Hey'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in si rasmi ah maanta u bilaabeyso howl joojintii ay horay u shaacisay ee Isbitaalka magaalada B/weyn.
Posted by samatalis sheekh adam on 31/12/2012
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurba joogta inay gacan ka geysan sidii howlaha Isbitaalka u haayo bulshada loo sii wadi lahaa iyadoona maamulka account u furay dadka.

Extended News
Hey'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in si rasmi ah maanta u bilaabeyso howl joojintii ay horay u shaacisay ee Isbitaalka magaalada B/weyn, kaasoo muddo lix sano ay gacanta ku heysay.

MSF ayaa horay u hakisay howlihii ay ka waday gobolka Galgaduud, iyadoo tani ay qeyb ka tahay qorshayaal ay horay ugu dhawaaqday, kadib markii shaqaalaheeda laga soo afduubtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurba joogta inay gacan ka geysan sidii howlaha Isbitaalka u haayo bulshada loo sii wadi lahaa iyadoona maamulka account u furay dadka, iyadoo maamulka wado dadaalo dhaqaale loogu uruurinayo isbitaalka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay inay dadaal u geli doonaan sidii isbitaalka u sii wadi lahaa howlaha uu bulshada u haayo, isla markaana maamulka gacan ballaaran ka geysan doono asigoona geeyay 2000 oo dollar.

Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo horay uga heli jiray adeeg caafimaad ayaa walaac ka muujiyay shaqo joojinta MSF, waxaana isbitaalka uu qaban jiray bukaanada ka yimaada deegaanada gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ee ku hareeraysan.