War deg deg ah Dil aargoosi ah oo Goordhow ka Dhacay Magaalada Lagu Magacaabo ...............
Posted by garaad on 10/12/2012

Wararka iminka naga soo gaaraya Magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas goordhow uu ka dhacay dil Nin.


Extended News
Wararka iminka naga soo gaaraya Magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas goordhow uu ka dhacay dil Nin.


Arintan dilka ah ayaa waxaa loo gaystay nin rayid ah iyadoona ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii ka danbeeyay falkaas dilka ah.

Goobjooge ayaa soo sheegaya in Marxuumka dhintay oo lagu magacaabayay Cali Mahdi ay murmeen Ninka dilka gaystay kadibna uu dilay.

“Labada Nin waxaa dhexmaray muran dhul ay isku haysteen ah, waxaana mid kamid ah uu dilay Marxuumkan dhintay”ayuu sheegay Wariyaha Madaxa banaan ee kusugan magaalada Caabud-Waaq.
Ciidamada amaanka magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay gcanta ku dhigeen Ninkii dilka gaystay xili uu isku dayay inuu goobta isaga baxsado.


Sidookale falkan dilka ah ee ka dhacay magaalada Caabud-Waaq ayaa ah mid horay in badan ugu Dhaceen Dilal Argoosi ah.