Madax weeyne sh shariif sheeq axmed oo siyaasiinta qaar war ay sheegeen ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn.
Posted by baarlin xaji on 23/07/2012
Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wax walba ay ku qabsoomi doonaan waqtigi loogu talagalay.





Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay eedeymo ay siyaasiyiinta qaar u jeediyeen saxiixayaasha Road-Mapka ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu rajo ka muujiyey in waqtiga kooban ee dowladda u haray in lagu dhameystiro howlaha ka harsan marxaladda kala guurka ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ugu horreyn guul ku tilmaamay in siyaasiyiinta Soomaaliya gaaraan heshiis buuxa taasna ay horseedday in Dastuurka cusub uu dalku yeesho waxaana uu dhanka kale Madaxweynaha Rajo ka muujiyey in muddada yaree dowladda u hartay lagu dhameeyo howlaha Dowladda horyaalla.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay in saxiixayaasha Rood-Mapka ay ku tagri faleen marxaaladda kala guurka ah sida looga gudbaayo, isagoo tilmaamay in wax wanaagsan ay ummadda u horseedeen.

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wax walba ay ku qabsoomi doonaan waqtigi loogu talagalay isagoo meesha ka saaray ineysan u muuqan wax dib u dhac ah.

Ugu dambayn madaxweyne Sh. Shariif ayaa bulshada ku boorriyay in ay ku fara adeygaan dowladnimada isagoo tilmaamay in dhibaatadii la soo maray looga bixi karo in la helo dowlada hagaagsan oo caddaalad ah