War deg deg ah: Ra'iisulwasaare saacid iyo golohiisa wasiirada ayna ka mid yihiin taliyaasha ciidamada oo maanta shalaanbood gaaray si heersare ahna loogu soo dhaweeyay.
Posted by Dalmar Xaaji on 31/01/2013
Magaalada Shabaanbood waxaa Ra段sulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas置uliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra段sulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u kuurgelidda xaalada dhabta ah.
Extended News
Wafdi uu hogaaminayo Ra段sulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.
Ra段sulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay誕dda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.
Ra段sulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey kasoo ambabaxeen saakay magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayadoo hadana wafdiga Ra段sulwasaaraha ay kusii jeedaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo Ra段sulwasaaraha uu kula kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee buslhada ku dhaqan magaalada Marka.
Magaalada Shabaanbood waxaa Ra段sulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas置uliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra段sulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u kuurgelidda xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan magaalada Marka .