Dhwac iyo dhimasho ayaa ka dhacay magaalada hargeeysa kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada.
Posted by baarlin xaji on 07/12/2012
Dadweynahan gadoodsan ayaa sheegay in la musuqmaasuqay codkoodii, isla markaana lagaga shubtay.
Extended News
Hal qof ayaa ku dhintay, ilaa lix qofna way ku dhaawacmeen rabshado xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ka dib markii lagu dhowaaqay natiijadii doorashadda golaha deegaanka ee magaaladda Hargeysa sida ay noo xaqiijiyeen hawl-wadeenadda caafimaadka ee Adna Cisbitaal oo la dhigay dhawaacyo.
Dadweyne farabadan oo ka cadhaysan natiijadii lagu dhawaaqay ayaa iskugu soo baxay degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa, taasina waxay keentay in ciidanka iyo dadkaasi isku dhacaan, ka dibna uu ciidanku rasaas ku furay dadkii mudaharaadka samaynayey, taasina ay keentay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi ayaa lagu dawaynayaaa cisbitaalka Adna ee magaaladda Hargeysa, waxaana xalay galin hore lagu kala rawaxay magaaladda, iyagoo laga baqayo in rabshaduhu usoo durkaan badhtamaha magaaladda Hargeysa.
Dadweynahan gadoodsan ayaa sheegay in la musuqmaasuqay codkoodii, isla markaana lagaga shubtay, sidaa darteed aanay ogolayn codadka uu komishanku ku dhawaaqeen.
Si kastaba ha ahaaatee, xaaladdda meelihii xalay rabshaduhu ka dhaceen ayaa degan, ilaa haddana lama sheegin khasaaraha ciidanka ka soo gaadhay iska hor imaadkaasi.