www.camaloow.com

 
Xasuuqii Ciidamada Ethiopia u geysteen culumadii tabliiqa oo siyaabo kala duwan,daawo sawirada xasuuqa.
 

Muqdisho  24/April/2008 

Qof wixii la toosan qof bey tuur  la leeyihiin horey ayey Somali u tiri waxaanse la dafiri Karin wixii ka dhacay xaafada heliwaa magaalda muqdisho ee maajidka alhidaaye lagu xasuuqay qaar ka mid ah culumadii tabliiqa oo uu ku jiray imaamkii masaajidka oo isaga irida ka furay markii ay so garaacxeen albaabka masaajidka  ciidamada Ethiopia oo wata taangiyadooda lana galay gudaha maasijidka ,

Waxay isu jireen dadkaan lagu laayey gudaha masajidka imaamkii masaajidka sh:saciid yaxye Sh. Cabdillaahi Maxamuud Ciise, iyo  Culumo kale oo lagu Xasuuqay Masjid Al Hidaaya kuwaas oo  bulshada qiimo ku lahaa sida macalimiin duqsi quraan ardo diinta ku bari jirtay ,

Hadaba culumada lagu laayey ee tabliiqa waa culumo aan wax shaqo ah ku laheyn dagaal iyo siyasad kamana qeyb qaadan dagaaladii dalka dhacay waxaana saldhig u ah arimaha ay ka midka yihiin.

barashada diinta, salaadda oo dadka lagu bararujiyo , xushemmeynta qofka Muslimka ah iyo faafinta diinta

Dhacdadaan masaajidka alhidaaye maxaa laga yiri

Dowlada fadaraalka ah side u aragtaa

Wasiirka arimaha dibeda ee DF “Masaajid ay ciidamada Itoobiya dad lagu laayeen ama xitaa ku dhaawaceen ma jiro”

Wasiirka arimaha dibeda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa been aan sal iyo rada toona laheyn oo warbaahintu ay buun-buunisay ku tilmaamay gowricii iyo dadkii faraha badnaa ee ay ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen dadkii faraha badnaa ee ka mid ahaa kuwa rayidka ah ee degan xaafada Waxara cadde iyo culumaa’udiinkii ka tirsanaa masaajidka Al Hidaaya ee degmada Heliwaa intii ay socdeen dagaalo qaraar oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalka oo dhinac ah iyo dagaalyahano hubeysan oo ka soo horjeeda.

Maxkamadaha fakir side ah ayey ka qabaan

Sh. Max’uud Ibraahim Suuley “Nabadii uu Nuur cadde ku baaqayey waxay noqotay gowraca culumaa’idiinka iyo dadka Soomaaliyeed ee aan dagaalada ku jirin”

Afhayeenka dhinaca siyaasadda ee maxaakiimta Islamka Soomaaliyeed Sheekh Max’uud Ibraahim Suuley ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka iney xasuuq iyo gabood falo ka baxsan bani aadamnimada u geysteen dadka rayid ah iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed ku sugnaa guryaha iyo masaajiidada ku yaala goobaha ay dagaaladu ka socdeen ee agagaarka isbitaalkii SOS iyo xaafadda Waxara cadde ee degmada Heliwaa, wuxuuna xusay iney guud ahaanna joojiyeen wadahadalo

Dowlada Ethiopia iyada oo aan ka hadlin wax kale waxay xiriirkii diblo maasiyadeed u jartay. 

Dowladda Itoobiya ayaa waxay xiriirka dibloosiyadeed u jartay Dowladda Qadar oo ka mid ah Dowladaha Khaliijka, iyadoona ay dalkeeda ka ceyrisay Safiirka Dowladdaas u fadhiyay Magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Ethiopia ayaa Xukuumada Doxa ku eedeeyay in ay taakuleyso Kooxaha Kacdoonada Soomaaliya, isla markaana Dowladda Qadar ay caqabad ku tahay ammaanka Geeska Afrika.

Ururka Carabta ayaa walaac weyn ka muujiyay, dagaalka sii xoogeysanaya ee Somalia, kaas oo keenay dil iyo dhaawac, iyo barakicin, rayid badan oo Soomaali ah, oo wax ay galabsadeen aaney jirin.

Ururka dalalka Carabtu wuxuu ugu baaqay beesha caalamku, in ay si dhakhsiya leh gacan u siiso hawlgalka nabad ilaalinta ee ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya, si hawshooda u gutaan, una sahlaan in ciidammada shisheeye ay ka baxaan dalka, sida ay qabaan qaraarrada Golaha ammaanka ee QM.

Ururku wuxuu dhinacyada dagaallamaya oo dhanna ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda militeri iyo ayna joojiyaan weerarrada aan loo aabba yeelin ee lagu qaadayo xaafadaha magaalada.

Arinta dalka somaliya waxay ku jirtaa isku dhiib dhiib waxaana ay u muuqatay in howshaani dhamaad u dhaweyn kala qeybsanaanta bulshada kala maanka ah ayaa ugu weyn caqabada hortaada in xal loo helo weerarada iyo iska caabinta in mudo ah ka socoto gudaha dalka somaliya samayna ku yeelatay dalalka dariska la ah

Tirada saxda ah lama haayo inta ku dhimatay burburkii dowladii milatariga markii ay xukumkeedii la riday sidoo kale inta dhawacyadu ka soo gaareen waxaan jira bulsho badan oo macno la.aan uga hayaamey dalka somaliya wxayna isugu jiraan kuwo haatan qaata dhalasho wadamo kale oo aan looga fadhiyin in ay dib u so laabtaan

Arimahaan oo dhan waxay fariin cad u yihiin bulshada somaliya waxa ku soo fol leh  Dalkeenu wuxuu u muuqdaa in caalamka intii kale uu ka go.ay waxaana isweydiin mudan intii dowlada Ethiopia ciidamadeedu soo galeen maxaa u qabsoomay somalida dalkeeda , maxaa horumar ah oo lagu amaani karaa Ethiopia in ay u qabatay dalka ay ciidamadeda garabka siinayaan  ee somalida manta

 

Waxaanu kasoo xiganay Waagacusub.com

Source Waagacusub.com