Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
Posted by garaad on 04/12/2012
Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku aaday Turkiga ku wehlinaya xubno katirsan golaha wasiirada oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibada
Extended News
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa goordhowka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda dalka Turkiga.

Sh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku aaday Turkiga ku wehlinaya xubno katirsan golaha wasiirada oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibada,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya.

Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa saxaafada usheegtay in ay casuumaad rasmi ah ka heleen xukumada Turkiga ayna halkaas wadahadalo kula yeelan doonaan “Waxaa Madaxweynaha dowlada uu ka helay walaalaheena Turkiga casuumaad rasmi ah, waxaan kala hadli doonaa arimo badan oo ay kamid yihiin xariirka labada dal iyo qodobo kale’ayay sheegtay Wasiirada Arimaha dibadda Soomaaliya.

Sidookale Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona mudo dhowr maalin ah isagoo kadibna gaari doona dalal kale oo Afrika kuyaal sida dalka Kenya.