War deg deg ah:Ciidamada XDS iyo kuwo Amisom ayaa saaka la wareegay garoonki diyaaradaha Lambar 50 iyo deegaanno ballaaraan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Posted by faarax macalin on 04/08/2012
Gen. Gacma dullo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka intiisa kale.
Extended News
Ciidamada XDS iyo kuwo Amisom ayaa saaka la wareegay garoonki diyaaradaha Lambar 50 iyo deegaanno ballaaraan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha guud ee howlgallada ciidamada XDS ahna Afhayeenka ciidamada Gen. Cali Caraaye Cosoble ‘Gacma dullo’ ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay saaka si buuxda ula wareegeen deegaannada Muuri, garoonki diyaaradaha Lambar 50, Saliini, ilaa Lambar 60, kadib markii ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa Amisom ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Laanta buuro oo ay hore ula wareegeen ciidamadu.
‘’ Ma jirto wax qasaare ah oo howlgalkii saaka ka soo gaaray ciidamada XDS iyo kuwa Amisom sababtoo ah ciidamadu lama kulmin wax iska caabbin ah dhowr canug ayaan meelaha qaar ugu tagnay, iyagiina wey iska carareen, haatanna ciidamadu waxey isku fidiyeen deegaannadaasi iyagoo baaritaanno ka wada qorshuhuna wuxuu yahay in ay sii socdaan’’ ayuu yiri Gen Gacma dullo.
Gen. Gacma dullo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka intiisa kale, isagoo intaa ku daaray in howlgalkii saaka ay gacan weyn ka geysteen shacabka ku nool deegaannadaasi oo uu sheegay in ay ciidamada ula shaqeeyeen si wanaagsan oo ay ku jirto waddaniyad iyo geesinimo
Ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ee howgallada lagu sifeynayo Alqaacidda ka wada gobolkaasi ayaa la wareegay inta badan deegaannada gobolkaasi, iyadoo horumarkaasina ay si weyn usoo dhaweeyeen dadweynaha ku nool gobolka oo iyagu qaati ka taagan dhibaatada ay ku hayaan kooxda Alqaacidda.