Maleeshiyaadka al shabaab ayaa goob aroos oo ka dhacaysay degmada booco ee hoostagta gobolka hiiraan ayaa ku dilay kuna dhaawacay dad aroos joogay.
Posted by baarlin xaji on 03/01/2013
Dadweynaha ku nool magaalada Beledweyn ayaa arrintan si weyn uga xumaaday iyagoo ku tilmaamay fal ka baxsan bani’aadanimada,


Extended News



Rasaas ay ku fureen goob aroos ,kooxda al shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux arooska ayaa waxa uu ka dhacayay degma ka tirsan gobalka Hiiraan.

Xaflad aroos ah oo ka dhaceysay degmada Booco oo 30 kiilo mitir koofur kaga Toosan magaalada Beledweyn ayaa maleeshiyaadka Shabaab tacshiirad ku fureen Waxaana halkaasi ku dhaawacmay Sadex gabdhood oo mid ka mid ah ay u Geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Dhaawaca Labada gabdhood ee kale ayaa lagu daweeynayaa Cisbitalka guud ee Magaalada Beledweyn, inkastoo dhaqaatiirtu sheegeen in ay soo hagaageyso Xaaladooda caafimaad.

‘’Anagoo xalay ku caweyneyna xaflada arooska islamarkaana ay goobta ka muuqatay farxad weyn ayaa niman afka soo duubtay oo hubeysan ay rasaas nagu fureen dadkiina wey kala carareen farxadiina waxey isu bedeshay murug’’ ayeey tiri haweeney joogtay xaflada arooska.

Dadweynaha ku nool magaalada Beledweyn ayaa arrintan si weyn uga xumaaday iyagoo ku tilmaamay fal ka baxsan bani’aadanimada, waxeyna wacad ku mareen in Shabaab ay kula xisaabtami doonaan xadgudubyada iyo jariimooyinka ay ka Geysteen gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa falkan iyo kuwo ka sii naxdin badanba hore uga Geystay gobolka Hiiraanm, taas oo wali ka go’I la’ quluubta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba.