Qaramada midoobay oo sheegtay in ay somalia cagta saartay wadada nabada iyo horumarka.
Posted by samatalis sheekh adam on 01/01/2013
Mahiga ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii Xasiloonida iyo Nabadda islamarkaana loo baahanyahay in Caalamka ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Extended News
War uu soo saaray Wakilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Ambasador Augustine Mahiga ayaa waxa uu ku soo dhaweeyay horumaradii laga gaaray sanadkii tagay isagoo sheegay in weli waxa ay dhimanyihiin.
Mahiga ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii Xasiloonida iyo Nabadda islamarkaana loo baahanyahay in Caalamka ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si horay loogu si wado Nabadeynta dalka Soomaaliya.
Ambasador Mahiga ayaa waxa uu sidoo kale xusay in Guulaha laga gaarayo Dagaalka lagula Jiro Al Shabaab ay yihiin kuwa uhorseedi kara Soomaaliya Nabad iyo Barwaaqo.
Mahiga ayaa Uga Mahad Celiyay Dowladaha Gobolka sida Naf hurnimada ah ay Ciidamadooda ugu dirayaan Soomaaliya.
Ugu Dambeyn Mahiga ayaa sheegay in ay qabteen Howl ay Masuuliyiin badan ku guuldareesteen taas oo waxbadan ka tartay xaaladaha waddanka Soomaaliya.