Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowlada Suudaan.
Posted by Dalmar Xaaji on 02/01/2013
Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan.
Extended News
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowlada Suudaan,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu
qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane C/Kariim X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta,Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.
Wafidigan ayaa waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.
Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyarineyso goboladda dalka .Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’na qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda (Six Pillar policy).
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia