Isku day dil oo fashilmay lana damacsanaa mr tarsan gudomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho.
Posted by faarax macalin on 01/01/2013
Hasa ahaatee uu fashilmay qaraxaasi waxaana warbaahinta la hadlay ugu horeyntii khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabad sugidda gobalka banaadir oo faah faahin kooban ka bixiyay fashilinta qaraxa miino.

Extended News
Kulan ay saraakiisha laamaha amniga gaar ahaan booliska iyo nabad sugida ku yeesheen shalay xarunta maamulka gobalka banaadir oo ay goob jog ka ahaayeen gudoomiyaha gobalka banadir maxamuud axmed nuur tarsan iyo qaar kamid ah gudoomiyasha 16-ka degmo ee gobalka ayaa waxa ay saxaafada ugu soo bandhigayeen tahliil c/laahi nuur oo kamid ah shaqaalaha mamulka gobalka islamarkaana ay maleeshiyaadka alqaacidada Somalia usoo adeegsadeen in uu gudoomiye tarsan u dhigo qarax miino.

Hasa ahaatee uu fashilmay qaraxaasi waxaana warbaahinta la hadlay ugu horeyntii khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabad sugidda gobalka banaadir oo faah faahin kooban ka bixiyay fashilinta qaraxa miino ee lala damacsanaa gudoomiyaha gobalka banaadir,

Tahliil C/laahi Nuur oo ah ninka ay usoo adeegsadeen maleeshiyaadka alqaacidada Soomaaliya qaraxi ay la doonayeen duqa muqdisho ahna gudoomiyaha gobalka ayaa isaguna saxaafada u sharaxay qaabka ay xiriirka ulasoo sameeyeen kooxda falaagada ah iyo qaraxa ay usoo dhiibeen.

Taliyaha ciidanka booliska gobalka banaadir General Axmed Xasan Maalin ayaa ugu baaqay wiilasha dhalinyarada ah ee loo adeegsanayo baabi’inta dalkooda iyo dadkooda in ay ka waan toobaan.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nuuca lagu hago ramuud koontaroolka waxa ayna soo qorsheeyeen kooxda gabalkoodu uu dhacay ee al shabaab in loo dhigo gudoomiyaha xafiiska ama gaariga loo dhex galiyo hayeeshee ma aysan noqon sida ay ugu talagaleen, inta badan wareerada fuleynimada ah oo ay maciin bideen kooxdu sidaan ayey u fashiliyan ciidamada geesiyaasha ah ee qalabka sida.