Ciidamo ka tirsan amisom qaybta uganda oo la sheegay in qaar ka mid ah dalka dolkooda lagu celinayo maadaama ay ciidamada gaareen heerkii loogu talagalay.
Posted by samatalis sheekh adam on 10/08/2012
Warkan oo lagu daabacay wargeyska dalka Uganda ee The New Vision ayaa waxaa uu intaa ku daray in taliyaha ciidamada dalka Uganda uu sheegay in dhimista ciidamada Uganda ay timid kadib................
Extended News
Ururka Midowga Afrika ayaa amray in dib loogu celiyo wadankooda ciidamo gaaraya 600 askari oo ka socda dalka Uganda kadib markii ay ka bateen ciidamadii hore loogu qorsheeyey Uganda inay keento dalka Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada dhulka ee UPDF Lt.Gen katumba Wamala ayaa u sheegay guddiga difaaca ee baarlamaanka Uganda khamiistii in amarkan ay soo gaarsiiyeen Midowga Afrika kaasoo ah in ciidamada Uganda ay ka bateen kuwii hore loogu talogalay inay keento Soomaaliya.
“AU ayaa bishii July nagu wargelisey in aan ciidamo dheeraad ah geynay Soomaaliya sidaa awgeedna aan 600 dib u celino. Ciidamadaasna dhowaan ayay Uganda ku soo noqon doonaan, qaar kamid ahna waxay noqonayaan ciidamadii ugu dambeeyey ee la geeyay Somalia.” ayuu yiri taliyaha waxana uu sii raaciyey “Haddii aad nagu aragtaan in aanan ciidamo horleh direynin waxaan qaadanay tababar ee fadlan ogaada sababta.”
Sida laga soo xigtey General Katumba Uganda ayaa waxaa ay illaa iyo hadda geysey Soomaaliya ciidamo gaaraya 6,332. Waxana uu Generalku sharxay in Midowga Afrika uu oggolaaday in guud ahaan ciidamo gaaraya 17,730 oo askari oo wadamobadanka socda la geeyo dalka Soomaaliya.
Warkan oo lagu daabacay wargeyska dalka Uganda ee The New Vision ayaa waxaa uu intaa ku daray in taliyaha ciidamada dalka Uganda uu sheegay in dhimista ciidamada Uganda ay timid kadib markii ciidamo ka socda dalka Kenya iyo Sierra Leone ay soo gaareen dalka Soomaaliya.
Gen Katumba iyo saraakiil kale oo uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Uganda Maj.Gen Jeje Odong ayaa horyimid guddiga daafaca Baarlamanka si ay u difaacaan miisaaniyada wasaarada gaashaandhigga.
Kulankan ayaa intii uu socday ayaa guddoomiyah guddiga difaaca ee baarlamanka Uganda Milton Muwuma waxa uu weydiiyey saraakiisha inay faahfaahin ka bixiyaan xaalada ka jirta dalka Soomaaliya.
“Waxaa na soo gaaraya cabashooyin ka imanaya ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga kuwaas oo sheegaya in qeyb ka mid ah lacagahoodii laga jaray, iyadoo weliba ay qabanayaan howlo adag. Maxay tahay waxa wasaaraddu ay ku samaynayso lacagtaas?”ayuu Yiri Muwuma.