraykanku galayo wajji cusub iyo madax cusub iyo sidii uu Soomaaliya ula shaqeyn lahaa.
Camaloow Online.
Itoobiyaan Si cabsi leh ku marayay Afgooye oo Qarax xoogan lalabeegsay Dhaawac iyo dhimashona ka soo gaaray.....
Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxa ay isku fidiyeen qeybo kamid ah Degamda Afgooye ee Gobolka Sh/hoose halkaasi oo hawlgallo ay ka sameynayeen.
Salaadda Subax kadib oo dadka ay ku waabariisteen Ciidankani tirada badan ayaa waxaa durba la maqlay qarax aad u xoogan oo lala beegsaday Ciidamadaasi Itoobiyaan ah.
Qaraxa ayaan la ogeyn waxa uu sababay hayeeshee 4-qarax oo kale ayaa laga maqlay degmada Afgooye iyadoo lala beegsaday kolonyo Itoobiyaan ah, waxaana midkood lasheegay inay haleeshay gaari Ural ah oo Itoobiyaanka ay wateen.
Gaarigani ayaa waxa khasaare uu kasoo gaaray dhanka Afka hore, waxaana dadka kudhaqan Degmada Afgooye ay u sheegeen GOOBJOOG in ay arkayeen Gaarigaasi oo lagu jiidayo gaari kale oo dhanka Muqdisho lala aaday.
Cabsi xoogan ayaa iminka ka taagan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii Dhaq dhaqaaqa halkaasi ay ka wadaan Ciidamada Itoobiyaanka uu sababay in dad fara badan ay kala cararaan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya lagu helo inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyadoo haatan kahorna looga gubay dhowr gaari loogana dilay Ciidamo fara badan.
Camaloow Online.
Gaadiid qaad siday oo dab lagu qabadsiiyey duleedka degmada Dhoobley.....
Kooxo hubeysan ayaa dab qabadsiiyey labo gaari oo ay ka buuxeen qaad fara badan oo laga keenay gudaha dalka Kenya kaas oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Labo gaari oo la sheegay inay ahaayeen nuuca loo yaqaan Cabdi Bilaha sidayna qaad fara badan ayeh maleeshiyo hubeysan u galeen meel 3-KM u jirta degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose, waxaana la sheegay inay markaas kadib dab qabadsiiyeen.
Kahor intaaney dabka qabadsiin gawaarida ayey kooxaha hubeysan kala dageen seddax jawaan oo qaad ah, markaas kadibna waxaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen. Dadkii la socday gawaarida qaadka ee Kenya laga keenay ayey kooxaha hubeysan dhac u geysteen, waxaana ay ka qaateen agabyo isugu jira lacago iyo taleefanada gacanta lagu qaato.
Camaloow Online.
Ra’iisal wasaare cusub oo dhowaan lagu dhowaaqey muxuuse Qabani doonaa?? waa su aal aay isweeydiinayaan dadweeynaha .
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka bay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed uu magacaabey ra’iisal wasaare, xilli shalay golaha baarlamaanka Soomaaliyeed ay ansixiyeen xukuumada Nuur Cadde.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kulan ku qabtay gurigiisa magaalada Baydhabo, isaga oo goor dhow ra’iisal wasaare u magacaabey Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), iyada oo qaar ka mid ah xildhibaanada ay dhinacyada ka fadhiyeen.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli shalay golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ay ansixiyeen xukuumada Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kuwaasi oo xalayba lagu dhaariyay Baydhabo.
Doraad ayay ahayd markii madaxweynaha uu xilka ka qaadey ra’iisal wasaaraha, taasi oo ay ka hor yimaadeen ra’iisal wasaaraha iyo golaha baarlamaankaba.
Arrintan waxay sii xoojinayaan khilaafaadkii u dhaxeeyay madaxda dowlada federaalka Soomaaliyeed.
Camaloow Online.
Ciibamo Itoobiyaan ah oo kala ilaalinaaya ilaalada Nuur Cade iyo C/llaahi Yuusuf in ay iskudhacaan...
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeya labada mas’uul ee ugu sareysa TFG-da uu noqday mid laga dareemo guud ahaan magaalada Baydhabo.
Wariyeyaal kusugan Baydhabo ayaa Shabakadda Camaloow u xaqiijiyay in ay bilaabeen Ciidamada Itoobiyaanka in ay isku fidiyaan qeybo kamid ah gudaha magaalada Baydhabo.
Ujeedka ay Baydhabo Ciidamadani Itoobiyaanka isugu fidinayaan ayaa lagu sheegay in ay tahay cabsi soo kala dhex gashay maleeshiyaadka ay kala wataan C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ay suuragal tahay in gudaha magaalada ay isku rasaaseeyaan.
Cabsigani xoogan ayaa wax ay sii dhalatay kadib markii mas’uul waliba oo doonaya in uu Baarlamaanka TFG-da kahor khudbeeyo la ogsoon yahay in maleeshiyaadkii ugu tirada badnaa uu la imaanayo xarunta taasina ay dhibaato keeni karto.
Lama garanayo xaalada Baydhabo waxa ay ku dambeyn doonto maadaama xaaladda ay tahay iminka mid aad u kacsan, waxaana fowdadani ka bilaabatay mas’uuliyiinta ugu sareysay ee TFG-da kadib la sugayaa Baarlamaanka TFG-da iyaguna kaalinta ay ka qaadan doonaan fowdadani haddii ay sii wadayaan iyo haddii ay qaboojinayaan.
Camaloow Online.
Ciibamo Itoobiyaan ah oo kala ilaalinaaya ilaalada Nuur Cade iyo C/llaahi Yuusuf in ay iskudhacaan...
Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Ethiopi-ya iyo Jabhadda ONLF oo haatan ka socda Gobalka Wardheer
Dagaal kharaar oo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Jabhadda Xaraynta Ogaadeeniya ONLF,ayaa haatan ka soconaya qaybo ka mid ah Gobalka Wardheer sida ay soo sheegayaan dad goob joogayaal ah oo ku sugan dagaan dagaalku ka soconayo.
Dagaalka oo haatan socda ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan,ayadoona dadka dageenka la sheegayo inay soo wajahday cabsi aad u xoogan oo ay ka qabaan inay wax yeelo ka soo gaarto.
Warar hore oo ka soo baxay Jabhada ONLF ayaa ku sheegeen inay Ciidamada Ethiopia ka dileen 90-askari,ayagoona dhinacooda iska fgeeyay inay tacadiyo ugaysteen dad rayid ah oo guryo dad shacab ah ku jiraan gubeen.
Dagaaladaan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Ciidamada Ethiopia oo ku sugnaa qaybo ka mid ah Goboladda Hiiraan iyo Gal-gaduud ay dib ugu laabteen dalkood markii lagu soo wargaliyay inay jiraan dagaalo qorshaysan oo jabhadda ONLF doonayso inay ku qaado qaybo ka mid ah fariisimada Ciidamada Ethiopia.
Camaloow Online.
Sheekh shariif sheekh axmed oo baaq u jeediyay gudiga xalinta khilaafaadka xoogaga kacdoonka in ay ku saleeyaaan shareecada islaamka........
Guddoomiyaha isbaheysiga dib u Xoreynta soomaaliya garabka Jabuuti ayaa baaq waxa uu u jeediyay gudiga xalinta khilaafaadka xoogaga muqaawamada ugu baaqay in ay ku saleeyaan shareecada islaamka islamarkaana hadii culuamada soomaliyeed ay isku raacaan waxa uu wado in ay yihiin kuwo aan shari aheyn uu ka tanaasualayo.
Sheekh shariif oo xalay la hadlay mid ka mid ah idaacadaha xamar ku yaala ayaa sheegay hadii culamada soomaaliyeed ay isku raacaan waxa uu wado in ay yihiin kuwo aan wanaagsaneyn uu ka tanaasulayo, waxaan uu sheegay in uu wado qorshe ku aadan qaabka ciidsamada Ethiopia uga baxayaan gudaha dalka soomaaliya.
Sheekha ayaa sheegay in gudioga culamada looga baahan yahay in ay qaabka ay wax ku xalinayaan looga baahan yahay in ay ku saleeyaan sharrecada islaamka sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ka soo baxay Hogaanka Isbaheysiaga garabka jabuuti ayaa ku soo aadaya xili uu sheegay in uu kulan la qaadanayo xoogaga muqaawamada ee dagaalaka ka wada gudaha dalka soomaaliya si loo joojiyo xabada soomaaliya ka socota.
Camaloow Online.
Kulanyo Ciidamo Ethiopia oo ku sii jeeda Degmada Guri-Ceel oo ka gudbay M/Balanbal ee G/Galgaduud.....
Wararka naga soo gaaraya magaalada Balan-bal,ee Gobalka Gal-Gaduud ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah,oo ku qalabaysan gaadiidka dagaal-ka inay ka gudbeen degmadaas,ku waa soo la sheegayo inay ku wajahanyihiin Degmada Guri-Ceel, oo dhawaan kacan ku heyteeda la wareegeen Urur-ka al shabaab.
Dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Balan-bal,ayaa ku soo waramaya inay aekayeen gadiidka dagaalka ee ee isugu jira kuwa Ciidamada qaada iyo kuwo hubku ku rakibanyahay oo gaaraya 20-gaadiid ah.
Ilaa hadda macada inay Ciidamadaan gudaha u gali doonaan degmada Guri-ceel ayadoona dhawaan dagaal ku dhex maray Urur-ka al-shabaab iyo Culimada Ahlu Suna Wal Jameece oo dagaalkaas uu ahaa mid khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayadoona dadku ka cabsi qabaan dagaal mar kalayto ka dhaca degaanka
Camaloow Online.
Xoogagga Al-shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Guri-ceel...
Xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegay degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhowr jeer ay kula dagaalameen xoogag hubeysan oo taabacsan urur diimeedka Ahlu Suna Wal jameeca.
Dagaal shalay mar kale ka dhacay degmada Guri-ceel kadib ayey xoogagga Al-shabaab oo taageero ka helaya xoogagga Maxkamadaha Islaamka waxa ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.
Sargaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay si rasmi ah ula wareegeen degmada Guri-ceel, isagoo sheegay inay taageero ka heleen walaalaha Maxmakadaha Islaamka oo uga soo gurmaday dhanka gobolada dhexe.
Xaaladda degmada Guri-ceel ayaa hadda deggan, waxaana dib loo furay goobaha ganacsiga iyo adeegyada bulshada oo ku xirmay dagaalkii shalay ka dhacay gudaha degmada Guri-ceel ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ma cadda meel ay jaan iyo cirib dhigeen xoogaggii la dagaalamayey Al-shabaab ee looga awood roonaaday gacan ku heynta degmada Guri-ceel, waxaana wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in xoogaggii ka horjeeday Al-shabaab ay magaalada isaga bexeen markii loo itaal sheegtay.
Si kastaba ha ahaatee tiro dhowr jeer ah ayey xoogagga Al-shabaab iyo xoogag taageersan urur diimeedka Ahlun Sunna Wal Jameecad ku dagaalameen degmada Guri-ceel, waxaana hadda arrintu u muuqata inay soo afjarantay markii haddii meesha laga saaray mid kamid ah dhinacyadii dagaalamayey.
Camaloow Online.
BREAKING NEWS: Qarax ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda oo goordhow Beydhabo kadhacay.
War goordhaw naga soo gaaray magaalada baydhabo ee xarunta dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegayaa in qarax ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka dowladda uu ka dhacay magaaladaasi goordhaw.
Wariyaheenna magaalada baydhabo oo goordhaw ina soo gaarsiiyay warkaan ayaa inoo xaqiijiyay in ilaa 3-askari oo ka mid ah ciidanka dowladda ay ku dhinteen qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay gudaha magaalada.
Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday ayuu leeyahay wariyaheenna ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah, kuwaas oo marayay gudaha magaalada.
Xaaladda magaalada baydhabo ayaa haatan ah mid aad u kacsan,waxaana magaalada oo si weyn amaankeeda shalay ilaa saaka loo adkeeyay ku firirsanaa wadooyinka ciidamada dowladda KMG ah.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Baydhabo uu soo gaaray Madaxweynaha dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed, isla mar ahaantaana guud ahaan magaalada waxaa lagu daadshay ciidamada dowladda oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya, si ay u sugaan amaanka Madaxweynaha.
Camaloow Online.
Dagaal mar labaad Degmada Guri-Ceel ku dhex maray al shabaab iyo Culimada Ahlu Suna Wal Jameeca
Dagaal aad u xoogan oo gaystay khasaare nafiid,ayaa markalayto Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-Gaduud ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan dhaq-dhaqaaqa al-shabaab iyo Culama Udiinka Ahlu Suna Wal-jameeca,sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Guriceel ayaa maanta guud ahaan laga maqlayay madaafiicda xoogan ee ay is wiidaarsanayeen,ayadoona wararku ay sheegayaan inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay balse an la ogaan karin dagaalka oo galabta xowli ku bilowday isagoona caawa fiidkii qaboobay.
Dadka ku dhaqan Degmada ayaa soo wajahday cabsi aad u xoogan,ayagoona ka cararayay dagaalada si aysan wax yeelo uga soo gaarin,ayadoona dagaalkaan uu noqonayo kii labaad oo ka dhaca Degmadaas oo kii ka horeeyay uu dhacay Todobaadkii la soo dhaafey.
Sikastaba ha,ahaatee Degmada ayaa Caawa fiidkii hore la dareemayay inay xabadii labada dhinac is wiidaarsanayeen ay sii qaboobeysay balse dadku wali ayshaki ka qabaan dagaalka oo mar kalayto bilowda ayagoona cabsi aad u xoogan caawa qaba.
Camaloow Online.
Xoogag katirsan Muqaawamada Soomaaliya ayaa lawareegay Gacan ku haynta degmooyinka Luuq iyo Tuulooyin ku dhaw degmada Dooloow Gobalka Gedo Somalia.......
Wararka nagasoo gaarayo Gobalka Gedo ayaa sheegayo in Xoogaga Islaamiyiinta ee kamadax banaan Isbahaysiyada Asmara iyo Jabuuti ay kulaaleen Xadka ay Somalia la wadaagto Kenya iyo Itoobiya.
Shalay Gelinkii dambe ayay Xoogaga Muqaawamada Soomaalieed meel fagaara ah kala hadleen Boqolaal qof oo ku dhaqan degmada Luuq iyagoona u sharaxay ujeedka ay degmada usoo galeen.
Sarkaal katirsan Ciidamada Muqaawamada oo lagu Magacaabo Shiikh Jacfar ayaa dadka u sheegay in ujeedkoodu yahay ladagaalanka Kooxaha Burcadda ah iyo Ciidanka Cadawga Itoobiya islamarkaana ay Shacabka ku dhaqi doonaan Shareecada Islaamka.
Wararka ayaa intaas ku darayo in Xogagag Islaamiyiintu ay fariisimo Ciidan ka dhigteen Tuulo 30KM ujirto degmada Dooloow halkaas oo ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiya Beeleedka Barre Hiiraale.
Camaloow Online.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka guuray qeybo kamid ah degmnada Yaaqshid.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa baneeyey fariisimo ay ku lahaayeen qeybo kamid ah degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay saaka soo buuxdhaafiyeen dad weyne fara badan.
Isgoyska Hotel Towfiiq iyo xarunta shirkadda Somali Post ee deegaanka suuq Bacaad ayey ciidamada Itoobiya baneeyeen, waxaana ciidamadaas ay dib ugu gurteen isgoyska Baar Ayaan oo ku dhow halka ay baneeyeen
Dad fara badan oo ku faraxsan faarujinta ciidamada Itoobiya ee goobahaas ayaa isugu soo baxay halkaas, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya kaliya uun ay baneeyeen difaacii hore oo ay ku lahaayeen goobahaas.
"Adigoo xabsi ku jira haddii nafis yar aad hesho oo xabsiga kor laga furo ama xitaa albaabka laguu furo waa arrin ku farxad galineysa, dee markii hore waxaan aheyn dad xabsi ku jira alle ayaa mahad iska leh, oon ka codsaneynaa inuu iyaga oo dhan naga bixiyo" ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo aad ugu faraxsan faarujinta ay ciidamada Itoobiya goobahaas faarujiyeen.
Ma cadda ujeedada ka dambeysa in ciidamada Itoobiya ay ka baneeyaan fariisimadii difaaca u ahaa oo ay ka joogeen isgoyska hotel Towfiiq iyo xarunta shirkadda Somali Post ee deegaanka Suuq Bacaad.
Arrimahaan ayaa imaanaya xilli dad badan oo Soomaali ah ay ka war sugayaan hirgalinta heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen dowladda iyo isbeheysiga Jabuuti kaas oo dhigayey inay ciidamada Itoobiya faarujiyaan fariisimada ay ka joogaan dalka.
Camaloow Online.
Xaaladda degmada Guri-ceel oo saaka deggan iyo dhinacyadii dagaalamay shalay oo weli is horfadhiya.
Xaaladda degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa saaka deggan halkaas oo ay shalay dagaallo xooggan ku dhexmareen xoogag katirsan ururka Al-shabaab iyo koox diimeed taabacsan ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca.
Wararka saaka laga helayo Guri-ceel ayaa sheegaya in labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan goobihii ay shalay ku dagaalameen, hase ahaatee waxaa ku kala dhex jira ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Maxkamadaha Islaamka.
Dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac ayaa saaka halkaasi ka socda, waxaana lagu wadaa inay labada dhinac la isku soo hor fariisiyo gudaha degmada Guri-ceel.
Kulanka lagu doonayo in la isku soo hor fariisiyo labada dhinac ayaa waxaa ka biyo diidsan Ahlu Sunna Wal Jameeca oo sheegay inaaney kulanka ka qeyb gali doonin illaa xabsiga laga soo saaro wadaad ay shalay xabsiga dhigeen ururka Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Guri-ceel Cali Sh. Maxamuud ayaa sheegay inay ku raja weyn yihiin inay soo afjaraan dagaalada labada dhinac u dhexeeya, waxaana uu sheegay in xaaladduu ay saaka aad u deggan tahay.
Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayey aheyd markii ay labada dhinac ku dagaalameen gudaha degmada Guri-ceel, iyadoo la sheegay inuu dagaalkaasi ka dambeeyey markii xoogagga Al-shabaab xabsiga dhigeen wadaad ka tirsanaa ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca.
Camaloow Online.
Kooxo Burcad Badeed Soomaalia ah oo Gacanka Cadmeed ku weeraray Markab siday dalxiisayaal......
Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa xalay Biyaha Gacanka Cadmeed ku weerareen Markabka lagu magacaabo Luxury Cruise oo ay saarnaayeen tiro shaqaalihii iyo dalxiisayaashii ugu tirada badnaa oo kooxo Burcad ah Markab ay saarranyihiin weeraraan.
Markabka oo dalxiisayaasha saaran u dhasheen dalka Britain ayaa tiradooda gaaraysay 690 dalxiisayaal ah iyo 386-shaqaale ah,ayagoona kooxo Burcad ah oo aad u hubaysan ay rasaas ooda uga qaadeen Markabkuna si xowli ah ku socday oo sidaas uga badbaaday.
Weeradaaan ayaa ah weeraro kooxaha Burcad Badeeda Somalida ah ay ku baacsanaya Maraakiibta iyo Doonyaha Shisheeyo oo ay ayagoo damacsan inay qafaashaan khasaare u gaysatay,ilaa iyo haddana macada khasaaraha dhabta ah ee weerarkaas ka dhashay.
Dhinaca kalayto Inta la ogyahay 4 ruux ayaa geeryootay 5 kalaytana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka gadaal markii kooxo burcad badeed Soomalai ah ay rasaas ooda uga qaadeen Dooni ay saarnaayeen muwaadiniin Yamen u dhashay,sidaas waxaa sheegay mid ka soo badbaaday weerarka Burcad Badeedu ku qaaday Dooniyada laga leeyahay Yamen.
Weeraradaan ayaa ka mid ah weerarayo ay Burcad-Badeedu ku qaadaan Doonyaha iyo Maraakiibta Shisheeye ee adeegsanaya Biyaha Somalia iyo kuwo ka baxsan intaba ee caalamka,ayagoona rasaas ooda uga qaaday Doonidaan ay saarnaayeen muwaadiniin Yamaniyiin ah.
Camaloow Online.
Xoogagga Al-shabaab oo shaaca ka qaaday inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada shisheeye.
Saraakiil katirsan ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa mar kale ku celiyey inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Isagoo ka hadlay muxaadaro diimeed xalay lagu qabtay masjidka Abuu hureyra ayuu Sh. Suldaan Maxamed waxa uu xusay in ururka Al-shabaab ay wadayaan dagaalka illaa ciidda Soomaaliya laga saaro ciidamada shisheeye ee ku sugan.
"Waa socon doonaan dagaalada mana joogsan doonaa illaa aan dalka ka xoreyno cadowga qabsaday ee gaalada ah" ayuu yiri Sh. Suldaan Maxamed oo kamid ah saaraakiisha sarsare ee ururka hubeysan ee Al-shabaab.
Wuxuu kaloo yiri isagoo sii hadlaya heshiiska Jabuuti waa mid shacabka Soomaliyeed shirqool loogu dhigayo oo aaney wax maslax ah ugu jirin, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan heshiiskaas.
Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dhinacyada heshiiska ku garay Jabuuti ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay meesha ka saaraan camalka jihaadka ah ee gaalada lagula jiro, isagoo xusay inaanu u joogsan doonin heshiis ay laba dhinac wada gareen.
Hadalka ka soo baxay saraakiisha ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalayna ay saraakiisha sarsare ee maamulka Maxkadamaha Islaamka ugu qeybsan gudaha dalka Soomaaliya ay ka hor yimaadeen heshiiska Jabuutilagu wada gaaray.
Camaloow Online.
Ciiidamo Itoobiyaan ah oo wata inka badan 100 gaadiidka dagaalka ah oo ka soo gudbay xadka Soomaaliya.......
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa ka soo gudbay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ciidamadaan ay gudaha u soo galeen qeybo kamid ah gobolka Gedo.
Ciidamadaan Itoobiyaanka ah oo wata inka badan 100-gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin meelo ay kamid yihiin gobolada Bay, Bakool iyo Muqdisho.
Dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa iyagana ka jira degmooyin ka tirsan gobolka Bay halkaas oo ay isku uruursanayaan xoogagga Kacdoonka oo doonaya inay dagaal kala hortagaan Itoobiyaanka faraha badan ee gudaha u soo galay dalka Soomaaliya.
Ma cadda sababta xiligaan ay Itoobiyaan fara badan u soo galayaan gudaha dalka Soomaaliya xilli uu jiro heshiis qeexaya in ciidamada Itoobiya guud ahaan laga saaro gudaha dalka Soomaaliya, waxanaa sidoo kale ay ku soo beegmeysaa xilli heshiiska ciidamada Itoobiya ay uga baxayaan Soomaaliya ay ka harsan tahay wax ka yar 20-maalmood.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya xoogga ku soo galeen ciidda Soomaaliya waxa ay sameeyaan dhaqdhaqaaq ciidan, iyagoo hadba gudaha Soomaaliya soo gala marna ka baxaya taas oo u muuqata inay tahay xeelado milatari oo ay Itoobiyaanku adeegsanyaan. Camaloow Online
Maxkamada degmada Jowhar oo albaabada la isugu dhiftay, kadib khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Maxaakiinta iyo Garsoorayaasha Maxkamada
Maxkamada islaamiga ah ee ka howlgasha magaalada Jowhar ayaa maanta garsoorayaashii iyo shaqaalihii ka howl galayay ay soo xaadiri waayeen kadib markii ay cirka isku sii shareereen khilaaf soo kala dhex galay maamulka maxaakiimta ee ka arrimiya gobolka sh/dhexe iyo guddoomiyaha maxkamada racfaanka ee gobolka sh.dhexe.
Khilaafkan ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya xarunta gobolka sh/dhexe ee Jowhar waxa uu salka ku hayaa kadib markii ay saldhiga degmada jowhar ay ka sii daayeen maxaabiis ku xirneyd ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi, iyadoo maxaabiistaasina ay ku kala eedeysnaayeen dambiyo kala gedisan.
Sidoo kale ciidamada maxaakiimta ee ka howlgalayay saldhiga booliska degmada Jowhar ayaa xabsiga u taxaabtay toddobaadkii la soo dhaafay xeer ilaaliyihii maxkamada gobolka sh/dhexe iyagoo u hanjabay ciidamadaa guddoomiyihii maxkamada racfaanka gobolka sh.dhexe.
Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka sh.dhexe sh.Maxamuud Jilcane ayaa ku adkeysanaya in la soo taago maxkamad ciddii ka dambaysay sii deynta maxaabiista, illaa laga horkeeno maxkamadana uusan soo shaqo tegeynin.
Amar ka soo baxay maanta maamulka midowga maxaakiimta ee ka howlgala degmada Jowhar ayaa waxaa garsoorayaasha ka howlgasha maxkamada islaamgia ah waxaa lagu amray inay soo shaqo tagaan.
Maxkamadda ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay ahayd meel aysan shaqo ka socon oo maxaabiista la keenayo aan la dhegeysan dacwadahooda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gudaha magaalada Jowhar.
Maxaabiis faro badan oo gaareysa ilaa toddobaatan ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ku xiran saldhiga booliska degmada Jowhar kadib markii la waayay cid qaada dacwadahooda, Maxaabiistan ayaa qaarkood waxa ay ku xiran yihiin saldhiga muddo ka badan toban maalmood.
Camaloow Online.
War Dag Dag ah oo hada nagasoo gaaray Xaafada Islii Narobi Kenya
Shaqaaqada kataagan Islii waa sidatan anigoo goobgoog ah ayuu yiri Muuse X, Kadkel
Meesha ay wax ka dhaceen waa Centerka Islii, waana suuqa kabaha ee islii, wuxuuna u dhexeyee Halka uu kuyaalo Xarunta Dahabshiil iyo Dhismaha Weeyn oo ee Amal.
Dhismaha layskuhaysto ayaa waxaa iska leh Nin iyo Naag Somali ah,
dadka dukaamada kiraystey intooda badan waa Somalida dagan Kenya iyo kuwe cusuba waxaa ay hor mariyeen lacag dhawr Sano ah, Dood dheer kadib waxaa soo ifbaxday in gacan laysulatago, dagaal kadib dadkii guriga lahaa waxaa ay soo wateen askar iyo cagafcagafyo
Suuqleeydii iyo askartii ayaa dagaal Fooda isdaray, Islana dhacay dhagax, ul xabad, ilaa hada wax dhimasho ah majiraan Laakiinse waxaa jira dhaawacyo kalduwan illaa iyo hadda shaqaaqadii suuqa ka dhacaday weli waa u xiran yahay, si qasab ah ayaa laga dumiyey iyadoo ay dhexyaallin hantidii oo dhan Xitaa lacaghii caddanka ahaa iyo alaabtiiba , markii kala bar la dumiyey ayey madax sare timid lana joojiyey dumintii dadkiina alaabta kala baxa la yiri.
Sikastaba Haa ahaatee Burburkii sidaas ayaa ilaa iyo hadda alaabtii looga hoos gurayaa
Muuse Xassan Kadle
Camaloow Online Xaafada Islii Nairobi
Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo saaka kacsan markii ay isku dheceen ganacsato Soomaali ah iyo ciidamada booliska Kenya.
Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka tagaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ka dib markii saaka dad badan oo Soomaali iyo Kenyan isugu jira ay isugu soo baxeen wadooyinka 7-aad iyo 6-aad.
Wadooyinka 7-aad iyo 6-aadee xaafadda Islii ayaa waxaa saaka soo buux dhaafiyay ciidamada boolis Kenya iyo dad badan oo iyagu halkaas isugu soo baxay, kuwaas oo u badan ganacsato Soomaaliyeed oo goobahooda ganacsi saaka laga bur buriyay.
Shaqaaqada saaka ka dhacday Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ay ku saleysan tahay sida wararka lagu helay kala gadasho guryo ay ku ganacsanayeen ganacsato Soomaaliyeed, taas oo keentay in ganacsatada lagu amro in ay alaabtooda kala baxaan guriga ay daganaayeen oo la gatay, isla markaana ganacsatadu ay ka biyo diideen in ay ka baxaan guriga oo qarash uu kaga baxay.
Ciidamada Booliska Kenya oo saaka aroortii goobta soo gaaray ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee careysan ku kala ceyrinayay sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana xaaladda xaafadda Islii gaar ahaan wadooyinka aan soo sheegnay saaka ay yihiin kuwa ay buuxdhaafiyeen boqolaal dad weyne ah oo xiligan ay ka xayiran yihiin goobahooda ganacsi.
Si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay qalalaasaha ka taagan magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Soomaalida ay dagan tahay ee Islii.
Si kastaba ha ahaatee lama oga halka uu ku dambeyn doono qalalaasaha ka taagan xaafadda Islii, maadaama Ciidamada Booliska ee saaka la keenay goobta aysan waxna ilaa iyo iminka ka qaban marka laga reebo in dadka ay kala ceyriyaan mar walba oo dadku ay soo xoomaan.
Wixii soo kordho Waanu soo gudbini Doonaa inshaa alaah ee kalasoco camaloow Online.
Camaloow Online
Ciidamada badda ee Hiindiya oo dhegta dhiiga u daray dooni burcadbadeed Soomaali ah
Taliska Ciidamada wadanka ayaa sheegay inay burburiyeen oo ay dajiyeen dooni ay wateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ka dib markii tacshiirad ay dhexmartey burcad badeeda iyo ciidamada Hindiya ee gaafwareegaya Gacan Biyoodka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Military-ga dalka Hindiya ayaa waxay sheegeen in markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Hindiya oo lagu magacaabo INS Tabar uu maanta iska horimaad la galay kooxo burcad badeed Soomaali ah oo watey markab ayna la socdeen laba doonyood oo ah nooca dheereeya.
Saraakiisha Military-ga Hindiya waxay tibaaxeen in burcad badeeda Soomaalida ay rasaas ku fureen burcad badeeda markabka dagaal ee Hindiya, isla markaana ciidamadu ay ka jawaabeen taasi oo keentey in uu dego Doonidiii ay wateen burcad badeeda.
Shilkan ayaa wuxuu ka dhacay biyaha Gacanka Cadmeed, halkaasi oo maalinimadii shaley oo kala lagu qafaashey laba markab iyo dooni ay wateen.
Kooxaha shufto badeeda Soomaalida ayaa waxaa qafaasheen maalinimadii shaley Markabka nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka Iiraan hase yeeshee ka diiwan gashan Jasiirada Hong Kong kaasi oo ay saaran yihiin 25 qof, Markab laga leeyahay wadanka Giriiga oo ay saaran yihiin 23 iyo dooni nooca kaluumaysiga oo laga leeyahay wadanka Thailand oo ay saaran yihiin 16 qof oo shaqaale ah.
Camaloow Online
Xoogagga Al-shabaab oo magaalada Marka ka qabqabtay xabsigana dhigay dad Muqaadaraad isticmaalayey.........
Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay inka badan 15-qof ka qabqabtay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, kadib howlgallo ay xoogagga Al-shabaab ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka.
Dadka ay qabqabteen xoogagga Al-shabaab ayaa xiligii la qabanayey waxaa ay ku guda jireen isticmaalka wax yaabaha muqaadaraadka ah sida xashiishadda iyo Qamriga.
Xabsiga magaalada Marka ayaa loo taxaabay, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aaddan lagu rido xukunka shareecada islaamka sida ay sheegeen saraakiil katirsan ururka Al-shabaab.
Xoogagga Al-shabaab ee xalay howlgalka fuliyey ayaa irdaha isugu dhuftay goobo badan oo ay adeegsan jireen dadka muqaadaraadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala, waxaana ay digniin u direen dadka arrimahaas ku lug leh.
Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli magaalada Marka iyo magaalooyin kale oo muhiim ah ay gacanta u gashay xoogagga Al-shabaab ee siyaasad ahaan kahorjeeda dowladda KMG ah iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha dalka Soomaaliya.

Cali maxamed geedi oo markale ka soo dhax muuday masraxa siyaasada
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Soomaaliya Cali M. Geeddi ayaa markii ugu horeysay qirtay in Xukuumaddii isaga Madaxda ka ahaa waxyaabo badan ka qaldameen isla markaana qaar ka mid ahaa Wasiiradiisa farta ku fiiqay in ay wax is daba mariyeen.
Isagoo ka hadlayay Xaflad qado sharaf ah oo xubnaha Baarlamaanka u sameeyay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde taas oo shalay ka dhacday Magaalada Nairobi ayuu ku fiiqay Geeddi qaar ka mid ah Wasiiradiisa oo uu ka mid ahaa C/risaaq Isaaq Biixi oo ahaa Wasiirkii Gaashandhigga
"Waxaa halkan fadhiya Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi oo ahaa Wasiirkii Gaashandhigga markii aan aniga ahaa Ra’iisul wasaaraha waxaa jirtay in Wasaaradda u diiwaan gashanayd 14000-kun oo Ciidan ah kuwaas oo bil kasta Mushaar loo qaadi jiray markii la eegayna waxaa la waayay 2000 kun oo Ciidan ah, marka waxaa muhiim ah in la xisaabtamo"ayuu yiri Geeddi oo hadalo dabacsanaan ku hadlayayProf Geeddi waxaa uu sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay inuu ilaaliyo Sharciga laakiin waxaa uu dib u xusuustay qalad ay sameeyeen waa sida isaga la tahay xubnaha Baarlamaanka oo uu ku eedeeyay in Markii la xiray Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Golaha Wasiiradana ay ku baaqeen in la sii daayo Guddoomiyaha Yuusuf Haaruun balse amarkii Wasiirada ka soo baxay la diiday meeshii laga rabay Baarlamaanka inuu ka hadlo arrintaas oo tallaabo ka qaado ay dhacday in intii waraaq loo soo qoray Baarlamaanka sidii la doonayay laga yeeshay.
"Waxay ila tahay in la gaaray waqtigii Baarlamaanka ilaalin lahaa Sharciga"ayuu yiri Geeddi oo waxyaabo badan ka hadlay isagoo si dadban u eedeynayay hogaanka sare ee Dowladda Soomaaliya.
Laakiin sida laga war qabo Cali Maxamed Geeddi ayaa nafsad ahaantiisa waxaa lagu eedeeyay markii culeyska lagu saarayay inuu shaqada isaga tago dhawr arrimood oo ay ka mid tahay Lacag ka timid dalka Sacuudiga oo la sheegay inay gashay Jeebka Mr Geeddi Waa markii u horeysay ee Cali Maxamed Geeddi ka soo muuqdo fadhiyada Baarlamaanka tan iyo markii uu meesha ka baxay, waxaana uu u sheegay Baarlamaanka inuu wali yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.
Camaloow Online
BREAKING NEWS: Nuur Cade oo diyaariyay liiska magacyad Wasiirada cusub iyo xilalka loo magacaabay.
Xilalka wasiirada cusub ee uu magacaabay Ra'isulwasaare Nuur Cadde waxaana ay kala yihiin sidaan.
1) Ismaaciil Cabdi Maxed-Wasiirka Garsoorka iyo Diinta.
2) C/llaahi Sheekh Ismaaciil-Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha.
3) Axmed Maxmoud Goonle-Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah.
4) C/raxmaan Cismaan Diriri-Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska.
5) C/waaxid Cilmi Cumar-Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.
6) C/lla Boss Axmed-Wasiirka Gaashaandhiga.
7) C/raxmaan Jaamac-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. 8) Ibraahim Xabeeb Nur-Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta.
9) Fahma Axmed Nur-Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
10) Axmed sheeq Maxed Laxoos-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.
Wasiiro ku xigeenada Maanta la magacaabay
1) Maxuud Maxed Ofekiyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada iyo Qorsheeynta.
2) Ismaciil Xasan Maxuud Timir Wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo Arimaha Fedralka.
3) Xasan Macalin Xuseen Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Guryeynta.
4) Maxed Shiikh Yuusuf Wasiir ku xigeenka Wasaarada Garsoorka iyo arimaha Diinta.
5) Bashiir Maxed aadan Wasiir ku xigeenka wasarada wax barashada iyo Hidaha.
6) Ibraahin Isaaq Nuur Wasiir ku xigeenka wasarada Isboortiga iyo Arimaha Dhalinyarada.
7) C/rashiid Maxed Xidig Wasiir ku xigeenka wasaarada Ganasiga iyo Warshadaha 8) Maxuud Barre Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Aminga dalka.
9) Salaad Cali Jeele Wasiir ku xigeenka Wasarada Gaashaanidhiga.
10) Yuusuf Mire Ugas Wasiir ku xigeenka Wasarada Duulimadka dekedaha iyo Gaadidka Hawada.
11) Dr Xuseen Cismaan Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta.
12) Qadar Xasan Good Wasiir ku xigeenka wasaarada Beeraha iyo Horumarinta Dhulka.
13) Xasan Ibraahin Maxed Wasiir ku xigeenka Wasarada Boostada iyo Isgaarsiinta.
14) Ibraahin Cali Saalax Wasiir ku xigeenka Wasaraada Caafimaadka.
15) Cali Maxed Axmed Wasiir ku xigeenka xanaanada Xoolaha,Kaluumeysiga iyo Deegaanka.
16) Jamiilo Siciid Yuusuf Wasiir ku xigeenka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska.
17) Maxed Muxumed Aada wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada.
BREAKING NEWS: Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo goordhow shir jaraa'id ku qaban doona magaalada Nairobi.
| BREAKING NEWS: Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo goordhow shir jaraa'id ku qaban doona magaalada Nairobi. |
| BREAKING NEWS: Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo goordhow shir jaraa'id ku qaban doona magaalada Nairobi. |
War goordhow aanu ka helnay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu shir jaraa'id ku qabanayo Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Nuur Cadde ayaa shirkiisa jaraa'id kaga hadli doona arrimo dhowr ah gaar ahaan qudbadii shalay uu madaxweyne Yuusuf u jeediyey xubnaha Barlamaanka, isagoona jawaab kulul ka bixin doona qudbadaas.
Shirka jaraa'id oo ka dhici doona xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegayaa inuu goob joog ka ahaan doono safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya mudane Cali Ameeriko.
Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa lagu wadaa inuu shir kiisa jaraa'id ku soo hadal qaado khilaafka kala dhexeeya isaga madaxweyne Yuusuf iyo hadalkii uu shalay sheegay ee ahaa inaanu wax xukuumad ah ka jirin dalka Soomaaliya.
Wariyeheena magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in hadda ay socoto qaban qaabada shirka jaraa'id islamarkaana bahda saxaafadda ay ku sii qulqulayaan madasha shirka jaraa'id uu ka dhici doono.
Abu-mansuur oo ku amray Indhacade inuu hubkiisa soo wareejiyo.
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow(ABU-MANSUUR)ayaa ku amray Indhacade inuu hubkiisa soo wareejiyo saacadaha soo socda,hadii kalena xoog hubkadhigis lagu samayn doono.Indha-cade ayaa arintaas ka biyo diiday,isagoo ku andacoonaya in hubkaas ay beeshiisu leedahay,isla markaana aanu awood u lahayn inuu wareejiyo.
Abu-Mansuur ayaa sida aan wararka ku helaynoku eedeeyey Indhacade inuu yahay nin qabiili ah,isla markaana uu hubka ku wareejiyo Mujaahidiinta,ka madaxa banaan qabyaalada.
Qabsashada Marka ayaa timid kadib amrkii Indhacade ku dhawaaqay inuu maamul u samaynayo gobolka Shabeelada Hoose,isagoo damacsanaa inuu u dhiibo oday ay isku beel yihiin.
Dadka reer Marka ayaa aad u soo dhoweeyey hub ka dhigista lagu samaynayo Indhacade oo sida ay sheegeen gaysan jirey tacadiyo ka dhan ah bini'aadamka.
Indhacade ayaa la sheegayaa inuu cararkii ku galay Muqdisho iyadoo Yuusuf indhacade uu ku sugnaa magaalada Marka tan iyo intii uu kasoo laabta dalka dibadiisa kadib burburkii maxkmadaha iyadoo ay wararku sheegayaan inaysan kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab iyo Yuususf indho cadde aysan isku wacnayn taas oo ay ku eedeeyeen inuu uleexday dhinaca qabaa'ilka.. hiiraanweyn
Waxaa soo muuqaneysa loolan xoog leh oo u dhaxeeya Kooxaha
13 Nov 2008 Waxaa soo muuqaneysa loolan xoog leh oo u dhaxeeya Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, taasoo salka ku heysa gacan ku heynta deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose oo ah gobol barwaaqo ah.
Xalay ayay aheyd markii Xoogag taabacsan Maxkamadaha islaamka ay la wareegeen deegaanka ay dadka barakacayaasha u badan yihiin ee Ceelasha Biyaha.
Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa wararku sheegayaan inay Bandow ku soo rogeen Deegaankaasi Ceelasha Biyaha oo ahaa Deegaan nabdoon oo ay saldhig u tahay dad fara badan oo ka barakacay dagaalada joogtada noqday ee ka oogan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale markii ay Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah gacanta ku dhigeen xalay deegaankaasi Ceelasha Biyaha ay xabsi ku yaala halkaasi ka sii daayen maxsaabiis dhowr ah oo horay halkaasi ugu xireen kuwaasi oo ay xireen maamulkii horay halkaasi uga talin jiray.
C/raxiin Ciise Cadow oo ah Afhayeenka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa cadeeyay inay halkaaasi u tageen ay tahay markii ay dadka deegaankaasi ay ka soo dalbadeen inay ammaanka Deegaankaasi la wareegaan, islamarkaan ay sugaan ammnka Deegaankaasi.
Dhinaca kale waxaa deegaankaasi ka jira Cabsi lixaad leh oo ku aadan inay halkaasi soo weeraraan Ciidamada Itoobiyaanka oo wadadaasi marin u ah, sidoo kale waxey arrinta u muuqataa mid ciidamada Itoobiyaanka ay ku jiraan Go’doon, waxeyna dadka qaarkiis sheegayaan inay lama huraan tahay in halkaasi uu iska horimaad ka dhaco, balse la arki doonee saacadaha soo socda wixii dhaca.
Tagitaanka Maxkamadaha Islaamiga degaanka ceelasha biyaha ayaa waxay ku soo aaday saacado kadib markii Magaalada Marka iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ay qabsadeen dagaalyahanada Al Shabaab.
Sida muuqatana Labada Garab oo Al Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga mid walba waxaa uu doonayaa inuu isago ku gacan sareeyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Camaloow Online

|