Welcome     To      Camaloow      Online

 

 

 

 

 

War deg deg ah: Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhow u dhoofay Magaalada Addis Ababa.......

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka dhoofay Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti, iyagoona u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, halkaasoo uu ka furmayo maanta shirweynaha Madaxda Afrikaanka.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti safarka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif waxaa ku wehliya Xubno ka tirsan Baarlamaanka wada jirka ah iyo Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Nuur Cadde.

Ka hor inta aysan ka ambabixin wafdigan ayaa waxaa garoonka loogu garaacay astaanta Calanka qaranka Soomaaliyed, iyadoona Garbetka cas ee Madaxweyneyaasha loogu tala galay uu Madaxweyne Shariif ku dul istaagay dabadeedna ilaa Diyaarada ku koray.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Bolle International Air Port ee Magaalada Addis Ababa, taasoo noqon doonta markii u horeysay ee uu Sheekh Shariif ka dago Dalka Ethiopia oo uu horay ugu soo horjeeday fara gelintii ay ku heysay Soomaaliya.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

webwester@camaloow.com

 

 

 

Xoogaga Alshabaab oo sii daayay Xildhibaano uu ka mid ahaa    Xaabsade  iyo    Abuu Mansuur oo Baydhabo ka    sagootiyay.

 Ururka Alshabaab ee galabta la wareegay guud ahaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka ayaa sii daayay Xildhibaano

ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Baay oo ay gacanta ku dhigeen markii ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka caawa ka imaanaya Magaalada Baydhabo Ururka Alshabaab ayaa sii daayay Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geesey iyo Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Ammaanka, kadib markii ay galabta ka qabteen Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanadaas iyo Ururka Alshabaab uu dhex maray is afgarad, iyagoona iska soo wareejiyay Hubkoodii, waxaana markii dambe ay isaga baxeen Magaalada Baydhabo, iyadoona uu jiray wada hadal hoose oo lagu sii daayay.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay isku heyb yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa la sheegay inuu sii dhoweeyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Mas'uuliyiinta Gobolka Baay, waxaana ay abaareen dhinaca Gobolka Bakool, halkaasoo aan la ogeyn meesha ay uga sii gudbi doonaan.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa caawa degan iyadoona dadweyne aad u xamaasadeysan ay isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada kuwaasoo ku faraxsan la wareegitaanka Magaalada, oo caawa markii u horeysay ay ganacsiga ay furan yihiin, waxaana mudooyinkii hore oo ay Ethiopianka joogeen Magaalada ay aheyd mid ganacsiga galbihii albaabada loo laabi jiray.

Xoogaga Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay Hub fara badan oo ay Ciidamada Ethiopianka ugu tageen Maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwa Dowladda, waxaana Hubkaas oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka uu yahay kii ugu badnaa ee Shabaabka gacanta u galo mudadii labada sano ee ay dagaalka kula jireen Ethiopianka.

Qabsashada Alshabaab ee Xaruntii Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay fariin ku socoto tahay Xubnaha Baarlamaanka ee Jabuuti ku maqan oo markii hore fariisin KMG u aheyd, waxaana muuqata in aanay boos uga banaaneen Magaalada oo ay meel kale sii raadsadaan bacdamaa Alshabaab ay la wareegtay Magaalada oo

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

 

Isku dhac hubeysan oo goor dhaweyd Madaxtooyada Baydhabo ku dhexmaray Maleeshiyaad hubeysan oo halkaasi isku heysta....

 

 Isku dhac hubeysan ayaa goor dhaweyd ku dhexmaray Xarunta madaxtooyada Baydhabo maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay Xaruntaasi marki ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka iyadoona maleeshiyooiyinka ay ku murmeen gacan ku heynta xaruntaasi.

 

Mid kamid ah maleeshiyada hubeysan ayaa halkaasi lagu dilay iyadoona xiisad ay wali ka alowdsan tahay goobahaasi,mana la oga wali waxa arrimahaasi keenay.

 

Cabsi xoogan ayaa ka taagan wali magaalada Baydhabo kadib markii ay isaga huleeleen Ciidamada Itoobiyaanka iyadona afhayeenka Al-Shabaab Abu Mansuur uu xalay Idaacadda Baydhabo ka sheegay in ay soo gali doonaan Baydhabo

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Ma   dhab  baa  Aadan   Madoobe oo   xilkiisa   loo  daayay,  Nuur Cadde   oo   madaxweyne   noqonaya   iyo   Sheekh   Shariif oo...

 

 Wararkii ugu danbeeyay aanu ka heleyno guriga Umada ee magaalada Jabuuti oo ay hadda soo buuxiyeen kooxaha Somalida ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe loo daynayo xilkiisii Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya marka la isku biiriyo Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa TFG-da,halka Nuur Cadde ama Cumar  xaashi uu noqonayo madaxweyne.

Warar xooraansi aan ku helnay ayaa sheegaya in hadda la guda galay doodda ku aadan in Baarlamanka la ballaariyo isla markaana maalmo dheeraad ah uu Baarlamanku ku daro waqtiga dastuuriga ah ee madaxweynaha lagu soo dooranayo.

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya Nuur Cadde oo taageero dhinac waliba ah ka heysta shacabka iyo Beesha caalamka ayaa la isla dhexmarayaa in uu noqonayo madaxweynaha Somaliya ee xukumadda Midnimada qaran halka mugdi uu ku jiro jagada siyasadeed ee hogaamiyahii Maxkamadaha ee isaguna tageerada leh Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka qaar ayaa u xaqiijinaya  Camaloow.com in Sheekh Shariif uu noqonayo madaxweyne kuxigeen iyadoona la badalayo hanaanka xukuumad ee Somaliya waxaana sidoo kale xubno ay kamid yihiin Sharif Xasan iyo inbadan oo kale  ay u sharaxan  yihiin  jagooyin wasiirnimo.

 

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Gaari   Walxaha   qarxa   laga   soo   buuxiyay   oo   nin   naftii  hure  ah   iskula   qarxiyay   meel   u   dhow Gurigii        Shaqaalaha........

Warar isa soo taraya ayaa ilaa iyo hada waxay sheegayaan in Qarax weyn oo ahaa mid Ismiidaamin ahaa goor dhoweyd ka dhacay meel u dhow agagaarka Gurigii Shaqaalaha oo ay dhowaan soo dageen Ciidamada AMISOM, waxaana qaraxaas la sheegay inay ku dhinteen dad fara badan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa Nuuca Mark II ah oo xoog ku galay gurigii shaqaalaha ayaa la sheegay inuu xoog ku jiiray dhagxaan halkaasi jidgooyo ugu tiilay waxaana la sheegayaa in ninkii waday iyo gaarigiiba ay gubteen.

Wararka horu dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Gaariga qarxay oo ku dhowaa gaari kale oo MINI BUS ah ay ku dhinteen dad gaaraya Ilaa 10 ruux, iyadoona aan la sheegi karin hadii qasaare uu soo gaaray Ciidamada AMISOM oo ula jeedka qaraxa Ismiidaaminta ahaa.

Sidoo kale warar aan lagu kalsooneyn ayaa sheegaya in Gaariga oo markii hore uu xowli ku socday rasaas uu ku furay mid ka mid ah Ciidamada Dowladda, kaasoo la sheegay in laga toogtay Gaariga, dabadeedna uu Gaariga xoog ku jiiray oo uu galay Guriga.

Ilaa iyo hada ma jirto war ka soo baxay Ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxan Ismiidaaminta, waxaana la ogeyn qasaaraha gaaray Ciidamada, marka laga reebo dad rayid ah oo ku naf waayay qaraxaas Ismiidaaminta ahaa.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa xaaladeeda tahay mid kacsan, iyadoona goobtaas ay isku gadaameen Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Wadada Shaqaalaha

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Midowga   Afrika    oo    todobaadyada   soo    socda    ku    dhowaad    labo    kun    askari   geynaya   Magaalada    Baydhabo

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa ka dhawaajiyay in todobaadyada soo socda uu u diri doono Magaalada Baydhabo Ciidamo gaaraya 2kun oo askari, kuwaasoo qeyb ka noqon doono Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM.

Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay Ciidamo hor leh u geyn lahaayeen Soomaaliya kana qeyb qaata xasilinta iyo nabad soo celinta.

Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Brundi ayaa la sheegay inay ku soo biirin doonaan Min hal Batalyan oo Askari ah, kuwaasoo sugi doona Ammaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo xarun u ah Magaalada Baydhabo, iyadoona lagu wado in Ciidamada Ethiopia ay halkaas faarujiyaan.

Madaxa Difaaca ee Dowladda Uganda ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Ciidamo dheeraad ah u diraan Soomaaliya, isagoona ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay dedejiyaan dhismaha Dowlad midnimo qaran oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada Soomaalida.

Midowga Afrika ayaa ciidamo aad u tira yar ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo isku darkooda yahay ilaa 3000 oo askari oo ku sugan meelo cayiman oo ka tirsan Caasimada Soomaaliya, waxaana Ciidamadaas mararka qaar la kulmaan dagaalo uga yimaad Xoogag Islaamiyiin ah

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Dhex dhexaadin laga wado kooxihii ku dagaalay degmooyinka Dherkenley iyo wada jir oo maanta lagu madal san yahay.

  

Odyaal iyo waxgarad ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka DHerkenley iyo wad jir halkaas oo mudo labo cisho ah uu ka soconayay dagaalo ay ku dhinteen dad farabadan iyadoo ay ku dhawacmeen dad kale ayaa waxa ay bilaabeen in ay soo kala dhex galaan kooxaha ku dagaalamay halkaasi.

Nin u hadlay dhinaca Dowlada  ayaa waxa uu sheegay in ay la kulmeen odayaal ka socday dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Dowlada waxayna ka wada hadleen in ay dhinaca Mucaarada ka keenan xabad joojin markaas ayaan isku imaadano ayuu yiri.

Maanta ayaa lagu wadaa in ay kulman waxgaradka kala matalay labad dhinac si ay u xaqiijiyaan badan joojin dhab ah oo hirgasha.


Nabadoon ka mid ah nabadoonada ka qayb qadanaya in ay joogsato xabada ayaa waxa u sheegaya in ay ku rajo weyn yihiin in xabada istaagto si ay u yaraato dadka ka cararaya degmooyinka Dherkenley iyo wafda jir.

Maalintii shalaya ayay ahayd markii qax kii ugu badnaa ay ka barakaceen degmooyinkaasi iyadoo la sheegay in dadkaasi ay ahaayeen dadkii horey uga soo barakacay dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada itoobiya iyo xoogagga Muqaawamada.

M jirto saaka wax Dagaal ah iyo xabado oo la maqlayo sidii maalintii shalay ay hayd degmooyinkaasi balse waxa saaka la filyaa in ay istaagto xabada sida ay ku madal san yihiin waxgaradaka iyo odayaasha degmooyinkaasi.

 

Halkan ka dhagayso warkii mantaa

 

Sii haya xilka Madaxweynaha ayaa waxa uu ogalaaday in doorashada loo weeciyo jabuuti

 

Sii haya xilka Madaxweynaha sheikh Aadan madoobe ahna  Hogaamiyaha Barlamaanka KMG ah ayaa waxa la sheegaya kaas oo dhawaan shaaciyay in doorashada  Madaxweynaha ay ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ayaa warar soo baxaya waxa tilamaamayaan in u ogalaaday in laga weeciyo Baydhabo.

Dhawaanahaan ayaa waxaa soo baxay warar kala sheegaya in doorashada ay Madaxweynah ay ka dhaceyso Jabuuti iyo baydhabo lakin waxa ay u egtahay in lo badan yahay in doorashada ay ka dhaceyso jabuuti.

 

Xildhibaano gaaraya ilaa 30-Xildhibaan oo ku sugnaa magaalada Gaal-kacyo ayaa waxa ay ku si jeedaan magaalaad jabuuti si ay uga qayb qaataan wadaaga dowlad midnimo qaran.

 

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa waxa uu Magacaabay gudi uu ku sheegay in ay qabanayaan liiska murashaxiinta u taagan xilka madaxweynimo si ay u diiwaan galiyaan.

 

Lama oga sida uu xaalka noqonayo madaama ay dhawaanahaan ay jireen hadalo is burinaya kuwaas oo kala sheegayay in madaxweynaha  lagu dooranayo baydhabo ama ay ka dhaceyso jabuuti.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Itoobiyaakii  Waxaay   barakiciyeen   Qeeybo   Kamid ah  Muqdisho   Itobiyaankii 2aad  (Habargidir)   Waxaay   had  ka Barakicinayaa    intii    ku   hartay     Muqdisho  Jaangow  Ahmed .......

   Waxaanu aragnaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka soconaya barakac cusub oo ay wadaan dadka deegaanka, iyadoona meelaha laga barakacayo ay yihiin goobihii horay dadka ugu barakaceen.
degmooyinka laga barakacayo ayaa ka mid ahaa deegaanadii horay loogu barakacay intii ay Muqdisho ka socdeen dagaaladii dhex marayay Ciidamada Ethiopia iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayay deegaanadaas saaka yihiin kuwo bakaracu si xoogan uga socdo.

Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxay ka tirsan yihiin Degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Shibis, Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana xusid mudan in Degmooyinkan ay ahaayeen kuwo nabad ah oo ay dadka u barakici jireen intii ay dagaallada socdeen.

Barakaca dadkan ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo dadkii ka soo barakacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid, Hodan, Howl Wadaag aysan weli guryahoodii ku noqon, waxayna taasi noqoneysaa in dad horay u soo barakacay ay sii barakacaan.
Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa shalay iyo dorraad waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata maamullada degmooyinkaas iyo xoogag ka amar qaata Jabhul Islaamiya, halka qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran-na ay shalay ka dhaceen dagaallo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalladan barakaca sababay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka yaraadeen dagaalladii joogtada uga dhici jiray, kuwaasi oo dhexmari jiray Xoogagga Muqaawamada iyo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah. 

Sikastaba ha  ahaatee  waxaay arintu tahay  anagaba  waa lana barakiciyay ee hada ayaan barakicineenaa kuwa aan  barakicin  aaway Gumeeysigii   la sheegaayay oo wadanka haystay?soow lamid ma aha kuwa hada barakicinaaya Shacabka  oo xukun doonka ah.

Jaangoow Ahmed

Camaloow Online

 

 

 

Qarax   Xoogan oo   Wadada   Maka   Almukarama lagula eegtay  Kolonyo   Ciidamada    AMISOM   wateen  iyo  Alshabaab oo sheegtay......

Qarax xoogan ayaa saaka abaarihii 7:30 waxaa lagula eegtay Wadada Maka Almukarama Kolonyo ay wateen Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM, iyadoona qaraxaas qasaaraha ka dhashay uu ka soo baxayo warar dheeraad ah.

Sida ay sheegayaan wararka Qaraxa oo ahaa mid qabsaday Gaadiidka ay wateen Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inuu bur bur u geystay, waxaana la tilmaamay in rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM qaraxa kadib ku dhaawacantay ilaa labo ruux.

Ciidamada AMISOM oo afar maalmood ka hor soo dagay Wadadaas markii ay ka baxeen Ciidamada Ethiopianka oo fariisin u ahaa ayaa waxaa la sheegay in xaalada wadadaas ay iminka tahay mid cakiran, waxaana guud ahaan istaagay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga ee wadadaas.

Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo Saxaafada la soo xiriiray ayaa sheegay inay ka dambeeyeen qaraxaas oo ay kaga dileen ciidamada AMISOM ilaa 7-askari sida ay hadalka u dhigeen.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barigiye Bahoku oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxaas aanu wax qasaare ah ka soo gaarin Ciidamadooda, waxaana uu xusay in qaraxyadan uu ka mid yahay kuwa ka dhaca Caasimada, isagoona tilmaamay inay waxba u dhimi doonin howlaha nabad sugid.

Barigiye Bahoku ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu baaqayaan Odayaasha Hawiye iyo ganacsatada inay ceshadaan dadka iyaga ka soo jeeda oo uu tilmaamay inay ka mid tahay Alshabaab oo dagaalo ugu hanjabaya, waxaana uu intaa raaciya in iyagu ay is difaaci doonaan, isla markaana ay ka hortagi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Qaraxan lala eegtay Ciidamada AMISOM ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca Magaalada Muqdisho markii ay Ethiopianka ka baxeen Caasimada, iyadoona Xoogaga Islaamiyiinta sida Shabaabka ay maalmihii la soo dhaafay ku hanjabayeen in ay beegsan doonin Ciidamada AMISOM, waxaana jiray baaqyo ka soo baxayay Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo loogu baaqay in aan wax dagaal dambe ka dhicin Muqdisho lana weerarin Ciidamada AMISOM.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

 

 Gudiyada Labada dhinac ee Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta  oo ku Baaqay in ay yimaadaan Magaalada Jabuuti, Xubnaha Baarlamaanka  ku sugan Magaalada Baydhabo si  deg deg ah.

Kadib war murtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen Gudiyada Labada dhinac ee Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uga qeyb galaya Shirka Jabuuti ee lagu dhameystirayo wada xaajoodkii Mucaaradka iyo Dowladda ee horay u dhex maray ayaa waxay heshiis ku gaareen in Dowlad midnimo qaran ay dhistaan.

Kulamada farsamada ee labada dhinac ay yeelanayaan ayaa ah kuwo loogu sii gogol xaarayo dhismaha Dowlad midnimo qaran oo ay ku mideysan yihiin dhinacyadan heshiiska sanadkii la soo dhaafay ku gaaray Jabuuti, waxaana soo baxaya baaqyo caalami ah oo loo jeedinayo Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo, sidii ay u imaan lahaayeen Jabuuti

Diblomaasiyiinta beesha caalamka ee garwadeenka ka ah kulanka Jabuuti ayaa ugu baaqay Xubnaha Baarlamaanka inay si dhaqse ah isaga soo xaadiraan Magaalada Baydhabo si la isugu dhafo Baarlamaanka oo loo ballaariyo, isla markaana la doorto Madaxweyne loo dhan yahay.

Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Sheekh Shariif oo shalay soo bandhigay hab qeybsiga xubnaha baarlamaanka ay beelaha waa weyn ku heleen 44-xubnood halka beesha shanaad ay ku heshay 24-xubnood ayaa la filayaa inuu soo gudiyo tirada kuraasta Baarlamaanka ee gaareysa 275-ta xubnood, halka Baalamaankana laga sugayo inay soo gudbiyaan si isku darkooda u noqdo 550 Xubnood, kuwaasi aaqirkii dhisaya Dowlad midnimo qaran oo ay ku doortaan Madaxweyne iyo Afhayeen Baarlamaanka.

Dadaaladan ka soconaya Jabuuti oo si tar tariib xowli ugu soconaya ayaa sida qorshuhu yahay lagu wadaa 26-ka bishan la doorto Madaxweyne, inkastoo ay dhici karto inay wax iska badasho mudadaas lagu wado, maadaama wali lagu kala aragti duwan yahay doorashada Madaxweynaha.

Sii hayaha Xilka Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka waxay Baydhabo ka wadaan qorshayaashooda ku aadan sidii Baydhabo loogu dooran lahaa Madaxweyne soomaaliyed, oo Madaxweynihii is casilay C/llaahi Yuusuf, waxaana Xubnaha Baarlamaanka ay yihiin kuwo ku kala aragti duwan arrinkaas, isla markaana uu haatan mad madow u dhaxeeyo Labada Mas'uul ee xilligan Dowladda KMG u sareysa Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde.

Waxaa soconaya cadaadis Aadan Madoobe lagu saarayo inuu yimaado Jabuuti oo uu ka tanaasulo qorshayaasha uu Baydhabo ka wado ee ah in Madaxweyne lagu doorto, waxaana dadaalka Beesha Caalamka uu yahay sidii Dowlad midnimo qaran lagu dhisi lahaa Magaalada Jabuuti, kaas oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka iyo Dowladda.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Xoogaga   Alshabaab    oo   galabta   weerar   culus   ku   qaaday   fariisimaha   Ciidamada   Brundi ku leeyihiin   Kulyadii   Jaalle    Siyaad.....

Xoogaga Koox diimeedka Alshabaab ayaa galabta markii u horeysay kadib bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Muqdisho waxay weerar culus ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Brundi ku leeyihiin Kulyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Weerarkan oo ahaa mid Xoogaga Alshabaab dhowr jiho kaga qaaday Kulyadii Jaalle Siyaad ayaa ahaa mid aad u xoogan, iyadoona labada dhinac kadib dagaal fool ka fool isla galay, taasoo socotay qadar daqiiqado ah.

Saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay weerarku ku qaadeen ciidamada AMISOM ay kaga dileen Labo askari, isla markaana aanay dhankooda wax qasaare ah soo gaarin.

Dagaalka ayaa ah mid kedis ah ayaa u muuqday mid laga dhabeynayay Hanjabaada dhowaan ka soo baxday ururkaas ee ahaa inay dagaalo ku qaadi doonaan Ciidamada
AMISOM.

Dagalkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli inta badan waxgaradka iyo culumada Soomaaliyeed ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalada iyo rabshada ka dhacaya magaalada Muqdisho maadaama ciidamadii lala dagaalamay dalka ay isaga baxeen oo uu haatan dagaal dhamaaday..

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Kooxo Hubeysan oo saaka weerar culus ku qaaday Xoogag ka tirsan Alshabaab oo fariisin ku lahaa Deegaanka No-60

Dagaal xoogan ayaa waabarigii saaka lagu qaaday Xoogaga Alshabaab oo fariisin u leh Deegaanka No-60 ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalka uu ahaa mid la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid ay soo qaadeen Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in Xoogagii shabaabka ee ku sugnaa fariisinka ay si adag isaga caabiyeen, iyadoona labada dhinac uu soo gaaray qasaare kala duwan.

Inta la og yahay ilaa lix ayaa ku dhimatay dagaalka oo labo ka mid ah la sheegay inay ka tirsanaayeen Xoogaga Alshabaab, waxaana wali ay xiisad ka taagan tahay halkii uu dagaalka ka dacay saaka.

Kooxaha weerarka soo qaaday oo aan heybtooda la garaneyn ayaa ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, waxaana ilaa iyo hada dagaalka uu yahay mid warar dheeraad ah ka soo baxayo.

Saraakiil u hadashay Ururka Alshabaab ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ka dileen ilaa lix ruux halka tiro kalena ay ka qabteen, waxaana ay intaasi ku dareen in gaadiid dagaal ay ka qabsadeen.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Alshabaab ee dagaalkaas, iyadoona sidoo kale aanu jirin cid sheegatay weerarkaas lagu qaaday shabaabka, inkastoo warar qaar ahi sheegayaan in Kooxaha weerarka qaaday ay yihiin Maleeshiyaadka Gobolka Shabeelaha Hoose ka soo jeeda.

Waa markii u horeysay oo weerar ceynkan oo kale lagu qaaday Xoogaga Alshabaab tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta guud ahaan Gobolka Shabellaha Hoose

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

 

Ciidamada Ethiopia oo gebi ahaanba ka baxay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay xalay baneeyeen Saldhiyadii u dambeeyay.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa xalay baneeyay saldhigyadii u dambeeyay ee ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigeysa inay gebi ahaanba ka baxeen Magaalada Muqdisho oo muddo labo sano ay fariisimo ku lahaayeen, isla markaana ay kala kulmayaan Xoogaga ka soo horjeeda dagaalo aan dhamaad laheyn.

Saldhigyadii u dambeeyay ee Ciidamada Ethiopia ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga, Xeradii Asluubta, Isgoyska Florence iyo Aqalka Madaxtooyada, waxaana Ciidamada ay ka wada baxeen fariisimo kale oo ay wadada Maka Almukarama ku lahaayeen.

Dadweyne xamaasadeysan ayaa ku yaacay goobihii ay ka baxeen Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo farxad weyn ay ka muuqato, isla markaana bilaabay inay isu soo baxyo ballaaran ka dhigaan meelo aysan lugtooda dhigin muddo labo sano.

Ciidamada Ethiopia oo soo galay Magaalada Muqdisho 28-kii bishii December ee sanadkii 2006-da ayaa guud ahaan la wareegay Caasimada, kadib markii ay meesha ka saareen Midowgii Maxkamadaha ee ka talinayay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaase Ciidamada Ethiopia ku guuldareysteen inay caabiyaan Xoogag halgan adag kula jiray oo muddo labo sano la dagaalamayay.

Dadka ka barakacay meelaha ay degenaayeen Ethiopianka ayaa haatan sanka la raacaya neecaawda nabadeed ee soo muuqaneysa, iyagoona u hamuun qaba inay dib ugu soo laabtaan guryahooda oo ay nabad ku noolaadaan, waxaana dadka Muqdisho si isku mid u sheegeen in bixitaanka Ciidamada Ethiopia ay wax badan usoo kordhineyso dhanka nabada iyo is dhex galka oo muddo dadka kala go'doonsanaayeen.

Mar kaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku yimid isbadal aad u weyn, iyadoona Magaalada ay maanta tahay kuwo isu furan gebi ahaanteeda, waxaana gaadiidka iyo dadka ay isticmaalayaan Wadooyin iyo xaafado ay fariisin u aheyd Ciidamada Ethiopia

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde  oo Laba  wado Kalataagan taa soo kusaabsan Habkii Loodoorani  Lahaa   madaxwenaha   Somalia.

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Sii hayaha Xilka Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Ra'iisul Wasaaraka KMG Nuur Cadde, kuwaasoo mudooyinkii u dambeeyay dhinaca siyaasada aad isaga dhowaa khilaafkan ayaa ku saabsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo uu Afhayeenka Baarlamaanka doonayo inay Baydhabo ka dhacdo dhamaadka Bishan iyadoo la qadarinayo Axdiga KMG ah.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa doonaya in Madaxweyne lagu doorto Baydhabo si uu u ilaashado Xilkiisa oo hadii ay dhacdo Doorasho qaran ay u dhamaaneyso.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ka digay in xilligan la magacaabo Madaxweyne, iyadoo aan la isku darin Baarlamaanka isla markaana Dowlad midnimo qaran la yagleelin, taasoo uu la qabo dhanka Isbaheysiga Sheekh Shariif Nuur Cadde ayaa ku taliyay inaan Baarlamaanku ku deg degin wax walba oo wax u dhimi kara Heshiiskii Jabuuti, waxaana uu sheegay in laga war sugo shirka Jabuuti ee lagu yagleelayo Dowlada Midnimada qaran ay ku mideysan yihiin Mucaaradka iyo Dowladda KMG ah.

Aadan Madoobe ayaa ku adkeysanaya Go'aankiisa ah in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 26-ka bishan, waxaana uu durba Baydhabo ka wadaa dhaq dhaqaaqo ku aadan sidii uu loo dedejin lahaa.

Fikirka Aadan Madoobe ayaa shaki gelinaya dhismaha Dowlad midnimo qaran oo loo balansan yahay, waxaana soo baxaya carqalad xoogan oo arrintan ka taagan, taasoo mar kale wajaheysa khilaaf majaro adag oo Dowladda dhexdeeda lugaha la gasho.

Dowladda Ethiopia oo dhowaan Ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya, isla markaana ay haatanba bilaabatay dhaq dhaqaaqyada kala bixitaanka ayaa dooneysa in Madaxweyne cusub lagu doorto, iyadoo iska dhaga tireysa Heshiiskii Magaada Jabuuti  cariga jabuuti.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Daawo  Sawiradan: Muuqaalka Warshadii Baastada iyo wiiilal yar yar oo loodhiibay Tuubo si ay qori u gudhigtaan  ayadoo ay kabaxeen Ethiopianka Kadib ay lawareegeen Kooxo naa taabsaday leh ........

     Dadweyne  aad iyo aad utirabadan badan ayaa ku qamaamay dhismaha Warshadii Baastada oo muddo labo sano iyo bar fariisin u aheyd Ciidamada Ethiopia, iyagoona halkaas kala kulmayay weerar iska caabin iyo duqeyn isugu jiray.

Markii ay suura gashay inay Ciidamadu ka baxaan fariisimahaas ayaa waxaa bilowday in Xoogaga Kacdoonka qeybo ka mid ah ay tagaan, isla markaana ay la wareegaan ammaanka goobaha ay ka baxeen Ciidamada Ethiopia.
warshada Baastada waa mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas sidoo kale aheyd meelaha Madaafiicda ay ka ridi jireen Ciidamada oo ay u qeybin jireen Xaafadaha.

Bur bur xoogan ayaa ka muuqda dhismaha Warshada Baastada, waxaana Ciidamada ay ugu tageen qolfoofta rasaastii ay adeegsanayeen iyo dhufeyso adag oo ay gudaha u qoteen, kaasoo la arkayay godod waa weyn.
sidoo kale waxaa ka muuqanaya Haamaha ay caanka ku tahay Warshada rasaas isugu jirta Madaafiicda oo ku dhici jirtay marka weeraro hoobiyeyaal lagu qaado xaruntaas

Warshada Baastada oo ku taala Jidka Warshadaha ayaa waxaa ku dhowaa Xaafado istiraatiiji ah oo dadkii degenaa ay ka carareen markii ay halkaas soo saldhigteen Ciidamada, isla markaana ay dhibateeyeen shacabka.

Xoogaga Kacdoonka oo wata qoryaha kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa isku gadaamay xaruntaas oo ilaalo xoogan ka haaya, iyadoo xoogagaas qaarkood ay isugu jiraan kuwo markii hore mabda' ahaan is diidanaa, isla    markaana    kala    raacsanaa  2 Dhinac.

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Madaafiic lagu   duqeeyay Aqalka Madaxtooyada Waqti uu  Nuur Cadde ku sougnaa  halkaas  iyo jawaabo laga bixinayay    oo   Dad rayid ah    ku   Barakaceen  Qaarkalena Ku dhinteen......

  Madaafiic aad ubadan ayaa lagu Qaraacay  Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia,  iyadoona jawaabo la mid ah Madaafiicdaas ay haatan ku socoto Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Kacdoonka ayaa Madaafiic ku tuuray Madaxtooyada, xilli maanta uu soo gaaray halkaas Sii hayaha Xilka Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo kulamo kula qaatay halkaas Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Madaafiicda lagu tuuray Madaxtooyada ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay, hase yeeshee Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Madaxtooyada ayaa jawaab ka bixinaya, iyagoo duqeyn ku wada Suuqa Bakaaraha.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa mar kaliya isku qasantay, waxaana xirmay goobihii ganacsiga ee suuqa, sababo Madaafiicda oo sida roobki oo kale uga hoobanaya.

Lama oga ilaa iyo iminka qasaaraha ay geysanayaan Madaafiicda lagu duqeynayo Suuqa Bakaaraha, waxaana dadkii ku sugnaa Suuqa mar kaliya u yaaceen dhismayaasha shubka si ay uga nabadgalaan Madaafiicda ku socota..

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Cabsi laga qabo in dagaal uu ka qarxo Degmada Balcad iyo gulufyo ay wadaan Maxkamadaha iyo Alshabaab.......

Xaalada Degmada Balcad ayaa saaka ku waabariisatay xasilooni aan cago badan ku taagneyn, kadib markii shalay dagaalo culus halkaas ku dhex mareen Maleeshiyo Islaamiyiin is diidan, iyadoona wali ka muuqato degmada raadkii dagaalada iyo xiisad wali taagan.

Sida ay sheegayaan wararka saaka halkaas aanu ka heleyno cabsi xoogan oo ku aadan in mar kale dagaal uu dhex maro dhinacyada Islaamiyiinta ayaa la dareemayaa, inkastoo la dareemayo dhaq dhaqaaq ganacsi oo sidaa u buurneydn, hase yeeshee inta badan Goobihii waxbarashada ayaa saaka albaabada u laaban, waxaana degmada ka barakacay dad fara badan.

Xoogaga Alshabaab oo xalay waaga ugu baryay gacan ku heynta Degmada ayaa ku sugan meelihii shalay dagaalka ku qabsaday oo ay mar kale weerar rogaal celis ah ku qabsadeen, waxaana ay difaacyo adag ka galeen Saldhiga iyo Buundada Degmada Balcad.

Wadada marta bartamaha Degmada Balcad ayaa jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya, marka laga reebo gaadiidka dagaalka oo dhufeys ahaan wadadaas u yaala, waxaana jirin gaadiid saaka kala aaday Jowhar iyo Balcad oo ah kuwa dadweynaha.

Xoogaga Maxkamadaha ee laga saaray Degmada Balcad ayaa ku sugan cirifka koonfureed ee Degmada Balcad, iyagoona halkaas dhaq dhaqaaqyo ka wada.

Gulufyada ay labada dhinac wadaan ayaa sii xoojinaya gurmadyo u kala imaanaya, waxaana saacad kasta ama daqiiqad kasta ay suura gal tahay in dhinacyada Islaamiyiinta mar kale dagaalamaan, mana muuqato dadaalo ama isku dayo lagu baajinayo dagaalka labada dhinac ka dhex qarxay

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaalkii Guriceel iyo Ahlu Sunah oo dib mar kale ula wareegtay........

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo waabarigii saaka ka qarxay Degmada Guriceel, kaasi oo ku bilowday adeegsiga Madaafiicda hoobiyeyaasha, waxaana dagaalkan uu sababay dhimashada dad ka badan 20 ruux.

Inkastoo dagaalka uu ka yara qaboobay sidii uu saaka ku bilowday ayaa hadana warar horu dhaca ah oo laga helayo dagaalka ayaa sheegaya in Maleeshiyada taabacsan Ahlu Sunah Waljamaacah dib ula wareegtay degmada.

Xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay in dib loo caabiyay, kadib markii weerar ay ku soo qaadeen fariisin ay Ahlu Sunah ku lahaayeen Duleedka Degmada Guriceel, waxaana goor dhow dib ugu soo laabtay isgaarsiinta Degmada oo saaka hawada ka maqneyd.

Cusbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dad ka badan 40ruux, kuwaasoo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Saraakiisha Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa dagaalka guulo ka sheegtay, iyagoona tibaaxay in dib ay u caabiyeen Xoogaga Alshabaab, waxaana ay tilmaameen in degmada ay ku sugan yihiin ciidamadooda.

Dagaalkii saaka waabarigii ka bilowday Degmada ayaa soo gaaray abaarihii 11-tii barqanimo, waxaana uu ahaa dagaalkii ugu xooganaa ee degmadaas ku dhex mara labadaas urur diimeed tan iyo markii dhamaadkii sanadkii tagay uu dagaal ka dhex qarxa Labada dhinac

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Xoogaga    Maxkamadaha  oo  la  wareegay  Degmada  Balcad,    kadib   markii   laga   saaray Shabaabka….

 

Xoogaga Maxkamadaha Islaamka ayaa la wareegay Degmada Balcad, kadib dagaal muddo ku dhow saacad oo halkaas saaka ku dhex maray iyaga iyo Xoogaga Alshabaab oo bilooyinkii u dambeeyay ay ku wada sugnaayeen Degmada.

Wararka laga helayo Degmada ayaa sheegaya in xaalada tahay mid degan, inkastoo ay muuqato raadka dagaalka culus ee labada dhinac dhex maray, waxaana ilaa iyo hada la ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka.

Dagaalka Labada dhinac dhex maray ayaa ahaa mid keenay in dibeda isagala baxaan, taasoo aaqirkii laga saaray degmada Xoogaga Alshabaab oo Degmada Balcad horay kaga sugnaa Buundada iyo Saldhiga.

Saameynta Dagaalka ayaa la tilmaamay in aad looga dareemay Degmada oo idil, iyadoona guud ahaan ay istaageen dhaq dhaqaaqii Magaalada ganacsiga iyo isu socodka.

Gaadiidka Dagaalka ay adeegsanayeen Maxkamadaha ayaa lagu arkayaa gudaha Degmada Balcad, kaasoo ah mid ku gaaf wareegaya Xaafadaha Degmada, iyadoon aanay ka marenyn farxad iyo guulo ay ka sheeganayaan dagaalka.

Ma jirto saraakiil u kala hadashay Alshabaab iyo Maxkamadaha ee ku aadan dagaalka labada dhinac dhex maray, iyadoona mudooyinkii u dambeeyay labadaas dhinac isku fara saaray deegaano ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Alshabaab aanay dooneyn in nabad ka dhalata Soomaaliya, 

 

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Dib u xoreynta garabkiisa Jabuuti Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa weerar kulul ku qaaday Xoogaga Alshabaab ee ka mid ah kuwa ka dagaalama Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay inay wadaan falal lid ku ah shareecada Islaamka.

Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Alshabaab aanay dooneyn in nabad ka dhalata Soomaaliya, isla markaana ay sii adkeeyaan joogitaanka Ciidamada Ethiopia, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo horay Isbaheysigooda garabka Jabuuti ay usoo jeediyeen Alshabaab, kaas oo Buug ay soo saareen ku sheegay inay ku kaceen falal diinta looga baxay.

Isagoo ka hadlayay Masjid ku yaal agagaarka Hotelka Lafweyn ee ay degan yihiin Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta ayuu Muxaadaro uu ka jeediyay si kulul u cambaareeyay ujeedooyinka ay wataan Kooxda Alshabaab.

Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ahaa Kuxigeenkii koowaad ee Gudigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa sabab uga dhigay bur burka ku yimid Maxkamadaha Kooxda Alshabaab, kadib markii uu sheegay inay ka go'een, isla markaana keli iska dhigeen.

"Alshabaab cidii ra'yigooda diida way dilayaan, markaasee leeyihiin waa Cadawga ilaahey, aniga waxaan u heystaa inay nimankaas caadi aheyn oo dad cadaw ah ay ku dhex jiraan"ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow oo intaa ku daray in aysan jirin cid ka baxsaneysa Alshabaab oo cid walba oo ra'yiga ku khilaafta ay dilayaan, isla markaana ay ku xukumayaan inay Murtad noqdeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Culimada dhex dhexaadinta waday ay eedeyn usoo jeediyeen, isla markaana ay khilaafeen, wuxuuna cadeeyay inay ku dhaqaaqeen tallaabooyin ay ku bur buriyeen Maamuladii dalka oo ay ku qabsadeen deegaano Maamulo horay u lahaa.

"Hadii aan dhahno Ethiopianka ha baxaan Ma Murtad baa nahay, hadii hala wada hadlo aan dhahno ma Murtad baa nahay, marka Alshabaab intaas oo dhan wey diidan yahay, in dagaal la sii wado mooyee wax kale ma rabaan, waayo jiritaankooda ayaa dagaal ah, Nabad hadey timaada ma jiri doonaan"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh Janaqow oo ah Mas'uulkii u horeeyay garabka Sheekh Shariif oo weerar kulul ku qaada Ururka Alshabaab.

Ma jirto ilaa iyo hada jawaab ka timid Ururka Alshabaab oo ku aadan weerarkan afka ah ee uu ku qaaday Sheekhan xulufada la ah Sheekh Shariif, inkastoo horay Ururka Alshabaab eedeymo ugu soo jeediyeen, isla markaana Buug ka soo saaray Garabka Sheekh Shariif oo ay ku sheegeen inay ku kaceen wax ka baxsan Diinta islaamka.

Camaloow  Online

Gureey006@hotmail.com

 

 

Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Barre Hiiraale oo nolol iyo geeri lagu la'yahay, kadib weerar culus oo xalay lagu qaaday kolonyo ay wateen.....

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nolosha qaar ka mid ah Saraakiishii hogaamineysay Maleeshiyaadka taabacsan Barre Hiiraale ee maalmahan la socday Ciidamo Ethiopian oo dhaq dhaqaaqyo ka waday Gobolka Gedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labo Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiisha Maleeshiyaadka iyo qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulkii Gobolka Gedo xalay habeen barkii lagu weeraray meel u dhow Degmada Garbahaarey, xilli ay ku sii jeedaan Degmada Balad-Xaawo.

Saraakiisha la la'yahay ayaa qaarkood la sheegay inay dhinteen, kuwana nolosha lagu watay, inkastoo wararka ay yihiin kuwo iska soo daba dhacayay, iyadoona qadka isgaarsiinta goobahaas ay tahay mid aad ugu adag.

Ilaa iyo hada warka la helayo ayaa ah in Gudoomiyihii Degmada Garbahaarey Axmed Cabdulle Magan oo ka mid ahaa Saraakiishii horkaceysay Ciidamada Ethiopianka uu ku dhintay weerarkaas xalay lagu qaaday Kolonyada ay wateen, waxaa kaloo jira qaar kale oo la la' yahay.

Xiriiro aanu la sameynay Degmada Garbahaarey ayaa inoo suurta geli weyday, waxaana xaalada Degmada tahay mid aad u kacsan oo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Mid ka mid ah Kolonyada la weeraray oo aheyd Nooca Volova oo uu saaran yahay qoriga dagaalka ayaa ka soo baxsatay weerarkaas, iyadoona la la'yahay gaadiidkii kale iyo dadkii saarnaa, waxaana la cadeeyay in qaarkood ay gubteen oo lala helay qoriga Baasuukaha

Camaloow Online

gureey006@hotmail.com

 

 

Sheekh  Shariif  oo wax  aan  caqli   gal  aheyn  ku  tilmaamay   in    xilligan   Madaxweyne   soomaaliyed    la doorto

Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka fadhigiisu yahay Dalka Jabuuti Sheekh Shariif ayaa ka digay in xilligan Madaxweyne la doorto, iyadoon aan la mideyn Baarlamaanka labada dhinac.

Sheekh Shariif ayaa isagoo ku sugan Magaalada Tripoli ee dalka Libiya ka sheegay in aanay munaasib aheyn in lagu deg dego doorashada Madaxweynaha ka hor inta aan la mideyn Xubnaha Baarlamaanka ee Isbaheysigiisa iyo kan Dowladda KMG, oo dhowaan heshiis ku kala saxiixday Jabuuti.

"Munaasib ma ahan in xilligan Madaxweyne la doorto, waxaan xal u aragnaa in la tixgeliyo Heshiiskii Jabuuti, lana midoobey Baarlamaanka, kadibna la dhiso Dowladda soomaaliyed"ayuu yiri Sheekh Shariif oo hadaladiisa u muuqday inuu damac ugu jiro xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dhinacooda ay wali ku dhegan yihiin heshiiska oo aanay dooneyn inay jebiyaan, isagoona tibaaxay in dhinacooda diyaar yihiin inay soo gudbiyaan liiska xubnaha baarlamaanka la siiyay, wuxuuna ka digay in ay meesha soo galaan dano qaas ah oo aan ka turjumeynin danaha guud iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed

“Haddii ay arrintu tahay madaxweyne ha la noqdo, waa la soo noqon jiray, waxba kama soo bixi jirin, haddii xal Soomaaliyeed la raadinayo waxaan leeyahay heshiis ayaa u socday Dowladda Federalka iyo isbahaysiga"ayuu mar kale ku celiyay Shariifka oo muddo labo jeer socdaal ku yimid Magaalada Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca ku yimid Ciidamada Ethiopia ee ku aadan bixitaankooda gudaha Soomaaliya ayuu sheegay in ay iyagu ogyihiin dib u dhacooda, isla markaana ay bixi doonaan maalmaha soo socda sida ay balantu tahay, taasna wuxuu xusay inay u taal Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey.

Shariifka ayaa iska dhega tiray inuusan ka war heyn dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Ethiopia ka wadaan Gobolada dalka, kaasoo ay kula wehliyaan Maleeshiyaad Soomaali iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana uu tilmaamay in taasi ku tilmaamay inay carqalad ku tahay heshiiska dalka Jabuuti ay ku kala saxiideen Dowladda Federalka iyo Isbahaysiga.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli mudadii la filayay in Ethiopianka uga baxaan gudaha Soomaaliya ay idlaatay, isla markaana dad fara badan oo rajo ka qabay inay baxaan Ethiopia ay candhuuftooda dib u laqeen, kadib markii saddex cisho ka soo wareegatay balantii ay qabsadeen.

Camaloow Online

gureey006@hotmail.com

 

 

Dagaal Ciidamo Ethiopian iyo Maleeshiyaad Soomaali oo dhinac ah iyo Xoogaga Alshabaab ku dhex maray agagaarka Iidaale.

Dagaal muddo labo saac socday ayaa Ciidamo Ethiopian oo ay wehlinayeen Maleeshiyaad Soomaali waxaa uu maanta ku qabsaday agagaarka Deegaanka Iidaale, xilli ay ka soo ruuqaansadeen Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mud la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan sida Madaafiicda iyo qoryaha boobayaasha ayaa saameyn ku yeeshay deegaanada u dhow Deegaanka Iidaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

Sida ay soo wariyeen dadka deegaanka oo ka soo baxsaday dagaalka ayaa sheegay in arkeen mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada Ethiopia oo gubanaya iyagoona sheegay in aysan sheegi karin baaxada qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Xoogaga Alshabaab oo lahaa Mas'uuliyada dagaalka ayaa saraakiil ka tirsani waxay sheegeen in si gaadmo ah u weerareen Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadkii Soomaalida ee wada socday, kuwaasi oo maalmahan dhaq dhaqaaqyo ka waday Gobolada Baay iyo Gedo.

Lama sheegi karo faah faahin intaas dhaafsiisan oo ku aadan dagaalka, maadaama goobaha lagu dagaalamayay ay ahaayeen meelo fog oo Howd ah, isla markaana ay ku adag tahay isticmaalka qadka isgaarsiinta.

Ma cada ilaa iyo hada qasaaraha uu dagaalkaas geystay, iyadoona aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Ethiopianka iyo maleeshiyaadka Soomaalida oo ku aadan dagaalka dhex maray iyaga iyo Xoogaga Alshabaab

Dhinaca kale Xoogaga Alshabaab ayaa dib ugu laabtay Degmada Diinsoor, kadib markii shalay isaga baxeen, markii ay soo gaaree Ciidamo Ethiopian iyo Maleeshiyaad Soomaali, waxaana la sheegay inay abaareen dhanka Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin qeyb kale oo uu horkacayo Xildhibaan Barre Hiiraale

Camaloow Online

 

Mid ka mid ah Mas'uuliyiintii hore ee Maamulkii Gobolka Hiiraan oo sheegay inuu ku biiray Ururka Ahlu Sunah waljamaaca......

Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ahaa duqii hore ee Maamulkii Gobolka Hiiraan ee meesha laga saaray ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray Ururka Ahlu Sunah waljamaacah oo maalmihii u dambeeyay qabsaday masraxa siyaasada Soomaaliya, kadib markii ay dagaal la galeen Xoogaga Islaamiyiinta kuwa ugu tunka weyn ee la yiraahdo Alshabaab.

Aadan Garaaso oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in hada iyo wixii ka dambeeyay uu ka mid yahay Dariiqada Ahlu Sunah Waljamaacah, isla markaana yoolkooda uu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolka Hiiraan.

"Waxaan go'aansaday inaan ku biiro Ururka Ahlu Sunah, maadaama ay muddo diinta ku jireen, hada kadibna iyagaa garab taaganahay, waayo muddo dheer ayaa lagu gambanayay shaati diimeed oo dadka nabdoonada iyo culimada lagu leynayay"ayuu yiri Aadan Garaaso Duqii hore ee Maamulkii Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu tilmaamay inay wadaan qorshayaal ay meesha kaga saarayaan Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal, isla markaana uu arrintaas garab ku siinayaan Ahlu Sunah Waljamaacah, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in dhowana qabsan doonaan Gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Aadan Garaaso uu ku sheegay inuu ku biiray dariiqada Ahlu sunna Waljamaacah ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan horjooge ka tirsan maleeshiyo Soomaali ah oo ay weheliyaan ciidamada Ethiopia ee soo gaaray qeybo ka mid ah gobolka Gedo uu sheegay inay gacan ka helayaan dariiqada Ahlu sunna Waljamaaca, mana jiraan ilaa hadda wax hadal oo ka baxay Majmaca culimada Ahlu sunna Waljamaaca.

Camaloow Online

 

Maxkamadaha Islaamka oo difaacay tallaabada ay ku qabsadeen Saldhigyada Booliska, diginiino culus ay soo saareen..

Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa difaacay tallaabada ay kula wareegeen Saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho, iyagoona nasiib daro ku tilmaamay qaabkii ay uga hadleen Ururka Alshabaab iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada

Afhayeenka Makamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay inay wax aad loola yaabo ay tahay in Saldhigyo aan cidna joogin markii ay la wareegeen aad looga hadlo, isla markaana Muqaawamada qaar ay sameynayaan meelo Maamulo ka jira oo ay la wareegayaan.

Ciise Caddow ayaa cadeeyay in hadaladaas aanay wanaagsan, waxna u dhimaya Midnimada Mujaahidiin, isagoona qiray Dhinac ka mid ah Xoogaga Kacdoonka ay ku duuleen deegaano nabad ah oo ay bur buriyeen Maamulo dadka deegaanku ay dhiseen.

Waxaa uu calaamad saaray in iyagoo aas aasay Kacdoonka hada socda inay hoos tagaan garabyo kale waxaana uu lagama maarmaan ku tilmaamay Midnimada Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale bixiyay digniino ku aadan dhibaatooyinka iyo dhaleeceynta lagu haayo Maxkamadaha Islaamka, iyagoona sheegay in aanay u dulqaadan doonin, isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan.

"Waxaa dhacda in Maxkamadaha la dhaleeceeyo, lana dhibaateeyo, hadii ay jiraan dad wax tabanaya, diyaar waxaan u nahay inaan tashwiishka ka bixino, laakiin ma ogolaan doonin dacaadaha isugu jira afka iyo adinkana, jawaab cad ayaan ka bixin doonaa hadii ay dhacdo"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo hadalkiisa u muuqda mid si gaar ah u taabanayay dhinacyada Muqaawamada ee ay isku diidan yihiin dhanka Mabda'a.

Maxkamadaha Islaamka ayaa labo maalmood ka hor la wareegay gacan ku heynta ilaa saddex saldhig oo Boolis, kuwaasoo markii ay la wareegeen qeylo dhaan ka timid Ururka Alshabaab oo ku tilmaantay mid aan habooneyn, isla markaana aan la isku mashquulin meelaha la qabsanayo oo cadawga ka baxayo.

Hadaladan iska soo horjeeda ayaa ah mid sii kala fogaanaya Xoogaga Muqaawamada oo haatan aad u kala duwan, waxaana dadka ay ku sheegayaan inuu yahay bilowga dagaalo dhex mari doona, kaasoo salka ku haaya loolamada u dhaxeeya

 

Camaloow    Online 

Xassan@camaloow.com

 

 

 

Gudiga Ammaanka Isbaheysiga Dib u Xoreynta oo ku baaqay in dagaalada la joojiyo marka ay baxaan Ethiopianka

Gudiga Ammaanka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta dhowaan uga qeyb galay Shirkii Jabuuti ee heshiiska ay ku kala saxiixdeen Dowladda KMG ayaa maanta soo saaray baaqyo ku aadan in la joojiyo dagaalada marka ay baxaan Ciidamada Ethiopia.

Xubin ka mid ah Gudiga Amniga oo lagu magacaabo  Axmed Diiriye Maxamed oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in dagaal dambe aysan dhicin, isla markaana soomaalida heshiiso, marka ay baxaan Ciidamada Ethiopia.

Mas'uulkan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyed dadaalada loogu jiro ka mira dhalinta Heshiiskii Jabuuti, si dalka ugu dhacdo Nabad waarta oo ay dadku ku nastaan.

Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa isku dayaya inay kasbadaan shacabka Muqdisho iyo Muqaawamada, waxaana ay wadaan tallaabooyin ah sidii meelaha ay ka baxaan Ethiopianka ammaankooda ula wareegi lahaayeen, taasoo haatan soo muuqaneyso.

Inkastoon ay jiraan firqooyin kale oo Islaamiyiin ah ayaan la ogeyn sida hadalka ugu cuntami karo, maadaama ay horay ugu dhawaaqeen in dagaalka uu socon doono hadii ay baxaan Ciidamada Ethiopia, kaasoo ay ugala jeedeen rag ay u arkaan in aanay dooneyn nidaamka ay wataan ee ah hergilinta Soomaaliya ee ku dhaqanka shareecada islaamka

Camaloow Online

 

Ciidamo Ethiopian iyo Maleeshiyaad uu wato Barre Hiiraale oo ku soo wajahan Baardheere iyo Bandow Maalin oo ka jira Baardheere

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ayaa ka soconaya Gobolka Gedo tan iyo markii saaka ay soo galeen deegaano ka mid ah Gobolkaas Ciidamo Ethiopian oo ay wehliyaan Maleeshiyaad Soomaali ah oo tababar ugu idlaaday Deegaanka Doolow.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopianka oo ay wehliyaan Saraakiisha Maleeshiyaadka Barre Hiiraale oo tan iyo markii lagaga itaal roonaaday Dagaaladii Kismaayo tababar ku qaadanayeen deegaanada xadka Ethiopia ayaa haatan la sheegay inay duulaan ku yihiin Deegaanada ay gacanta ku hayaan Islaamiyiinta, sida Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidamadan is garabsanaya ayaa markii ay saaka soo gaareen Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa meesha ka baxay Kooxihii Islaamiyiinta ee halkaas gacanta ku haaya, waxaana markaas kadib bilowday diyaar garow dagaal oo labada dhinac ugu jiraan.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la cadeeyay inay ku soo wajahan yihiin Degmada Baardheere oo horay Xildhibaan Barre Hiiraale fariisin ugu ahaan jirtay, waxaana durba halkaas ka bilowday baqdin laga qabo in dagaalo lagu jilbo murxo uu ka dhaco.

Xoogaga Islaamiyiinta gacanta ku haaya Degmada Baardheere ayaa la sheegay inay Bandow ku soo rogeen Degmadaas, taas oo ka dambeysay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Deegaanada ku dhow dhow, waxaa la sheegay inay shacabka ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan dagaal ka dhan ah Ciidamada Ethiopia ee Gobolka soo galay.

Lama oga sida ay noqon doonto Xiisadahan cusub ee ka furantay Gobolka Gedo iyo Jubooyinka, xilli la hadal haayo in Ciidamada Ethiopianka ka baxaan gudaha Soomaaliya, waxaana ujeedka Ciidamadan Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida uu yahay mid ka dhan ah Kooxaha Islaamiyiinta ee gacanta ku haaya Gobolada Jubooyinka

Camaloow Online

 

Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay inay la wareegeen gacanta qaar ka mid ah Saldhiyada Booliska Gobolka Banaadir.......

Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta qaar ka mid ah Saldhiyada Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo aan horay ugu howl geli jirin Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka dhinaca Howl galada ee Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho in goobaha ay gacan ku hayntooda la wareegeen oo gaaraya sadex saldhig ay ula wareegeen si loo adkeeyo ammaanka caasimada iyo dadka shacabka ah waxaana uu intaasi ku daray inaysan jirin cid ay ugu danleeyihiin la wareegida goobahasi.

C/raxiim Ciise Caddow
ayaa ka gaabsaday su'aal saxaafadu weydiisay oo ahaa inay la wareegayaan gacan ku heynta meelaha ay ka baxaan Ciidamada Ethiopia, isagoona sheegay in ay ujeedadooda tahay sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.

Waxaa uu xusay inay sii wadayaan inay sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyagoo kaashanaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir waxaana uu taageeray dadaalada culumada u diinka soomaaliyeed ee u taagan inay xaliyaan khilaafka mujaahidiinta dhanka fikirka ku qaysamay  shalay ayay aheyd markii Xoogaga Kacdoonka ay la wareegeen Saldhigyada Booliska Degmooyinka Huriwaa, Hodan iyo H/wadaag, kaasoo lala xiriiriyay inay ku qotonta la wareegitaanka meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia.

Xoogaga Maxkamadaha garabkan la wareegay saldhigyadaas ayaa la rumeysan yahay inay yihiin garabka taabacsan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo hogaamiya garab ka mid ah Maxkamadaha, isla markaana ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa hadal haaya tallaabooyinka cusub ee Xoogaga Maxkamaduhu ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kula wareegayaan Saldhigyada Booliska ee ka hore Ciidamadii ku sugnaa lagaga soo ceyriyay.

Dhaq dhaqaaqyadan Xoogaga Maxkamadaha ka wadaan Caasimada Muqdisho ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jirto calaamad muujineysa in Ciidamada Ethiopia ay ka baxayaan gudaha dalka soomaaliya Sida ay Dowladda Ethiopia xaqiijisay maalinimadii Shalay aheed...

Camaloow Online

 

Qeybtii u horeysay ee Ciidamada Ethiopia oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.......

Iyadoo 5-ta bishan uu bilaabanayo waqtiga kama dambeysta ah ee Ciidamada Ethiopia uga baxayaan Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa maanta qeyb ka mid ah Ciidamadaas ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho oo ay ku leeyihiin fariisimo dhowr ah.

Sida ay sheegayaan warar hoose bixitaanka Ciidamadan ayaa ah arrin milateri, waxaana maanta ay ka huleeleen fariisimo ka mid ah kuwa ay ku leeyihiin Caasimada, kaasoo aan la carabaabin, waxaase dad arkayay Ciidamada markii ay baxayeen la sheegay inay wateen gaadiidkooda iyo sahaydooda.

Wararka laga helayo Deegaanka Ceelaha Biyaha oo ah inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la tilmaamay in Ciidamadan ay ka sii gudbeen, kuwaasoo ku sii jeeda Gobolka Baay, halkaasoo aan la ogeyn inay uga sii gudbayaan dhinaca xuduuda iyo in kale.

Ilaa 10 gaari oo kuwa ciidamada xambaara ayaa ka gudbay goor dhow deegaanada lagu barakacay, waxaana Ciidamadan u muuqdeen kuwo xir xirtay oo ka ambabaxayay Magaalada Muqdisho oo ay ku leeyihiin fariisimo fara badan.

Inkastoo wali ay Ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin fariisimaha ay ku leeyihiin Caasimada ayaa hadana jirin meel ilaa iyo haatan ay baneeyeen, laakiin maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay ka baxaan fariisimo dhowr ah oo ku yaal Wadada Warshadaha.

Saraakiil Ethiopian ayaa ku waramay in lagu amray inay is diyaariyaan ka hor 5-ta bishan Janaayo, xilligaasoo ay ka wada baxayaan gudaha Soomaaliya, waxaana qorshahan uu bilow u yahay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ayaa soo galay gudaha Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2006-da, iyagoo meesha ka saaray Islaamiyiintii, waxaana ay gadaal ka riixayeen Dowladda Beesha Caalamka aqoonsan yahay ee taagta daran

 Camaloow Online

 

  Dhegeeyso  _Sh, Abuu   Zubeyr

 

Kafiiri    wararkii Hore   Halkan

Video  waxaa ka eegtaa halkan              

 

 

                               Wararka