Raisul wasaarihii Dalka Mali oo Xabsiga ladhigay kadib markii uu iska Casilay Jagadii uu ka h.........
Posted by garaad on 11/12/2012
Raisul wasaarihii dalka Mali Cheick Modibo Diarra ayaa maanta is casilay kadib saacado uu u xirnaa ciidadamada Militeriga Mali.
Extended News
Raisul wasaarihii dalka Mali Cheick Modibo Diarra ayaa maanta is casilay kadib saacado uu u xirnaa ciidadamada Militeriga Mali.
Maanta oo ay taariiqdu tahay 11 December sanadka 2012 ka ayaan iska casilayaa xilkii Raisul wasaarinimo ee dowlada Mali ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Mr Diarra oo uu soo bandhigay Telefeshinka Qaranka Mali isagoo u muuqday Nin argagaxsan.
Warka ku saabsan is casilaada Mr Diarra ayaa yimid kadib saacado uu u xirnaa ciidamada Militeriga ee dowlada Mali oo iyagu xiray saaka xili uu doonayay inuu dalka Mali uga ambabaxo magalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.
Ciidamada militeriga Mali ayaa xabsiga dhigay raisul wasaarihii dalka Mali Cheik Mobido Diarra kadib markii uu isku dayay inuu dalka ka baxo isagoo doonayay inuu u socdaalo Faransiiska sida ay sheegayaan saraakiisha Militeriga wadankaasi.
Afhayeen u hadlay ciidamada militeriga Mali ayaa sheegay in Diarra looga shakiyay inuu isku dayayay qorshaha ah inuu qatar galinayo tilaabooyinka wada hadal siyaasadeed ee loo qaadayo dhinaca dimoqraadiga.
Xariga Raisul wasaare Diarra ayaa ka danbeeyay kadib markii uu amarkaasi bixiyay hogaamiyaha ciidamada militeriga ee dalka Mali Captain Amadou Sanogo oo ah hogaamiyaha ciidamada militeriga ee dalka Mali afganbiga ku qabsaday.