War deg deg ah Mucaaradka Dalka Suriya oo Goordhow lawareegi rabo Qeeybo Mihiim ah Caasimada iyo Taageero ay ka heleen Wadamo aad u.....
Posted by garaad on 13/12/2012
Hogaamiyaasha in ka badan 100 dal oo kulan ku yeeshay dalka Morocco ayay aqoonsi ku siiyeen Isbahaysiga mucaaradka ee dalka Siiriya,
Extended News
Hogaamiyaasha in ka badan 100 dal oo kulan ku yeeshay dalka Morocco ayay aqoonsi ku siiyeen Isbahaysiga mucaaradka ee dalka Siiriya, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay yihiin ururo isku tagay oo matalaya shacabka Siiriya.
Hogaamiyaashii ku kulmay dalka Moroco ayaa qodobadii ay shirkaas ka soo saareen waxaa ka mid ahaa inay taageero dhinac walba ah la garab istaagaan Isbahaysiga Siiriya una aqoonsadaan inuu yahay Isbahaysi mucaaaradka ah oo si sharci ah uga jira dalka Siiriya.
Masuuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in haatan la gaaray waqtigii isbahaysiga mucaaradka laga taageeri lahaa dagaalka ay kula jiraan dowlada Siiriya si ay meesha uga saaraan taliska madaxwayne Asad lana siiyo taageero caalami ah oo ay ku jirto gargaar militeri oo suuragal ah.
Isbahaysiga SNC ee lagu soo dhisay magalada Doxa ee xarunta Qadar ee ayaa haatan taageeradii ugu badnayd ka helay inta badan wadamada dunida iyadoo kulankii ugu danbeeyay ee ay wadamada saaxiibka la ah shacabka dalka Siiriya ay ku taageereen Isbahaysigaasi.