Weeraro ka dhacay tuulada Qalimoow oo ay is weydaarsadeen Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Shabaab.......
Posted by garaad on 04/12/2012
Wararka naga soogaaraya Tuulada Qalimoow ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ururka Alshabaab Tuulada qalimoow



Extended News
Wararka naga soogaaraya Tuulada Qalimoow ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaal dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ururka Alshabaab Tuulada qalimoow

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Alshabaab ay weerarka kusoo qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo dhawaan ay ka saareen Alshabaab.

Saraakiil ka ka tirsan Dowlada oo la hadlay saxaafada ayaa waxay sheegeen in Alshabaab ay ka dileen askar badan kuwaasi oo ka mid ah kuwii weerarka kusoo qaaday deegaanka.

Waxaa kale oo ay sheegeen in dhankooda aysan soo gaarin wax dhibaato ah maadaama weerarka lagu soo qaaaday,sida u sheegeen saraakiishaan alshabaab ayaa dhankooda aysan ka hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.