Al-Shabaab oo sheegtay in qaraxii ka dhacay madaxtooyda ay ku qaarajisay saraakiil ka tirsan nabad sugida.
Posted by faarax macalin on 29/01/2013
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Extended News
Al-Shabaab oo sheegtay in qaraxii ka dhacay madaxtooyda ay ku qaarajisay saraakiil ka tirsan nabad sugida.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaare nafeed.
Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay la beegsadeen xarun u dhexeysa guriga Ra'isul wasaaraha iyo Safaarada Itoobiya oo ay ku sugnaayeen Saraakiil sare oo ka tirsan kuwa ammaanka dowlada.
“Weerarkaas istish-haadiga ah waxaa lagu dilay todoba ka tirsan Saraakiisha Nabad sugidda oo ay ku jiraan sadex nin oo Mujaahidiintu ay si gaar ah intii muddo ah u ugaarsanayeen halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarada ay doonaayaan inay ku cirib-tiraan Saraakiisha dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya, iyagoo xusay in Cadawgu uusan heli doonin goob uu uga badbaado “Mujaahidiinta goob walba oo uu galaan wey ka dabagelayaan xitaa haddii ay tahay goobaha ammaankooda aadka loo ilaaliyo sida Madaxtooyada” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab.
Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia C/llaahi Xirsi Ciilmooge oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaas ay fashiliyeen ciidamada amaanka ka dib markii ay rasaas ku fureen nin walxaha qarxa soo xirtay oo doonayey inuu galo madaxtooyada, isagoo xusay inuu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada saddex kalena ay ku dhaawacmeen.