Banaanbax Balaaran ayaa kasocdo Magaalada Muqdisho kaasoo Lagu Taageerayo Qaadista Isbaarooyinka Yaalay Gudaha Muqdisho....
Posted by camaloow on 03/12/2012
Banaanbax Lagu Taageerayo Qaadista Isbaarooyinka Yaalay Gudaha Muqdisho oo Saaka Ka dhacay Muqdisho

Extended News

Banaanbax Lagu taageerayo talaabooyinkii ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ku qaadeen Isbaarooyinka ayaa ka dhacay saakay Magaalada Muqdisho, ayadoo banaanbaxaasina ay ka qeybgalayaan dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale Afhayeenka maamulka G/Banaadir mudane Mxamed Yuusuf ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dabadbaxaasi oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka uu ka soconayo magaalada, iyadoo dibadbaxayaashu ay isugu soo uruuridoonaan garoonka Baasketka Luujino ee Degmada C/casiis.
Ms, Yuusuf ayaa intaa ku daray in dadweynaha dibadbaxaya ay la hadli doonaan madaxda sare ee dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka, waxaana la xaqiijiyay ayuu yiri ammaanka magaalada oo waxaa la xiray waddooyinka qaar.
Dibadbaxan ayaa lagu taageeraya go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku manciyay jidgooyooyinka lagu qaado lacagaha sharcidarrada, iyadoo ciidamada qalabka sida iyo mamullada gobollada iyo degmooyinkana ay dhaqan geliyeen amarka madaxweynaha oo ay qaadeen dhamaan jidgooyooyinkaasi.