Magaalada baled weeyn ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa ka socdo horumar xaga ganacsiga iyo bilicda magaalada.
Posted by baarlin xaji on 12/12/2012
Magaalada Beledweyn oo ka mid aheyd meelihii ugu horreeysay ee laga xoreeyay Maleeshiyaadka Shabaab ayaa ka soo kabatay raadadkii xumaa iyo burburkii ay ku reebeen Shabaab.


Extended News


Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga dareemayaa horumar dhinacyo kala duwan leh.

Magaalada Beledweyn oo ka mid aheyd meelihii ugu horreeysay ee laga xoreeyay Maleeshiyaadka Shabaab ayaa ka soo kabatay raadadkii xumaa iyo burburkii ay ku reebeen Shabaab, iyadoo dib loo howlgeliyay adeegyadii bulshada sida Cisbitaalada, dugsiyada waxbarashada heerarkooda kala duwan, Jaamacadihi iyo sidoo kale adeegyadii korontada iyo biyaha.

Sidoo kale waxaa sare u kacay dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaaladaasi, iyadoo ay si wanaagsan usoo camirmeen suuqyada magaalada iyo carwooyinka lagu iibiyo dharka, uduga iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaana intaa sii dheer bilicdii Magaalada oo dib u soo laabatay, kadib markii olole nadaafadeed laga fuliyay, taasna waxey sababtay in magaaladu ay sii fiddo, iyadoo lagu soo kordhiyay dhismooyin farabadan.

Hadda magaalada Beledweyn waxaa ku sugan Fanaaniin Soomaaliyeed oo ka timid dibadda, kuwaas oo dadka reer Beledweyne ugu talagalay heeso iyo suugaan kala duwan oo ka tarjiumeysa qiimaha nabada iyo wadajirka ay leedahay, waxeyna fanaaniintaasi ay ku faraxsanyihiin horumarka dhinacyada badan ee ka muuqda Beledweyn.

Magaalada Beledweyn ayaa sidoo kale waxa ay ka soo kabaneysaa raadadkii ay ku reebeen fatahaadii dhawaan ka dhacday magaaladaasi, iyadoo dadka magaaladaasi oo aan u kala harin maamul iyo dadweynaba ay si wadajir ah uga qeybqaateen nadaafadda magaalada, taas oo tusaale cad u ah sida ay u sareeyso muraalka shacabka ku nool magaaladaasi, kuwaas oo muddo Sadex sano ah maleeshiyaadka Shabaab ku hayeen dullinimo, ihaano iyo carburin joogta ah, tiiyoo ay sii dheertahay hanjabaad iyo xadgudubyo ay ka mid ahaayeen gowrac dil iyo adimo goyn ay ku hayeen shacabkaasi.

Ammaanka magaalada ayaa noqday mid la isku haleynkaro waxeyna taasi ku timid howlagalo joogta ah oo ay halkaasi ka sameeyaan ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa walaalaha Jabuuti, iyo shacabka oo soo fahmay qiimaha nabada iyagoo ciidamada kala shaqeeya sugida amniga guud ee magaalada Beledweyn.