Ciidamada militeiga ee dowlada Israel ayaa baaritaano ku sameeyey ilaa iyo sadex xafiis oo ay leeyihiin ururada aan dowliga ahayn ee Falastiiniyiinta ee ku yaala deegaanada
Posted by garaad on 12/12/2012
Ciidamada militeiga ee dowlada Israel ayaa baaritaano ku sameeyey ilaa iyo sadex xafiis oo ay leeyihiin ururada aan dowliga ahayn ee Falastiiniyiinta ee ku yaala deegaanada
Extended News
Ciidamada militeiga ee dowlada Israel ayaa baaritaano ku sameeyey ilaa iyo sadex xafiis oo ay leeyihiin ururada aan dowliga ahayn ee Falastiiniyiinta ee ku yaala deegaanada Daanta galbeed ee dhulka Falastiin.

Madaxa ururka aan dowliga ahayn ee Addameer ayaa sheegay in ciidamada militeriga ee dowlada Israel ay gudaha u soo galeen xafiiskooda magalada Ramallah iyagoo haysan wax ogolaansho ah islamarkaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay xittaa kala furfurayaan Computerada iyo Kaamirooyinka xafiiskaasi yaalay.

Masuulkan ayaa intaasi ku daray in gabi ahaanba ay burburiyeen ciidamada militariga ee dowlada Israel xafiiskooda.

Dhinaca kale, ciidamada militeriga Israel ayaa sheegay in ururada aan dowliga ahayn ee xafiisyada ku leh Danta Galbeed ee dhulka Falastiin lala xiriirinayo dagalyahanada ururka PFLP kaasi oo ay Israel sheegtay inuu yahay urur argagaxiso waa sida ay Israel hadalka u dhigtee.

Afhayeenad u hadashay ciidamada militeriga ee dowlada Israel ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP inay ciidamada Militeriga Israel baaritaan ku sameeyeen xafiisyo faro badan oo ay leeyihiin ciidamada hubaysan ee ururka PFLP ee magalada Ramallah ee dhulka Falastiin .