Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan la yeeshay Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga.
Posted by faarax macalin on 07/12/2012
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa balan qaaday in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerida ay siiso Soomaaliya markii uu madaxweyne xasan la kulmayey.

Extended News
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan la yeeshay Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa isla gorfeeyay xaalada wadanka kadib markii madaxweynaha booqasho uu ku tegay shalay magaalada Istambuul ee dalka Turkiga.

Waxyaabihii isla soo qaadeen labada masuul, waxaa ka mid ahaa sidii dowlada Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka wado Soomaaliya.
 
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa balan qaaday in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerida ay siiso Soomaaliya markii uu madaxweyne xasan la kulmayey, waxaana dhinaca kale uu soo dhoweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.
 
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa saxaafada u sheegay in laga wada hadlay xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa, isla markaana Turkiga gacan uga geysan lahaa dib u dhiska ciidamada xooga dalka iyo booliska.
 
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cemil çiçek dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay sidii baarlamaanka Turkiga u hormarin lahaa baarlamaanka soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalka Turkiga siinayo dowladdiisa.
 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, iyadoo magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha Turkiga Abdalla Gul, iyagoo ka wada hadlay sidii labada dal iska kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, tan iyo markii abaarihii ku dhifteen sanadkii hore, waxaana wali Hey’adaha Turkiga ka wadaan Muqdisho howlo sama fal iyagoo hadana doonaya in ay gobolada ku balaariyaan showha ay u hayaan shacabka somaliyeed.