Dhalinyaro la sheegay in ay xiriir la leeyihiin al shabaab ayaa la sheegay in lagu qabtay hub iyo qalab kale wadanka itoobiya ee xarunt adis sababa.
Posted by baarlin xaji on 03/01/2013
Maalintii Talaadadana maxkamada Addis-Ababa ku taala ayaa waxaa ka soo muuqday 10 ruux oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabab.
Extended News

Booliska magaalada Addis-Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa shaaciyay in galinkii dambe ee shalay ay gacanta ku dhigeen 15 ruux oo hor leh kuwaasoo ay aaminsan yihiin inay damacsanayaayeen weeraro ay ka geystaan caasimada Addis-Ababa.
War uu baahiyay Tv-ga Ethiopia ayaa waxa lagu sheegay in 15 ruux oo la aaminsan yahay inay tababaro ku qaateen xeryo gudaha Soomaaliya ku yaala oo ay maamulaan Xarakadda Al-Shabaab.
Sirdoonka qaranka Ethiopia ee NISS waxay sheegeen in dadkaan la qabtay oo aan la shaacin halka ay ka soo jeedaan ay Ethiopia ka galeen dhanka magaalada Harar la yiraahdo, isla markaana ay damacsanaayeen inay weeraro ka geystaan wadanka Ethiopia gar ahaan caasimada.
"Xubnaha la qabtay waxay ku tabo barteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan xeryaha Al-Shabab ujeedkooduna waxa uu ahaa inay gudaha dalka ka geystaan weeraro iyo dagaalo la mid ah kuwa Shabab Soomaaliya ka wado" ayuu sarkaalka tirsan sirdoonka Ethiopia oo Telefishinkooda la hadlayay waxaase uu intaa ku daray in kooxdaan qeybna ay Ethiopia ka galeen xaduuda Soomaaliya qeybna dhanka Kenya.
Sidoo kale Tv-ga ayaa laga daawaday alaabo ay ka mid yihiin Qoryo fudud oo nooca AK47 ah calanka madaw ee Shababku adeegsado iyo cajalado CD,yo ah oo ay ku duuban yihiin codad dagaal dadka ku dhiiri galinaya kuwaasoo lagu soo qabtay hawl galadii ragaan lagu qabtay.
Maalintii Talaadadana maxkamada Addis-Ababa ku taala ayaa waxaa ka soo muuqday 10 ruux oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabab, weerarana ay qorsheynayeen.
Ethiopia waxay ka mid tahay wadamada Africa ee sida weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ka jooga ciidamo la dagaalama Al-Shabaab