|
Waa Maanso Cusub oo la Magic Baxday ( Hooyo) Maansadaan Waxaa Alifay Abwaan Abdulqaadir Adan Guuleed Waxaanan Rabaa in aan xusuusiyo Soomalida Qurbaha Qiimaha ay Hooyadu Leedahay Waxayna ku bilaabaneysaa sida tan
Hilaac iyo iftiin iyo Harac iyo udgoon iyo Heybadaan ku noolnahay Ma helneen dhamaanteed Hadii Hooyo ay jirin Haddii hooyo ay jirin Dadka uma hayaameen Ma helneen aduunyada Halka ugu danbeysiyo Hareeraha dhamaantood Haddii Hooyo ay jirin Hanad kuma siyaadeen Heblo lama yiraahdeen Halo laguma maaleen Halka aynu joognaa Haddii Hooyo ay jirin Haasawe daayee Hadal lama haweysteen Jaceylada hardamayaa Halbowlaha ma gaareen Haddii Hooyo ay jiran Labo kuma heshiiyeen Hidihii wacnaa iyo iney Hooy distaanooy ku hurdaanba laabaha haddii Hooya ay jirin hadraawaba siduu yiri hal abuur nin tiriya iyo heesaha macaan iyo Hoobaan ma guraneen Haddii hooyo ay jirin carees ciisihii hore murtidiisa hodankaa waa lama huraankii Hooyo kuma yiraahdeen aan hoos u dhaca ee Hooyooy waxaan tahay heybadii aduukiyo hugeedii wacnaayee lagu hugiyaya gabigeed halka aad ku taalaa Hooyooy anaa garan hidis baad ka yeeshaa horay baad u marisaa qofka aad horaadkiyo heelo aad u tirisoo ku hurdaa dhabtaadee ku hilmaami maayoo halboowlaha jirkoo idil wadnaha meel ka hoosaad hooy aad ku leedahay waxa hoogay gabigii midka Hooyo aad tiri ilin aayna ka hoorin hee iyo hooyo jawaabtiisa hortii halka aad ku taalaa Hooyooy anaa garan ee ifka hibo ku nooloow Aaqira halkii roon (jano)
|