Dowalda Maraykanka "Dowlada Somaliya Waa in ay Ilaaliso Xoriyada Wariyayaasha" Warbixin ku saabsan.............
Posted by garaad on 02/02/2013
Dowalda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xadgubyada lagula kaco Warbaahinta iyo dadka tacadiga gacan ka hadalka jinsadeed loo geysto Somalia.

Extended News
Dowalda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xadgubyada lagula kaco Warbaahinta iyo dadka tacadiga gacan ka hadalka jinsadeed loo geysto Somalia.
Mareykanka ayaa dowladda Somalia ku booriyey inay dhowrto xoriyada Saxaafad iyo dastuurka dalka Somalia.
Afhayeenka wasarada arimaha dibada Maraykanka ayaa sheegtay in waajib ay tahay in dowalda Somalia ay ilaaliso xuriyada warbahinta.
Hadalka dowlada Maraykanka waxaa uu imaanya iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu wado inay ka bilaabto dacwad ka dhan ah Ilaa shan qof oo uu ku jiro wariye la sheegay inuu warbaxin ka diyaariyey Haweenay la kufsaday.
Hay’ada u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa cambaarayay in dowlada Somalia ay dambi ku soo oogayso dhimanayaasha halkii ay dabagal ku samayn lahayd dambiiiliysha dhibkaas geystay.