Madaxa Qaramada Midoobay oo Daboolka ka Qaaday in Al-Qaa段dada dalka Mali ay caawinaad ka helaan Al-shabaabka Soomaaliya.
Posted by garaad on 05/12/2012
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki moon ayaa sheegay in dagaalyanahada Al-Qaa段dada dalka Mali ay caawinaad ka helaan shabaabka
Extended News
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki moon ayaa sheegay in dagaalyanahada Al-Qaa段dada dalka Mali ay caawinaad ka helaan shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
Banki moon ayaa waxa uu cadeeyay in Al-Qaa段dada ka dagaalanto dalka Maali ay yihiin kuwo muddooyinkii ugu danbeeyay soo jiidanayay indhaha beesha caalamka waxa uuna intaasi ku daray in awooda Malitari ay ka helaan ururweynaha Al-Qaa段da gaar ahaan AL-Shabaab.
鉄ababta ay u sii kordheyso qatarta ama awooda dagaalyahanada Al-Qaa段dada Mali waa helitaanka taageero kaga imaaneyso Al-Qaa段dada caalamka iyo kuwa Africa oo tusaalo loo soo qaadan karo Al-Shabaab蚤yuu yiri. Banki Moon.
Waxa uuna hadalkiisa uu intaasi ku daray Banki moon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay yihiin kuwo wali awood ku leh gayiga Soomaaliya balse uu sheegay in inta badan laga saaray dalka Soomaaliya oo markaan ay beegsadeen dhulalka howdka.isagoona tibaaxay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo ajaanib ay u talaabeen dalka Mali si ay kaga bar bar dagaalamaan dagaalyahanada dalka Mali oo uu sheegay in Qatar ba誕n ay ku hayaan islamarkaana ay carqalad ku yihiin guud ahaan ammaanka dalka Maali sida uu sheegay.
Banki moon oo ka hadlayay xaalada dalka Maali ayaa waxa uu soo qaaday xiriirka ka dhaxeeya Al-Qa段da Mali iyo kuwa Soomaaliya ee Al-Shabaab,waxa uuna hoosta ka xariiqay Mr Ban in Al-Shabaab ay dhankooda ay taageeraan dad ajaanib ah oo u kala dhashay wadamo badan oo reer galbeedka iyo Africaba ka tirsan oo ka bar bar dagaalama.
Ugu danbeyntii Banki moon oo inta badan hadalkiisa taabanayay dhinacyo badan ayaa ugu danbeyntii waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in laga hortago qatarta Al-Shabaab, iyo dagaalyahanada dalka Maali oo wali ku sii fidiya qeybo ka mid ah dalka Maali.