Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtoyada ee magaalada Muqdisho.
Posted by faarax macalin on 29/01/2013
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka isku soo xiray waxyaalaha qarxa ay u suurtogali weysay in uu gudaha u galo xarunta madaxtoyada waxana uu isku qarxay albaabka hore ee xarunta madaxtoyada meel aan ka fogeyn safaarada Ethiopia.
Extended News
Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtoyada ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka isku soo xiray waxyaalaha qarxa ay u suurtogali weysay in uu gudaha u galo xarunta madaxtoyada waxana uu isku qarxay albaabka hore ee xarunta madaxtoyada meel aan ka fogeyn safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.
Dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxan ayaa waxaa ay ahaayeen askartii ku sugneyd albaabka hore ee xarunta madaxtoyada villa Somalia.
Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ahayd meel ammaan ah oo aysanka dhicin qaraxyada gaar ahaan kuwa ismiidaadinta ah.