Qaramada Midoobay oo Warbixin Ka soo saartay Dalka Suuriya, Maxaayna Kayiraahdeen? Dabku intuu Ka damahaya Doc aanu kafiisana miyaa? warbixin Xasaasi ah .......
Posted by garaad on 03/01/2013
Madaxa guddiga xaquuqda Aadanaha ee Qarmaada Midoobay Navi Pillay oo warbixintan ka soo saartay magalada Geneva ayaa ku sheegtay in tirada dhimashada ay ka heleen ilo kala duwan oo dalka Siiriya ah ay dhan tahay 60,000 oo ruux.




Extended News

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku sheegtay in dagaalka sokeeye ee 22 ka bilood ka sii socda dalka Siiriya ay ku dhinteen 60,000 oo ruux oo rayid u badan.

Madaxa guddiga xaquuqda Aadanaha ee Qarmaada Midoobay Navi Pillay oo warbixintan ka soo saartay magalada Geneva ayaa ku sheegtay in tirada dhimashada ay ka heleen ilo kala duwan oo dalka Siiriya ah ay dhan tahay 60,000 oo ruux.

Ms Pillay ayaa intaasi ku dartay in tirada dadka ku dhintay isku dhacyada tooska ah ay aad uga badan yihiin dadka kale ee ku dhintay madaafiicda guryahooda ku dhacday.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in meelaha ay ka heleen wararka ku saabsan tirada dadka ku dhintay dagaalka dalka Siiriya aysan si toos ah ugu kala saarin dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka iyo ciidamada dagaalama, lakiin ay ku heleen xogta in dadka dhinay ay u badan yihiin kuwa rayidka ah.

Sidookale, qiyaas ay samaysay Hay’ada xaquuqda Aadanaha dalka Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa ku sheegtay tirada dadka ku dhintay dagaalka sokeeye ee mudada ku dhow labada sano ka socda dalka Siiriya ay gaartay 45,000 oo ruux.