Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in sanadkan cusub uu noqon doono sanadkii is bedelka.
Posted by faarax macalin on 01/01/2013
Sanadkan cusub waxaa rajeyneynaa inuu noqdo sanadkii is bedelka, waxaa qorshaha noogu jira diyaarinta Ciidamo kun askari gaaraya oo ka howl gala ammaanka Muqdisho.

Extended News
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in sanadkan cusub uu noqon doono sanadkii is bedelka, isagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed inay horumar iyo barwaaqo ay gaaraan sanadkan.

Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho codka dowlada somaliya ayuu Ra'iisul Wasaare Saacid sheegay in qorshayaal dhinaca ammaanka ay wadaan, isagoo tilmaama in dowladda ay diyaarineyso ciidan gaaraya kun askari, kuwasoo ka howl gala Muqdisho.

'Sanadkan cusub waxaa rajeyneynaa inuu noqdo sanadkii is bedelka, waxaa qorshaha noogu jira diyaarinta Ciidamo kun askari gaaraya oo ka howl gala ammaanka Muqdisho, si aysan dib mar kale u soo laaban isbaarooyinki la qaaday"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Saacid.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay isku xiri doonto ammaanka gobolada dalka, waxaana uu cadeeyay in sanadkii la soo dhaafay ay dowladda gaartay horumar la xiriira dhinaca ammaanka.

"’Waxaa kaloo muhiim ah in la isweydiiyo maxaa laga yeelay dakhliga dowlada, Maanta hadaad eegtay sida loo isticmaalo dakhligii yar ee dowlada soo gelijiray iyo sida loo uruuriyo iyo sida loo dhiirigeliyo ilaha canshuuraha, isbedel waad arkeysa, waxaanu sameynay dakhli aruurin ka nadaafad badan sidii horee 22-kii Sano, hadda ka dibna waxaan bilaabeynaa canshuur ururitii, inagoo Dhiirigelineyna ganacsatada" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Saacid.

Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa tibaaxay inay meel wanaagsan u mareyso sidii wafdi ay ugu diri lahaayeen gobolada dhexe, si ay ugu kuur galaan xaaladaha guud ee gobolka, isagoo sidoo kale xusay in wafdi u diri doonaan Puntland.

Sanadkii hore ee 2012 ayaa lagu xusuusan doonaa waxyaabo kala duwan oo isugu jira murugo iyo farxad, iyadoo sanadkii hore uu ahaa sanadkii loogu dilka badnaa wariyaasha ka howl gala Soomaaliya.