Sedex ka mid ah ciidamada Dowlada ayaa saaka meel fagaare ah lagu toogtay markii maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Posted by osman diiriye on 21/02/2013
Sedex ka mid ah ciidamada Dowlada ayaa saaka meel fagaare ah lagu toogtay markii maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Extended News
Sedex ka mid ah ciidamada Dowlada ayaa saaka meel fagaare ah lagu toogtay markii maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Fagaaraha Iskool Buliisiya ee degmada Xamar jajab magaalada Muqdisho ayaa lagu fuliyay dilkaasi iyadoo dadweyne badan ay ka soo qeybgaleen dilka saaka lagu fuliyay askarta oo ku eedeysnaa inay askar kale dileen. Ciidamada saaka tiirka lagu soo xirey ee kadibna la toogtay waxaa ku jirey sarkaal labo xidigle ahaa kaasoo isna ku eedeysnaa inuu hore dil ugu gaystay askari kale oo isla dowlada ka tirsan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo ka hadlayay saaka dilka ay maxkamadu fulisay ayaa sheegay inay hore u dileen askar kale kadibna ugu danbeyn saaka lagu fuliyay dilka.

Wararka ku saabsan halka dilka saaka lagu fulinayay ayaa intaasi ku daraya in sedex askari markii rasaasta lagu kulmiyay in dhowr mar la amrey in rasaas kale lala dhaco markii dhaqaatiirtu dhegeen inay nool yihiin markasoo ugu danbeyn baastoolad lagu dhameystirey dilkaasi.