Welcome    To     Camaloow    Online

 

 

 Rag hubeysan oo dil ka geystay magaalada Baledweyne oo iyagana Qaar kamid  laga dilayQaarna Laqabqabtay . 

 

                      Waxaan  kacudurdaaraneeynaa Sawirada. Waana soogalini doonaa inshaa allah  

 

  

Kooxa dableey ah oo hubeeysan ayaa mantay waxa ay weerarku qaadeen mid kamid ah shirkadaha ganacsiga sigaarka ee ku yaala magaalada B/weyne ee xarunta G/ka Hiiraan wxa ayna kooxuhu ku dileen Mid ka mid ah mas uuliyiinta shirkada sigaarka ee business Royal oo lagu magacaabo suleeymaan .

Kooxaha falkan dilka ah geeystay ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan goobta ay dilka ka geeysteen waxaana durbadiiba isla goobta lagu toogtay mid ka mid ah kooxihii falaka dilka ah fuliyay waxaana sidoo kale goobta isku dayay in uu ka baxsado mid ka mid ah sadaxda nin ee falka dilka ah fuliyay isagoo Bambo lasoo baxay markii uu arka in uusan baxsaneeynin dib ugu tuuray kooxihii eryanayay waxaana Bomkaasi uu sababay in hal haweeneey ah ay ku geeriyooto isla markaana ay 5 kale ku dhaawacmaan.

Ciidamada amaanka ee maxaakiimta islaamka ayaa ugu dambeeyntii gacanta ku soo dhigay ninkii bamka tuuray sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha maxaakiimta islaamka ee gacanta ku haya magaaladan B/weyne inkastoo uu jiro mid ka mid ah raga oo baxsaday waxa ayna sheegeen in ay ku dabajoogaan isla markaana ay gacanta ku soo dhigidoonaan sida ay hadalka u dhigeen iyagoo sidoo kale intaasi ku daray in ragan shareecada la hor keeni doono.

Sikastaba Ha ahaatee tirada dhimashada maantay waxa ay gaareeysaa ilaa iyo 3 ruux oo mid ka mid yahay kooxihii weerarka soo qaaday halka dhaawucuna uu cagacageeynayo ilaa 9ruux oo dhamaantood ay yihiin dad rayid ah siada ay noo sheegeen saraa kiisha caafimaadka ee cisbitaalak weeyn ee magaaldan B/weyne waxaana dhaaweaca ka mid ah ilaa 2bo ruux oo dhaawacoodu yahay garaabo oo ay kooma ku jiraan.

Falalkan waxa ay qeeyb ka yihiin falaka amaan xumo oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay magaaladan B/weyne dhawaan ayey aheeyd markii magaalada lagu dilay Alaha unaxariistee gudoomiyihii golaha Odayaasha dhaqanka G/ka Hiiraan oo ay rag hubeeysan ku dileen Bartamaha magaalada B/weyne.

Camaloow Online B/Weeyn

 

Deeganada Leego iyo Yaaqbariweyne oo ey shalay ka dheceen dagaalo aad u culus ayaa iminka dagan, waxaana deegaanadaasi iminka gacanta ku dhigay ciidamada dowladda iyo kuwo Itoobiya oo ey kaashanayaan.

Kooxihii shalay dagaalada kula galay halkaasi ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia ayaa gabi ahaanba laga sifeeyay deegaanadaasi, mana cada ilaa iyo iminka halka ey ku sugan yihiin ama ey u firxadeen.

Dagaaladan ey ciidamadamadu ku qabsadeen dhamaan deegaanada hoostaga gobolada Bay iyo Bakool iyo inta badan gobolka sh/dhexe ayaa waxaa horay meelo ka mid ah ugu sugnaa kooxaha kasoo horjeeda dowladda federalka iyo ciidamada Itobia.

Dagaaladan lagu qaaday kooxahani ayaa u muuqday kuwo qorsheysnaa, waxaana lagu tilmaamay deeganada iminka laga saaray kooxanahi kuwo lagu soo abaabuli jiray dhamaan qorshayaasha iyo weerarada ey qaadi jireen kooxahani.

Sidoo kale qorshahan dagaal ee lagu wiiqay kooxahani ayaa u muuqda kuwo la isku waafajinayo hanaanka dib u heshiisiineed ee iminka sida xowliga ah uga socda magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi.

 

Ciidamada dowladda KMG ah oo nin waalan ku dhaawacay degmada Kaaraan saaka...

Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ayaa saaka nin rayid ah waxa ay ku dhaaweceen degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ninka rayidka ah ee ay dhaaweceen ciidanka dowladda KMG ah ayaa la sheegay inuu ahaa nin madaxa looga jiro, waxaana uu markii hore qori kula dhigay mid kamid ah ciidanka dowladda.

Ciidamo kale oo katirsan dowladda oo goobta joogay ayaa tacshiirad ku furay ninka, waxaana ay dhaawac ka gaarsiiyeen gacanta sida ay sheegayaan dadka deegaaka oo nala soo xiriiray.

Falka dhaawaca ah kadib ayaa la sheegay in ciidanka dowladdu ay diideen in la qaado dhaawaca ninka rayidka ah ee madaxa looga jiro kaas oo dadka deegaanku ay doonayeen inay u qaadaan isbitaalka Keydsaney si halkaas logu soo daweeyo.

Ciidamada dowladda ayaa badanaa magaalada Muqdisho ku dila, ku dhaawacam dhacna ugu geysta dadka shacabka ah, waxaana horey u jirtay in ciidanka Itoobiya ay laayeen dad fara badan oo madaxa looga jiray kuwaas oo si bareer ah ay ugu dileen goobo ku dhow fariisimadooda ciidan.

Camaloow Online  Nairobi

 

Dawladaha Yemen, Denmark iyo jarmalka oo kulan saddex geesood ah ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya.

Kulan saddex geesood ah oo ay magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ku yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Jarmalka ayay ku faaqideen xaaladda dalka Soomaaliya iyo rabshadaha ka taagan. 

Kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Jarmalka ayaa dhinacyadaasi iskula soo qaadeen suurto galnimada xal u helidda mushkiladaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii ay dawladahooda kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.  
 
Wasiirarada arrimaha dibadda dalalka Denmark, Jarmalka iyo Yemen ayaa waxay sidoo kale kulankooda isula soo qaadeen sidii ay suurto gal u noqon lahayd in xal waara loo helo rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalada nabadda ee laga dhex wado dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda lagu qancinayo inay isu tanaasulaan. 

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Denmark ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay in dalka Yemen ay iskaashi kala sameeyaan sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya, taageerana loogu fidin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, isagoo ku amaanay dawladda Yemen sida bini’aadanimada leh oo ay ula dhaqanto qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo cararaya rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya.
 
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka ayaa isagana kulanka ka sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo dalka Yemen sidii wax looga qaban lahaa duruufaha nololeed ee soo wajahay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen.  

Gabagabada kulanka ay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Yemen, Denmark iyo Germany ku yeesheen magaalada Dubai ayay sidoo isku raaceen inay kulan kale isugu yimaadaan dhammaadka bishan si ay u dhamaystiraan talaabooyinka ku aaddan isu soo dhoweynta dhinacyada Soomaaliya ee siyaasadda isku haya iyo soo afjaridda rabshadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Xoogagga maxkamadaha oo hawl gal ay ka sameeyaan magaalada Beledweyne ku soo qab-qabtay tiro dad ah.

Ciidamada nabad gelyada maxkamadaha Islaamiga ee magaalada Beledweyne ayaa hawl gal ay xalay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne ay ku soo qab-qabteen ilaa 6 qofood oo lagu soo eedeeyay falal ammaan darro iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Hawl galladan ayay ciidamada nabad gelyada maxkamadaha ka sameeyeen magaalada Beledweyne ayaa waxa uu ka dhacay xaafadaha Buundada iyo Hawl wadaag kaddib markii dadka deegaankaasi ku dhaqan ay cabasho ka muujiyeen dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya ee xaafadahaasi xarumaha ka sameystay

Saakay aroortii ayaa dadkaasi ay xalay soo qab-qabteen ciidamada nabad gelyada maxkamadaha waxaa lagu xiray saldhigga magaalada Beledweyne, iyadoo saraakiil u hadashay ciidamada nabad gelyada maxkamadaha ay sheegeen inay dadkaasi marsiin doonaan sharciga Islaamka.

Hawlgalladan ay xalay ciidamada nabad gelyada maxkamadaha Islaamiga ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo iyagu marar badan oo hore cabasho ka gudbiyay dadka isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya oo falal liddi ku ah ammaanka ka waday xaafadaha ay deggan yihiin.

Camaloow Online B/Weeyn

 

Maamul goboleedka Puntland oo beeniyay  warar sheegaya inay ka go'ayso dalka Somalia.

Maamul  goboleedka maamulka Puntland ayaa beeniyey wararka sheegaya in maamulka Puntland uu qorshaynayo in uu ka go’o gabi ahaanba dalka Somalia isla markaana uu noqdo dowlad gaar ah oo gooni u goosattay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/raxmaan Max’ed Bangax oo shir jaraa’id maantay ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Puntland wararkaasi ay beeninayso ayna u aragto warar ay ka dambeeyaan dad ka shaqaynaya bara bogaando islamarkaanana doonayana in ay kala faquuqaan umada Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaasi raaciyaya Bangax in Puntland ay tahay dowlad goboleed ka tirsan dalka Somalia amnigeeduna uu yahay mid taam ah ayna si aad ah uga shaqaynayana sii xoojinta amniga Puntland ,waxaa uu sheegay in sido kale Puntland ay ka shaqaynayso sidii ay isugu keeni lahayd umada Soomaalieed ee kala lunsan laakiin aanay ka shaqaynayn sidii ay u kala kaxayn lahayd umada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Max’uud Bangax ayaa waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay in uu ugu baaqayo umada somaliyeed iyo kuwa Puntlandba in ay ka shaqeeyaan sidii ay u soo celin lahaayeen maamulkoosii iyo dowladoodii midaysnayd iyo waliba in ay gacan siiyaan maamulkooda puntland iyo DFKMG ah ee Somalia sidii ay u soo laaban lahayd kala danbayntii dadka iyo dalkuba uu lahaa.
Camaloow Online  Nairobi

 

Saraakiil militari oo Maraykan ah oo la xaqiijiyay inay bixiyaan amarada duqeynta iyo hawlgallada ay sameeyaan ciidamada AMISOM.

Sida uu qoray Telefishin laga leeyahay dalka Iiraan oo lagu magacaabo TV Press isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya, waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM mar kasta oo ay hawl gal ka sameynayaan Magaalada Muqdisho ay si toos ah amarka uga qaataan Xafiiska Xukuumadda Washington ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya oo telefishinkan soo xigtay ayaa sheegay in ciidamada AMISON ee ku sugan garoonka Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho aanay marnaba qaadi Karin hawlgallada ka dhanka ah kooxaha wax iska caabinta iyagoo aan xiriir toos ah la sameynin safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi taasoo muujinaysa doorka xukuumadda Washington ku leedahay dagaallada ka soconaya magaalada Muqdisho.

Telefishinkan laga leeyahay dalka Iiraan oo soo xiganayay sarkaalkan ka tirsan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in 25 ka tirsan saraakiisha militariga Maraykanka oo ku sugan magaalada Nairobi ay ciidamada AMISOM kala taliyaan dhinacyada hawl gallada ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in duqeymada ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan goobaha dadka rayidka ah ay deggan yihiin sida Suuqa Bakaaraha oo kale ay amarkaasi bixiyaan saraakiisha sirdoonka iyo kuwa militariga Maraykanka kaddib marka ay ciidamada AMISOM siiyaan tilmaanta baraha ay madaafiicda la beegsanayaan.

Warbixinta uu Telefishinka dalka Iiraan qoray isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada Dawladda federalka Soomaaliya waxay muujinaysaa xiriirka tooska ah ee Xukuumadda Washington iyo ciidamada AMISOM kala dhexeeya hawlgallada ay ka sameynayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Camaloow Online  Nairobi

 

Waa sidee Xaalada Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan kadib markii dhawaan la dilay Gudoomiyahoodii?

Khamiis, October 16, 2008(HOL):  Marka laga soo tago Maamulladii is-daba jooga ahaa ee soo maray Gobalka Hiiraan haddii ay ahaan la haayeen kuwii ay soo magacaabi jirtay Dowladda Federaalka iyo kuwii ka dhashay nidaamkii Maxkamadaha intaba, Golaha Odayaashu waxaa ay haayeen kuwa iska leh talada ugu danbeysa marka la gaarayo go'aamada, ama xitaa waxaa uu ahaa Goluhu kan iska leh awoodda ugu sareysa ka hadalka arimaha dhanka iyo siyaasada intaba.
 
Xarunta uu Goluhu ku leeyahay Magaalada Beledweyne Subax kasta marka uu waagu baryo waxaa ay aheyd mid aad u mashquul badan isla markaana ay ka socdaan shir iyo kulmo lagu gorfeynayo haddaba arimaha ku soo kordha Gobalka, waxaana bilihii ugu danbeeyay Kulamadii ka dhici jiray ahaayeen kuwo looga hadlo xaaladda Nabad-gelayada iyo sidii looga samata bixi lahaa dagaal gudaha Magaalada Ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Jante-kuundisho iyo Xoogagga Maxkamadaha.
 
Shiraka iyo kulamada xiligaaa ay yeelan jireen Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan waxaa ay ahaayeen kuwo uu shir Gudoomin jiray Alle ha u naxriistee Gudoomiyihii hore ee Golaha Nabadoon Dacar Xirsi Xoosho oo 7-dii bishan kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Beledweyne.
 
Laakiin marka la eego xaaladda Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan  waa mid sidii hore ka duwan, ma jiraan shirarkii is-daba jooga ahaa ee la qaban jiray, sidoo kale waxaa meesha ka baxay kulamadii xitaa looga hadli jiray xaaaladda dadka ku dhibaateysan qeybaha Gobalka ka kooban yahay, halka dhici kalena ay yaraadeen wararkii Xubanaha Goluhu ka sii deyn jireen qalabka warbaahinta marka ay jiraan marxaladaha adag.
 
''Mid ka mid ah Xubnaha Golaha Odayaasha oo ay la hadashay HOL ayaa sheegtay in habacsanaanta ku timid dhaqdhaqaaqii Golaha la oran karo waa mid xiriri la leh falkii lagu dilay Guddoomiyihii hore Nabadoon Dacar, Waayo Xubin kasta oo Golaha ka mid ah arintaa shaki ayay ku dhalisay ayuu intaas sii daba dhigay.
 
Marka laga soo tago aamusnaanta ay galeen Xubanaha  Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan sidoo kale waxaa cadaan ah in dilkaasi uu saameyn mug leh uu ku yeeshay Xubnaha hogaanka u ah Maxkamada gacanta ku haya guud ahaan Gobalka Hiiraan kuwaas oo u muuqda in ay ku kala qeysameen sida uu falku u dhacay.
 
Dad badan ayaa is-weydiinaya waxa ay soo kordhin karaa 33 Oday oo dhawaan loo magacaabay ka soo shaqeynta Nabad-galyadda Gobalka Hiiraan, mar haddii Golahii ka koobnaa 63-ka Xubnood noqdeen kuwo Afka gacanta saartay markii la dilay Guddoomiyahoodii.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

 

BRAKING NEWS: Dagaal qaraar oo hadda ka socda isgoyska KM4.

War goordhow nagasoo gaaray isgoyska KM4 ee degmada Hodan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu halkaasi ka socdo.

Sida wararlku nagu soo gaarayaan dagaalka oo u dhexeeya xoogagga kacdoonka iyo ciidamada Ugandha iyo kuwa dowladda oo isku garabka ah ayaa hubka la isku adeegsanayo daryankiisa waxaa si weyn looga maqlayaa qeybo badan oo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Maadaafiic xoggan oo ay ridayaan ciidamada Ugandha ayaa ku dhacaya degmooyin katirsan magaalada Muqdisho sida wararku nagu soo gaarayaan kuwaas oo daryankooda si weyn looga maqlayo inta badan xaafadaha muqdisho.

Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in xoogagga Kacdoonka ay ku dhawaadeen fariisimaha ciidamada Ugandha ay ku leeyihiin isgoyska KM4, waxaana halkaas iminka ka socda dagaal fool kafool ah oo aad u xooggan.

Wixii soo kordha wararkeena dambe kala soco Insha'alaah.

 

BREAKING NEWS: Duqeyn loo geystay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.....

Warar goordhow aan helnay ayaa sheegaya in duqeyn xooggan loo geystay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka soo dageen diyaarado.

Sida wararku nagu soo gaarayaan madaafiic xooggan ayaa lagu duqeeyey garoonka xilli ay halkaas soo caga dhigteen diyaarado isugu jira kuwa milatari iyo shacab.

Ma cadda duqeynta loo geystay waxyeelada ka dhalatay, waxaana warar aan goordhow helnay ay sheegayaan in tiro madaafiic ah ay ku dheceen gudaha garoonka xilli ay halkaas fadhiyeen diyaarado ka soo dagay garoonka.

Xoogagga Al-shabaab ayaa duqeynta garoonka geystay kuwaas oo horey u sheegay in garoonku uu xiran yahay maadaama ay sheegeen inay ku adeegtaan cadowga dalka qabsaday.

Wiixi soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha'alaah.

 

Wiil yar oo 6 jir ah oo lagu Adduubay Muqdisho, madax furashana lagu sii daayay.Lacag dha 200 oo doolar oo kali ah........

Waxaa degmada Xamarwayne gaar ahaan xaafadda Via Roma maalinimadii Talaadada ee aynu soo dhaafnay lagu afduubay wiil yar oo 6 jir ah oo uu dhalay aabe lagu magacaabo Axmed C/qaadir kaasoo ay afduubteen kooxo aan la garanayn oo geeyay guri mugdi ah oo ku yaala degmada Wardhiigley.

Qoyska dhalay wiilkaasi oo mar dambe ogaaday in wiilkooda la la’ yahay ayaa bilaabay inay ka baadi goobaan dhammaan xaafadaha degmada Xamarwayne iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir, taasoo ay ku guul darreysteen, waxaana markii uu gabbalku dhacay bilaabeen inay ka baadiyaan idaacadaha maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Maalinimadii Arbacada subaxdeedii iyadoo weli sidii loo la’ yahay canuggii yaraa ayaa waxaa guriga qoyska wiilka uu ka maqnaa yimid nin dalbaday inuu la kulmo aabaha canugga, wuxuuna u sheegay in wiilkiisa uu afduuban yahay kooxo isla markaana ay ku haystaan degmada Wardhigley, lagana doonayo in haddii wiilkiisa uu noloshiisa rabo uu bixiyo lacag madax furasho.

Is jiid-jiid iyo gor-gortan dheer kaddib aabaha dhalay wiilkaasi wuxuu oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan $ 200 doollar oo madax furasho, waxaana saacado kaddib wiilkii yaraa lagu keenay mooto isagoo diif aad u ba’ani ka muuqato.

Ciidamada booliska degmada Xamarwayne oo dhacdadaasi ka war helay ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan ninkii odayga ku soo wargeliyay afduubka wiilkiisa isla markaana u keenay, waxaana taliyaha saldhigga Afar-irdood uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkaasi oo ku andacooday inuusan isagu lug ku lahayn afduubka balse uu u kala dab qaadayay kooxaha wax afduubtay iyo canugga aabihiisa.

Ma ahan afduubyada caynkan oo kale ah falal ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana loo aanaynayaa in falalkaasi ay qeyb ka yihiin ammaan darrada baahsan ee ka jira magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

 

80-xildhibaan oo si hordhac ah saacadihii ugu dambeeyay u gaaray magaalada Nairobi.

Xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa si raxan-raxan ah u gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo saacadihii ugu dambeeyay ay gaareen in ka badan 80 xildhibaan kuwaasoo ka kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo dalalka dibadda.

Xildhibaanadan ayaa durba laga dareemayaa goobaha la isugu yimaado aragtidooda, waxaana saacad kaddiba la arkayaa xildhibaan cusub oo ku soo biiraya kuwii horay u joogay magaalada Nairobi, isla markaana waxaa billowday kulamo gooni gooni ah ay u qaadanayaan oo ay uga hadlayaan waxyaabaha iyaga la tahay inay u tageen halkaasi.

Hoteellada qaarkood ee ku yaalla halkaasi ayaa waxaa ay noqdeen kuwo si aad ah ay u buux dhaafiyeen, waxaana ilaa iyo hadda tiradu ay maraysaa in ka badan 80 xildhibaan oo isugu jira rag iyo haween oo ay ku jiraan qaar si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa waxay qeyb ka yihiin labada gole ee dawladda federalka Soomaaliya iyo madaxdooda sar-sare oo looga yeeray magaalada Nairobi kuwaasoo lagu wado inay kulamo wada tashiyo ah oo aan ujeedadiisa la garan ay la qaataan madaxda urur goboleedka IGAD oo casuumaadda u fidiyay dawladda federalka Soomaaliya.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Taliyihii nabad sugiida magaalada Beydhabo oo saaka waaberigi lagu dilay gudaha magaalada Beydhabo.

Ibraahim Sheekh Xasan oo ahaa taiyihii nabad sugidda magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saaka waaberigii toogasho lagu dilay xilli uu mararyey suuqa sarifka ee magaalada Beydhabo.

Falka dilka ah ee lagu khaarijiyey Ibraahim Sheekh Xasan taliyihii ciidanka nabad sugidda Beydhabo waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo toogasho ku dilay taliyaha.

Kooxaha dilka geystay ayaa si nabad ah goobta uga tagay, iyadoo durba ay goobta soo gaareen ciidamo katirsan dowladda KMG ah kuwaas oo meydka ka qaaday goobta.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda ay yihiin kooxaha dilka u geystay taliyihii nabad sugiida magaalada Beydhabo, hase ahaatee sida uu soo sheegayo wariyeheena magaalada Beydhabo xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana waddooyinka magaalada Beydhabo isku faafiyey ciidamada dowladda.

Tacshiirado ayaa la sheegay inay furayaan ciidamada, mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo saaka ka jira suuqyada magaalada Beydhabo.

Dilka taliyahan ayaa imaanaya xilli horey loo khaarijiyey taliyihii kan ka horeeyey oo lagu magacaabi jiray Mayow Teysiyow, waxaana dilalkaan ay qeyb ka yihiin kuwa lala bartilmameedsado mas'uuliyiinta dowladda kamid ah.

 

 

Hay'adaha Samafalka oo loogu baaqay inay isticmaalaan garoonka diyaaraahaha ee Baledweyne.

Maareeyaha guud ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne Shiikh Xuseen Cismaan Mubaarak ayaa mar uu la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta waxaa uu sheegay in wixii hada ka danbeeya Garooonku yahay mid furan islamarkaana ay soo caga dhigan karaan dhamaan duulimaadyada.

Shiikh Xuseen Mubaarak waxaa uu si gaar ah carabka ugu dhuftay Diyaaradaha Hay’addaha Samafalka oo tan iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka aan adeegsan Garoonka” Hadii mar hore Hay’aduhu ay uga baqeen adeegsiga Garoonka sababo dhinaca Nabad-galyada ah, hada xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay oo Garoonku waa amaan’ ayuu yiri Shiikh Xuseen.

Waxaa kaloo uu sheegay Maareeyuhu amaanka Garoonka diyaaradaha in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Midowgga Maxkamadaha mana jiri doonto ayuu yiri cid kale oo caqabad ku noqon karta habsami u socda howlaha Garoonka.

Hadalka ka soo yeeray Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda mid sii adkeynaya hadal uu horay uga sheegay Warbaahinta Gudoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo sheegay in dhaman duulimaadyadu adeegsan karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne inta uu xiran yahay ayuu yiri Garoonka Magaalada Muqisho.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii is xig xigay ee ka dhacay qeybo ka mid Gobalka Hiiraan oo ay ka mid tahay Degmada Beledweyne howlaha Garoonka Diyaaraduhu waxaa ay ahaayeen kuwo gaabis ku socda, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore Garoonka lagu tuuray Hobiyayaal aan la ogeyn cid ka danbeysa.

C/qaadir Muuse Max’uud
Beledweyne

 

Bandow xalay ka dhaqan galay magaalada Baled Weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan....

Waxaa xalay ka dhaqan galay magaalada B/weyne bandaw ay Maxkamadaha Islaamka ku soo rogeen magaaladaas, xilli gacan ku heynta magaalada ay dhawaan gacanta u gashay Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Abaare 09:30 fiidnimo ee xalay ayaa waxaa magaalada B/weyne ka dhaqan galay bandawgii maalinimadii shalay ay soo rogeen Maxkamadaha Islaamka,iyadoo ganacsigii, dhaq dhaqaaqii dadka iyo isku socodkii gaadiidka ay joogsadeen.

Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ilaalinaya sharciga bandawga ayaa lagu arkayay xalay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada B/weyne, kuwaas oo si feejignaan ah ugu dhex soconayay magaalada qeybaheeda kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama sheegin cid jabisay bandawga oo ay soo qabteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, waxaana bandawgu uu u muuqdaa mid sidii la rabay uga hir galay magaalada B/weyen.

Si kataba aha ahaatee bandowga magaalada B/weyne xalay ka dhaqan galay ayaa noqonaya bandawgii ugu horeeyay oo ay Maxkamadaha Islaamka ku soo rogaan halkaas, tan iyo markii ciidamada Maxkamadaha ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada markii ciidamada Itoobiya si iskood ah ay uga baxeen guud ahaan gobolka Hiiraan.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Maxkamadaha Islaamka ee ka arimaya B/weyne oo bandaw ku soo rogay magaaladaas.

Maxkamadaha Islaamka ee ka arimaya gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne ayaa bandow ku soo rogay magaaladaasi, xilli magaaladaasi ay dhawaan gacan ku heynteeda la wargeen Maxkamadaha Islaamka.

Mas'uul ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo shalay ka hadlay Munaasabad lagu maamuusayay Ciidul fidriga oo ka dhacday fagaaro ku yaalla degmada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ayuu sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka fiidnimo ay magaaladu bandow tahay.

Sheekh Xuseen Maxumud Gaagaale ayaa shaaca ka qaaday in ay bandow looga gol leeyahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka magaalada B/Weyne, isagoo sheegay in magaalada dhexdeeda aan lagu qaadan karin wax hub.

"Cidii lagu arko iyadoo magaalada dhexdeeda hub ku dhex wadata waa lagala wareegi doonaa hubka" ayuu yiri Sheekh Xuseen Muxumad Gaagaale oo ah sarkaalka ugu sareeya Midowga Maxkamadaha Islaamka ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee amarkaan ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka ayaa imaanaya maalmo kooban ka hor magaalada B/weyne iyo gobolka Hiiraan ay faarujiyeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Warsaxaafadeed:Ku Saabsan Ka Bixitaanka Eithopia ee Gobalka Hiiraan.

Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu soo dhaweeynayaa ka bixitaanka ciidamada Ethiopia gobolka Hiiraan, waxaa uuna caddeynayaa in guuritaankaan ugu dambeeyey ee ay ciidamada Ethiopia uga guureen gebi ahaanba Gobolka Hiiraan in uu ku yimid wadahadal iyo dadaal dheeraad ah uu bixiyey Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,gaar ahaan guddiga nabadgelyada.

Waa Allah mahadii haddii uu maanta G.Hiiraan madax banaan yahay culeyskii ciidamada gumeysigana laga dulqaaday, dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi.

Isbahaysiga oo ka tacsiyadaynaya wixii dhib ah ee soo gaaray dadweynaha G.Hiiraan intii ay ciidamda gumeysiga ah ku sugnaayeen Gobolkaasi , waxaa uu ammaan iyo bogaadinba u jeedinayaa xooggaga muqaawamada ee u dhabar adeygay sidii ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen, waxa uu dadweynaha gobolka iyo masuuliyiintoodaba ugu baaqayaa inay sugaan nabadgelyada guud, soona celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii gobolka ka jirtay intii aysan soo gelin gobolka ciidamada gumeysiga.

Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha G.Hiraan iyo madaxadootdaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud,dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn.

Isbahaysiga waxa uu ugu baaqayaa kuwa wajiga cusub ee dadweynaha lagu waxyeelleeynaya la soobaxay ee kaga mashquulay hadafkii weynaa ee la isgu yimid xaqiijinta danahooda gaarka ah sida carqalateynta duulimaadyada rayidka, ka shaqeynta khilaafka iyo ku jahawareerinta bulshada erayo u adeegaya danaha cadwga Soomaaliyeed inay Allahooda ka cabsadaan, qaderiyaanna marxaladda uu maanta dalku maryo ee u baahan wada jir, ismaqal iyo kala dambeyn, ayna ogaadaan haddii aysan ka waantoobin falalka aan u adeegeynin danaha guud ee shacabka in laga tashan doono.

Ugu dambeyntii Isbahysigu waxa uu Hayadaha samafalka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ugu baaqayaa inay garaar iyo samafalba la soo gaaraan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan guud ahaa , Gaar ahaan kuwa ku dhaqan G.Hiiraan si ay uga soo kabsadaan burburkii iyo barakacii gaaray xilligii Ciidamada cadawga iyo ku sugnaayeen halkaasi, iyadoo uu Isbahysiga caddeynayo in Gobolkaasi ay manta ka jirto nabadgelyo la isku haleyn karo oo ay horsed ka yihiin guddiga gobolka.

Xafiiska Warfaafinta ee ARS
Jabuuti, 30/09/2008.

 

 

Maydadka in ka badan 50 tahriibayaal Soomaali ah oo ku soo caariyay xeebaha dalka Yemen.

Maydadka 52 tahriibayaal Soomaali ah oo isugu jira caruur, dumar iyo rag ayaa lagu soo warramayaa inay ku soo caariyeen xeebaha dalka Yemen iyagoo saaran dooni kuwa Alwaaxda ah oo la socdeen.

Doonidaasi oo ay ka soo shiraacatay xeebaha Mareer ee gobollada Bari ayaa waxay sidday in ka badan 120 qofood oo tahriibayaal Soomaali kuwaasoo midkiiba laga qaaday lacag dhan $ 100 (Boqol doollar), balse doonidaasi ayaa waxaa gashay cillad dhinaca matoorka ah, taasoo sababtay in muddo 18 maalmood ah ay sabeeyaan biyaha dushooda.

Naaquudayaashii doonta oo ku hubeysnaa qoryaha fud-fudud ayaa lagu soo warramayaa inay ku wargeliyeen tahriibayaasha saaran doonta inay ka tagayaan oo ay u keenayaan matoor fiican, iyagana ay sii sugayaan, balse kuma soo noqon, waxaana kaddib dhacday in dadkii saarnaa doonida ay ka dhamaadaan sahaydii ay wateen.

Doonidaasi oo ku soo caariday xeebaha dalka Yemen iyadoo ay saaran yihiin maydadka 52 tahriibayaal Soomaali ah ayaa waxaa laga badbaadiyay ilaa 71 qofood oo iyaga qudhooda naftu gabaabsi ku ahayd kuwaasoo loo fidiyay gar-gaar bini’aadanimo.

Warbixin ay magaalada Geneva ee dalka Switzwerland ka soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in sanadkan oo kaliya ay soo gaareen dalka Yemen in ka badan 31,000 muhaajiriin Afrikaan badan, halka in ka badan 500 oo qofood la waayay amaba ay ku geeriyoodeen biyaha badda.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ka dib markii diyaarad soo degatay la weeraray.

Diyaarad Millateri oo saanad Millateri u siddey ciidamada Yugandha ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka soo degatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo lala beegsaday Madaafiic.
 
Ciidamada Yugandha oo ka jawaabayay madaafiicda lagu garaacay diyaaradda u soo degaysay ayaa waxay tiro madaafiic ah ku asqeeyeen suuqa Bakaaraha oo maanta si aad ah u camirnaa iyadoo ay ka dukaamaysanayeen dadka u diyaargaroobaya Ciidda Fitriga ee maalmaha kooban ka harsan.
 
In ka badan 10 Madfac ayaa ku  habsatay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha kuwaas oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, waxaana ilaa hadda xaqijiyey geerida ilaa 15 ruux oo ku sugnaa Suuqa bakaaraha iyo dhaawaca ilaa 30 kale oo la gaarsiiyey isbitaalka Madiina.
 
Diyaaraddii soo degatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa si nabad ah u duushay iyadoo dad badanna ay darteed u geeriyoodeen.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo la duqeeyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho tan iyo markii kooxda Al-shabaab ay ku dhawaaqday inay xirtay Garoonkaas, mar waliba oo la duqeeyo Garoonkana qasaaro dhimasho iyo dhaawac fara badan ayaa dadka rayidka soo gaarayay, iyadoo diyaaradihii la duqeeyayna aysan wax qasaaro ahi gaarin.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Wararkii Caawa:Burcad badeeda Somalida oo gacanta ku dhigay Marka saaran 30 Taangi iyo gawaarida gaashaaman

Kooxaha burcad badeeda dalka Somalia ayaa maanta afduub u geestay markab ay leedahay dowladda Ukraine. Markabkaasi ayaa waxaa la socda saanad milatari kaasoo ku sii jeeday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda wadankaasi ayaa xaqiijiyey in markabkaasi uu gacanta u galay kooxaha burcad badeeda dalka Somalia, xilli ay kooxahaasi haatan gacanta afduub u hestaan inka badan toban maraakiib ay lee yihiin dowlado shisheeye.

Wakaaladda wararka u faafisa dalka Ukraine ayaa waxay iyaduna xaqiijisay in markabkaasi ay la socdeen illaa 30-taangi iyo weliba gawaarida gaashaaman.

Waxaa sii kordhaya mudooyinkan dambe burcad badeeda ka kacday biyaha Somalia, iyadoo ay taasi bar bar socdaan hadalada kul kulul ee ka soo yeeraya wadamada caalamka "in ay wax ka qaban doonaan" kooxaha burcad badeeda ee afduubka kula kaca maraakiibta isa kala goosha biyaha Somalia

Camaloow Online   B/Weyn

 

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka guuray fariisinkii ay ku lahaayeen buurta Jante Kundishe aya gaaray deegaanka Feer-feer ee dhulka Soomaali Galbeed oo ay Itobiyaanku gumeysi ku heystaan.

Ciidamadaan oo aad ugu hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa ka baxay Jante Kundishe iyagoo gaaray markii hore deegaanka Kala Beyrka ee gobolka Hiiraan, waxaana markii dambe ay gudaha u galeen dhulka Soomaali Galbeed.

Intii ay wadada ku jireen ayaa la sheegay inaney marna ka leexan wadada laamiga ah iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen inay haayeen kuwa aad u feejigan oo ka cabsi qabay dagaal uga yimaada xoogagga kacdoonka ee dagaalka kula jira.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa intii ay wadada ku sii jireen waxa ay si arxan darro dab u qabad siiyeen gaari UD-ah oo siday 120-fuusto oo shidaal ah kadib markii mid kamid ah askarta Itoobiya uu ku tuuray sigaar uu cabayey halkaas oo uu gabi ahaan ku basbeelay gaariga iyo shidaalkii saarnaa.

Ka guurista ciidamada Itoobiya ee gobolka Hiiran iyo fariisinkii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen gobolada dhexe ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo gaadiidleyda oo sheegay inay dhibatooyin ku qabeen ciidamada Itoobiya mudadii ay fariisinka ku lahaayeen Jante Kundishe.

Camaloow Online   B/Weyn

 

BREAKING NEWS: Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka guuray Jante Kundishe oo fariisin cusub ka dhigtay deegaanka Kala Beyrka.

War goordhow naga soo gaaray magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka guuray fariisinkii ay ku lahaayeen Jante Kundishe aya iminka fariisin ka dhigteen halka loo yaqaan Kala Beyrka.

Wararka aanu halkaas ka heleyno ayaa sheegaya in ciidamadaan oo aad u hubeysan ay ay halkaas dageen sida ay sheegeen dadka ku dhaqan agagaaraha deegaanka Kala Beyrka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel-gaal ayaa ku waramay inay arkayeen ciidamadaan oo lugeynaya kuna wajahan deegaanka Kala Beyrka oo ay hadda fariisin ka dhigteen.

Ciidamada ayaa la sheegay inay halkaas difaac xooggan ka sameysteen oo aaney u muuqan kuwa goobta ka tagaya.

Ciidamadaan ayaa faarujiyey buurta Jante Kundishe oo aheyd fariisinka ugu weyn oo ay ku lahaayeen gobolada dhex ee dalka Soomaaliya.

Camaloow Online   B/Weyn

 

 

Midowga Maxkamadaha Islaamka oo cambaareeyay madaafiicda lagu baabi’inayo shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Midowga Maxkamadaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa shir jaraa’id oo dhinaca hawada ah u qabtay saxaafadda gudaha ayaa cambaareeyay madaafiicda sida arxan darrada ah ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISON ugu garaacayaan xaafadaha dadka rayidka ah ay deggan yihiin ee magaalada Muqdisho.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar wuxuu sheegay in ciidamada AMISON ay la soo shaac baxeen sifadii lagu yaqaanay ciidamada Itoobiya, taasoo markii hore ka dahsooneyd shacabka oo ay ku sasabayeen gar-gaar daawo aan sidaasi ka jirin, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada AMISON ay qaadayaan masuuliyadda xasuuqa loo geystay shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Midowga Maxkamadaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar mar uu ka hadlayay xirnaanshaha garoonka diyaaradaha ayuu sheegay in garoonka diyaaradaha ay ciidamada shisheeye ka sokow ay faa’iido ku qabeen shacabka Soomaaliyeed, iyagana midowga maxkamadaha ahaan ay ka hadleen inaysan raali ka ahayn.

Wuxuu intaasi ku daray in walaalahooda mujaahidiinta ah ee talaabadaasi ku dhaqaaqay ay u arkeen in garoonka diyaaradaha manfaciisa u badan ay helayaan ciidamada shisheeye iyo dawladda.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Iska horimaad xoogan oo ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyo xoogaga    Maxaakiimta qeybo ka tirsan degmada Hiliwaa.

Iska horimaad aad u xoogan ayaa saaka ka dhacay qeybo ka tirsan xaafadaha degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, kaasi uu dhaxeeya ciidamada Ethiopia oo ay kaabayaan askarta dowladda KMG ah iyo xoogaga Maxaakiimta Islaamka, ka dib markii weerarolagu qaaday fariisimo ay degan yihiin ciidamadaasi.

Iska horimaadkan ayaa la'isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo dhawaqa hubka cul culus laga maqlayey deegaanii uu dagaalka ka soconayey ee Towfiiq, Carafaat, Miishaanka Dhuxusha iyo qeybo kale oo ka tirsan degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xoogaga Maxaakiimta Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow oo u waramayey idaacadda Simba ayaa tilmaamay in uusan jirin wax qasaare dhankooda ah, hasa ahaatee taa bedelkeed ay qasaare lixaad leh u geesteen garabkii ka soo horjeeday.

Illaa iyo haatan ma jiro war ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo aan looga baran ciidamada Ethiopia in ay ka hadlaan howl galada ay ka wadaan gudaha Somalia. Mana jiraan sidoo kale ilo madax banaan oo si dhab u xaqiijin kara qasaaraha dagaalkan.

Xaaladda deegaanadii uu saaka ka dhacay dagaalka ayaa haatan xasiloon, iyadoo ay cabsi aad u daran muujinayaan dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalama taasoo la xiriirta suurta galnimada in ay baaritaano kula dhaqaaqaan ciidamada Ethiopia, isla markaana uu arrinkaasi saameyn ku yeesho dadka shacabka ah.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Ajaaniib laga soo afduubay gudaha Itoobiya oo lala soo galay gobolada dhexe ee Somalia

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay shaqaale ajnabi ah oo ay maalintii shalay ka soo afduubeen dhinaca ismaamulka Soomaaliya Itoobiya ay ula soo talaabeen dhinaca gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Shaqaalahan ajnabiga ah oo tiradoodu tahay labo ayaa waxaa la sheegay inay u shaqeynayeen hay’ad lagu magacaago ACTION AID oo ah hay’ad la dagaallanta gaajada iyo faqriga kuwaasoo la soo afduubay xilli ay doonayeen hawlo samafal ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmooyinka is maamulka Soomaalida Itoobiya.

Kooxahan oo hubeysan ayaa la sheegay labadaasi shaqaale ee ajnabiga ah ku soo kaxaysteen gaarigii ay wateen, iyagoo shalay gelinkii dambe ka soo talaabay xadka uu gobolka Galgaduud la wadaago gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxayna wararku sheegayaan inay haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Waxaa jira xiriiro toos ah oo dhex maray odayaasha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Shilaabo ee gobolka Is maamulka Soomaalida ee la xiriira afduubka labadaasi shaqaale ee ajnabiga ah ee u shaqaynayay hay’ad samafal, waxaana durbo ay odayaasha gobolka Gaduud bilaabeen inay baadi goobaan xog la xiriirta halka ay kooxaha hubeysan ku haystaan shaqaalahaasi.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Gaadiidleyda gobolka Hiiraan oo ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Jante Kundishe.

Gaadiidleyda gobolka Hiiran ayaa cabasho xooggan ka muujinya falal ay kula kacaan ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh buurta Jante Kundishe duleedka bari ee gobolka Hiiraan.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay si xun ula dhaqmaan, iyagoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay gaadiidka xamuulka ah rarka ka dajiyaan deetaana ay jirdil u geytaan.

Mid kamid ah gaadiidleyda oo magaciisa ka gaabsaday sababo xagga amaankiisa ah ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Jante Kundishe ay mararka qaar isticmaalka wadada u diidaan gaadiidka taas oo keenta hakad ku yimaada isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

"Iyagoo ka shaki qaba inaan wadno hub iyo wax lamid ah ayey sidaas u sameeyaaan, waxayna nagu hayaan dhibaato joogta ah" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu sheegya in muddooyinkan dambe ay ciidamada Itoobiya kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan gaadiidleyda, isagoo intaa raaciyey in falkii ugu dambeeyey ee gaadiidleyda lagu waxyeelooyo uu ahaa kii ay ciidamada Itoobia madaafiicda ugu duqeeyeen gaari UD-ah.

Si kastaba ha ahaatee cabashadda ka soo yeereysaa gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa imaaneysa xilli ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Jante Kundishe ay dhibaatooyin dhinacyo badan leh u geystaan gaadiidka wadadaas isticmaala.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Inka badan 10-qof oo ku geeriyootay duqeyn galabta ka dhacday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Inka badan 10-qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay duqeyn loo geystay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn la isku weydaarsaday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Madaafiic laga soo riday xarumaha madaxtooyada iyo fariisimaha ciidamada AMISOM ayaa dilay inka badan 10-qof oo shacab ah, iyadoo 7-qof ay ku wada geeriyoodeen hal goob.

Wararka laga helayo ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in dad fara badan ay ku dhinteen qaarna ay ku dhaawacmeen isgoysyada Banaadir iyo isgoyska KM4.

Dhaawac fara badan ayaa la gaarsiiyey isbitaalada Muqdisho qaarkood kuwaas oo ku waxyeeloobay madaafiicda ku habsaday goobaha ay dadka shacabka ah deggan yihiin.

Dad fara badan ayaa guryihii ay deganaayeen isaga cararay kadib markii ay cabsi xooggan soo wajahday, waxaana wararku ay sheegayaan in khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaray uu intaas ka badan karo.

Si kastaba ha ahaatee abaaro 3:15 ee galabnimo ayaa diyaarad milatari oo u socota ciidamada AMISOM waxa ay soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana markaa kadib duqeyn lagu bilaabay garoonka diyaaradaha.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Ciidmada Itoobiya oo madaafiic ku dhuftay gaari marayey duleedka Baledweyne.

Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh buurta Jante kundisha ee duleedka Baledweyne ayaa waxay madaafiic ku duqeeyeen gaari shacab oo nooca UD-ga ah oo marayay wadada hoose ee deegaanka Guufaale oo qiyaastii 2-KM u jirta buurta Jante kundishe.

Madaafiicda ay ciidamada Itoobiya ku rideen gaariga ayaa la sheegay in ay haleeleen waxaana goobta ku dhaawacmay 2-qof oo gaariga saarnayd, waxaana la sheegay in gaariga uu ka cararay darawalkii waday.

Falka kadib ayaa wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay u ruqaansadeen dhinaca gaariga ay madaafiica ku rideen, iyadoo warar goor dhow soo baxaya ay sheegayaan in ay jirto waxyeelo xoogaggan oo soo gaartay gaariga.

Sida wararla lagu helayo gaariga ayaa ka soo baxay magaalada Baledweyne, waxaana uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaariga uu wado shidaal.

Ma cadda sababaha ka dambeeya inay ciidamada Itoobiya gaariga madaafiic ku ridaan, hase ahaatee horey ayey ciidamada Itoobiya u soo saareen amaro ay ku mamnuucayaan in gaadiidka ay maranaan wadada hoose ee deegaanka Guufaale.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh buura Jante Kundishe ay dhibaatooyin u geystaan gaadiidka isticmaala waddooyinka ku dhowdhow buurta Jante Kundishe oo ah fariisinka ugu weyn oo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Madaafiic xalay lagu duqeeyey buurta Jante Kundishe ee duleedka B/weyne.

Madaafiic xooggan ayaa xalay lagu weeraray buurta Jante Kundishe oo ay fariisin ciidan ku leeyihiin ciidanka Itoobiya.

Madaafiicda lagu weeraray Jante Kundishe ayaa daryankooda si weyn looga maqlay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Jawaab madaafiic ah oo ay bixiyeen ciidamada Itoobiya ayaa ku dhacay dhulka buuraleyda ah kuwaas oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ay u geysteen dad xoolo dhaqato ah oo ku dhaqan dhulka Baaraleyda ah.

Wararka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay saaka halkaas dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan, waxaana ay isku balaariyeen dhulka buuraleyda ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayey xaalad cabsi ah soo wajahday, waxaana ay dadkaasi ay walaac ka muujiyeen duqeyn ay ciidamada Itoobiya u geystaan magaalada Baledweyne.

Si kastaba ha ahaatee madaafiicda lagu weeraray fariisinka ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin burta Jante Kundishe ayaa qeyb ka ah weeraro badanaa lagu qaado xarumaha ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay duleedka magaalada Baledweyne.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee fariisinka ku leh buurta Jante Kundishe ayaa halkaas ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay fariismo kale uga sameysanayaan duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baledweyne ciidanka Itoobiya ee ku sugan Jante Kundishe ayaa fariisimo cusub ka dhigtay buur ku taala meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne iyo xarunta warshadda hilibka laga dhoofiyo.

Ciidamada ayaa la sheegay inay halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyo xooggan, waxaana ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas u sugan ay wadaan dhaqdhaqaayo ay fariisimo cusub kaga sameysanayaan duleedka magaalada Baledweyne.

Dadka ku dhaqana magaalada Baledweyne iyo duleedkeeda ayaa casbi xooggan ka qaba in dagaal uu mar kale ka qarxo magaalada Baledweyne, waxaana xaalad feejignaan ah laga soo sheegayaa duleedka magaalada.

Si cad looma oga ujeedada ka dambeysa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka bari ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigga ugu weyn oo ah buurta Jante Kundishe.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhaqdhaqaaqa ciidanka ka wada halkaas ayaa iyagu horaantii isbuucaan waxa ay si iskood ah isaga baxeen gudaha magaalada Baledweyne oo ay in muddo ah ku sugnaayeen.

Camaloow Online   B/Weyn

 

 

Ciidamada Faransiiska oo xoog ku soo furtay dooni looga heystay xeebaha Puntland.

Ciidamo Faransiis ah ayaa xoog ku soo furtay doon iyo 2-shaqaale ah oo laga lahaa dalka France oo ay afduub ku heysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Sida ay sheegayaan warar la helay ciidamada Marineska dalka Faransiiska ayaa weerar qorsheysan oo habeenimo la fuliyey waxa ay ku soo furteen dooni iyo 2-dii qof ee saarneyd, waxaana ay dileen mid kamid ah burcad badeedii afduubka ku heysatay.

6-kamid ah burcad badeeda ayaa la sheegay inay ciidamada Faransiisku gacanta ku soo dhigeen, waxaana howlgalkaan soo dhaweeyey madaxweynaha dalka Faransiiska Mr Sarkozy.

Ciidamada Faransiiska ayaa horey sidaan oo kale xoog ugu soo furtay bishii April markab iyo shaqaale saarnaa oo laga lahaa dalka Faransiisa markii ay duqeyn u geysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah, iyagoo qaar kamid ahna nolosha ku qabtay.

Falkaan ay ciidamada Marineska Faransiiska ku soo furteen doonida iyo shaqaalaha ay afduubka ku hesyteen burcad badeeda Soomaalida ah ayaa imaanaya xilli afduubka maraakiibta uu noqday mid ku sii kordhaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Camaloow Online   B/Weyn


 

 

Ciidamada maxkamadaha oo iska horimaad kula galay qeybo kamid ah Sh/dhexe kooxo burcad ah.

Ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa waxa uu iska horimaad ku dhexmaray deegaanka War kulan ee gobolka Sh/dhexe.

Iska horimaadka ayaa dhashay kadib markii ciidamada maxkamadaha islaama oo sameynayey howlgallo burcad sifeyn ah ay dagaal la galeen kooxo burcad ah oo jidgooyo dhigtay deegaankaas.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadka oo muddo kooban socday ayaa waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ciidanka maxkamadaha islaamka, waxaana maxkamadaha islaamka ay gacanta ku soo dhigeen mid katirsan kooxihii burcadda ahaa ee jidgooyada dhigtay.

Guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Sh/dhexde Macalin Cabdi Xasan Xuseen ayaa sheegay in ciidanka maxkamadaha ay dagaal la galeen kooxo burcad ah oo dhibaatooyin ku hayaey qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Sh/dhexe.

Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ku sifeynayaan kooxaha burcadda ah ee dhibaatooyinka ku haya shacabka ku dhaqan gobolka Sh/dhexe.

Si kastaba ha ahaatee inta badan gobolka Sh/dhexe oo markii hore ay dhibaatooyin ku hayeen kooxo burcad ah ayey ciidamada maxkamadaha islaamku ka ciribtireen burcadda, waxaana hagaagsan amaanka qeybo badan oo gobolkaas kamid ah.

Camaloow Online   B/Weyn

 

Taliye  Kuxigeenkii ciidanka booliska gobolka Hiiraan oo xalay magaalada Baledweyne lagu dilay.

Sargaal katirsana saraakiisha ciidanka maamulkii gobolka Hiiraan ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ku dileen gudaha magaalada Baledweyne.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Baasaay ayaa ahaa tali xigeenkii ciidanka booliska gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayaan kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay sargaalka kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ma cadda sababaha ka dambeeya dilka sargaalkaan illaa iyo haddana ma jiro cid sheegatay inay ka dambeyso dilka sargaalkaan.

Dilkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli gacan ku heynta magaalada Baledweyne ay la wareegeen xoogagga maxkamadaha islaamka markii ay halkaas faarujiyeen ciidamadii Itoobiyaan ah maalin kahor.

Camaloow Online   B/Weyn

 

 

Ciidamada maxkamadaha islaamka oo la wareegay gacan ku heynta magaalada Baledweyne.

Ciidamo katirsan maxkamadaha islaamka ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiran halkaas oo xalay ay faarujiyeen ciidamada Itoobiya ee dhawaanahaan ku sugnaa.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada maxkamadaha ayaa la wareegay gacan ku heynta xarumo badan oo ku yaala magaalada Baledweyne gaar ahaan saldhigga booliska iyo xarunta maamlka gobolka Hiiraan.

Ciidamada maxkamadaha ayaa gudaha u galay magaalada Baledweyne kuwaas oo sugaya amaanka, waxaana lagu arkaya inta badan magaalada iyagoo dhex jooga.

Ciidamada maxkamadaha oo markii horeba ku sugnaa meel aan ka fogeyn magaalada ayaa kadib bixitaanka ciidamada Itoobiya waxa ay u soo dhaqaaqeen gudaha magaalada.

Warar hoose ayaa sheegaya in saacado kadib saraakiisha maxkamadaha islaamka ay kula la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan si looga wada hadlo arrimaha amaanka.

Si kastaba ha ahaate la wareegista ciidamada maxkamdaha islaamka ee magaalada Baledweyne ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay halkaas faarujiyeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee u sugnaa gudaha magaalada Baledweyne.

Camaloow  Online   Baladweeyn 

 

Ciidamada Itoobiya oo xalay guud ahaan ka guuray magaalada Baledweyne.

Ciidamada Itoobiya ayaa guud ahaan faarujiyey magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo bilihii ugu dambeeyey ay ku sugnayeen.

Sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo saaka ciidamadaan ayaa xalay fiidkii ka guuray magaalada, waxaana ay u quraansadeen buurta Jante Kundishe oo ah fariisinka ugu weyn oo ay ciidamadaas ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in ciidamada Itoobiya ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Ceel Jaalle oo u dhexeeya magaalada Baledweyne iyo buurta Jante Kundishe.

Goobihii ay farujiyeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa saaka ku xoomay dadweyne fara badan oo u daawasha tagay, waxaana wararka saaka magaalada Baledweyne laga helayo ay sheegayaan in uu halkaas dib uga bilowday isu socodka dadweynaha oo muddo hakad ku jiray.

Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha magaalada Baledweyne soo galay muddo laga joogo dhowr bilood, waxaana ay halkaas ka geysteen duqeyn iyo dilal fara badan.

Si kastaba ha ahaatee ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxaa soo dhaweeyey dadka ku dhaqan halkaas kuwaas oo dhibaatooyin aan la soo koobi karin ku qabay ciidamada mudadii ay joogeen.

Camaloow  Online   Baladweeyn  

 

  10-qof oo aano qabiil loogu dilay xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.    

Inka badan 10-qof ayaa saacadihii la soo dhaafay aao qabiil ahaan loogu dilay xadka ay wadaagan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay, waxaana wararku ay sheegayaan inay jiraan dad aan dagaalka ku jirin kuwaas oo aano qabiil ahan loo dilay.

Dagaalka u dhexeeya maleeshiya beeleedyada ayaa salka ku haya muran a xiriira lahaansha dhul beereed ay ku muran san yihiin labada maleeshiyo beeleed.

Dadaalo lagu dhex galayo labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa wada mas'uuliyiin katirsan maxkamadaha islaamka kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan colaadaha ka dhex aloosan labada maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ka dhex aloosan labada maleeshiyo beeleed oo ah mid soo noqnoqday aya waxaa uu sababay geerida dad fara badan oo labada dhinac ka soo kala jeeda.

Camaloow  Online   Baladweeyn   G/ Hiiraan

 

 Halakan Kala Ririir Wararkii Hore

Meydadka Labo Wiil oo Dhalinyaro ah oo mar kale laga helay Biyaha Wabiga shabeelle ee Magaalada Beledweyne

 

Wixii faahfaahin ah Nagala soo xiriir   webwester@camaloow.com  ama gureey006@hotmail.com