Mwaki Baki Madaxweynaha Dowlada Kenya ayaa Amaan kala Duldhacay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya
Posted by garaad on 23/02/2013
Mwaki Baki Madaxweynaha Dowlada Kenya ayaa Amaan kala Duldhacay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya

Extended News
Mwaki Baki Madaxweynaha Dowlada Kenya ayaa Amaan kala Duldhacay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya
Wuxuuna ku Booriyey in ay sidii Wadaan Howlgalka ay kula Dagaalamayaan Ururka Al-shabaab iyo Nabad ku Soo Dabaalida Soomaaliya Sida uu Sheegey Mwaki Baki. Madaxweynaha ayaa sheegey in ay sii wadayaan Taageerida Ciidamda Militiriga Soomaaliya isla markana ay ciidamo Hor leh oo Garab istaago Ciidamada Hada ku Sugan Gudaha Soomaaliya Dhamaana Goobaha ay Al-shabaab ay ka Qabsadaan ay Nabadeyaan
Wuxuu sheegay Kibaki in kuwa haatan Soomaaliya ku sugan meel wanaagsan howshooda ay mareyso,islamarkaana ka qeyb qaateen sidii gobolo badan ay ku soo celin lahaayeen gacanta dowlada Soomaaliya,isagoona intaasi raaciyay inaysan marnaba joojin doonin taageerada hagar laaaneed ay ku caawinayaan shacabka iyo xukuumada Soomaaliyeed. 
Madaxweynaha oo qudbadiisa ahayd mid dhinacyo badan taabaneysay ayaa sidoo kale uu u mahad celiyay Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ciidamadiisa qeybta ka ah AMISOM,isagoona ku tilmaamay saraakiil mudan in loo mahad celiyo. Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,ayaa hoosta ka xariiqay in ifafaalaha iminka dalka Soomaaliya laga dareemayo ay soo dhaweynayaan kuna dadaali doonaan sida uu sheegay inay sii wadaan oo aan gadaal loo noqon.
Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM,ay qeyb ka yihiin dagaalada looga soo horjeedo Al-shabaab,islamarkaana la wareegay Magaalada Kismaayo sanadkii la soo dhaafay halkaasi ay ku xooganayeen Al-shabaab