Toogasho ka dhacday Magaalada Baydhabo oo uu ku dhintay Sarkaal Sida warbaahinada ay ku sheegeen ..........
Posted by garaad on 04/12/2012
Sargaalka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Liboow Maxamed Aadan ayaa la toogtay xili uu Daawanayya Ciyaar kubada Cagta ah oo lagu ciyaarayay mid kamid ah Garoomada Byadhabo halkaasna ay buuxeen dadweyne fara badan.
Extended News
Kooxo Hubeesan aan heebtooda la garan ayaa galabta garoon kubada Xagta lagu ciyaaro oo kuyaala Magaalada Baydhabo waxa ay ku toogteen Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Sargaalka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Liboow Maxamed Aadan ayaa la toogtay xili uu Daawanayya Ciyaar kubada Cagta ah oo lagu ciyaarayay mid kamid ah Garoomada Byadhabo halkaasna ay buuxeen dadweyne fara badan.
Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaana sargaalkan si gaadmo ah dhoor xabad ku dhuftay xili uu Ciyaaarta daawashadeeda ku mashquulsnaa iyagoona xiligaasi kadib kooxihii dilka geestay ay goobta ka baxsadeen.
Waxaana lagu kala yaacay mar qura garoonkii lagu ciyaarayay kubada iyadoona ay halkaasi soo gaareen Ciidamo katirsan Dowlada oo sameeyay baaritaano aan natiijadooda wali la shaacin.
Dilalka loo geesanayo saraakiisha iyo Ciidamada katirsan Dowlada ayaa maalmahan kusoo badanaya Magaalada Baydhabo iyadoona arintaan ay kusoo aadeyso xili xalay ay Xabsiga Magaalada Byadhabo ka baxsadeen Rga la tuhmayo imn AL-Shabaab yihiin oo xabsigaasi ku xirnaa