Ra,isul waasaare saacid ayaa soo dhameeystiray golihiisa wasiirada
Posted by baarlin xaji on 13/12/2012
Shirka maanta ay yeesheen wasiirrada Soomaaliya oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan wasiiradda Soomaaliya waxaana intii uu socday kulanka looga dhawaaqay dhismaha wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha.
Extended News
yimaadeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa loogu dhawaaqay wasiirro ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya.
Kulanka maanta ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo uu shir guddoomiyayay R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu dhameystiray dhismaha xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya.
Shirka maanta ay yeesheen wasiirrada Soomaaliya oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan wasiiradda Soomaaliya waxaana intii uu socday kulanka looga dhawaaqay dhismaha wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha.
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay 20 wasiir ku xigeen iyo shan wasiiru dowleyaal.
SII AQRI MAGACYADA
1-Cabdi Farax sheekh C/qadir W/dowladaha madaxtooyada
2-Dr Maxamed Nuur Gacal W/dowlaha arrimaha dibada
3-Mahdi Maxamuud Cali W/dowlaha arrimaha gudaha
4-Maxamed Rashiid Sheekh Daahir W/Dowlaha Maaliyada
5-Maxamuud Ismaaciil Barqadle W/Dowlaha Horumarinta Iyo Adeega Bulshada
Magacyada 20ka Wasiir kuxigeen
1-Eng maxamed Aadan Axmed W/kuxigenka arrimaha Dibada
2 Jamaal Axmed Barrow W/ ku xigeebka arrimaha dibada
3 Xasan Ibraahim Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha
4 Jaamac Axmed Maxamed W/ku xigen arrimaha gudaha
5 Maxamed Xasan Aadan W/ku xigen maaliyada
6 Abuukar Xasan Cali W/ku xigen maaliyada
7 Bashiir Maxamed jaamac W/ ku xigeenka horumarinta
8 Maxamuud Macalin Yaxye W/ku xigeenka hormarinta
9 Fahmo Axmed Nuur W/ku xigen cadaalada
10 Xasan Maxamed Jimcaale W/ku xigeenka cadalada
11 Nadiifo Maxamed Cusmaan W/ku xigeenka howlaha guud
12 Cali Shekh Maxamed W/ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiika
13 Siciido Xasan Cusmaan W/ku xigeenka Qeyraadka
14 C/raxmaan Maxamed Geedi W/ku xigeenka Qeyraadka
15 Axmed Maxamed Maxamuud W/ku xigeenka gaashaandhiga.
16 C/raxman kulmiye Xirsi W/ku xigeenka Gaasgaandhiga
17 C/qadir Sheekh Ismaacil W/ ku xigeenka Ganacsiga
18 Maxamed Cali Xagaa W/ku xigeenka Ganacsiga
19 C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta
20 Ibraahim Isaaq Yaroow wasiir ku xigeenka warfaafinta