Hogaamiyeyaashii ka cararay 1967 Dalka Falastiin oo Goordhow dib ugu soo laaban doono Dalka Falastiin,
Posted by camaloow on 03/12/2012
Hogaamiyaha Xamaas ee dhinaca siyaasada Khaled Mashcal ayaa tagi doona Todobaadka soo socda Qaza asagoo ka tagi doona magalaada Qaahira si ..
Extended News
Madaxa siyaasada u qaabilsan ururka Xamaas ee gacanta ku haya magalada Qaza ee dhulka falastiin Khaaled Mashcal oo musaafuris ahaan uga maqnaa dhulka Falastiin tan iyo sanadkii 1967 kii ayaa la sheegayaa inuu booqasho heer sare ah uu ku tagi doono magalada Qaza ee dhulka Falastiin.
Hogaamiyaha Xamaas ee dhinaca siyaasada Khaled Mashcal ayaa tagi doona Todobaadka soo socda Qaza asagoo ka tagi doona magalaada Qaahira si uu uga qayb galo sanad guuradii 25 ee ka soo wareegatay markii la asaasay ururka Xamaas ee gacanta ku haya magaalada Qaza.

Khaled Mashcal ayaa dhinaca kale ugu hambalyeen doona shacabka dalka Falastiin gaar ahaan reer Qaza dagaalkii ay la galeen ciidamada Israel.
Khaaled Meshcaal ayaa sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay isla markaasina uu ku faanayo inuu dib ugu laaban doono magaalada Qaza ee dhulka Falastiin.
Khaaled Meshcaal madaxa siyaasada ururka Xamaas ayaa isagu ka badbaaday sanadkii 1997 kii weerar qaarajin ah oo ay Israel la doonaysay inay ku disho xili uu ku sugnaa wadanka Jordan isagoo waxii xiligaasi ka danbeeyayna uu ku sugnaa wadanka Siiriya waxaana sidoo kale markii uu dalka Siiriya ka bilowday dagaalka sokeeye uu u waregay dalka Qadar.