Daawo.. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo Qabsaday Degmo Cusub iyo Gawaarida Huganta ah oo kusii siqeeyso.
Posted by garaad on 10/12/2012
Degmada Warsheekh oo 70Km u jirta magaalada Muqdisho ayaa saakay aroornimadii hore markii ay galeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM




Extended News
Cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay galay degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, kuwaasi oo degmada ka galay wadada dheer ee soo gasha magaalada Muqdisho.

Degmada Warsheekh oo 70Km u jirta magaalada Muqdisho ayaa saakay aroornimadii hore markii ay galeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gawaarida gaashaaman iyo guutooyin dhowr ah waxay la kulmeen dadka ku nool deg. Warsheekh.


Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kulan la yeeshay Sheekh Qaasim Sh. C/raxmaan Ow Cumar, iyagoona ka wadahadlay xaaladda guud ee degmadaasi iyo qaabka loo wajahayo isbedelka ka dhacay oo iminka gacanta Dowladda soo gashay.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deg. Warsheekh ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ay isaga baxeen difaacyadii ay ku lahaayeen guud ahaan degmada Warsheekh iyo degaanada ku dhow dhow.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in maleeshiyaad firxad ah ay u baxsadeen dhinaca degmooyin ay ka mid tahay degmada Raageceelle oo ay ku sugan yihiin ajaanib iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo iminka qorsheynaya halkaasi ay u baxsan lahaayeen.