Ciidamada Somaliland oo dad shacab ah ku soo Qab-qabtay Magaalada Hargeeysa kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab
Posted by garaad on 20/02/2013
Ciidamada Amaanka ayaa xalay hawlgal ay ka Sameeyeen Xaafada Xidigta (Wadada Dumbuluq) ee duleedka Koonfureed ee



Extended News
Ciidamada Amaanka ayaa xalay hawlgal ay ka Sameeyeen Xaafada Xidigta (Wadada Dumbuluq) ee duleedka Koonfureed ee Biriishka weyn ee Hargeysa ayaa la sheegay inay ku qabqabteen ku dhawaa toboneeyo nin oo looga shakisan yahay Argagixiso.

Ciidamada RRU-da oo la geeyey halkaasi ayaa Isku Wareejiyey abaaro 11:00 Habeenimo laba Albeerko Hurdo oo la sheegay inay ku jiraan Rag hubaysan oo xidhiidh la leh kooxda Al-shabaab oo ku yaala xaafadaasi, sida ay Haatuf u sheegeen dad ka agdhawaa goobtaasi.

Hase yeeshee si aanu xogo iyo warar dheeraad ah uga helno hawlgalkaasi ayaa waxa aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Bileyska Somaliland Maxamuud Ducaale Cali kaas oo ka cudur daartay inuu wax war ah ka bixiyo hawlgalkaasi, isla markaana sheegay in wixii war ah marka waagu baryo la heli doono.

Ilo Wareedyada ku sugnaa goobtaasi ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay dhamaanba joojiyeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ee ka gudbayey Biriishka.Todobaadkan ayay ciidamada Bileyska Laascaanood hawlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi la sheegay in lagu soo qabqabtay kooxo Argagixiso ah, kuwaas oo loo soo gudbiyey Hargeysa.