Ciidamada jabuuti ee qaybta ka ahciidamada amisoom oo magalada baledweeyn fariisin cusub ka sameeystay dhinaca galbeed .
Posted by baarlin xaji on 03/01/2013
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay kaalin fiican ka qaadan doonaan amamanka Magaalada balad Weyne.
Extended News

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saldhig cusub waxa ay ka sameyteen Magaaladaasi baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Saldhigaan ayaa Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM waxa ay ka sameysteen Galbeedka Magaaladaasi Baladweyne halkaasi oo maalmihii dambe ay ka taagneed dhibaatooyin ammaanka caqabad ku ah.
Ciidamada Jabuutiyaankaa ee la geeyay Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sugi doonaan ammaanka dhinaca Galbeed iyagoo sidoo kale ka hortag unoqon doona abaabulo la sheegay in Al Shabaab ka sameeyaan Halkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay kaalin fiican ka qaadan doonaan amamanka Magaaladaasi balad Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaaladaasi Balad Weyne ka socday Howl gallo Xoogan oo lagu sugayo ammaanka Maagalada islamarkaana looga hortagayo weeraro Ururka Al Shabaab ay ka geestaan .